Home         

                               Qandala Warsidaha

 

 


REER LAAS CAANOOD OO BANAAN BAX KA SAMEEYAY GO'AAMADA PUNTLAND IYO SOMALINLAND.

by sahan (Login Qandala)
Forum Owner

 
Sahan Laascaanod.
29 Abriil, Axad.

Banaanbax aan aad u waynayn laakiin dad badani ka soo qayb galay oo lagaga soo hor jeedo go’aamo siyaasadeed oo Xukuumadaha Puntland iyo Somaliland ay dhawaan ka soo saareen Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa Axaddii 29kii Bishan ka dhacay bartamaha magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Banaan baxan oo ay wad jir u soo abaabuleen labo kooxood oo dhalin yaro ah oo midi la baxday Darwiishland tankalana Real USP ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin sida ay uga soo hor jeedaan go’aan ka Soomaaliland ee ku aadan Doorashada Dastuurkooda iyo maamul xumada Puntland , hal ku dhigyadoodana waxaa ka mid ahaa “ma nihin Soomaaliland, doonimayno Maamul xumada Puntland waxaan nahay, Darwiishland waxaan nahay Real USP waxaan sugaynaa soomaali wayn”.

Cabdirisaaq Jamaac Cabdi bile oo sheegay inuu yahay afhayeen ka Garaadad iyo Cuqaasha Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo ka mid ahaa dadkii fagaarahaas ka hadlay ayaa yiri “ ergadii reer Sool ee 1997 ka qayb gashay shirkii Hargaysa ee Cigaal lagu doortay ayaa ka mid ahaa calanka iyo dastuurka Soomaalilandna waxaan diidnay nagoo joogna Hargaysa maantana yeelimayno magaca Soomaaliland waa nalakula dagaalamay Caynaba iyo Ceerigaababa waa la haystaa maantana codbaa nalooga rabaa taasi ma suuro gali doonto”.

Cabdirisaaq maruu ka hadlayey dhinaca Puntland waxa uu yiri “ dadka Puntland waxaanu nahay dad walaalah , Dawlad Goboleedka Puntlandna waxbaanu ka dhisanay balse madaxdii loo dhiibay waxay dhaleen waxaan ahayn wixii loo dirsaday, wixii laga filayeyna waxba kamay qaban.

Marka aad eegto Magaalada Laascaanop xiisaddu waa mid aad isusii taraysa, si wayna loo gu diidan yahay Maamulka Soomaaliland, mana muuqatao inay farsamada Cigaal ee Wasiiro Cayrintu ay wax ka tarayso xiisaddan sii huraysa. Cigaal wax uu dhawaantan xilkii Wasiirnimada ka xayuubiyey Wasiirkii ruugcadaaga ahaa ee u fadhin jiray arimaha dibada Maxamed Saalax Nuur (fagare), waxuuna ku badalay Cabdixamiid oo ay Garaad Cabdiqani garaad jaamac dhinac walaalo ka yihiin, wuxuu isagana cagta cayro u saaray xeel dheerihii Xaashi Sooyaan waxaana uu ku badalay inan dhawr iyo sodon jir ah oo horay u ahaan jiray tabtan ciidamada ah oo la yiraahdo Salaybaan Yusuf Cali Koore.

Islamarkaas Salaybaan waxa ay qaraabo isku xayndaab ah yihiin dhawr ka mid ah Salaadiinta reer Sool, waxayna walaala yihiin Agaasimaha guud ee Dekadaha Puntland, waxayna arintani u muuqataa in uu Cigaal ciyaarayo kaarkiisii ugu dambeeyey ee khamaarka dhoola tuska Soomaaliland.



    
This message has been edited by Qandala from IP address 212.139.3.132 on May 13, 2001 1:50 AM
This message has been edited by Qandala from IP address 212.139.3.131 on May 13, 2001 1:48 AM



Posted on May 1, 2001, 12:08 PM
from IP address 61.11.247.49


Respond to this message

Return to Index

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement