Home         

                               Qandala Warsidaha

 

 


BAYAAN KASOO BAXAY JAALIYADA CALI SALEEBAAN EE NAIROBI..

by (Login Qandala)
Forum Owner

 
JAALIYADA CALI SALEEBAAN EE NAIROBI

Thursday, May 03, 2001




UJEEDO;-BEENAYN BAYAAN KU SHEEG




Kadib markii 01-May-01 waraaqo lagu tilmaamay in ay ka soo bexeen jaaliyada Cali Saleebaan ee Nairobi lagu shaaciyay magaalada Nairobi waraaqahaas oo ahaa kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn,ayaa jaaliyadu shir deg deg ah oo ay ka yeelatay waxay u xilsaartay arintaas gudi baaritaan ku soo sameeya bayaan ku sheegaas fool xumada huwan,mudo laba maalmood ah oo ay gudigaasi hawl baaritaan ah wadeen kadib ayey soo hor dhigeen warbixintoodii iyagoo cadayn rasmiya keenay, beeshuna markii ay dhagaysatay warbixintaas ayey soo saartay bayaankaan hoos ku qoran

1. In uusan kasoo bixin bayaan ku sheegaasi beesha cali saleebaan,
A.In ay ka dameeyeen bayaan ku sheegaas shaqsiyaad ku caan baxay
isku holcinta beelaha walaalaha ah ee reer puntland,
B.Beesha cali saleebaan waxay canbaarayn u soo jeedineysaa
shaqsiyaadkii ka danbeeyay bayaan ku sheegaas iyadoo balan
qaadaysa in haddii ay ka soo noqon waayaan falkaas aan
magacyadooda usoo bandhigi doono beelaha walaalaha ah ee
puntland sharcigana lala tiigsan doono,
C.Beesha cidina kuma hadli karto kumana qaraaban karto mageceeda
mawqifkeeduna wuu cad yahay,
D. Beeshu iyada ayaa isku kalsoon wixii ay ka tabanayso beelaha
walaaleheed ah ee Puntland waxay aaminsantahay in ay wadahadal
iyo walaalnimo ay ku doonato sidii horay looga bartay,
E.Beeshu waxay aaminsantahay in Boosaaso ay tahay Xarun
Soomaaliyeed oo aan cidna laga sheegan karin looguna goodiyi karin,



HADDABA Beesha cali saleebaan oo ah beelaha hormuudka nabadeed ee puntland iyo soomaaliyaba waxay ugu baaqaysaa beelaha walaalaha ah ee reer puntland in ay iska kaashadaan dadka wax magaratada ah ee caadaystay falalka warxumo tashiilnimada ah ee wax u dhimaya nabad gelyada iyo jiritaanka reer puntland


waxaa saxiixay

1-xaaji cali dalmar
2-xaaji saciid luga baxsi
3-xaaji cabdi jaamac af-ballaar
4-xaaji saciid sh maxamed
5-xaaji muuse gees-diir
6-cismaan axmed kunturwaarey
7-maxamuud maxamed xildiid
8-maxamuud muumin kurdish
9-garaad maxamed barre
10-maxamed cartan cali
11-Dr:maxamed maxamuud gurun-gur
12-ING:maxamed shiikh c/raxmaan
13-col:maxamed cumar (fartaag)
14-shiikh saciid ilkacase
15-shiikh maxamed cismaan
16-abwaan yuusuf maxamed


wabillaahi towfiiq:




Posted on May 3, 2001, 8:38 PM
from IP address 61.11.247.49


Respond to this message

Return to Index

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement