Isimadii Gobolka Mudug ee ku hawlnayaa nabadaynta Beelihii dhawaaantan dhibku ku kala gaaray halkaas ayaa soo saaray g’aan ay u dhan yihiin todobaadkii hore.
Go’aankaas oo ay ku saxiixnaayeen ugu yaraan todoba Isim oo uu ugu horeeyo Islaam Bashiir Islaan Cabdulle, ayna ka mid ahaayeen Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud iyo Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, oo aan sidiisii idiinku soo minguurinay waxa uu u qornaa sidan;
KU: Beesha reer Xirsi.
KU: Beesha reer Mahad.
OG: Waxgaradka Gobolka Mudug.
Annagoo ah Isimahada Gobolka Mudug ee ku jirey heshiisiinta labada beelood ee reer Xirsi iyo reer Mahad, kadib markii ay aqbaleen in ay shareecada Islaamka ku kala baxayaan, islamarkaana ay kalsoonidoodii ku soo wareejiyeen Culimadii hawshaas ku jirtay, culimadu markii ay doodoodii labad reer (waliba dadkii awliyaa diinka ahaa) ay dhageysteen raaceena habka shareecadu ay u qaado Dacwadaha noocaan ah, waxay Culimadu soo saareen Go’aan, kaasoo ahaa marka la soo koobo:
in mursal Togox oo la dilay 17/3/2001 diyadiisii lagy leeyahay beesha reer hixsi, kadib markii ay qof gaar ah u waayeen beesha reer Mahad, islamarkaana la xaqiijiyey in xabado ka soo dhacay dad u badan reer Xirsi uu ninkaasi ku dhintay.
In Cali Maxamed Axmed (Cali Togox) oo ahaa ninkii qirtay in uu dilay Yaasiin Khaliif iyo C/laahi Faarax uu qisaas u yahay ninkii hore ee uu dilay, waa Yaasiin Khaliif. C/laahi faaraxna lagu leeyahay diyadiisii isla Cali Togox.
Kadib markii Culimadu u jeedisay xukumka labada Beelood waxaa Beelkasta ka hadlay Odayaal dhawr ah kuwaas oo sheegay inay aqbaleen xukumkaa ku raali noqdeena shareecada islaamka.
Hadaba markii loo gudbay in ninkii qisaasta ahaa loo sooo wareejiyo dadkii iska lahaa dhiigga Yaasiin Khaliif, ayaa Beesha reer Mahad waxay xabsiga kala bexeen Cali Togox, iyadoo ciidanka Buntilaan gacantooda lagu ogaa ninkaa.
Hadaanu arintaa u fiirsanay waxaanu u aragnay in dadaalkii nabad raadinta ee labada Beelood ay dhabarka jabisay Beesha reer Mahad, arntaas oo dhamaan Isimada Gobolku ka xunyihiin, isla markaana aan ahayn marin suuban.
Waxaan kaloo Beesha reer Xirsi ugu mahad celinaynaa sida wanaagsan ee ay nabada uga soo shaqeeyeen, uguna hogaansameen Isimadooda, waxaana ka codsanaynaa kulana talinayaa inay nabada iyagu ku dadaalaan sii xasiliyaanna.
Posted on May 9, 2001, 6:50 PM from IP address 61.11.247.49