Home         

                               Qandala Warsidaha

 

 


BURCAD LACAG KU DHACDAY MEEL U DHAXAYSA GAALKACAYO IYO GAROOWE IYO DHAAWACYO AY GEYS TEEN...

by garowe (Login Qandala)
Forum Owner

 

wararka ka imaanaya magaalada garowe ee xarunta maamul goboleedka buntland ayaa sheegaya in lacag loo waday magaalada gaalkacayo lagana qaaday garowe ay burcad hubaysani ku dhacday aaga buurtile lacagtaas oo ay lahayd maamulka buntland ayaa la sheegay inay ahayd mushaharooyinkii ciidamada ayaa burcada dhacday lagu tilmaamay inay ahaayeen afar qof oo aad u hubaysan galabnimadii 11 bishaan ayaa ciidamo uu la socdey madaxweynuhu ka bexeen magaalada garowe iyagoo watey 12 toban baabuur oo tikniko ah sababta madaxweynuhu ugu baxay burcadaas ayaa lagu sheegay inay ahayd nimanka burcada ah oo ay isku jufo ahaayeen madax weynaha wararku waxay waxay intaaas ku darayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal qaraar oo dhex maray burcadii iyo ciidankii ka daba tegey ee madax weynuhu watey iyadoo halkaas laga dhaawacay ciidanka dawlada 4 askari halkaasna ciidanka dawladu ku qabteen 2 ka mid ahaa burcadaas dhaawacii ciidanka dawlada mid kamida oo aad u liitay ayaa loo duuliyay magaalada nairobi halka kuwii kale lagu daweynayo isbitaalada garowe iyo gaalkacayo arintaan burcada ayaa ah mid bilahaan dame kasoo xoogeysanaysa gobolada buntland iyadoo falkaani yahay falkii sadexaad mudo laba bilood gudohood ah,



Posted on May 13, 2001, 4:20 PM
from IP address 61.11.247.49


Respond to this message

Return to Index

Create your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement