JAAMAC CALI JAAMAC IYO WAFDIGIISA OO GAROOWE SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYAY
Sahan Garoowe, 4 June, 2001
Kornayl Jaamac Cali Jaamac oo Musharax u ah madaxweynenimada Buntilaan ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe duhurnimadii isaga oo ay galbinayaan laba baabuur oo gaashaaman oo ah kuwa tiknikada loo yaqaan iyo xayn dhalinyaro ah oo aad u hubaysan.
Jaamac oo dhawrkii maalmood ee tegay magaalada Qardho u joogay shirar iyo wadatashiyo ay lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka beesha Cismaan maxamuud ayaa waxa uu Garoowe soo galay kadib markii uu dhawr saacadood muran la xiriira hubka uu wato isaga iyo dadkii galbinayayba ugu xayirnaayeen inta u dhaxaysa koontaroolka Bari ee magaalada Garoowe iyo tuulada 22-aad loo yaqaan oo qiyaas magaceeda le’ed bari ka xigta magaalada Garoowe.
Sida ay Sahan u sheegeen dad goob joog ah Kornayl Jaamac iyo dad aan yarayn oo Galbinayay ayaa odayaal iyo waxgarad u dhashay degaanka Garoowe oo kaga hor tagey tuuladaas ay isku af garteen in koodxa Jaamac ay hubka dhigaan guriga nin la yiraahdo Yuusuf Canbacanbe oo ka mid ah odayaasha degaanka. Wuxuuna warku intaas ku darayaa in ciidamadii joogay koontaroolka Bari ee magaaladu ay diideen in hubkaasi u gudbo hudaha magaalada, oo uu ku yaalay guriga Canbacanbe, taasoo keentay buuq iyo is maandhaaf ka dhex abuurma kooxdii jaamac, ciidankii Dawladda iyo dad shacab ah oo diidan in magaaladda laga celiyo dad degaanka Buntilaan u dhashay oo aan wax dhib ah wadin, maadaama uusan jirin wax sharci ah oo ka yaal in aan hubka magaalada lala gali Karin.
Sida uu noo sheegay mid ka mid ah odayaashii goob jooga ahaa Jaamac iyo dadkii la socday ayaa waxa ay dib ugu laabteen tuulada laba iyo labaatanaad, si xiisadda wada hadal loogu dhameeyo, buuqana looga fogeeyo magaaladda inta wadahadalku socdo.
waxaana halkaas markii doodii dhamaatay ka soo galbiyay musharax Jaamac iyo intii la socotay wasiirka xannaanada xoolaha Buntilaan Maxamed Xaaji Aadan.
Jaamac oo markii uu soo gaaray gurigii loogu talo galay khudbad uu dadka u jeediyay ayuu Jaamac ku sheegay in uu haatan yahay nin guulaystay, wuxuuna intaas raaciyay in uu sugayo xil
wareejin si hagaagsan u dhacda.
khudbad uu dadka u jeediyay markii uu galay magaalada, waxa kale oo uu Jaamac goobtaas uga mahad celiyay dadka reer Garoowe sidii diiranayd oo ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna dadkii halkaas isugu soo baxay u balan qaaday in marka uu xukunka qabto waxa ugu horeeya ee uu Garoowe ka qaban doono ay noqon doonto garoon diyaaradeed oo caalami ah oo ay Garoowe yeelato.
Gobolada Buntilaan wali ma soo food saarin xaalad siyaasadeed oo noocan oo kale ah, markii ugu khatarta badnaydna waxa ay ahayd markii uu fashilay shirkii qardho oo ay abuurmeen laba garab oo SSDF ah oo ay kala hogaamiyaan Kornayl Cabdullaahi Yuusuf iyo Janaraal Abshir Muuse oo isagu wax kasta ka hormarin jiray nabadda, maantase waxaa dhici karta in haddii xukuumaddu haatan ku tagri fasho in ay mudada kordhisato iyada oo aan wax heshiis ah oo guud la gaarin in Kornaylka cusubna isku magacaabo madaxweyne sharci ah dhisana xukuumad kale oo aan haysan dulqaadkii lagu kala nabadgali jiray ee Janaraal Abshir Muuse.
Sidoo kale Kornayl Cali Baadiye oo la filayay in isaga iyo koox ka tirsan saraakiisha iyo waxgaradka Gobolka Mudug ahi in ay maalmahan soo galaan magaaladda Garoowe si ay wax uga hareereeyaan kornaylka talada haya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Dhanka kalana madaxweyen Cabdullaahi oo aan horay loogu aqoon in uu ka soo boxo dhismaha madaxtooyada si uu dadka xiriir ula sameeyo ayaa waxa uu subaxnimadii imaatinka Jaamac waxa uu socod ku sameeyay meelo badan oo ka mid ah goobaha dadku ku kulmo oo ah Garoowe, isagoo salaan u gudbinayay dadka goobahaas ku sugnaa.
Warsidaha Qandala
Khadar Jacfar
Posted on Jun 5, 2001, 4:29 PM from IP address 61.11.247.49