Puntland waa magac baxay in ka badan 5000 oo sano waxaana bixiyey faraaciintii hore ee reer Masar oo Gobollada Bari ee Soomaaliya la lahaan jiray Ganacsi. Gobolladaan wax horumar ah oo laga qabtay ma jirin muddooyinkii Gumeystayaasha Reer Yurub ay dalka Soomaaliya heysteen iyo intii Dawladnimadu ka jirtay, waxaana loogu yeeri jiray GAARI-WAA (Regioni lontano), (Far Regions).
Nasiib wanaag burburkii dalka ka dhacay 1991-dii ma saameyn Gobollada Puntland markii laga reebo Magaaladda Gaalkacyo, waxaana ka hirgalay horumar dhinacyo badan ah oo bulshadu horseed u tahay iyo nabadgalyo buuxda Fadliga Eebe dartiis. Puntland waxay ku dhextaal bartamaha baddaha Indian Ocean (Red Sea), waxaana dhulkeedu dhan yahay 200,000km˛, dhererka xeebteedu waa 1800km halka uu Soomaaliya oo dhan ka yahay 3333, tirada shacabkuna waxay aheyd 2500,000 19993, wuxuuna u dhigmaa Sadexmeelood oo meel Dalweynaha Soomaaliya, waxaana dhaqaalihiisu ku dhisan yahay Xoolaha nool, Kaluumeysiga, Luubaanta, Ganacsiga, Beeraha IWM, waana dhulka uu xoogga ku leeayahay keydka weyn ee Soomaaliya sida Shidaalka, Macdanta, Dahabka IWM, Waxaana Puntland nolol iyo Nabadgalyo dartood ugu soo cararay, maantana bulshada Puntland ku dhexnool dad lagu qiyaasay 50,000 oo ka soo barakacay Gobollada kale ee Soomaaliya iyo Africa sida Ethiopia, Kenya, Uganda, Zair, Sudan IWM.
Nabadgalyadda Alle ku maneystay Puntland darteed 1998 waxaa laga sameeyey Maamul Goboleed kumeel gaar ah oo ay bulshaddu aliftay loona sameeyey Axdi qoraal ah oo ay ku wada heshiiyeen beelaha iyo Gobollada Puntland inta qaranimaddii Soomaaliya dib loo hananayo. Axdigaasi wuxuu cadeynayaa in Golaha Dawladda oo ka koobnaa Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa, Sagaal Wasiir iyo Golaha Wakiiladda (Baalamaanka) oo ku mudeysna 3 Sano in ay jiritaan beelayaan 29, Bishii Jun , 2001 30-ka Jun-na waxaa la filayey in la dhaarsho lana soo dhaweeyo Dawlad Goboleed Cusub iyo Golihiisii Wakiiladda, tirakoob iyo doorasho rasmi ah ka dib sida uu dhigayo Axdigu. Hase yeeshee taasi ma dhicin waxaana Goloyaashii hore ku heshiiyeen in ay si sharci darro ah u kororsadaan sii joogista Xafiiska iyagoo aammini-waayey shacabkii horey u dootay.
Arrintaasi si xoog leh ayey uga careeysiisay shacabka Puntland una gilgishay, waxayna ka yiraahdeen "Ra'yi xumo waxaa looga tagey Rumi haddey joogto, waa nimaan ku rabin kaana raba inaad u roonaanto". Axdigii 1998-dii ee bulshadda Puntland sameysatay wuxuu qorayaa in haddii Dawladdu aaney diyaarin doorashooyin sabab kasta uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare la wareegayo xilka jagadda Madaxweynaha, uuna muddo bil ah ku diyaarinayo shirweyne mar labaad lagu doorto Dawlad Goboleed. Arrintaasi siddii balantu aheyd ayey u socotaa, waxaan shaqeynaya Xafiiska Sii-Hayaha Xilka Madaxweynaha wuxuuna furnaa ilaa 01/07/2001, wuxuuna qaban-qaabo u galay shirweynihii 2-aad ee Dastuuriga ahaa. Bulshada Puntland xafiiskaas ayaa lala shaqeeyaa, waxaana u horseednay dalka in laga hortago burbur iyo khilaaf bulsho, taasoo kalliftay in loo sheego bulshada inay jiritaan beeleen goloyaashii Maamulka Puntland iyo wakiiladda sida waafaqsan Axdigii 1998 ee beelaha Puntland ku heshiiyeen. Haddii aan sidaas la iclaamiyeen bulshada waxaa ku dhici lahaa jaahwareer, waxaana suuto gal noqon lahaa inay taabo qaadaan ayna afganbiyaan Goloyaasha iskood isu magacaabay, dheereystayna muddo aan sharci aheyn.
Dalka waxaa ka jiray mudaddii C/laahi Yuusuf Xafiiska fadhiyey maamul xumo, heshiiyo qarsoodi ah oo lagu xaalufiyey baddaha laguna boobay khayraadka Dalka, Jagooyinka sarena loo magacaabay xubno aan Karti, Aqoon iyo Hufnaan midnaba lahey, isagoo tixgalin siin jiray dadka daacadda u ah sida Rajiimkii hore ee Burburay.
Sidaa darteed waxaan ku rajo weynahay in la saxo nidaamkii faasadka ahaa, laguna badelo Maamul dadweynuhu raali ka yahay kuna dhisan maqaayiis Mawduuci ah, dadka oo dhamina u siman yihiin in ay u tartamaan kana fogaadaan Qabyaaladda, Eexda, Nin jecleysiga, Maamul xumadda, Qaraabo kiilka IWM.
Waxaa la casumay oo laysugu yeeray iminka Caasumadda oo Garoowe ah ku sugan, shirarna u bilaabanayaan Isimaddii soo jireenka ahaa, dalkana ka talinaayey waligoodba. Waa Isimaddii bud-dhigaha u ahaa dhismihii Dawlad Goboleedka Puntland 1998, haddana waxaa laga filayaa inay ka qaataan doorkooda shariifka ah, iyagoo laga sugayo inay ka talo bixiyaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Murugsan ee hadda ka taagan Puntland si loo dhiso Maamul badela kii hore, lehna sifooyin ka gedisan oo saxa qaladaadkii hore loo galay, waxna ka qabta arrimaha siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga, Arrimaha Bulshada oo aan horey loo eegin IWM.
Odey C/laahi oo 1998-dii shacabka Puntland Caleemo Saareen, aadna u sharfeen, Uguma Hambeyn Sidii Loogu Lisay, waana ka aamin baxay oo garab-dhiibiyey, sharci darona kala horyimi, una hanjabay, waxaana Axdi-inkiraadaasi badday inuu maanta meel cidlo ah ku sugan yahay, ayna ka kala dareereen Ciidamadii iyo badiba xubnihiisii Maamulka, tusaale Golihii Wasiiradda oo 9 ahaa 6 waa hore ayeey iscasileen, ayna caddeyeen inay xushmeynayaan Axdiga, ayna xaqa ku taageerayaan dadweynaha oo ah kuwii ay xilka u hayeen, 3-da kalena ma fadhiyaan ee ka dhaqaaqid bay u taagan yihiin. "Maxaa kaa Lillaahiya Axdigu malaha Laakiine"
QORAALKII HORE MUSHARAXA
LAXIRIIR:
Woqooyiga Ameerika: Mr Guure Ibraahim Uunlaye guure@attcanada.ca
Yurub kala xiriir: Mohamed mxabdullahi@hotmail.com
Soomaaliya laxiriir: Nugaal Times ntimes@brtel.net
Warsidaha Qandala
Khadar Jacfar
Posted on Jul 25, 2001, 10:26 PM from IP address 213.204.139.57