Maanta oo talaada ah, July tahay 24/07/2001, fadhi ay yeesheen Isimadii soo jireenka ahaa ee Puntland ayna ka mid yihiin Islaan Maxamed, Beel-daaje X.C/laahi iyo Garaad C/qani, waxay si rasmi ah isugu raaceen axdigii shacabka Puntland qortay, kuna heshiiyey 1998-dii. Nuxurka taageerada axdiguna waa in la hirgeliyo shirweyne dastuuri ah, oo mar labaad lagu doorto hogaanka Maamul goboleedka Puntland.
Waxaa la rajaynayaa in Isimadu bari subax ay qalinka ku duugaan go'aankaas, iyagoo isku raacay in uu yahay Guddoomiyaha Maxkamada sare sharci lana taageero uuna yahay sii hayaha xilka xafiiska Madaxweynaha Puntland. Waxay kaloo isku raaceen in la qabto shirweyne dastuuri ah.
Waxaa la rajaynayaa saxiixa kadib inay Isimadu la hadli doonaan shacabka, Ciidamada, saraakiisha dowlada iyo saxaafada madaxa banaan si ay ugu bayaaniyaan go'aamadii ay gaareen.
Go'aankii Isimada waxaa soo dhoweeyey inta badan shacabka reer Puntland
>oo dareemay xoriyadu waxay tahay, iyo in qofna uusan qof xoog ku haysan karin, waxayna aad iyo aad ugu hambalyeynayaan Isimadooda sharafta mudan ee gaaray go'aankaan.
Warsidaha Qandala
Khadar Jacfar
Posted on Jul 26, 2001, 10:25 PM from IP address 213.113.16.253