Wararka naga soo gaaraya magaalada Bu'aale ee deegaanka J/dhexe ayaa sheegaya in maanta gelinkii danbe uu dagaal culus halkaas ku dhexmaray Ciidamo ka socda Isbahaysiga Kismaayo haysta iyo DKMG oo dhinac ah iyo Ciidamada Janaraal Moorgan. Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen in ka badan Labaatan Ruux, waxaana ku dhaawacmay in ku dhow Afartameeyo qof.
Sida uu sheegay Afayeen u hadlay Ciidamada Janaraal Moorgan oo jooga degmada Bu'aale oo la soo xiriiray Xarunrta Wararka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ka qabsadeen Ciidamada Isbahaysiga iyo Dowlada KMG ah Gaari Tikniko ah, waxayna halkaas kaga Gubeen dagaalka sida uu sheegay Afayeenkaas Gaari Qabaal ah nooca loo yaqaan Cabdi Bile qori saaran yahay oo uu lahaa Col. Barre Hiiraale.
Ciidamada Janaraal Moorgan oo in mudo ah laga haystay magaalada Kismaayo ayaa waxay abaabul duulaan ugu jiraan si ay mar kale gacantooda ugu soo laaban lahayd degmda Kismaayo iyo deegaanka Jubadda Hoose,iyadoo kooxaha haysta ee Isbahaysigana ay ku adkaysanayaan in ay gacantooda ka bixin deegaanka ay haystaan.
wixii warar ee ka soo kordha dagaalka gadaal ayaan idinkala soo socod siinaynaa Haduu Ilaah Idmo
Xarunta Wararka Soomaaliyeed Boosaaso Puntland
CIIDAMO KA TIRSAN DOWLADA KMG IYO ISBAHAYSIGA KISMAAYO HAYSTA OO DUULAAN KU BEEGSADAY CIIDAMADA JENARAAL MOORAG
Yool
Wararka naga soo gaaraya Degmada Jilib ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan isbahaysiga gacanta ku haya Magaalada Kismaayo oo ay taageerayaan Ciidamo ka tirsan dowlada C/Qaasim ay ka ambabexeen Magaalada Jilib ayna ku sii jeedaan dhinaca Bu’aale ee Gobolka J/dhexe.
Ciidamadaas oo la sheegay in ay ku socdaan Saakow ee Gobolka J/dhexe si ay Duulaan ugu qaadaan Ciidamo uu wato Jen. Morgan oo doonaya in ay dib ugu laabtaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose, oo laga qabsaday 1999-kii.
Ciidamada ka yimid Kismaayo ee Taageersan Dowlada C/Qaasim ayaa la sheegay in ay hoggaamina-yaan Saraakiil uu ka mid yahay Kolanel Barre Hiiraale iyo Laba Sarkaal oo kale oo ka tirsan Maamulka Dowlada KMG ah uuna ka mid yahay Maxamed Aamiin sheekh C/Laahi oo ah Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada ee Dowlada C/Qaasim ,horayna uga mid ahaa Afayeenka Axmed Cumar Jees.
Dhanka kale wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay Ciidamo diyaarinayso Dowlada KMG ah si ay u gacan siiyaan Ciidamada Barre Hiiraale wato, waxayna wararku intaas ku darayaan in dhowaan ay ka ambabixi doonnaan Xeryaha Ciidamada Muqdisho. Magaalada Kismaayo oo laga qabsaday dadkii dagenaa mudo laba sanno laga joogo ayaan ilaa iyo hada ayan wax ka qaban dowlada KMG ah, in ay Taageero Milateri ku sii siyaadiso mooyee Kooxaha haysta. Taasi ayaa khasabtay in ay Dagaal u guntadaan Kooxaha Jenaraal Moorgan ee laga haysto deegaanka Kismaayo
--------------------------------------------------------------------------------
ISIMADDA PUNTLAND OO KU DHAWAAQAYA IN SHIR-WEYNE LA QABAN-QAABIYO.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay Isimadda manta ku dhawaaqayaan Goaankoodii ay maalmahan u fadhiyeen shirka Garoowe uga socday. Wararka qaar ayaa tibaaxaya in la filaayo in ay ku dhawaqaan in la qaban qaabiyo Shir-weyne Qaran oo ay Beelaha Ergadooda soo xushaan.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dhamaan la diyaariyey xalay Qoraalkii kulanka Isimadda laga soo saarayo maanta dabadeedna la shaacin doono, lama hayo ilaa iyo hada side ay wax ku qaban qaabinayaan Isimadda mar hadii ay Go’aansadaan in la qaban qaabiyo Shir-weyne Qaran.
Dhanka kale wararka ka soo baxaya CoL. C/Laahi Yuusuf ayaa sheegaya in uu ka gaabsaday in uu tago shirka Isimadda ee shalay laga filaayey in uu tago, talaabadan oo uu qaatay kadib marii laga codsaday in uu yimaado shirka, ayaa Isimao badan oo shalay iyo Habeen hore u tagey ka careysiisay side uusan dheg jalaq ugu siin Isimadda Codsigooda.
Mid ka mid ah Madaxda Maamulka C/Laahi Yuusuf ayaa sheegay in ay wax weyn u arag Go’aanka Isimadda ay soo saarayaan ee Shir-weynaha ku baaqaya, wuxuuna yiri “arintaas Anaga nooma taal ee waxay ka dhexaysaa Isimadii maandheydka bixiyey iyo kuwa ka soo horjeeda”. Sidaas waxaa yiri Ismaciil Xaaji Warsamwe.
Waxaa horay u jiray ilaa Lixdan Isim oo sixiixday maandheydna sii say Golaha Wakiilada Puntlansd in maamulka C/Laahi Yuusuf xilka loo kordhiyo.
--------------------------------------------------------------------------------
YUUSUF XAAJI NUUR IYO KOOXAHA MUSHARAXIINTA OO KU GUDA JIRA QORAALKA ERGADA SHIR-WEYANAHA
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in durba ay bilaabeen liis qorida Ergada shir-weynaha lagu baaqayo in la qabto. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Yuusuf Xaaji Nuur iyo Kooxaha Musharaxiinta ay isla qorsheeynayaan in ka badan Afar boqol oo Ergay in ay ka qeyb qaataan Doorasho la doonayo in lagu soo xulo Madaxweynaha Puntland.
Ergada ayaa lagu saleeyey Qaab deegaan iyo mid Beeleed side ay cadeeyeen Qaar ka mid ah Musharaxiinta, ilaa iyo hadase ma cada cida xaq u yeelanaysa Ergada in ay soo xusho, waxaana jira Khilaaf xoog leh oo ka taagan Maamulka xilka siyaadsaday iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Deegaanka Puntland waxaa maalmahanba ka taagnaa muran siyaasadeed oo ku saleysan Awooda Maamul Goboleedka Puntland cida gacanta sare ku yeelanaysa.
--------------------------------------------------------------------------------
“Dowlaadda Soomaaliya waxay dadaal ka muujisay siyaasadda dibada, waxaadse moodda in ay ka gaabisay isu soo dumida dadka Soomaaliyeed” C/risaaq Xaaji Xuseen oo is casilay
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ka cudur daartay Guddoomiyenimadii Guddiga Qaran ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Cabdirsaaq waxaa uu BBC-da u sheegay in sababta uu isaga casilay jagadaas ay tahay in waa marka horee lagu gefey waxyaaba uu sheegay in ay isla meel dhigeen isaga iyo Raiisal Wasaaraha dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh.
Jagadan waxaa Cabdirisaaq u magacaawday dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in ay isaga iyo Ra'iisal wasaaruhu isku ogaayeen in ay dowladdu magacawdo Guddoomiyaha oo kaleiya, ka dibna uu guddoomiyuhu magacaabo xubnaha kale ee guddiga. Taa waa lagu xad gudbay ayuu yiri Cabdirisaaq. Midda kale ee iyadana lagu xad gudbay waxay tahay ayuu yiri - ku dhawaaqista Guddiga oo ay ahayd in isagu ku dhawaaqu ayeey dowladdu ku dhawaaqday.
Cabdisaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in uu waraaqdan u diray Cali Khaliif dhowr saacadood ka dibna (Talaada) uu jawaab ka helay uu Galaydh cudur daar ku bixinayay ah in uu dalka ka maqnaa. Cabdirisaaq wuxuu sheegay in aanuu ku qancin waraaqdaas.
Ugu dambayntii Cabdisaaq Xaaji Xuseen oo lixdamaadkii raiisal wasaare ka noqday Soomaaliya, waxaa uu sheegay in uu aamminsn yahay in Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya ay tahay mid ku soo baxday hannaankii dib u heshiineed ee ugu habboonaa tan iyo markii ay dagaallada Soomaaliya billowdeen. Waxaa habboon ayuu yiri in wakhti la siiyo. Inkasta oo ay jiraan dad badan oo ka soo hor jeeda.
“Dowlaadda Soomaaliya waxay dadaal ka muujisay siyaasadda dibada, waxaadse moodda in ay ka gaabisay isu soo dumida dadka Soomaaliyeed” C/risaaq Xaaji Xuseen
--------------------------------------------------------------------------------
HADDUU COL. C/LAAHI QANCI WAAYO, GO’AAMADA ISIMADA MAXAA XIGI DOONA?
W.Q. M.S. Kaashawiito
Waa lama huraan in maskaxda laga shaqeysiiyo, waxaana haboon in marka horeba la is weydiiyo su’aalo badan haddii ay timaado amuur adag oo loo baahan yahay in wax laga qabto sida maanta muranka siyaasadeed ee ka jira geyiga Puntland oo aynu tusaale u soo qaadan karno.
Waxaa muuqata in dad badani ka welwelsan yihiin side uu Col. C/laahi Yuusuf ugu madax adeygaayo in uu talada dhulka dhigo, bulshadana u ogolaado in ay side jecel yihiin ay masiirkooda ninkay jecel yihiin ugu dhiibtaan, haddaba, su’aal kale ayaa ina hortaal oo u baahan in la is weydiiyaa, Korneeylka oo Saddexdii sanno ee la soo dhaafay hogaanka u soo hayey gobolada Puntland haddii bulshaddu ka hortimaado xukunkiisa ma wuxuu noqon doonaa nin muwaadin ah oo dadkiisu waxa ay ku qancayaan yeela mise side side Milosovikh ayuu ciidamo isku xeeri doonaa?
Dadka aqoonta fiican u leh Col. C/laahu Yuusuf ayaa waxay ku sheegaan in uu yahay nin xukun jecel oo Kontonkii sanno ee la soo dhaafay baadi goob ugu jiray sidii uu Jamhuuriyadda Soomaaliya Madaxweyne uga noqon lahaa, waxay kaloo ku tilmaamaan in wakhtigii uu xukunka Puntland soo hayey uu wadada u sii xaaqayey tubtii uu u sii mari lahaa in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, taasoo aynu wada ogsoonahay goobo badan iyo shirar badan oo uu Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya ka jira kula shirayey ama Isbahaysiyo ugu sameeynayey, kaasoo ay ugu danbeysay Isbahaysiga SRRC ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.
Laakiin dhinaca kale waxaa jira dad kooban oo ku faaniya Col. C/laahi in uu yahay Hogaamiyaha keliya ee maata Puntland marka la eego siyaasiyiintooda ugu dhaqdhaqaaqa iyo tuktukta roon, waxayna tusaale u soo qaataan sida uu u dhisay awooda ciidameed ee DGPL, sidii uu u qorsheeyey mushahar bixinta shaqaalaha Puntland oo dhowr Kun kor u dhaafay, aragti fog oo uu kaga hor tegay wax ay ugu yeeraan shirqoolkii Jabuuti ee Dowladda Carta lagu dhisay, Xuseen Caydiid oo G/Bay ka ahaa danbiile RRA-du toosh ku raadinayso oo uu ku guuleystay in uu dhex geeyo isagoo weliba ah Guddoomiyaha Ururka SRRC ee dhowaan Itoobiya lagu soo dhisay, waxayna dadka fikradaas ka aaminsani ku doodaan bal sheega nin dhaama oo lagu bedeli karo maanta C/laahi Yuusuf, ama hankiisu gaarsiisan yahay in uu Jamhuuriyada Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo?
Balse waxaa jira dad fara badan oo si weyn u dhaliila Korneylka, waxayna ku eedeeyaan in uu siyaasidii Puntland fadhiid ka dhigay oo Itoobiya albaabkeeda la dhaafi waayey, isla markaasna uu hormuud u noqday kala fogeynta dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo manta baahi weyn loo qabo, waxay kaloo ku eedeeyaan in baddaha Puntland Labadii sanno ee la soo dhaafay uu soo geliyey Maraakiib shisheeye oo ruqsada uu gacantiisa ku bixiyey, kuwaasoo dhibaatooyin waaweyn u geystay badda iyo kalluumeysatada yaryar ee ka faa’iideysta, isla markaasna goobaha qaarkood shaki weyl looga qabo in lagu daadiyey qashinka subeysan ee Nukliyeerka.
Waxaa kaloo kaloo dadka dhaliilaa ay Maamulkii Col. C/laahi Yuusuf ku tilmaamaan mid u dhaqmayey si xishood la’aan ah oo ay ku baahday musuqmaasuqa, xatooyada hantida ummadda, wax qabad la’aan, masuuliyiin tayo daran oo miiska lagu fariisiyey maadaama ay daacad u noqon karaan Maamulkiisa, iyo isagoo ul faraaro leh isaga fogeynayey Aqoonyahanada oo loo baahnaa in looga faa’iideysto dhismaha dalka, iyo isagoo hanti fara badan ku lumiyey fantasyayaal bilihii Ogoosto Labadii Sanno ee ugu horeeyey Maamulkiisa, is hortaagid mashaariic ay dowladdo iyo hay’ado caalami ahi gobolka ka fulin lahaayeen.
Gobolka Bari dadka ku nool ayaa iyagu waxay si weyn uga cowdaan in Maamulka C/laahi Yuusuf uu si weyn u hagraday horumarkii gobolkan oo runtii hooyo u ah Dowlad Goboleedka Puntland, side dhismihii uu Sheekha Shaarjo ugu deeqay Madaarka Boosaaso in lagu dhiso iwm.
Ugu danbeyntii arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa la is weydiinayaa dadaalka ay Isimada soo jireenka ah ee Puntland ay wadaan Col. C/laahi haddii uu ka horyimaado maxaa dhacaya? Waa su’aal jawaabteedu ay sahlan tahay, Gen. Maxamed Abshir, C/laahi Boqor Muuse iyo rag kale oo siyaasada kaga soo horjeeday C/laahi Yuusuf ayaynu xasuusanahay in ay ka dhoofeen Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kadib markii C/laahi Yuusuf loolankii ergooyinka kaga adkaaday, bulshadda ayaana sabab u aheyd in iyagoo raali ah ay ka dhoofaan dhulkoodii, shakina kuma jiro in nabadgelyada Puntland aan ciddina u waxyeelayn shakhsi keliya.
--------------------------------------------------------------------------------
Ra'yigaas iyo aragtidaas waxaa leh wargeyska Yool.
--------------------------------------------------------------------------------
Isimadda Puntland oo ku wareejiyey xilka Madaxtinimada Puntland Yuusuf Xaaji Nuur.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta ay ku dhawaaqeen Isimadii maalmahan shirka uga socday Garoowe in xilka si ku meel gaar ah uu u sii hayo Yuusuf Xaaji Nuur tan iyo 31-ka Agost markaas oo uu soo qaban qaabiyo shir-weyne Qaran oo lagu dooranayo Madaxweynaha Puntland.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in sagaal iyo Toban Isim ay saxiixa ku duugeen, kuwaas oo ay ka mid yihin Islaan Maxamed Islaan Muuse iyo Wakiilka Boqorka Cali Boqo.
Waxaa aan maanta goobta saxiixa joogin Laba ka mid ah Isimadii sharka fadhiyey Maalmahan, lama cadeyn sababta ay u maqnayeen xiliga saxiixa.
Markii go'aanka soo baxay ayaa ilaa iyo Boqol iyo Labaatan Gaari soo gelbiyeen Ninka loo magacaabay Sii hayaha xilka Madaxtinimada Puntland Yuusuf Xaaji Nuu, kuwaas oo ay saarnayeen dadweyne aad u far badan waxayna ku soo wareejiyeen dhamaan jidadka magaalada Garoowe dabadeedna waxaa la geeyey gurigii uu dagenaa.
Ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka C/Laahi Yuusuf ee isagu haatan sheegatay in xilka sadex sanno loo kordhiyey.
--------------------------------------------------------------------------------
GO’AAN ISIMADA PUNTLAND
GAROWE, 25 July, 2001
Isimmada Puntland ee kulanka wada tashi ku yeeshay magaalada Garoowe 18 – 25 /7/2001, magacyadooduna hoos ku qoranyihiin, waxay ka baaraandegeen khilaafka siyaasaded ee la soo gudboonaaday dawlad Goboleedka Puntland (DGPL).
Isimmadu:
Markii ay heleen warqad summaddeedu tahay BL/XSM/003/2001, soona baxaday 7/7/2001, taaso ahayd casumaad uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland kaga dalbayay inay yeeshaan shir wada tashi;
Markii ay dhegaysteen warbixin uu soo jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayna ka baaraan-degeen qoraal uu u soo gudbiyay Isimmada 18/7/2001, isla markaana uu caddeeyay kalsoonida uu ku qabo go’aanka ay Isimmadu ka gaaraan arrimaha is-mariwaagu ka jiro ee ka taagan Puntland;
Markii Cabdullahi Yuusuf iyo Xubno ay isku aragtiyihiin ay diideen inay u qoor-dhiibtaan Isimmada oo wakhti badan u huray inay helaan kalsoonidooda
Markii ay arkeen dareenka dadka ee ku aaddan rabitaanka hannaan maamul oo ku dhisan tala-wadaag;
Markii ay arkeen awoodaha Axdiga Ku Meel Gaarka ahi siinayo Isimmada oo sida ku cad Qod.30.2 awood u leh inay go’an kama dambays ah ka gaaraan arrimaha la isku mari waayo, isla markaana ay u caddaatay in la garab-maray qodobbada Axdiga ku meel gaarka oo kala ah 28.4, 34.2 iyo 35.2
waxay go’aamiyeen:
Waxay Isimmadu u celiyeen taladii uu ku soo wareejiyay una aqoonsadeen in Guddoomiyha Maxkamadda Sare, Yusuf Xaji Nur uu yahay Sii hayaha xilka Madaxweynanimada ee Puntland tan iyo inta shirweynaha 2aad ee Puntland uu dooranayo madax cusub, taas oo waafaqsan Axdiga ku meel-gaarka ah.
Maa daama wakhtigii bisha ahaa ee Axdiga Ku Meel Gaarka ahi qabtay ay ku luntay xal u raadintii khilaafka siyaasadeed, Issimmadu waxay farayaan Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha inuu ku soo qabanqaabiyo shirweynaha 2aad ee Puntland ilaa 31 Agoosto 2001;
Isimmadu waxay faryaan dhammaan hay’adaha maamulka ee dawlad Goboleedka Puntland inay u hoggaansamaan sharciga, sidaas awgeedna ay hoos tagaan Sii-Hayaha Xilka Madaxweynaha, tan iyo inta shirweynaha 2aad ka dhamaysanayo hawlihiisa; Sidoo kale Hay’adaha caalamiga ah waxaa laga codsanayaa inay sii wadaan barnaamijyadii ay ka hir gelinayeen deegaanka Puntland, is-kaashina la yeeshaan xaafiiska sii-hayaha xilka Madaxweynaha
Cinwaanka Internetka e boggan:
http://yool.somalitalk.com/2001/july/25072001.html
-----------------------------------------Qoraaladan kala xiriir:
Osman Ahmed
isxaaq@yahoo.com
Warsidaha Qandala
Khadar Jacfar
Posted on Jul 26, 2001, 10:41 PM from IP address 213.113.16.253