DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

DoodFuran

September 29 2001 at 4:01 AM
No score for this post
  (Login doodfuran)
Forum Owner

 

XALKU XAGEE KUJIRAA!

SIDEE LAGU GAARIKARAA NABAD WAARTA OO KUBAAHDA SOOMAALIYA



  1. Sidee xal loogu helikaraa arimaha Soomaaliya?
  2. Waa maxay sabata ugu weyn ee Soomaaliya ay nabad u noqonweyndey 11kii sano ee ugudambeeyey?
  3. Maxaa hortaagan in DKMG qiyaastii sannad iyo bar kadib ay dhaafiweydo xamar iyo nawaaxigeeda?
  4. Maxaa hortaagan in xal loohelo arimaha siyaasadeed ee Puntland?
  5. Intee in le'eg ayaa aqoon-yahanka Soomaaliyeed ay kuleeyihiin eeda ah in aysan keenin ra'yi wax socodsiinkara, mase waanba lagahoosqaadin ra'yigoodii?
  6. Yaa qabqable dagaal (warlord) lagu tilmaamikaraa, hadiise Soomaaliya ay nabadnoqoto maxaa kuwa arintaas kusifooba lagayeelayaa?
  7. Marka nabad waarta lahelo, sidee loodhaqan toosinayaa ubadkii ku barbaaray dagaalka Soomaaliya?


Ka qaybqaado DoodFuran



Waa qayb kamida su'aalo marar badan soo noqnoqday oo ay siyaabo kaladuwan nagusoogaarsiiyeen akhristayaasha SomaliTalk, waana kuwo u baahan in si cilmiyeysan looga wada doodo ama looga wada hadlo.

Si doodaas ay u hirgasho ayaan qaybtaan ugu qoondaynay akhristayaashu in ay si toos ah afkaartooda si furan ugu dhiibankaraan.


Fikradu waxay kamidtahay waxyaabaha ugu qaalisan ee lagugaarikaro horumar ay gaaraan bulsho, waa hadii fikradaha dadweynaha la ururiyo, la dhegeysto, lafiiryo waxyaabaha ay dadweynuhu kacabanayaan iyo waxa ay rabaan in sidaas ay yihiin lagusiiwado ama lasii hagaajiyo.

Sidaas darteed, waxaan ku baraarujineynaa qorayaasha taladooda dhiibanaya in ay ka kudadaalaan sidii ay wax uga qorilahaayeen waxyaabaha rasmiga ah ee xalka u baahan iyagoo weliba aan ka tegeyn caddaalada, islamar ahaantaana muujinaya sida ay u arkaan xalka. Sidoo kale waxaa qofkasta oo ma'uul ka ah Soomaaliya lagudboon in uu u fiira-yeesho waxyaabaha ay dadweynuhu ka hadlayaan in ay yihiin kuwo xal u baahan.

Haddab akhristow, waxaa lagayaabaa in taladaadu ay keento xalkii nadabada Soomaaliya, idanka Allah, ee fadlan si cilmiyayasan uga qayb qaado doodaan furan.


Doodaan waxay daweynaha u furantahay toddoba beri lagabilaabo September 29, 2001, insha Allah.


Mahadsanididn waqtigiina qaaliga ah.


Guji halkan - DoodFuran


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply

(no login)

Siyaasada Soomaaliya Waa Cuddur aan weli loo helin daawadeeda.

No score for this post
October 2 2001, 5:06 AM 



Aniga run ahaantii Siyaasada Soomaaliya waxan ku qiyaasi karaa waa cudur aan dawadiisa la heli karin, xataa hadii la isku dayo aysan ka baxayn.

Runtii, Siyaasada Soomaaliya, waxaan kaloo ku fasiri karaa, waa waali aan la ogeyn aysana is ogey, sababtoo ah hadii maantay nin loo magcaabo madaxweyninimo kuwa kale waxay leeyihiin see anaga noo xukumi karaa reer hebel oo aan isleyn jirnay.

Aniga runtii, waxaan ra'yi ahaan dhihi lahaa ha loo dhiibo Madaxtinimada nin aan la garanayn Hooyadii iyo Aabihii dadka ay ka dhasheen............

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
dhiblaawe
(no login)

dawadu waa beeralay ama kaluumaysato

No score for this post
October 2 2001, 4:47 PM 

xalka soomaaliya waa in ay xukumaan dadka beeralayda ama kaluumaysatada waayo 30 kii sano ee nasoo dhaafay wadanka waxaa xukumaayay geeleey 11 sano ee burburkana waxay ahaayeen geeleey taas waxaa kucad in wadaniyiinta ay kuyar yihiin geelayda waayo mabda geelayda waa geel lakala dhaco iyo qabiil lagu dhaqmo hadaba beeralayda iyo kaluumaysatada waa muruqmaal kumana dhaqmaan qabyaalada marka waxaan soo jeedinayaa in jaaniska lasiiyo dadka beeralayda iyo muruqmaalka hadii xal soomaaliyeed la doonayo hadii kale haku socoto anaa kaa xoogwayn wadankeena aaqirkii waxaa qabsanayo gumaystaha madoow ee xabashad.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - DoodFuran
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.