A.W.Wabarakathu
Alle aya mahadsan,waxay ila tahay waxa soomaaliya xal
logu heli kara markii la raco qodobadaan.
1-Waxii Alle & rasuulkiisa ay na faren.
2-Marku u fahmo qof walba dhibtada hadda jirta inaysan
gaar ku ahayn qof kali ah ee ay tahay mid haysata
Umada Soomaliyeed dhamanteed.
3-In qofka wax qaribaya ha ahado hogamiye dagal ama
shaqsi caadi ah loga soo hor jesto sii wadajir ah
meshana ay ka baxdo ninkaan aya i xiga lona argo nin
walba oo wax qaribaya inu yahay cadawga Umadda.-
Dawladda KMG waxa hor tagan ariimo dhawr ah oo kala ah
sidaan:-
1-Cudur qabiil
2-Madax-adeyg
3-Aniga iri
4-Eex
5-Aqoon yari
6-Wadatashii la,aan
7-biseyla,an
8-Iyo Dawlada oo rag badan oo ku jira wali u qaba
inaysan ahayn dawlad rasmi ah macnaha cayarcayaar.
Waxay ila tahay inay tahay Umadda Soomaaliyeed oo aan
kala aqoon waxa fiican iyo wax xun,waxa u roon iyo wax
aan u ronayn.
Waxa hortagan
1-Madax adeyg
2-Dulmi
3-Sadbursi
4-Aniga xoog weyn
5-Iyo aniga aya wax qaban kara wax waxqaban kara oo
aniga ahayn ma jiraan.
Aqoonyahan,waxay ila tahay maba laha Soomaalidu
aqoonyahan,waxaba la oran kara wax dadka ugu lita inta
isku sheegta inay yahiin Aqoonyahano,maxa yelay waa
dad isla weyn oo intooda badan ma jecla inay dhex
galaan bulshada ama waa in racsan dagal ogayaasha.
Waxaan ila tahay Soomaaliyo dhan waa (warlord)waa nin
racsan si cad ama qalbiga kala jira,maxa yelay
qabqablayasha dagalka waa dad gooban oo 20 qof ka yar
Umadda Soomaaliyeedna waa dad ka badan 10.000.000
million marka waxa is weydiin mudan haddii Umadda
Soomaaliyeed aysan ahayn kuligood dagal ogayaal maxay
isaga qaban la yahiin wax ka yar 20 qof.
Waxay ila tahay haddii la helo Dawlad xoog badan oo ku
guuleysada daryeelka dadkeeda inaysan dhib badnaan
doniin sidii dadkaas xal logu heli lahaa.
Faysal
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.