Dhammaan inta dooddan ka qayb qaadanaysa iyo inta la socotaba waxaan idinku salaamay salaanta islaamka ee kor ku xussan,
bacdigeedna waxaan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa bahda Somalitalk xilka weyn ee ay iska saartay inay furto mawduuc aad iyo aad u muhiim ah, oo ay dani ugu wada jirto bulshada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba.
Haddaan dib ugu soo laabto mawduuca iyo fikirka aan ka qabo SOOMAALIYA SIDA XAL LOOGU HELI KARO,
Waxa aan aad u aaminsanahay in intaan xal la doonin la sameeyo muraajico oo lays weydiiyo Soomaaliya cudurka galay oo ay ka kici ladahay waamaxay, cudurkaasina sidaan arkaayo waa MACAASI QABYAALADI weheliso,
Haddaba markaynu labadaa arrimood xal u dooneyno, macaasida xalkeedu waa simple oo waa ayadoo ALLAAH loo towbad keeno,ayadoo ay aayadii quraanka ahayd oraneysay INNA LLAAHA LAA YUQAYIRU MAA BIQOWMIN XATAA YUQAYIRUU MAA BI ANFUSIHIM,
Tan qabyaaladda miyaa, anigu waxaan u arkaa Soomaaliya in dawlad loo doono inay ka muhiimsan tahay sidee cudurka qabyaaladda ah bulshada Soomaliyeed looga daweyn karaa, taasina waxay u baahan tahay in khubaro arrintaa gorfaysa loo saaro, bi idni laah cudurkaas haddii daawo loo helo bulshadu ayadoo isku duuban bay arrin ka midoobayaan.
In the mean time dhibaato kale ayaa ii muuqata, soomaaliya inta maanta u talisa ama isku wadda inay Soomaali u taliso waxay u ordayaan waa dan gaar ah xeelad kasta ha ku helaane.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa hadalkayga SOOMAALIYEEY nin guri kaa dumiyey inuu guri kuu dhisso haka sugin,
kan kuu dhisayaana daacad haka noqdo ee yuu kugu danaysan.
Wallaahu aclam wabillaahi towfiiq.
This message has been edited by doodfuran on Oct 28, 2001 9:00 AM
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Walaal C/Rashiid ma xuma wax la isku khilaafo, balse waxaan jecelahay in aan kuu jilciyo cinwaankaygii ahaa FIKIRKAYGA KU MIISAAMAN AQOONTAYDA.
Aqoonta aan anigu sheegay ama u jeedo wa tan rabbaaniga ah ee uu ilaahay qofka bani'aadamka ah siiyey ee maaha tan tan la barto ee la badanaba la yiraahdo hebel waa aqooonyahan amaba ay dadku u isticmaalaan.
haddaba marka aynu ka hadalno aqoonta rabbaniga ah waxaan filayaa in ay is waafaqayaan qofka fikirkiisa, laakiin marka ay tahay aqoonta kale ee la barto iyo fikirka qofku waa wax kala duwanaan kara,
sidaas daraadeed qariibsan maayo markaad igu tiraahdo anigu arday baan ahay oo waxbaan bartaa laakiin ma fekero.
Ps: waxaad tiri adigoo magacayga arka ee ula jeeddadaadu maxay tahay.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.