DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Labo Wax Ayaa Somaliya Kamaqan

October 2 2001 at 8:27 PM
No score for this post
  (no login)

 
Salaamu Caleykum every1,

Runtii waxa kaliya oo Somaliya ku noqon karto dad isjecel, dowlad midaysan, iyo dal/dad iskudoobay waa wax basiid ah oo dadka badanaa ay xaqiiqsan yihiin taasina waa in loo noqdaa Diinta Islamka, oo lagu xukumaa dadka kitaabka qur'anka iyo sunnada nebiga scw, taas kaliya ayey Somaliya ugu bixi kartaa dhibaatada ay ku jirto maanta.

Walaahi oo bilaahi hadaana loo noqon Kitaabka Qur'anka iyo Sunnada Nebiga SCW in ay soomaliya waligeed isbadaley oo ay dhibaatadaan ka baxay, balse way ka siidaraysaa. Wax kale oo ka bixin karana ma jirto, walaa qabiil, walaa wax kale ayaan ka bixin karin dhibkaas maanta somaliya ku dhacay.

"LABO SHAY AYAAN ITIN KAGA TAGAY GADAASHAY, HADAA LABAAS KHABSATAAN WALIGIIN MA LUMAYSAAN" sidaa waxaa yiri Suubanaheenii Muhammad SCW.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
CIYAALKA XAAFADA
(no login)

This is the incredible messege that...

No score for this post
October 2 2001, 8:41 PM 

HI,

While I was reading the previouse messege, this is the only messege that tauch the truth. Thanks Billad.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Sidee loogu noqonayaa Kitaabka Eebe?

No score for this post
October 6 2001, 8:58 AM 

Ugu horayn waxaan idinku salaamaya salaanta Islaamka dhamaantiin.

Salaan kadib:-

Waxaa run ah inaan lahelayn xalwaara ilaa loonoqdo kitaabka eebe laakiin sidee loogu noqonayaa waayo dadka Soomaaliyeed 100% waa Islaam qof walbaana siduu rabo ayey u tahay diintu!!!

Walaaleyaal aniga figrigayga waxay ila tahay sidan:-
1- In culimada loodaayo awaamirta diinta kadib
A:-Ugu horyn qabqableyaasha ladhaho ku heshiiya talada waayo xalkaa ku jira inloodaayo

B:- Sitartiib ah oo qoto dheer oo wacyi galiyo bulshada inteeda kale markay kuwaas ku heshiiyaan si tartiib ahna looga baxo dhibka qabqableyaasha, laakiin aan halmar latuuri karin dhibkooda oo faro badan awgood waana sidii kadhacday wadamo badan oo aduunka sida Layberiya, France xiligii badawdu qabsadeen, Xajaaj markuu reer Maka haystay oo Asxaabtii Rasuulka jaray iwm,

C:-Kadib shacabka mudo dheer loo diyaariyo kasaarid dhinaca dagaalka si laguna baraarujiyo horukac & ganacsi si ayna marlabaad usoo noqon fudaydkii dhacay oo kale helista xalkuna u dheeraan waxaana hawshaas leh oo qabanaya culimada diinta & dhamaan aqoonyahana cilmiga ee foculties yada kala duwan gaar ahaan kuwa Social ka.


Nb:- Waxaan kadigayaa inaan fududaan oo waxaan nacnay aysan nagu kalifin inay dadka & wadanka sii burriyaan waayo hada waxaan ku qasbanahay inaan iyaga dhahno qabsada xukunka lana raadiyo sidii laysagu keeni lahaa ayna ugu heshiin lahaayen cadkan dhexyaal ee aysan isu quurin lagana digtoonaado sidii Carta kadhacaday walow rag dagan lagu soo dhisay una eg inay wax tari doonaan haday daganaantaas kusii socdaan.

Dadwaynow aan isla fahamno qaabka xalka kaasoo aan ahayn mid u baahan cadcadaan faro badan ee u baan qaab xatooyo oo laxado lagana xado dadka dhibka wada.

Mahadsanidiin.
Raali noqda hadaan meel ka dhacay ama aan gafay
Thnaks all of you guys!!!

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Labo Wax Ayaa Somaliya Kamaqan
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.