Marka ugu horeysa waxaan u mahad celinayaa Illaahay subxaana watacaala, ka dib waxaan walaalahayga Soomaaliyeed meelkastaba ha joogeen ka codsanayaa inay iska iloobaan is xag xagashada, qabiilba qabiilka kale wax ka sheeganaya. Marxalada aan maanta taaganahay waxay tahay dadkeenii meel kasta ku baa ba'san, sideen isugu keenaa, Aniga runtii qabiil aan u eexanayo haba yaraatee ma jirto, waxaan ahay qof Soomaali ah qabiil kasta oo Soomaali ahna waa walaalkey, waxaan ka dhashay qabiilka dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya loo geystay ayagoon qori qaadan "reer Baraawe". Welina kuma farxin jabka qabiil Soomaaliyeed kuu doono ha ahaadee. Ugu dambeyn waxaan walaalahayga Soomaaliyeed kuu guubaabinayaa inay calooshooda sifeeyaan, koleyto adduunyadan kuma waareyno, khaatimadeenana aan wanaajino. Aan ku waano qaadano kuwii ayagoo qof Muslim waxba galabsanin dilay, ayagana ku walaalkood Illaah ku saliday oo ku dhintay qaatimo daro. Yaan la Iloobin ducada ninka madluumka in ay tahay tan aan lasoo celin. An iska Ilowno wixii tegey, ha lawada fariisto, khaladaadka aan galnay aan ka faa'ideysano.
Wabillaahi towfiiq.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.