Aragti hadaad ii ogolaateen in aan dhiibto waxaan ku bilaabaya in cali khaliif ay dawlada carta ku socotay inta uu dawladaas u qabtayna in aysan u qaban cid kale.
ugu horrayn wuxuu dhisay arimaha dibada isagoo u soo gogol xaaray in aragti fiican laga haysto dawldaas
wuxuu tegey wadamo badan oo dibada ah sida keenya, indooniisya, yurub iyo maraykanka iyo kuwo badan oo carabta ah iyo meelo kaleba isagoo ku dadaalayey in uu dhiso xukuumadaas
markii uu tegey indoniisiya wuxuu kusoo guulaystay in uu xanibo lacagtii sida xaaraanata ah ay kusoo samaysanayey qabqablayaasha xamar ee yaqaan uun sida xaqdarada wax loogu helo, markaas ayey dhibaato bilaabeen iyagoo malaha qaab aan lagaranayn adeegsadey oo markiiba qaybo dkg ku kiciyey galayr markiina isagoo maqan ayaa wafti loo diray itoobiya, halkaas oo ay ogyihiin in uu ka xanaaqayo waayo aragtidiisa itoobiya oo cad awgeed.
hadii nimankii isu kaashaday aadista itoobiya ay dhab ka ahayd maxay hadda heshiiska ugu qaban waayeen itoobiya, ileyn waxay keliya oo ka caraysiinayeen galayd ee ma ahayn wax laga fekeray, tiiyo ayba cadaatay in markiiba is cambaarayn itoobiya iyo soomaaliya ay bilaabatay.
galayr wuxuu ogyahay in soomaalida itoobiya ku dhaqan ay xaq u leeyihiin in ay aayohooda ka tashadaan ay xaq u leeyihiin in ay dhistaan maamul ay iyago doorteen, taas oo aysan la qabin in badan oo ha kuwa hada sheegtay in ay kalsoonida kala noqdeen, hadii aysan waxaan sheegayaa aysan run ahayn bal arag iyagoo ka hadlaaya qowmiyada itoobiya, oo mexeyba taas ka ahdlaan weli huteelo ayay degan yihiine ayaa laga yaabaa in aad is weydiisid, laakiin ha ilaawin in mowqifka lagu gaari karo meel kasta.
Markii uu galayr u dhoofay maraykanka ayey bilaabiin in ay shir deg dega qabtaan, tan oo aan dhaqan u ahayn soomaalida, waxaa soomaalidii xorta ahaan jirtey lagu yaqaanaa in qofka la dhaliilayo si toos ah loo abaaro, oo aan dhabarkiisa la aiska qarin.
baarlamaankaan hada ordaaya muxuu u qabtay umada, hala xisaabtamee maxay awood leeyihiin oo sharci ah oo ay hir geliyeen, guryihii dadka laga caysrasey sharci maka soo saari karaa, mase ka doodiba karaan ilayn waxay la hayste u yihiin kuwa lacagta haduu khlaiif katgo bilaabaya in ay soo daabacdaane. majiraan wax sharci ah oo ay hirgeliyeen oo wadanka wax u atay, majiraan wax lataabankaro aa ay xataa hal qof u qabteen.
Madaxweynaha dkg oo malaha u arkay in khaliif la aantiisa aysan dkm soconkarayn wuxuu ilaaweyn in uu xataa ilma adeertiis ku qancin waayey in ay uga kacaan gurigii xukuumadii siyaad bare ay ugu dambaysey qalin lagu saxiixo si xor ah. Xukuumadii siyaad bare oo haybad kulahayd gurgaas o markaad ag mareysid aad daremeysid dawlad, xagebuu hada degan yahay, xaafad aysan cid aan reerkiisa ahayn tegi karin, ma booqan karo xataa xaafadada jifada kadurugsan reerkiisa, sidee hadaba ugu fekerey khaliif ayaa wax ka hor taagan, malaha wuxuu ilaawey kuwa arintaan ku qan cinaaya in ay wadanka ku beeraan mukhaadaraad, wadanka keenaan filimadada naagaha qaaqaawan, wax alaale iyo waxa ay doonaan sameeyaan oo aysan rabin wax xukun ah ileyn hadii xukun yimaado waa lala xisaabtamayaaye, waxaa ka dahsoon in marka khaliif loo adeegsago isaga in uu cayriyo markaas isaga lagu soo kala firaynayo ileyn kuwaasi ma ahan kuwo xukunba arki kara'e.
Tankale bal waxaa la is weydiiyey muxuu c/qaasim wadanka u qabtay, yaa ictiraafsan, dawladee aqoonsan, malaha wuxuu ilaawey in magaca galayr uu magacba ku lahaa, tan oo soo bixi doonta marka uu galayr garabkiisa ka waayo.
si kastaba ha ahaatee galaydh wuxuu yahay nin karti leh, muwaadin ah, in kasta oo uu ku khaldamay in uu kala burburiyo xukuumadii Puntland, taas oo sida muuqata isaga uu u adeegsadey c/qaasim, ileyn c/qaasim awoodaas weligiisba ma heli karayne, markaas galaydh wuxuu ku fekeraayey xukun ballaaran, laakiin wuxuusan ka fekerin cawaaqibka kasoo baxaya arintaas oo marka uu xukuumadii xooga lahayd ee puntalaan uu burburiyo lagu xejinaayo, taas waxaa daliil u ah in markii galaydh lagu kacay shirkii garoowe isku daaday oo meel uu u socdo iyo dib haloo dhigo ka bixi waayey, tan oo aan kula talinayo galaydh in uu hadda la xiriiro intii uu kala furfuray oo u sheego in ay markale is abaabulaan isagoo cadaynaya in waxa xamar kajiraa aysan qaran doon ahayn oo rabaan in wadanku uu sidaas ahaado. Khaladkaas oo dhaliil weyn ah hadii uu si degdega wax uga qabto galaydh wuxuu ku sifoobi doonaa hogaamiye meel weyn kasaoo baxay waqti hogaamiyaasha kale aysanba dawlad rabin.
waxaan oo dhan waa siyaasad in la falanqeeyo u baahan, waa laygu raaci karaa, waalaygu diidi karaa, qofkii wax ka duwan hayaana waa u furantahay, si xor ahna aan u doodno ee warka soo socodsiiyaa...................
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
walalayaal waad wada salaman tihin marka xigo waxaan la hadalayaa sxb-keyga halkaan wax kusoo qorey sxb horta waxaad moodaa waxoogaa iney caadifadi kaa muuqato walaal markasto isku day inaad u hadlin ninkan baa ku xigo iyo kan.
walaal waxaa hubaal ah dhamaan soomalidu isku mid tahay o inta daacad wax u qabaneyso yartahay, siyaasadana malinbo meel jirto, waxaa kale oo hubaal ah in ninkii somalida soo wada doorteen e hadane ku soo wada hordhaartey uu waxyaalo badan ku kashifmay runtiina dhaliilo badan oo la is dhahaayey ma imaan doonaan oo rer hebel jecleysi iyo wixii xukuumadihii hore dumiyey la soo baxay waa cabdi qaasine marka walaal sida iyo waqtiga lala xisaabtamaayo ma sheeki karno lakiin hadii dadku dareemi waayo koley ilaahaa og oo sheegi karo waqtiga lagu kaci doono isna.
waxaa haray galayr walaal waa nin runtii wax badan qabtey lana dhihi karo wuu ku guuleystey siyaasadaarimaha dibada laakiin hadane ma ahin wax indhaha laga qarsan karo inuu ku guuldareystey siyaasada kudaha maxaan dhihi karnaa wuu ka qabtey koley ma garan karo laakiin runtu sidey tahay nabadeynta beelaha maku guuleysan xamar guri guri ayaa lakala joogaa wax adeegii guud oo dadweynaha laga qabtey ma jiraan deqihii wadanka soo gareyne si hufan malo abaabulin.
anyhow hada waxaa loo codeeyey inuu waqtigiisii dhamadey, waxaa kale oo iyadane iga xasuus ah inuu abdi qaasine wax badan kala mid yahay waayo qabiil qabiilkii iyo waxii lagu ridey shalay siyaad bare ayuu weli wadaa waxa ognahay inuu dad badan ina adeer adeer ku shaqaaleysii yey koley siyaasada dhabta ah waxaa og manta dadka muqdisho ku nool marka isna waqtigiisii wuu iman ee adigu cidna gooni ha u eedayn anigu abdiqaasine ma ahin ina adeerkey galeyrne sidoo kale lakiin waxa kali ah oon aminsanahay waa in cida ugu ala cabsiga badan wax loo dhiibo weliba hdii aniga leyla tashanaayo wadada haloo dhiibo oo alle haloo noqdo marka walaalayaal cadifadane aan iska deyno.
wasalama caleykum
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Maxaa dheriga kulaylka ka keenay adiga kuulama jeedo mahadoow, waxaanse ula jeedaa naftayda oo aan aad uga xumahay qaabka siyaasiyiinta soomaalidu u hawl agaal, bal eeg cali Mahdi markii ay soo baxday in sun soomaaliya lagu aasay intuu uu joogey caliyaalo ayaa warkiisiiba iyo juuqdiisiiba la waayey, intii horena meelkasta iyo gobkasta magiciisa kujirey.
qabiil ahaan uma nebci c/qaasim, galaydhna qabiil ahaan uma jecli, laakiin waxaan cadayn siyaasada c/qaasim sababtaas ayaa xanaaqa keentay qoraalkayga, haddaan runta lasheegina waxaan kujiraynaa in aan xumbo hoos harsano.
Waxaad qirtay in siyaasada gudaha aan la dhisin, yaa taas lahaa, yaa xamar dega, ileyn markaan run u wada hadalo hadda soomaaliya waa qabiil, oo nin aan degaankaas deganayn waxba kama noqon karo, muxuu c/qaasin arintaas gudaha wax uga qabanwaayey.
maxaa baar lamaankaan hadda isasoo mutuxay loo arki waayey markii niyad wanaagu u dhexeeyey khaliif iyo c/qaasim, maxay u soo saari waayeyyn ama uga doodi waayeen arimaha wixii dan u ah umada, iyagaa laga rabey ilayn far keliya fool ma dhaqdo oo intuu galaydh arimaha dbada ku mashqulsanaa ayay iyagu hurdeen, markuu dhankiisii aslaaxiyey ayey arkeen in aysan waxba qaban markaas ayey dheheen aan tuuro kan saan isugu mid noqono ileyn waxay u muuqdaan in aysanba rabin xukuumad.
waxay sheegeen in musuqmaasuq jirey, maxay markii ku haboonayd uga hadli waayeen, oo hada arinta sidaas ka dhiga,
maxaa isku soo beegay kudhawaaqa shirka kenya, safarka galaydh iyo casilaada, miyaysan kuula muuqan qorshe lagu soo dhoweynayo mucaaradka oo aanba la isku hubin.
Walaal caadifad meesha ma ahn waxaan ka hadlaayaa ee waa xaqiiq, soo daa xaqiiqada inta aad ogtahay ha kormarin si an gudaha runta soomaaliya ugu dhaadhacno, ogowna soomaalidu waxay kabilaabata halkaas oo waa adiga iyo aniga oo kale oo kala fikrad ah oo aan is dhegeysasnayn ilaa goor talo faraha ka baxdo, si aan taasi u dhicin diyaar ayaan u ahay in aan ku dhegeysto ee soo tax wixii C/qaasim u qabtay umada, wixii galayr qabtay, wixii deerow qabtay, aan miisaano, aan qaadano kii wanaagsan, aan iska ilwono kii xun, aan niyad wanaag kuwada noolaano, aan is cafino, aan dhisano qaran daacad iyo niyad wanaag ku salaysan.
adaan warka kuu daayey......
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
walaalaha soomaaliyeed,ee islaamka ah,ee ummaddooda u jecel si siman oo aan qabiil iyo nin jeclaysi ku jirin,waad salaamantihiin.
ninkii ceelka ku dhacay,ee labadii la socoty isku dayeen in ay badbaadiyaan saaxiibkooda hoos ku dhacay, ee intaas ka gadaal doowliga u tuuray,ee markii uu xariga dhexda ku xirtay isku dayeen in la soo baxsho,wixii ay awood lahaayeen haddeey isu geeyeen ayaa ninkii guntii ceelka soo dhaafi-waayey.markii ay si aad ah u daaleen,ayaa mid yiri (war aan laba shub ku dayno) balaayo badaa,war waxaa la laba shubaa wixii fudud ee wixii culus dabada ayaa jiica lagala dhigaa.taas waxaan ula jeedaa arrimaha ka taagan soomaaliya ma ahan wax fudud ,wax laba shub ku dhammaanaya ma ahan,waxay u baahantahay furdaamin badan,fikir-badan isku day badan.
haddaba haddii baarlamnankii awalba doowladda soo dhisan uu maanta kalsooniddii kala laabtay,taas micnaheeduu ma ahan in qoraxdii xagga galbeed ka soo baxday(the doomis day). waxaa inala haboon haddii aan nahay shacbigii soomaaliyeed ee baarlanbanka ku aaminey in ay na matalaan,aan aayar oo gabin ah ku taageerno go`aan walba oo ay si sax ah u qaataan sidii kii maanta,cidii kale oo ay u arkaan in uu ummadda si xaq ah ugu shaqeeynayana hala yimaadaan.in Dr.cabdulqaasim salaad yiraahdo mucaaradka hala-wada hadlo,si loogu soo daro hogaaminta dalka waxay iila muuqataa arrin dhedhen iyo fara ka leef-leef leh.
(let us see wich way the cat jumps)fingers crosed..
wa billaahi towfiiq.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.