DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

ZENAWI iyo BILLADA GOLAHA NABADA ADDUUNKA

July 16 2002 at 7:45 AM
No score for this post
doodfuran  (no login)

 
Akhri qoraalka cinwaanka hoose, kana dhiibo ra'yigaaga

http://somalitalk.members.easyspace.com/2002/july/2m16702.html

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply

(no login)

Re: ZENAWI iyo BILLADA GOLAHA NABADA ADDUUNKA

No score for this post
July 16 2002, 9:57 AM 

asalaamu calaykum

salaan kadib,Zenawi waxaan aaminsanahay in bilada lagu siiyay dhibaatada uu geeska afrika ka sameeyay gaar ahaan muslimiinta dagan itoobiya,kenya,suudaan iyo soomaaliya, waana shaydaanka geeska afrika, marka ama bilad halasiiyo ama dahab waxaa sugaya naar marka cida siiyay iyo cida jecelba arintaas ha ogaadeen. kuwa soomaaliya dhibka kawadana isagay la mid yihiin. marka sidaa ula socda, ilaahayna waxaan ka baryaynaa wixii umadda soomaliyeed dhibka ka wada in rabbi naga qabto aamiin,aamiin.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
halima ali
(no login)

lovely murder

No score for this post
July 17 2002, 1:37 AM 

It is so funny and amazing but the question is does he deserve or not? I think yeah because he is the only lovely murder in the world. Now there are new imperialism, so he is the actor of this new imperialism. My people (somalia) don't worry for that because we know he and his friends their plans but they wouldn't win

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
CIRDAY
(no login)

MA, AHA WAX LALA YAABO

No score for this post
July 19 2002, 6:33 PM 


ZANAAWI WUŽXUU QABTAY SHAQADII LOO DIRAY WAYNA KU SII FARAX GELINAYAAN QOLADII U DIRTAY INUU SII WADO OO AH YUHUUD IYO CIDII SOO RAACDA

MARKAA ARINTU LAYAAB MA LEH

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Naxdin & Argagax

No score for this post
July 17 2002, 1:48 AM 

Dear Muslims or Somalians,

Waxaan aad ula yaabanahay in Meles la siiyo Nobel Prize isaga oo laayeey Shacabka Soomaliyeed ee rayidka


haddan awood u lahaan lahaa waan weerari lahaa Meles


Ilaahay wuu arkaa Meles

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

waa midda kaliye oo raali gelin karta reer Waqooyi

No score for this post
July 20 2002, 7:59 AM 

Asalaamu Calykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu

Walaala-ayaal waxaa sharaf ii ah inaan ra'yigayga ka dhiibto fikradaha Hargeysa caasimada Soomaaliya ma laga dhigi karaa.

Horta Soomaaliya waxaa ka dhacday caddaallad daro dhinaca kastaba taabatay, sida in dalka oo dhan laga maamulo meel keliya, ama ay maamusho cid keliya, sida hay'addaha wadanka ugu sareeya, dhinaca kasta marka laga eego, waana arrinta keliftey in bur-burka intaas le'egi ka waddan oo xitaa la waayo mudo toban sano cid u taagan waxa waddan lagu aqoonsado.

Arrinta kale oo u baahan in la fahmo, waxaa weeyaan ineysan rabin dadka u dhashay British Somali-land waddankii la odhan jirey, wax goosasho ah, marka laga reebo shakhsiyaad ku danaysanaaya, sid Faysal Cali Waraabe oo kale, iyo dad la mid ah waayo waad xusuusataan, markii uu noolaa Madaxweynihii hore ee Somali-land Mudane Cigaal, ma uusan qarsan jirin, runta inkastoo ay jireen caqabado badan oo ku kelifaayey inuu wax ka garaaco muusikgii khiyaala ahaa ee Soomaaliweyn nacayb ak ahaa.

Marka isku soo wada duuboo, waa midda keliya ee aan ku aamini karon reer koonfureed, haddii caasimadda Hargeysa loo raro.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Anti zenawi
(no login)

Re: Re: ZENAWI iyo BILLADA GOLAHA NABADA ADDUUNKA

No score for this post
July 17 2002, 9:40 AM 

Fiq fiq fiq fiq wa qosool. Sheekadan bilada wa siyaasad sikaale majiirto. Runta an in sheego aduunkan qoxyaal ba lobaxay. Marka Europ iyo usa ba meshan wilkooda etopia garab siinayan sideey darajadeda xaga aduunka kor ukacada. Maxa yeelay wa wadanka aduunka ugu faqrisan etopia BNP per capital hadi lafiirsho. Marka sideey lacga kalee hayadaha uga heesho iyo demo. Marka biladaan wa miid dhaqaaled iyo mid siyaasaded. Xaga siyasada waxa waye sideey adunku etopiaa usiiso arimaha soomalia. Somalia wa lootashaday mardhow etopia waxa lasiindona furaha somalia

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Hasan
(no login)

Re: ZENAWI iyo BILLADA GOLAHA NABADA ADDUUNKA

No score for this post
July 16 2002, 10:22 AM 

war dadkan wey waalayihin acudubillah minashaydani rajiim. Zinawi ba bilad nabadeeys lasiiyay? Meshan wa laskutashaday. Israel iyo Usa iyo Europ ba ka dambeeyso. Wexeey rabaan biladaan ineey ufududeeyso Etopia xaga IGAD sideey booska muhiimka xalada somalia ayaada lagu wareejiyo. Mudaharaad ba mudan dulmigaan markeey dhacday.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
lAQANYO
(no login)

MELEZ ZENAWI WAA NAAZIGA GEESKA AFRICA!.

No score for this post
July 16 2002, 10:54 AM 

Ugu horayn waan idin salaamay, salaan ka dib wax lala yaabo maaha arintani waana wax caado u noqotay in siyaasadda adduunku ay ku dhisantahay marin habaabin. waxaan u arkaa in Melez Zinawi uu ku mutaystay billaddan ay bixisay hay'adda usku magacawday (golaha nabadda addunka):
1- isagoo ugu horayn fuliyey agandayaashii laga lahaa Soomaaliya oo ay ugu wayn tahay in aan Soomaaliya wax dawlad ah aanay ka dhalan si loo tirtiro dhulka iyo dadka wali taagan ee ka haray burburkii qarankii Soomaaliyeed.
2- isagoo laga doonayo in uu sii xoojiyo fulinta inta ka harsan agandayaasha laga damacsanyahay Soomaaliya, oo ay ka mid tahay qayb qaybinta dalka loo qaybqaybiyo Somaliland, puntland, midland, southwestland, Jubbaland,etc.
3- isagoo matalaya albaabka christanka ee ugu muhiimsan Bariga Africa(Ethiopia). markastana ay lama huraan noqoto in ay iyadu mudantahay wax kasta.
ugu danbayn waxaa si wayn kuu tusaya in hay'adaha caalamiga ahi ay ku dhisan yihiin been iyo eex Muddo dhawr bari ka hor ah UN tu waxay soo saaratay liiska wadamada ku xadgudbay (cunaqabatayntii xagga hubka ee saarnayd Soomaaliya), taas oo ETHIOPIA ay ahayd dawladda ugu badan ee soomaaliya hubka geysay! EEG SIDA ARIMUHU ISU BURINAYAAN!. Waxaa hadaba la gudboon bahwaynta Soomaaliyeed iyo Dadka ku hoosnool Caburinta iyo xasuuqa MELEZ ZEINAWI in ay sii wadaan Halgankooda ilaa ay ka gaaraan guul iyo Caddaalad waarta, aanayna ka quusan in taas lagu gaari karo niyad adayg, kalsooni, dadaal badan, iyo niyad jab la'aan.


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
xasan
(no login)

Re: MELEZ ZENAWI WAA NAAZIGA GEESKA AFRICA!.

No score for this post
July 16 2002, 1:04 PM 

waan idin salaamay dhamaan akhristayaasha
salaan kadib
walaal malaz zanaawi waa cadowga koowaad ee loo haysto muslimiinta iyo wakiilkana ka ah diinta kiristaanka ee africa marka taas yaanan doodeedaisku daalinin nabad uu dhaliayayna anigu maanan arag maanana maqal in uu waxkala daadiyo mooyaane soomaaliya waxa ay ka dagi la dahay waan la soconaa in uu isaga masuul ka yahay marka walaal ninkaa waa cadowgeena iyo cadowga muslinka sidaas ayuuna biladaku qaatay waxba yaanan lagu farxin ee ilaahay ha inaga soo qabto.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

waa u mutaystay iyaga!

No score for this post
July 16 2002, 10:33 AM 

zenawi oo macna ahaan ay ka dhadhamayso wacalnimo waa mutaystay inay kuwasheegtay siiyaan biladda nabada waxay ugu yeereen waayo iyagu waxay wataan miisaankooda ay ku xushan cidday rabaan
wacalkani waxaa uu aad dhibaato ugu geystay muslimiinta geeska afrika soo in golahan oo u samaysan dhibaatada muslimiintu abaal mariyo maahan?
jaawabtu waa haddii goluhu u samysnaa dhibka muslimiinta adduunka haa

ma caddayn ayaad rabtaa waxa golohu u sameysan yahay?
haa oo waa tan
waxaad ogtahaywaxa ka socda waddamo muslimiin ah sida palastiin,afghanistan,somaliya ,chechnia,iyo kuwo kale oo badan
sidoo kale meelaha ay ku nool yihiin muslim minoreties ka sida ethopia,india ,china etc ma aragtay cidka hadlaysa dhiigooda maalaa yacniga loo qubayo
waa tii east timor oo ay ku nool yihiin <800,000,gurmadkaad ogayd loo sameeyey ee
waa tan malaysia loogu hanjabo gacans innta dad aysan waxba tarin oo la gumaado waa moro libration frontyga reer philibine waa tan indonisia loo goolgoolanayee
ila eeg waxasoo dhan
wxaan filayaa inaad ila garan kartaan waxa sababta loo gudoonsiiyey iyo cidda guddoonsiisay waxay u samaysan tahayba
mahadsanidiin
farah abdi

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Adane
(no login)

Waa uu Mutaystay

No score for this post
July 16 2002, 12:41 PM 

Mar haddii umaddihii aqoonta iyo xadaarada laga soo gaaray ay isku wada raceen in Meles yahay nin u qalma biladaas, then waa u guul dhamaan ummadaha ku nool gees-ka africa (ethiopia,somalia,eriteria,d'jibouti) iyo dhamaan africa maadaama bilad qaali ah uu u mutaystay mid ka mid madaxda sida aadka ah looga qadariyo africa.
anigoo ku hadlay magacayga iyo magaca ummadayda waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka ethiopia ee jecelnahay inaan la qeybsano farxada munaasabadan oo runtii magaca iyo sharafta huwan. waxaana jecelnahay in ra'iisal wasaaraha uu halkaas ka sii wado nabad raadinta looga bartay,iyo sida uu ugu calool fayoow yahay in mar qudha nabad ay ka islaaxdo walaalihiis soomaaliyeed.
Victory day to all african People,
Afeef nin walboo taada ka hadal, mise sidii caadada inoo ahayd ama badawnimadii na lagu yiqiin aan isku cayno nin walba waxa ay aragtidiisu tahay.

Allaa weyn ninkii aaminaa awood leh

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
sadia
(no login)

layaab maleh

No score for this post
July 16 2002, 1:10 PM 

AS/alaykum

Alayaab ma leh sababto ah RASUULKENA(NAXARIIS-IYO NABADGALYO KARKIISA ALAH HA YEELO) WUXUU YIRA MALINTA YAMAL-QIMA IMAAN MAYSO ILAA UU XAQDARO ADUUNKA KA BUXSANTO BEENLOWGANA LA RUMAYSTO KII RUNTA SHEEGANA LA BEENSADO OO ADUUNKA WAAXA KA BUXSAMAYA XAQDARO. MARKA YAAN LA FIIRININ MALAWI NIN WALBO DIINTADA DIB UGU NOQO.

WASAMA CALAYKUM
HOOYO SOMALIYEED

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

layaab maleh.

No score for this post
July 16 2002, 7:45 PM 

Maha wax lala yaabo in Zenawi uu mutaystay billada abalmarinta nabada aduunka ,isagoo ku helay sida ay ina leeyihiin dedaal nabadeed ee ka gaadhay wadamada geeska afrika ee ay somaliyana ka mid tahay.
Aan wax yar dib u fiirino dadkii ka horeeyey ee ku guulaystet billada nabadda aduuna kuligood waxay ahaayeen mujrimiin( shayaadiin) waxan u arkaa Zenawi laftigiisu kuwaas buu lasocdaa.
ROnald Reagan wuxu ahaa cirfiidka ugu weyn reer galbeedka .wax uu aduunka ka geystey khasaare lixaadleh sida wadanka libiya weerarkii gardarada ahaa ee uu ku qaaday,shirqoolo faro badan uu muslimka u maleegay, Hosni mubaarak oo ah (BROKER) loo adeegsado Afrikanka iyo dawladaha carabta sidii uu ukala dhantaali lahaa ayaa usna nasiib u yeeshay billadaas.

Waxa intaas kasii yaab badnaa inuu qaatay abaalmrintan ISxaaq rabin kii la dilay ee israel, inuu helay laftigiisu ,inagoo og inuu ahaa codowga muslimiinta iyo Mujrim Alxarab.
Waxa aan sugnaa billada nabada ee lasiin doono MR,SHARON, Madaxweynaha maraykankuna ku tilmaamay (the man of peace).

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
cabdullahi
(no login)

Qofkastaaba kii uu jeclaado ayuu maciisa yahay , janno iyo Naar midba.

No score for this post
July 17 2002, 9:39 AM 

waxaa la yaab leh in uu qoro qof aminsan muslimnimo ama ah soomaali waxa uu u bixiyay "Wuu mutaystay". waxaan leeyahay waa laba mid uun kaasi in uu yahay mid aan garanayn waxa uu qori, iyo in uu axmaar yahay ama uunan muslimba ahayn .waxaan kuu sheeegayaa in aad ku sifoobi ama ahaanaysid waxa xadiiska nabigu sheegay ee aan cinwaanka ka dhigay.
zanaawi wuxuu ku qaatay biladaas intaadan ka jawaabin is waydii yaa siiyay???, yaa lala siiyay???? waxaa loo siiyay cadaawada uu u hayo islaamka, soomaalida iyo in lagu sii dhiirigaliyo hawshaas iyo gumaadka, dagid laŽaanta soomaaliyeed ah. Ma ogtahay in ninkii kacbada ilaahay ku duulay ee la odhan jiray Abraha in uu ahaa Zanawi adeerkiis oo uu TIGEREY ahaa.
hadaad tahay muslin khaldamay tooba keen, kadii kalena waa yeelkaa.
Intaas aan kuu jawaabay ayaaba khasaare ah.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
cabdullahi
(no login)

Qofkastaaba kii uu jeclaado ayuu maciisa yahay , janno iyo Naar midba.

No score for this post
July 17 2002, 9:41 AM 

waxaa la yaab leh in uu qoro qof aminsan muslimnimo ama ah soomaali waxa uu u bixiyay "Wuu mutaystay". waxaan leeyahay waa laba mid uun kaasi in uu yahay mid aan garanayn waxa uu qori, iyo in uu axmaar yahay ama uunan muslimba ahayn .waxaan kuu sheeegayaa in aad ku sifoobi ama ahaanaysid waxa xadiiska nabigu sheegay ee aan cinwaanka ka dhigay.
zanaawi wuxuu ku qaatay biladaas intaadan ka jawaabin is waydii yaa siiyay???, yaa lala siiyay???? waxaa loo siiyay cadaawada uu u hayo islaamka, soomaalida iyo in lagu sii dhiirigaliyo hawshaas iyo gumaadka, dagid laŽaanta soomaaliyeed ah. Ma ogtahay in ninkii kacbada ilaahay ku duulay ee la odhan jiray Abraha in uu ahaa Zanawi adeerkiis oo uu TIGEREY ahaa.
hadaad tahay muslin khaldamay tooba keen, kadii kalena waa yeelkaa.
Intaas aan kuu jawaabay ayaaba khasaare ah.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Omar
(no login)

Fulay Afeef badan!!

No score for this post
July 17 2002, 10:02 AM 

Haddaad ogtahay waxa aad sheegeyso in ay qalad yihiin maad iska dhaaftid fulayahow bowdyaha weyn leh!!!

Watchout traitor!!!

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Duqa-magaalada
(no login)

Cammuu la yaab ma laha laakiin waxbaa kuu.............

No score for this post
July 24 2002, 6:54 AM 

Cammuu fikradaada kuguma canbaaraynayo waayo qof walba caqligiisa inta uu le,eg yahay iyo aqoontiisa buu ku hadlaa!!! Laakiin waxaan ku oran lahaa intaad Africa aad dhagta u taagayso iyo Zanawi, bal taariikhda Ethiopia gadaal ugu laabo iyo Zanaawi siyaasada(codownimo) uu Soomalia ka wado, taas markaad wax badan kasoo ogaato baa laga yaabaa inaad markaas billadiisa qiimayn karto inuu mutaystay iyo in kale.
Mida kale gadaal ugu laabo siyaasada aduunka maanta ka jidha, taasna wax badan beey kuu siyaadine.
Qof walbow taada ka hadal baa tiri laakiin meeshu waa dood wixii la,isku raacsan yahayna waa la qorayaa wixii la isku khilaafsan yahayna waa la qorayaa, laakiin caydu waa caaqnimo.................
Si waasacan u fakar cammuu intaadan wax xukumin
From sxb-kaa Duqamagaalda oo wanaag kula jecel.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Allaa weyn bal.../

No score for this post
August 3 2002, 2:39 PM 


Waa hubaal in Alle weynyahay,ninkii aaminana uu tiir adag haysto,balse adigu haddii aad Alle aamin aad tahay maxaa ku daba dhigay gaal Alle iyo rusushiisii beeniyay,cadown ku ah inta Alle iyo rasushiisa aamintay?,kuwa u aqoonsaday gaalka xun inuu nabad doon yahay yaysan kuu noqon miisaan aad ku kala soocdo ama aad ku kala garato xaqa iyo baadilka.Ee kitaabka Allaha weyn ee maqaalkaaga aad kusoo af jartay magaciisa iyo sunad nabigiisa(nnkh)noqo mid ay wax u sheegaan.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

waxad tahay nacamleeye amxaar

No score for this post
August 19 2002, 4:48 PM 

marka hore in lagu salamo ma mudnid waxaad tahay nin aad iyo aad u xun kula yabi maayo wan aqan adigoo kale waxaan ku samaeyn laha nolasha ayaan kugu cuni laha waxad tahay aamxaar waxaad igaga badabaadey ma aqan meel aad joogtid iyo addereeskaada ee lakiin waxan ku oran laha somaaliya ma tihid ee waxad tahay amxar laakiin mar waxa iman doonta ay soomali ay argato adiga iyo ku wa uadeega amxaarada waxaba yaan hadal kugu daalin ka fiirso intaadan falin xabashi waxey dileen owgega aabaheyga caruurteyda adigana marakas baad ile dahay xabashidu way fiican yiihiin oo wuu muteystey bilad adigoo kale in lo jawabo ma ahayn ee klaakiin waan ku tusayaa waxad tahay qurun

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
haatuf
(no login)

jawaab

No score for this post
September 1 2002, 10:06 AM 

NACAS YAHOOW, HAMBALTADAADA MOOYEE,AFKAAGA HUURADA

DADKA KALA FOGOOW.

AWALBA WAA LAGU YIQIIN OO GARAC BAAD AHAYD.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
siciidyare
(no login)

Mondela ayaa u qalmey

No score for this post
July 16 2002, 1:20 PM 

Ugu horayn waxaan halkaan ammaan ballaaran uga soo jeedinayaa dhammaan akhyaarta somalitalk isku soo duwa, waxayna hadda somalitalk noqotay goobta sida xorta ah ugu furta akhristayaasha hadba mowduucii socda in laga doodo.

Waxaan mar labaad salaamayaa akhyaarta akhrisandoonta qoraalka. Waxaana halkaan ku cabirayaa aragtidayda. ee akhyaarey si cilmiyaysan aan u soo qoro qoraalada si meeshan u noqoto goob fikrad wanaagsan la isku dhaafsado,

Ugu horayn hal waan ku raacsanahay Adane, labo waan ku raacsanahay, labona waan ku diidanahay:

waxaan ku raacsanahay in bilada lasiiyo qof Afrikaan ah, waana ku raacsanahay in aynu si xor ah u wada doodno oo aynaan caytamin ee wax mira dhal ah aan soo bandhigno, inagoo ku xisaabtamayna in qoraaladeena ay akhrisanayaan dhammaan aduunka, oo laga qaadanayo aragtida soomaaida.

Waxaan ku diidanahay oo ah in Zenawi lasiiyo, iyo in uu ku mutaystay nabada Soomaaliya.

Ugu horayn Waxaa biladan ugu horeeyey oo u qalma waa Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur afrika MONDELA, waxaan aognahay in uu xabsi u galay halgan in uu ka hoos baxo gumaysi, waxa uu waxa uu aamin san yahay oo ah sinaanta dadka ku nool S/Afrika u xiraa 27 sano, markii uu xabsiga kasoobaxay wuxuu ku dhaqaaqay fikrad aan dunidan weligeed soo marin oo ahayd in uusan caddaankii madowga gumaysan jirey aan waxba loo dhimin, aan la eryi karin, ay la xuquuq yihiin madowga ka tirada badan, taasi waxa ay ahayd NABADII DUNIDA SOO MARTAY TII UGU MUCJISADA BADNAYD, waayo Xukuumadii gumaysiga waxay xabsiga ugu hayn jireen mandela iyagoo ka baqayey in marka uu madaxweyne noqdo uu caddaanka ka saari doono wadanka, taasi madhicin ee wuxuu noqday mid dhaliya nabad laba qowmiyadood oo wada dega.

Miyaan markaas la dhehi karin Mondela ayaa ka xaq leh, ileyn Mondela waa noolyahaye. Taas ayaa Dadka Afrikada bari uga sharaf badnaan lahayd, waayo Dadka Afrikaad Bari waxay kasoo qayb qaateen xoriyadii K/Afrika.

Zenawi Waxaa Soomaalidu kusoo dhoweydey dalka Soomaaliya markii uu la dagaalamayey keligii taliyii hore ee Itoobiya, marka uu qabsadayna waxa uu noqday Sidii kii u la dagaalamyey, waxaa taas ku tusaya in uusan xukunka u simin dadka wada dega Itoobiya, sida Oromada, soomaalida iyo Tiigreega iyo qabiilooyinka kaleba. Miyaan markaas la orankarin dadkiisa ayuu cadaadiyaa oo waa ku ceeb Golaha nabada aduunka in ay billad la qiimeeyo siiyaan nin dadkiisa cadaadiya, taasina ay biladii sumcadeeda hoos u dhigayso.

Arinta nabada ee Soomaaliya, sida in badan lasheegay, oo ay ka hadleen soomaali badan, waxay itoobiya si cad ugu xad gudubtaa arimaha gudfaha ee soomaaliya, iyadoo hadba raacda qabqable dagaal, waxa ay kusoo duushay meelo kamida soomaaliya sida buulo xaawo iyo meelo kale, Qof iyada u dhow ma ahan qof kale oo soomaali ah waa cadowgeeda kuwa u dhowna waa dhawr qabqable dagaal, taarikhiyana majirto meel Xabashido ay ka shaqaysan nabad Soomaaliyeed, weligeedna waxaa ka dhexeeyey dagaal, sidii kuwii AXMED GUREY, SEYDIKA, 1964, 1977, iyo kuwii dagaalkii 1991 ka dambeeyey, iyo weliba dagaalo hore oo badan.

Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, Itoobiyana malahan wax bada. Sidaas darteed Soomaaliya oo dhamaanteed hal waddan ah wuxuu Itoobiya ku yahay WARAN LA GAASHAAMAY OO LA GILGILEY, waayo hadii markaas xiriirkoodu xumaado waxaa markiiba burburaya ganacsigoodii.

Hadaba si xiriirkaas uu ku hamiyayo uu hirgalo waxa uu rabaa in uu dunida hadda u tuso nin nabded oo hadhow soomaalida laabjilayc kaga helo, oo layiraahdo waa kii bilada soomaaliya ku helay.

Laakiin sidee xiriirkaasi deris wanaaga ah ku hirgelikaraa, waa in uu Zenawi hadii uu yahay nin nabadeed uu dadka dega gobolka Soomaali galbeed u ogolaado in ay aayahooda ka taliyaan, u furo cod bixin, weydiiyo waxa ay rabaan, kadhigo wadan xor ah oo katashada aayahooda oo xor u ah aayahooda.

In uu faraha kala baxo umuuraha soomaaliya gebi ahaanba, uuna ogolaado soomaaliya oo mid ah, uusan la shirin cid aan metelin soomaal oo dhan, marka uu lashirayo uu dadka u sheego in waqtigaas u lashiri doono hebel oo soomaalidu ay soo wakisheen.

Hadii uu nin nabdeed yahay ha ogolaado in uu goob ka baxsan Itoobiya uu kula shiro Jabhaddaha Oromo libration Front iyo Ogaden libration front, haweydiiyowa ay rabaan, dunida hatuso ha qabto markaas teleconfrence, sidaasna xoriyad sannadkaan gudihiisa hakusiiyo inta rabta xoriyad buuxda, mana ahan in uu soo ulanayo cida uu la shirayo ee shacabka qowmiyadahaas kuwooda gudaha iyo dibada ku nool ayaa go'aaminaya, kuwa dibadaha ayaana xooga badan yeelanaya waayo waxa ay ku nool yihiin meeli xor ah oo uusan gaarin xukunkiisa gumaysiga ah.

Waqti kale ayaan fikradayda sii wadi doonaa hadii eebe ogolaado

hadda idinkan idiin daayey dooda




 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
cabdi somali
(no login)

Re: Mondela ayaa u qalmey

No score for this post
July 16 2002, 2:06 PM 

ma muteystey senawi bilada nabadeynta aduunka, yes and no. yes, waayo hadii ethipia ninkale madax ka ahaan lahaa eriteriya dawlada gaar ah ma noqoteen. yes, waa ninka keliya ee itoobiyaanka kala duwan isku haya. no, amxaarada iyo somaalida hadii aad weydiisid biladiisa. waayo eriteriya ayuu u ogalladey xornimo, somaalidana salka iney ku fariisato ayuu udiidey.
saxiibayaal gaal dil gartiina sii

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Ma Mudna

No score for this post
July 16 2002, 3:33 PM 


Waa Wax la lay yaabo lagana argagaxo in Males Zinaawi oo ku caan baxay dhiig yacabnim,Xasuuq iyo Gumeysi Shucuub kala duwan oo ku nool Geeska Afrika lagu abaal mariyo Bilad uusan u qalmin.

Taas Micnaheedu waxaa weeye Beesha Caalamka ee isku magacawday in ay tahay mid raacaysa Nidaamka Caalamka ee Cusub waxay ku raali noqotay Dulmiga uu Zenawi ku hayo Shucuubta kala duwan ee uu Gumeysto oo uu ugu horeeyo Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya.

Shacki kuma jiro uu Zenawi yahay nin Dhiig yacab ah kaas oo maalin maalmaha ka mida hor imaan doona Maxkamada Caalamiga ah ee Aduunka si loogu Abaal mariyo Dulmiga uu ku hayo shucuubta kala duwan.

Shucuubta hoos timaada Gumeysiga Itoobiya ka sokow wuxuu Cabudhin iyo Gar Daro Joogto ah ku hayaa Jamhuuriyada Soomaaliyeed,Suudaan,Eriteriya iyo Kenya.

Hadaba ninkii uu ka xasili laáa Geeska Afrika ayaa lagu abaal mariyay Bilada Nabada Aduunka waxaa Micnaheeda Dhabta ahi yahay sidan

Waxaan Males Zinawi ku Abaal barinay Dulmiga uu ka wado Geeska Afrka.Marka taas baan u fahmi karnaa.

Abdi-Sayid

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Khuburo
(no login)

Biladda waxaa Xaq u leh.Cabdi Qaasim,Caato,Ina Caydiid.

No score for this post
July 16 2002, 4:46 PM 

Nimankaas ah hogaamiyaasha Soomaaliyeed una soo dagaalamey dalkoodi ka dibna Nabad waarta ka Dhalinyey Muqdisho ayaa mudnaa in Aduunku Xumo.
Melizinaawi waxa loo siiyey waa khalad.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Khuburo
(no login)

Biladda waxaa Xaq u leh.Cabdi Qaasim,Caato,Ina Caydiid.

No score for this post
July 16 2002, 4:48 PM 

Nimankaas ah hogaamiyaasha Soomaaliyeed una soo dagaalamey dalkoodi ka dibna Nabad waarta ka Dhalinyey Muqdisho ayaa mudnaa in Aduunku Xumo.
Melizinaawi waxa loo siiyey waa khalad.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
gacmadheere
(no login)

Waa riwaayadii ugu qosol badnayd ee ifka isoo marta.

No score for this post
July 16 2002, 5:50 PM 

Waxaan hubaa qof kasta oo damiir binu aadam ku jiro oo aqoon u leh (Zanaawi) markii uu maqlo sheekada biladan inuu qosol iyo fajaciso isku jira la dhacayo.
maxaa yeelay waxaa la yidhi been sheeg oo been run u eg sheeg. Zanaawi wuxuu biladan ku mutaystay way iska cadahay gaar ahaan qof kasta oo soomaali ah aad ayuu u garan karaa ama ha isdiidsiiyo ama melaze ha u munaafaqeeyo. waxaa weeye kaalinta uu zanaawi ka ciyaaray burburka iyo dowlad la,aanta iyo kala qaybinta
umada soomaaliyeed kaalintaas oo dowladaha reer galbeedku aad ula dhaceen sida abaal marintan ka muuqada. laakiin waxaan rajaynayaa in shacabka soomaaliyeed arintani u noqoto daliil cusub oo u muujinaya mu,aamarada iyo cadowtinimada loo maleegayo umada soomaaliyeed iyo dhinacyada arintaa heshiiska ku ah oo ah Itoobiya, maraykanka, iyo yurub. markaa arintu way isaka cadahaye soomaaliyeey ama u diyaar garooba adoosi iyo gumaysi cusub. ama qarannimadiina, iyo xoriyadiina, iyo diintiina difaaca oo diida mashruuca isticmaarka ee cusub ee Zanaawi bilada lagu siiyay.
waad mahadsantihiin.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
sade
(no login)

Zinawi= Nazi+sharon

No score for this post
July 16 2002, 6:23 PM 

Salaan ka dib, waxaa wanaagsanaan lahayd haddiiba Zinawi la siiyey billadaas in loo ogolaado shaaroon iyo hitler, waayo ciddi wax gumaadda ayay dheheen wuu u qalmaa nabadda addunka. taas waa mid, mase ogtihiin in Zinaawi(NAZI) uu xodxodosho ugu maqanyahay C/qaasim si baydheheen uu codka SOMALIA uga helo C/qaasim tartanka kursiga bariga Africa ee golaha ammaanka ee AFRICA. haday dhacdo in C/qaasim ogolaado taas waxay noqonaysaa in Naziga loo ogolaado billadaas.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Idiris
(no login)

Gudiga DOORSHAANKA

No score for this post
July 16 2002, 7:44 PM 

Salaan kadib mamudna in laga hadlo Melez iyo billaddaas midna, laakiin waxaa mudan in laga hadlo Gudigaas sheeganaya nabadda adduunka. Waxaan raaraadiyey erey ku habbon magaca dhabta ah ee guddigaas kadibna waxaan helay in guddigu yahay DOORSHAAN. ileen isagaa wax qurunbadan dilin dilaystee!!.
Mahadsanidiin.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Laqanyo
(no login)

Ninkaasaa hadalka helay. DOORSHAAN

No score for this post
July 16 2002, 7:51 PM 

Waxaan u malaynayaa in dooda markan uu noo wajahay idiris, koley ninbaa mar uun hadalka helee waa sida idiris u yiriye DOORSHAANku wuxuu Biladda u siiyey Melez SOOMAALI iyo Islaam nacaybka ka buux dhaaftay maskaxda ZINAAWI.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
abdifatah
(no login)

sa-sabid ayaa loo siiyey

No score for this post
July 16 2002, 8:33 PM 

sababta billaddan loo siiyey waad ogaydeen in dagaal dhex maray labada waddan ee ethopia iyo eretariya marka labada waddanba waxay ku jireen waddamada lafilayey inay fuliyaan dano mihiim ah oo laga rabay
marka si dagaalkaas loo baajiyo waa in la helo qof billad nabad lagu sababo oo tanaasul sameeya si dhiig danbe u daadanin dantii larabayna ay uhir gasho
marka arrintu way kaxeel dheer tahay billad ee billadda macnaheedu ma aha shaqsiga ee deegaanka iyo si loo helo wax sharkiisa lagaga bad baado waana lagu sasabayaa inkaar qabaha

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
ahmed
(no login)

Re: sa-sabid ayaa loo siiyey

No score for this post
July 17 2002, 3:19 AM 

males zanawi apparantlly his game of somalis is they should “agree to disagree”
and pretend ethiopia as african country that cares about us,using the african union wich is based adis ababa and the hopeless igad

he wants the future goverment of somalia is headed by the pupet abdulahi yusuf...or somalialnd administration..and constatatution of our republick is written by him so that we denounce the claim of westren somalia ..

to put pressure he and warlords who game only game is to see their pocket to be filled by millions of dollars and shed blood of innocent poeple if they dare to speak and want life for their kids in the streets of mogadishu refused to recognise tng ...ethiopia is the one who suppllying woepen to them...no one have investigated..apparantlly no body cares our humanity so called free world shut their eyes and recognised sanawi as peace maker!!!...and they have accepted males explanation of it's all speculation i have no involvement..the killing and the civil war in somalia.."iam peace man"..obviouslly this award is politiclly motivated award and it has been awarded to enemy of somalis ..what's behind all of this... as we somali poeple who suffered and will continue to suffer the policies of this wicked bastard sanawi?we only can say he doesn't desrve..let the world know ..what we think about this award of christain judesiam moral supriority.
it's not fair and it's grave mistake that they have committed again and again ..to punish poor muslim poeple becouse of their religion after handing ou affairs to ethiopia ,after closer of our al barakaat.bank..after linking our tng to the terrorist osama..after supplying woepens mass distruction to somali warlords..i can only say it's revenge of what happaned 1993..what happaned 1920..and what happaned the septembar 11..all wich we are guilty by assosiation..in the minds of powerfull exremist religion poeple..and they call themself organasation that promotes peace..shame on you...

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

rayigayga billada zanawi

No score for this post
July 17 2002, 3:49 AM 

Salaan ka dib ma garanayo waxaan ka idhaahdo waxaan ku jirraa casri la magac baxay casrul cajaaib dilaagu waa nabadeeye mulinku waa irhaabi nabadeeyuhu waa dilaa geesigu waa doqon doqonkuna waa geesi. markaa ma laha is waydiin goloha nabada waa goloha geerida.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

meles zanawi iyo bilad gu doon siiyuhuba waa laba duug

No score for this post
July 17 2002, 8:25 AM 

Assalaamu calaykum, Zanawi iyo midka siiyay Biladda waalabo tuug waxayna ku tashadeen inay inuu soo layo Somalida iyo Muslimiintaba waxaan rabi ka rajaynayaa in rabi ugu badalo Cadaab iyo ciqaab ilaa hada qofkee ka jawaabi kara sababta loo siyay iyo waxa uu ku mutaystay? fadlan iiga soo jawaab gaal gaal dhaansaday weeye marka waxay ku tala galeen golaha amaanka iyo Zanaawiba inay cirib tiraan somaliya iyo Muslimiintaba waxaa loo siiyay inuu laayo muslimiinta ku nool ETHOPIA, maadam uu laayay mus limiin badan waa la siinayaaa bilada ee lasocda waxa loo siiyayna wax kale maaha maanta hadaan awood u hayo ZANAWI, iyo daba dhilifkiisaba aduunka waan ka qarin lahaa maanta oo ah isreal marka halaa ;yaabinina gaal gaal bilad siyay waa cadaan cad oo lagu siinayo bilada inuu so laayay somali lana og yahay marka taasna ogaada ETHOPIA,waligeed soomaliya arxan uma suu binayso WABILAAHI TAWFIIIIIIIIIIIIIQ

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

kufaar zanaawi

No score for this post
July 17 2002, 11:15 AM 

waxa uu ku muteeste biladaan sharafta badan waxa weeye markii umada soomaliyeed uu kala qeebiye hub isugu dhiibay qaarna ciidamadiisa gacantooda ku laayeen ilaa iyo hada meela badan oo soomaaliya kamid ah ciidamadiisa.soogalaan markee doonaan hubna siiyaan nimanka worloodada, isaga u shaqeeya, sidee umada masaakiinta u laayaan,ilaa iyo hadana ka shaqeenaya kala qeebsanaanta umada soomaaliyeed marka kufaar zanaawi sidaa ayuu ku muteeste

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Warsame
(no login)

Waxay na tuseen waxay noo qabaan!

No score for this post
July 17 2002, 12:32 PM 

Maalin walba waxay lasoo baxayaan gaaladu wejigoodi runta ahaa iyo nacaybka ay islaamka u qabaan.

Ragaani waa kuwii shalay yiri:Sharon waa "man of peace"!Mise waa kuwo kale.Hadalkaas xataa waxaa ku qoslay israa,iiliyiinta!

Tana waxay ku socotaa wadadaas uun ee maahan wax cusub.Waxay usoo labisteen inay sameeyaan wax kastoo muslimka ka caraysiinaya sameeyaan.

Markaan saas leeyahay yaan loo qaadan inaan ahay wadaad seef la bood ah laakiin waa xaqiiq iska muuqata ninkii iska indha tiraya yeelkiise!

Laakiin siduu usiiyey ayuu anagana noo sheegay wuxuu noo qabo!

Marka si haddii loo eegana anana waan astaahilnaa in dhibaataynteena billado lagu qaato,waayoo cidii is xurmaysaa la xurmeeyaa!

Ciilka arintaas iyo arimo badan iga hayaa ma yara,laakiin waxaa yar intaan qaban karo!

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

zenawi shaqadii loo xilsaarey wuu gutey

No score for this post
July 17 2002, 2:59 PM 

malazenawi shaqadii loo direy ku guuleyste bilad
wuxuu kumuteystey inuu daadiyo dhiiga maanta ugu riqqisan aduunka waa dhiiga muslimiinta gaar ahaan soomalida. waxaa kale oo uu ku muteysey inuu ku guuleystey inuu 10 sani dagaal aan joogsi lahey kuhayo islamarkaana uu hortaaganyahey in nabad laga dhaliyo soomaliya iyo inuu abaabulo dagaal oogayaasha uxilsaaran baabinta shacabka soomaaliya

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Anonymous
(no login)

ogaden

No score for this post
July 17 2002, 7:19 PM 


ogaden.com

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Halayaabin wey u gaartaye!!!!!!!!!!!!!!

No score for this post
July 18 2002, 4:00 AM 

Waxaa la yiri gabar baa aabaheed waxay ku tiri"Aabow waxaan soo arkay nin guska dhulka ku haya"Markaasuu ku yiri"Maadhay wuu u gaaray" Hadda Melez iyo Qolada siisey billadda nabadda wey u gaartay.Dhacdadani waxay caddeyn u tahay inaan adduunka macnaha "NABADDA" isku si loo aqoon.Waxaase jirta maahmaah carbeed oo oranaysa"Hurdda oo hasoo kicina waayo liibaanta waxaa hela qolada hurudda.Aamusa oo ha hadlina waayo hadalku waa xaaraan.Haddilaydin yiraa malabku waa kharaar waxaa tiraahdaan waa dacar.Haddii laydin yiraa maalintu waa habeen waxaa tiraahdaan waaba mugddi".Ninkii wax garad ihi wuu fahmayaa "NABADDA" uu Melez ka shaqeeyey ee uu ku mutaystay billadda,laakiin doqomadu ma garanayaan waxa laysku haysto.Waxaa leeyahay sidii uu Sayidkii yiri "Nin ragey dardaaran u tahee doqon ha moogaado".Waxaase- kaaf iyo kala dheeri iyo kaan udhigtabay maaha-ah Billadda Melez iyo qolooyin gudaha iyo dibadda somaliya jooga oo ku hadaaqaya sidii Babagaaladii "Melez waa walaalkeen iyo Ethopia waa dowlad aan walaalo nahay".Xaqiidu waa in Somalia oo dhimanaysa oo halbowle go'anyahay Ethopia loo xilsaarey inay dhiig joojin u sameyso daawysana,taasoo la mid ah -JIIR DHAAWAC AH OO BISAD LOO DHIIBAY SI AY DHAAWACIISA U DHAYDO-dhabtu waa sidaa TII ALLANA WAA MEESHEEDA.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

wuxuu ku qaatey isku dirka Somaliya

No score for this post
July 18 2002, 9:08 PM 

Aniga waxaan qabaa in Senawi uu istaahilo Billadda Nabaada mar hadii Somaliya Dowladaha waaweyn aysan ogolayn in Somaliya dib u istaagto uu isana ka shaqeeeyey inaysan dib u istaagin kuwa biladda bixiyana ay iyagu yihiin inuu istaahilo, mar hadii kuwii siyaasiyiinta somaaliyeed ahaa uu siduu doono u rogrogo siduu doonana ka yeelo inuu Biladaa istaahilo
mar hadii aadan ka doodi karin oo aan lagu weydiineyn waxaa dooneysid iyo Senaawi wuxuu yahay oo aad anagu qaarkeen difaacayaan wuu istaahilaaye ha qaato
Mahadsanidiin

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
sadia
(no login)

hadal badan wax mataro

No score for this post
July 19 2002, 12:54 AM 

Walalayaal

Waxaan idin oran lahaa hadal badan wax inoo ma tarayo
bal hortaa aan ka daba tagno yaa siiyay ninkaan bilada
qoloyinka xuquqda beni'adamka u doda way og yihiin waxaa u yahay ninkaan.

Marka maan ka dagalano oo mediaha la socod sino ceebeno uruka siyay bilada aan codkeena dhibano waa in aan wax ka qabana ariintaan. Sidaas in ku harno ma ahaa. Hadii aan halkaan kaliya ka hadlayno wax inoma tarayso.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
XIDIDOOLE
(no login)

Re: ZENAWI iyo BILLADA GOLAHA NABADA ADDUUNKA

No score for this post
July 19 2002, 4:35 AM 

ASAALUM ALAYKUM WALAALAYAAL

INTAAS KA DIB WAXAA UU MELES KU MUTAYSTAY BILADAN WAA WAXA AAN LA GARAN KARIN WAXAAN ODHAN LAHAA OO KALIYA KUWA U GARTAY WAA KUWO XOOLUHU KA AQLI HOOSEEYO, ADUUNKUNA HALIS BUU KU SUGAN YAHAN HADII GUDI DHAN OO LA DOORTAY ISKU RAACEEN IN MELES LA SIIYO BILAD NABADEED

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Colaad waa haa - Nabd waa maya

No score for this post
July 20 2002, 6:01 AM 

Mudane Zanawi oo ah M/weynaha Ethiopia, waa mudan yahay in la abaal mariyo. Wuxuu ku muteystey abaal marintaas. Waxaa noo xaqiijiniya abaal marintaas oo lagu qanci kara waa sida u fuliyey amaradii la siiyey. Amaradaas oo ku qorneyd maqaalkii ku daabacnaa website-ka layiraahdo www.stratfor.com 1999(taarikhda iyo bisha ma' xuusuto waase la heli kara). Amarkaas oo ahaa mid ay Dawladda Mareykanku fartey ama Greenlight ku siisey inuu Somalia wax kabto (derisna siiyo) isagoo ka aarsaniya una aariya Dawladda Mareykanka jabkii iyo halaagii ka soo raacey dalka Somalia. Dowladda Mareykana oo door bidey inay dawlad sadaxaad u hesho Somalia deris la yaqaano siisa. Cidda hawshaas fulineysa, shurudiha laga rabey waxaa buxiyey Dawladda Ethioia oo cadowtinimo iyo neceyb u heysa Ummadda iyo Dawlad Somaliyeed.
Mar haddi Somali ay noqotey Eh-lil qabuur, ninka maanta u hadliya ama M/weyne u sheeganaya u yahay Abdiqaasiim, kursi M/weyne-nimo aan jirin ku bayactamiya oo leh waar Zanawiyoow! vote-ka AU Security Council-ka aan is daafsano kursi-geyga, marna haka hadlin (waa nasib darro labaad).
Tol-beley, ma qadyaddi Somaliyeed baa lagu bayactamiyaa oo kursi aan jirin lagu bedelaniya (Somali daaf, Hawiye iska da, reerkii uu ka dhashey ee habar-gidir buu san heysan).
Haddi xalku halkaas mariyo, Maxaad Zanawi ugu diidi Biladda xun? Mey ahaato Nobel Peace Prize-kii Oslo waa mudan yahay, ileen waa la wataa oo quruumo kaa xoog weyn baa shafka u tumey, ileen danti laga laha horaa loo ofsadey inti aad isku maqneed.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

waxa ay damacsan yihiin ayaa ka daran!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

No score for this post
July 24 2002, 2:01 AM 

asalaamu calaykum

waxaan salaamayaaa dhamaan dadka ka qeyb qaatay doodaan iyo kuwa raba inay ku soo biiraan
wlaalayaal waaxaa jira oo sida an la wada socono caadiyaan ah in markii uu qof hawl qabto oo waliba sida loogu direy u soo guto ay cida wax u dirsatay ay ku abaal mariyaan qofkas si uu usii labojibaaro dadaalkiisa
dabcan taas waa ila garateen waa nin hawl loo diray oo qabtay
maxaa yeelay waxuu ka taqalusay wadankii iyo dhulkii
la oran jiray somaaliya waxaana u dhiman inuu laayo caruurta uu aabayaashood laayay
hadaba somaaliyay waxaa la yiri gabar raga wax aad u wayn oo caadi ahayn ka aaminsanayd ayaa waxy aragtay reer roob xun intuu ku da'ay uu si xun u galay markaasay tiri tollow reer rag leh roob sidaan ma u galaa
hadaba soomliyay waxaan oran lahaa waxa noo dhiman ayaa ka sii darane aaway rageenii !!!!!!!!!!!!!!?

wabilaahi tawfiiq

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Al itixaad
(no login)

NACALAD AYAA SAARAN DOOFAARKA ZINAWI

No score for this post
July 24 2002, 6:41 AM 

Assalaamu calaykum!!

Walaalayaal salaanta islaamka kadib, wax lala yaabo ma aha in Mele Zinawi la siiyo billad, laakiin waxaa wax lala yaabo ah kuwa soomaalida sheegana islaamka sheegana ee u jeeda waxa uu samaynayo hadana ku sii indha adag oo daba socda!!

Kuwaas walaalayaal waa isaga oo kale wax ay dhaamaan ma jiraan umada soomaaliyeedna waxay u malaynayaa in wanaag ay u wadaan!!

Meles Zinaawi wuxuu aduunka ku mari jiray oo heerkaa soo gaadhsiiyey waa soomaali baasaboor soomaali ah ayuuna wadan jiray marka haduu abaalkiisii noqday in uu umada soomaaliyeed ka dhigo mid uu dilo, mid uu xidho iyo mid uu adoonsado ha ogaado soomaali in ayna sidaa ku baaba'ayn!!
Hana loo duceeyo walaalaha mujaahidiinta ah ee soomaaligalbeed!!
Wassalaaaaaaaaaaaam

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Hassan Baay
(no login)

Nenawi soo saaraha amaba Abuuraha Qabqablayaasha dagaalka soomalida ee maalin kasta

No score for this post
July 25 2002, 7:38 AM 


Zanaawi waxa uu ku mutaystay biladan asagoo sameeyay Warshad wax soo saarkeedu aad u sareeyo, taasoo maalin walba soo saarta Qabqable dagaal oo Soomaali ah.
Warshadiisu waa mid productionkeedu sidii loogu tala galay ku socota isla markaana aan qasaarin, sanad walbana marka xisaab xirka la sameenaayo waxa ay soo galisaa faa iido aad u badan.

Waa warshad cajiib ah, waxa ay u shaqaysaa hab ay rag qubaro oo waliba cadow ah ay ka baaraan degeen.
Warshadu waxa ay Gobol walba oo soomaali ah u soo saartaa ama samaysaa hal Qabqable, saas kuma daysee waxa ay hadana dadka gobolka degan ay u soo saartaa Min hal Qabqable qabiilkiiba.
Hadana halkii nin kuma daysee, waxa ay isla qabiilkii u soo saartaa qabqable kale oo ay waliba ku dirtaa kii hore ooy tiraahdaa adigaa meesha ugu saraysid.
Halkaas waxaa ka soo baxaayo Hal qabiil oo leh dhowr Qabqable dagaal oo midba mid ka kale uu la dagaalamaayo.
Marka waxaa laga yaaba inay hal magaalo degen yihiin 10 Qabqable oo iska soo wada horjeeda isla markaana hoos tago Hal nin oo ah ZENAAWI.

Tusaale Bal Xamar fiiriya iyo inta Qabqable ee joogto, isla markaana fiiriya habka loo kala habeeyay iyo sida ay isaga soo hor jeedaan, waxaan la yabaa maalin walba waxaan maqlaa magac cusub, mid walboo qabqable ah mid kale oo ka hooseeyay ayuun baa ku soo dhalan sidii shaydaanka.

Baydhabo arka iyo sida loo kala habeeyay, gobolka barri isna ila arka.

Zenaawi waa mutaystay bilada, shaqadiisiina waa gutay.

Hassan Baay



 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - ZENAWI iyo BILLADA GOLAHA NABADA ADDUUNKA
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.