Haddii booqashadaan ay tahay mid ay ka dambeyso dawlada Maraykanka ama uu ku baxayo martiqaad uu ka helay, waxaan u arkaa in ay tahay arrin dhiillo leh, waayo waa dhiirigalin dhiigyacab iyo digtaatornimo.
Haddiise ay ka dambeyso abaabul iyo casuumaad uu ka helay xertiisa ama xumo-kalkaalayaashiisa Maraykanka jooga, manoqoneyso mid waxweyn ka baddasha xaaladda guud ee Puntland.
Waxaanse ku baraarujinayaa in ay ka faa'iideystaan inta dhiigga ku leh C/laahi Yuusuf ee uu eheladoodii dilay fursaddaan oo Maxkamad ku soo oogaan maadaama uu imaanayo meel sharci kajiro- waa in aysan noqon meelwalba halaqmareen dhib yari lagu tegi karo iyadoo dad dhiigiis la qabo.
Mahadsanidiin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Jawaabtu waa mayee taarikadaydu waa PL, balse C/laahi camal xun buu kusameeyey PL, waana in laga Jaseeyaa, mana istaahilo in lasoo dhaweeyo ama la horfariisto.
Makaligiis baa wax waxgarad ah oo danteenna kashaqeynaya nagu jira mise waxaan nahay ummad toigtaatorka ka hesha - maxaan Afweyne ku diidnay saw ma aheyn dhiig daadis iyo digtaatoornimo? I hope your answer will be yes!!
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaa caada u noqotay xerta abdullaahi faldanbiyeedkiisa u qiil raadisa inay mar walba ku doodaan in odagu wuxuu rababa ha ahaadee uu yahay howl karameed waqtigan adag ku haboon iyagoo isku dayaya inay qiil ugu helaan taageerada indha la'aaneed een cilmiga iyo caqliga toona aan ku salaysnayn.waxaanan qiyaasayaa dadkaas iyaga ahi inay ka go'an tahay taageeridda abdullaahi hadduu kacbada dab qabasiiyo iyo hadduu dadka reer pl wada baabi'iyo labadaba.
Abdullaahi hadduu karti iyo howl karameed leeyahay sida aad ku doodaan naftiisa ha habeeyo khaatumu wanaagsanaa Ilaah ha waydiisto inta goori goor tahay xeero iyo fandhaalna ayan kala dhicin.
Ninka howkarameedka ah ee aanu maanta u baahanahay ma ahan abdullaahi iyo wax la tilmaan ah ee waa nin marka here Rabigii uumay ka cabsanaya sida looga cabsadana garanaya Illayn isagay wax walba gacantiisa ku jiraane, marka xigana danta guud wax walba ka hor mariya jidka loo marana yaqaana ee aan qarda jeex iyo bowsi ku shaqayn, marka xigana la tashada dadkiisa Illayn far kaliyihi fool ma dhaqdee laakiin ninkii fahmi karaa taas loo sheegayaa kii kalese yuusan isku shiddaynin!
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waryaa somaliya anigu aan idiin sheego Runta,waxaa aad heysaan maha
waa qurun majeerteen waa wada wicil kan maraykan imanayoo
iyo mid kale kuli waa yuhuud yey been u sheegaayaan,shimaa la
idin bartay?caruur ma ihin dad xun aa tihiin,hadii sheegeysiin
maxaa isku dili waayseen,hadaana mid iska dhigaa soomaali
mid kalena yuhuudkiis weli yahay,mugaas afbiijo bosaaso
aaday maxaa loogu baneeyey?lacagtii jaamac jini jamac la siiyey
oo liibya iyoonto Dawlada somalia siisay inteey ka baxday?
haa hada aa dadka loo sheega saanaan sameynay saan waaye..inteena!
talo somali hadii rabto ha ciribtiro majeerteen walaahay
hadii saan lee lagu jiraa abidkeen..kuli xaasid kuli yuhuud
somaliya waxa kahribina uyaka waaye..ha la dhegaysto ani.
warka ma jiro waa in la baabiiyo eeyda.hoosta eey iskala jiraan
dadkana beeneey usheegaan ani maan ku aqoon hee,nijaas uso.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Ader, waa la dhaafay wakhtigii la oranaayey,"Doqon ila dhashaa iiga roon diric shisheeye ahe".Abdulahi yusuf waa dambiile dagaal, waxa puntland maanta ka socdana isaga iyo wax magaratada raacsan ayaa ka ma suul ah.Maalin maalmaha ka mid ahna waxaa la soo taagi doonaa maxkamad isaga iyo gacanku dhiiglayaasha kale ee somaliya ku sugan.Waxaaan shicibka soomaliyeed ee wax fahamsan kula talinayaa iney ka gudbaan "kan ayaanu isku reer nahay oo aan ku taageerayaa sax iyo qaladba". Taasi hadey dhacdo waxay curyaamineysaa koritaankaiyo horumarka maxkaxdaada.
Note: Ogow akhristoow Anigu waxaan ku dhashay magalada Boosaaso, taas waxaan ula jeedaa kuwa maskaxda kooban wax ku cabiro oo hadhow oran doono"war kani xamar buu ka yimid oo puntland ayuu ka soo hor jeedaa.
Mahadsanidin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Aad iyo aad ayaad ugu mahdsan tahay sida wacan ee aad u hadashay.Waxaan rajeynayaa in soomaali badani kugu dayato oo fikradooda u cabiraan si xor ah,iyagoon u xaglineynin kan ay isku reerka yihiin.
Thans alot
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waa jirtay Xilli dadka reer Puntland ee nabadda jeceli ay ninkaas doorteen ayagoon ku dooran wanaag uu leeyahay iyo rabitaan toonna balse waxay wax walba ka hormarinayeen nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Waxaadse hilmaantay kas iyo kama'a tay noqotaba in saddexdiisii sano ay dhamaatay muddo hal sano kabadan laga joogo. haddana uu meesha dulmi iyo indhacadays ku joogo.
Waxaa lagu rayn lahaa inuu waddanka gees u dhaafi lahaa.!!!!
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaa shaki ku jirin in ay booqashadani tahay mid rasmi ah.Mudane Cabdullaahi Yusuf marka uu tago Caasimada Maraykanka in ay is arki doonaan madaxda sar sare ee Wasaarada Khaarijiyada iyo qaar ka mid ah sinitoorada Maraykanka.Socdaalkani uu Mahaxweynaha Puntland Mudane cabdullaahi uu ku tagayo maraykanka waa mid la xiriita Shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee bisha september ka dhicidoona nairobi kenya,La dagaalinka argagaxisada aduunka,Sidii loo heli ahaa dowlad Sooomaaliyeed oo ku dhisan hab demoqraadi oo federaali ah iyo sidii ay dowlada maraykanka ay u caawiyi lahayd dadweynaha Puntland xagga Caafimaadka,waxbarashda IWL.Safarkai waa mid arrimaha Soomaaliya wax weyn ka bedelaya gaar ahaan fusad qaali u ah ummada reer Puntland.Inta neceb horumarka puntlandna,Aaminsan qabyaalada,Shaqsi nacaybka waxay u tahay naxdin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Runaad sheegtay timir laf aa jirto..wixii ka soo baxo aan
arkin koleey wax fiican ma ka imaandoon,hadii wax ka yimaadan dagaal
lee ahaa,su'aashaase waxaa waaye SRRC wax ma dhimi koraan?
aan aragno wixii saca dhalo.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Ninka isku sheegay in lagu maga caabo Bashiir kana hadlay mawduuca Cadoga Daalimiinta, aad baad calooshaada uga hada shay laakiin waxaan ka xumahay yaa kuu og calaan yahay, waxaad na tahay halkaan bayba ka cadahay in aad tahay qol yahay ku dhuuqa koolada dibadaha, wadanka ayaa na joognaa ma na ah C/hi waxa aad ku sheegayso anaga ayaana ka war qabna waxa uu yahayba darbiya jiif yada jooga dibada in ay waxay doonaan ku hadlaan waa wax xag ale ku dhacay. kaliya adigoo saas u hadlaya ma imimankartaa Pl doqon baad tahay saqraansan.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Tolow Cabdillahi ma sidiisii buu keligii uu aadi doonaa USA,
Aniga Cadillahi baan aqaan waxaa laga yaabaa inuu dhuunto keligii si aan inta kale ee reer Pl u ogaan waxa laga hadlayo. Waxaan sidaa u leeyahay hadda ka hor laba dhacdo oo xunxun ayaa ku dhaxcay Mr. Cabdillahi Yusuf siduu uga cararayey maskaxda iyo dugaalka dadkiisa waana kuwan:
Sodre: Qabaa'ilkii huwanta ee xamr ka yimi oo isaga u soo dad badsaday ayuu hor fadhiistay isagoo keligii ah saa waa liqeen
Qahira: Toban qabqable oo isga ku duulaan ah ayuu hor fadhiisatay isagoo keligii ah saa waliqeen.
Waxaan ka baqayaa inuu xitaa saxiixa kal iulaawo illeen waa keligii taliye aan cidi la socone.
Cabdullaahu hawl wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa laakiin dadaal oo iska ilaali keli socodka hadii kele wadigaa cidla ku bixi doona.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan kadib, runtii C/laahi waa oday Soomaaliyeed laakiin Dhiiga Soomaalida dhiniciisa uga dabaashay. lagasoo bilaabo 1979 ilaa hadda oo uu Puntland dhiig sookeeye ka wado, C/laahi waa shakhsi, shakhsina umad dhan ma tali karo oon waliba la dooran sidaas darteed waxaan oran lahaa hadduu Minesota Tagayo iyo hadduu Waashington tagayaba, Soomaalida Culumbus, oo ah State ka labaad ee Soomaalidu ugu badantahay USA ma soo hor fariisan karo, sababtoo ah kii isagoo kale ahaa (Cumar xaaji) bay eryeen saasaana u caada ah Soomaalida Culumbus, Ohio. ugu danban Waxaan ka codsanayaa Soomalida degen Menisota in aanay soo dhawayn gacan ku dhiiglaha.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Abdullaahi waxa uu yahay isaga warrami mayno oo waynu wada ognahay,waxaanse ku la talin lahaa dadka soomaaliyeed iyagoon isu kala soocin pl iyo soomaalida inteeda kale in la qaban qaabiyo mudaaharaad wayn oo looga hor tagayo gacan ku dhiiglaha inuu xorriyad ku maro meelaha ay ku nool yihiin dadka soomaaliyeed ee ka soo cararay dhibaatada ay u gaysteen gacan ku dhiiglayaasha uu horseedka u yahay abdullaahi yusuf.
Arintani waa fursad qaaliya ee waa in laga faa'iidaystaa,waqti fiicanna waa loo haystaa si laysu abaabulo, waana inuu markuu la kulmayo xertiisa xaaraanta ku taageerta uu u dhuunto si ka daran sida uu u dhuunto markuu boosaaso dhex marayo.
mahadsanidin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Ama ku farax ama ha ku farxin waa socdaal culus.QOf baniaadam oo hor istaagi karaa ma jiro.Marka ay timaado la dagaalanka argagaxisada iyo xoojinta cilaaqaadka puntland iyo maraykanka ha ilaawin waa mid xasaasi ah.Hana ku fekirin in aad soo hadal qaado wax la yiraaho qabanqaabo mudaharaad.Waxaase ugu yaabka badan adigii gedo iyo Cabudwaaq ka yimid in aad dadka aad wax u sheegto.marka aad Gurigaaga soo hagaajiso dadka kale wax ka sheeg.waad ilaawday in aad bililiqaysatay hantidii wadanka oo aad masuul ka tahay dhibaatada dhibaatada Somaliya maanta ka jirta.War Muuryaan Marka ay timaado arrinta cabdullahi waa mid u taala reer Puntland.Cabdullahi wax kasta oo uu yahay sidan ayaan ku jacelnahay.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Ninyahow malaha beenta ah jooji waa waxaad adduun ku kharibteene, anigu caabudwaaq iyo Gado toona kama imaan ee waxaan ka imid dhulkii lagu tilmaami jiray nabadda yo in caqliga toosan wax lagu qaybsado pl,dhulkii isaga ahaana abdullaahi baa galangal iyo goob dagaal ka dhigay marka maxaynu cid kale farta ugu fiiqaynaa innagu maynu horta gurigeenna hagaajino oo daalimka iska qabano.
Inkastoo aan caabudwaaq iyo gedoba aan la jeclahay wanaagga aan naftayda la jeclahay laakiin kama iman.
Maxaadse ku doorateen markaynu innagu isla hadlayno inaad beer laxaysi iyo been aqridaan oo sidii cid kale idin la hadlayso aad iska dhigtaan, abdullaahi wuxuu laynayo waa innagii wuxuu dhacayana waa innagii waxa ka damqanaya dulmigiisana waa innagii,ee is khaafinta jooji waayo fallaari gilgilasho kaagama foqdo.
midda kale haddaad adigu abdulllaahi wuxuu yahayba ku jeceshahay waa adiga iyo yeelkaa waana mid meel kuu taal kollayse aniga iima daadagin dulmi jacaylna Allaan ka magan galay.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
dadka cabdullaahi yuusuf oo taariikhdiisa layaqaan ahna
nin ILAAH iyo islaam ka fog u riyaaqaya miyaaney xagga
ALLE rajo ka qabin ? ? ? ? ? .
Tan kale maanta oo dunidu kala baxday waa [ waa muslim
iyo Gaalo] cabdullaahi qoladiisa ayuu raacay hadda mid
kale ogaada cabdullaahi ducomentska uu maraykanka ku
tagayo waxaa ka mid ah: labada nin oo suuriga iyo
falasdiiniga ah oo boosaaso ka shaqaysan jiray oo uu
xiray haddana dhiibay good ducoments.
Waa ninka somalia burburka u horseday raguu ninka wanaagsan moodayna Ethiopia ku dhex dilay.
waan idin salaamay soomaaliyee hadaan ka gudbo oo uga gudbo u jeedada qoraalkayga waa wax wanaagsan haddii nin kasta oo umada soomaaliyeed denbi ka galay meel looga soo wada jeesanaayo iyada oo aan qofna khalad u arkayn hadaba arintu haddii ay tahay cabdilaahi uun halagu muda haraado kuma jiro laakiin haddii ay tahay ninkasta halagu muda haraado waan ka qayb gelaynaa waayo waa waxa keliya ee wax lagu saxi karo in layska qabto dadka dadka cunay dalkuna ka degi waayay
waad mahadsan tihin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
ASALAAMU CALAYKUM
WAA ARIN LA YAAB LEH..?
ABDULLAHI YUSUF AYAA BOOQAN DOONO WASHINGTON TOLOW DANTA LAGA LEEYAHAY EE UMADA SOOMAALIYEED LAGA QARINAYO WAYNAA NIN KASTA OO DANAHA MARAYKAN WADAA WAA SIYAASI WAYN SIDA AY MARAYKANKU DOONAYAAN NINKII DANMARAYKAN AAN WADIN WAA DIKTAATOR.
TALOW C/LAHI WAA KEE DANTA UU WADANA WAA TEE MA RER B/LAND MISE MARAYKAN? MAGEESIBAA MISE GACAN KUDHIIGLE UBAAHAN IN MAXKAMAD LASOOTAAGO?
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Abdullahi Yusuf is the only uncorrupted Somali Leader
No score for this post
July 17 2002, 1:41 PM
IMHO (in my humble opinion) President Abdulli Yusuf of Puntland is the only responsible and uncorrupted Somali leader on the political scene today. As a former American diplomat, I know that he will be well received in Washingnton, DC during his brief visit. I hope, this visit will be fruitful for the Somali people.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
After greetings, I think Mike needs to search about C/lahi. do You know that he is the father and the founder of the Somali genocide?.( in EElAY Village in Galgaduud Region) he killed more than 48 innocent Somali cicilians in 1982 while he was fighting against SIAD BARRE. C/lahi is a war criminal in the past 25 years of Somali crises, and we will ask the US government, not to allow him coming in Washington DC as a Somali politician.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
I BECAME VERY WONDERFULL AFTER I READ YOUR COMMENTS BECOUSE YOU CAME TO THE POINTS,NO ONE CAN FORGET (ELAY MASCARE)XASUUQII EELAAY
THNAKS FOR ALL WHO ARE AGAINST CRIMINALS
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
That was your Idea but I advice to read and learn more
than that about Abdullahi Yusuf, we are not talking about wether he is uncorrupted man or corrupted man but what is behind that and his genocide cases.
We are telling bush and his adminstration not to allow
coming to USA not only coming to Washington.
T H A N K S
Yours Puntlander person
Omar Noor Osman.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
I think American Government knows A/lahi more than about Us. The government Knows that he killed many Civilians at Galgaduud and Mudug (Somali mid regions)at the SSDF era. A/lahi tortured many and many Somali innecent women, men and children in Goldogob, Balanballe, and the main small villages around the so-called border betwean Somalia and Ethiopia like EELAY VILLAGE where he killed at least 48 old and young men. A/lahi's SSDF millitants bombarded also many Somali towns in HIRAN, BAKOOL, and Gedo region at that period. A/laahi is like AIDID, ALI MAHDI, MORGAN, OSMAN ATO, COR. HIIRAALE and other SOMALI WARLORDS. He must be sent to international court for his civil right abuses.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Well yes, indeed President Abdullahi is the only leader the US government can trust and the adminstration must support him. This visit of the President of Puntland is historic and will change the history of the Somali people.
We are working to insure every Somali child to go to school, every Somali family to be safe and sound and most importantly to destroy the terrorist of Mogadishu.....watch Black howk down movie to witness what we need to make sure never happens again.
Terrorist of Somalia must go and allow the Somali people to have thier dignity again....their independence and their national bride. I hope C/qasim and Jama A. Jama will get this message and stop their collaboration to use Islam a weapon to destroy the Somali communities in Mogadishu and Puntland.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan kadib, ma iloowdeen in ninkan lagu magacaabo BEER LAAWE, oo uu ku noolyahay caruurta PUNTLAND beerkooda. warninku beer kaluu soo helay oo soo gashanayaaye bulaanka kadaaya.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
WAXAA LA YAAB IGU NOQOTAY IN MAANTA LA MAQLO ABDULAAHI YUUSUF AYAA IMAANAYA USA, SIDA LA OGYAHAY ABDULAHI WAA CAYDIID SAAXIIBKIIS, CAYDIID IYO MAREYKANA INTAY KALA MAREEN WAA LA OGYAHAY, SIDAAS AWGEED CAYDIID MA IMAAN KARAY MAREYKANKA, MAANTA WAXAA IMAANAYA USA ABDULLAHI YUUSUF, MA QAADANAYNO, MANA QAADAN DOONO, WAXAAN AQBALAYNANA MA AHA. HADDAAN NAHAY JAALIYADDA REER MINNESOTA WAXAAN QABANQAABINAYNAA BANNAANBIXII UGU WEYNAA EE SOOMAALIDA MINNESOTA DHIGAAN, WAXAANA UGU YARAAN KU TUURI DOONAA XAAR AMA JALLAATO.
ABDULLAHI CIGE
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
marka hore salaan akhaayrey
marka xiga ma u doodnaa si xor ah
qofwalba ha keeno waxa uu hayo si la isula gorfeeyo, waxaana ku bilaabayaa Cabdulaahi Yuusuf reer Puntland ayaa go'ankiisa leh waxayna ahayd shalay markii laga soo eryey, markii dambena lagusoo celi isla cabdulaahi yuusuf maxaa taas macneheedu yahay, bal ka jawaaba.
cabdulaahi yuusuf ma rabaa in soomaaliya lakala googooyo, haduu rabo muxuu ugu dhawaaqi waayey dawlad madax banaana sida sooomaali land, bal taasna ka jawaaba
waxaa ceeb ah in layiraahdo qofkaasu waa jiranyahay, oo meeshaas ayuu la'yahay, qofka sidaas yiri ha ogaado in caafimaadka iyo meel la aanta labada ay tahay wax xagga rabiga ka yimada, qofna laguma ceebayn karo waxa uu layahay halkaas iyo jiradaas ayuu qabaa, waxaa qofka lagu ceebeeya in wixii lagu aaminey uu khiyaameeyeo, in u dadka u cadaalad fali waayo, in uu eex muujiyo, in uu dad ku xadgudbo, taas kusoo eedeeya cabdulaahi yuusuf, laakiin waa ceeb in layiraahdo waa xanuunsanyhay, kan sidaas yiraahda iyo isago Allah ayey u simanyihiin kan hor dhimanaya waa xukumka Allah, waa jiranayahyna laguma dhinto ee allah xakunkiisa ayey ka ahaataa, taasinina waa taas
Malasoo dhoeyneyaa iyo wa maxay qorshaha uu u yimid, ma laogyihiin reer puntland, dan u taahy Puntland, horumar socdaalkiisu ma keenayaa, taas weeye tan ay tahay in lagadoodo ee maxaad ka tirahdeen
sidee cabdullaahi yuusuf u midaynkaraa soomaaliya oo dhan, kawarama hadii loo doorto madaxweynaha soomaaliya marka laisugu tago nairobi, ma keenikaraa makaas soomali midaysan, hadii aan isaga la dooranayn yaa halkaas kaga haboon in loo doorto madaxweynaha soomaalida, taas weeyey tan ay tahay in jawaab loo helo ee maxaad ka tiraahdeen
Reer puntland maku qanacsanyihiin xukunkiisa intii uu hadda kusoo laabtay boosaaso, nabada boosaaso waa sidee, dadku si xor ah waxa ay rabaan ma usheegi karaan iyagoo Boosaaso jooga, qofka Boosaaso jooga ma qaabillkiisaa jagada lagu siiyaa mase aqoon iyo xirfad, horumar xagee ah ayey kutalaabsadeen reer puntland, taas ayaa ah tan ay tahay in laga doodo ee maxaad ka tiraahdeen
waxaad ogsoonaataan in qoraaladiina la akhrinayo oo lagayaabo n aduunka oo dhan ay akhristaan inta weliba soomaaliya khusaysa, marka hadal xigmad leh qora oo rayigiina si cilmiyaysan u cabira si uu u noqdo meel mar, boggaana waxaan ku amaanay xoriyada uu nasiiyey ee aan ka faa;iidaysano si loo helo umad xor ka ah xag kasta
waadna mahadsantihiin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
runtii waxaan la yaabay markii aan arkay maanta booqashada C/laahi aad iyo aad ayaan ula yaabay , hadaba shacabka somalida iska dhaaf kuwii uu ka dhashay ayuu nabada u diiday C/laahi yusuf waa ninkii ugu horeeyay oo mucaarad noqda ilaa iyo maantanah waxaa uu ku taamahayaa in uu hal marnah noqdo madaxwayne laakin sidee lugu noqdee ma nin jego jecel ayaa noqdo madexwayne ,
C/laahi yusuf waxaa uu intaas oo jeer saxiixay dadka ku nool deegaankiisa in ay yihiin Al qaeda iska dhaaf dadkale waxaa kale oo uu meelo badan oo fagaaraha ka jeediyay wax dadbadan oo somali ah ay la yaabeen ninka noocaasi ah ayaa maanta wali doonahaya in uu somaliya ka noqdo madaxwayne hadaba waa nin ceenkaa ah C/aahi yusuf muxuuse yahay fikirkiisa mustaqbalka
1= C/laahi waa nin jecel in uu gato qadiyada somalida
2= waa hogaamiye koxeedka maanta ugu doqonsan somaliya marka loo fiiriyo qaababka uu ku dhaqmo
3= waa nin jecel in uu mar walba la kulmo kuwa neceb diinta kana soo horjeedo wax diin kuleglehbe
4= waa nin intabadan ka cabsi qaba in ay mustaqbalka dili doonaan kuwa uu isaga uu ugu yeero kuwa waalan waana dadka Islaamka ,
5= booqashadan uu hada ku tagahayo maraykanka ayaa ah mid uu C/laahi yusuf ku soo sixiixi doono arimo badan taasi oo loogu badali doono dhaqaale
Arimaha loogu yeeray
1= C/aahi yusuf waxaa laga doonahyaa shirkan ka dhici doono Nairobi in uu la yimaado fikir ah wax hoosta ha laga soo bilaabo ,
2= waxaa kale oo isaga shaqsi ahaan tiisa laga rabaa in uu ka bixiyo sharaxaad meelaha ay ku badan yihiin kuwa waalan waa sida uu isaga u yaqaano waana kuwa saxda ah ee Islamka
3= in uu ku dhaganaado fikirkiisa ah in ay somaliya ka jirin dowlad loo dhan yahay
4= in uu ka bixin golaha SRRC ee lugu soo dhisay hoyga qabqablayaasha ee itoobiya
5= c/laahi yusuf waxaa kale oo soo sixii doonaa in mustaqalka hadii ay dowlad ka dhalato uu gacan saar la yeesha maraykanka iyo itoobiya oo ah meesha loo soo maro arinta somaliya
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
S.C.W
WALAALAYAAL HORTA RAAI IGA NOQDA,HADII HADALKAYGA SI XUN AAD U QAADATAAN.MANA RABO IN AAN RUUX IYO QABIIL AAN WAXYEELEEYO.WAANA IGA AFEEF.
HADAAN RA'YIGII MEESHA KU QORNAAH IN LAGA DHIIBTO IMAATINKA CABDULLAAHI YUUSUF USA HADABA IMAATIN WAA IMAANKARAA LAAKIIN MID AAD DABA TAAL OO AH HADII UMADDA PL. AY TABAR U WAAYEEN IN CABDULLAAHI CABDULLAAHI WAX KA QABTAAN WAXAY HAYSTAAN FURSAD KALEH OO AH IN AY WAX KA QABTAAN IMAATINKIISA USA.WAA MID.
MIDA XIGTA WAXAY TAHAY CABDULLAAHI XISAABTIISA AAQIRO SIDUU OOGA BIXI LAHAAY ASAGAA OG HA KU RAAXEYSTO ADUUNKEEH ISKA DAAY ILLEEN WAXAA LAGU JIRAAH XILIGII ADUUNKA GABO GABO AY KU JIRTEY OO UU QOF WALIBA UU GARAB KA RAADSANAYEY RAGGA ILAAHAY IYO RASUULKIISA KU CAASIYEY MARKA WALAALAYAAL ADINKA LEE YUU JIDKA AAAQIRO IDINKA LUMIN. CABDULLAAHI WAXAA DANBI UGU FILAN DAD MASAAKIIN AH OO QAXAYO INTUU MADAXA KA XIIRAY UU YIRI WAA ALTIXAAD,WAXUUNA SHEEGTAAA INUU MUSLIM YAHAY.SIDAAD KU ARAGTAAN SOMALI TALK WARARKEEDA IN AY SOOMALIDII ARGAGAXISADA LAGU XUKUMAY IN AY GAALADII AY U DOODAYAAN ASAGII MUSLIMKA AHAAY WAXA UU SAMEEYAY MARKA ADUUNKA WAA GAGABO ILLAAHAY QAATUMADA HANAGU TOOSIYO.XASUUSNAADA NINKAAD AAD JECLAATIIN AMA AAD DAAFACDIIN MAAL IYO NIYADDA IYO XOOGBA IN AAD AAQIRO LAMEEL NOQON DOONTAAN.
UGU DANBEEYN WAXAAN IDINLA SOCODSIINAAYAAH WAXBARTA CILMIGA WAA WAXA UGU MUHIIMSAN HADAAD JAAHIL NOQOTAAN WAXAAD LA MID NOQONAYSAAN DHIIGYACABYADA IYO CAQLIGII FIRCOON OO AY KA ROONAADEEN XAGGA HANUUNKA SAAXIRADII UU RABAY IN AY DAAFACAAN AYAGIIBA RAACEEN NABI MUUSE C.SW.
WALAALAYAAL DOODA YEEYNALA DHEERAAN HANA IGU DANBAABINAH MA AHI NIN REER PL.WAXAAN AHAY NIN SOOMALIYEED.JECEYL AQOONYAHANADA SOOMALIYEED HAYSTANAH DIINTIISA ISLAAMKA .MANA JECLI NINKII AAN ISLAAM AHAYN.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
WALAAL MADAXWEYNE CABDULLAAHI YUSUF WAXAA SOO
DHAWAYNAYA DADKA REER PL LAAN KII NAXAYA IYO KIIFARAXAYA WAADANIHIISA DAWLADA MARAYKANKUNA AYAADA
U YEERATAY WIXII MUDAHARAAD SAMEEYA WAXAA LOO AQOON
SAN YAHY IN AY YIHIIN ARGAGIXIISO IYO AL ITIXAAD
MARKAAD LEEDAHAY CUMAR XAAJI LAMA SOO DHAWEYN WALAAL
LABA NIN OO MEEL KAWADA HADLIKARA MAHAAN MAREEXAAN
WUXUU YAHAY WAA LAYAQAAN CABDILAAHI WUXUU KA DHASHAY
TOOL QADIIMI AH OO SHARF LEH WAXNA KUMA OGA KAAGAAS
OO KALE IYO INTA XAYAWAANKA LADAAQDA MARKA KANAXOW
NAFTAWAA,AAAAAAAAAAAAAMIN-AAAAAAAAAAMIN
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Been hadaad sheegaysid mid run u eg sheeg, si aad dantaada ifka uun ugu meel mariso, hadda ma waxaanu rumaysan karnaa qof xanuunsanaya ayaa sugi kara waqti intaa le'eg war ilaahay ka yaaba oo run sheega, inta aynu isku madadaalinayno beenta wallee horumar lama gaaro saaxiib http://www.puntlandpost.com/wararkaa/Garoowe17aJuly.html
Dadka ha laga daayo misinformationka ninkaas ilaahay baa tisa haya annagu cudurna kama celin karno caafimaadna ma siin karno.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaan xoogaa wakhti ah ku lumiyey in aan akhriyo ereyada guracan ee isla iska yiri safarka Cabdullahi Yussuf ee USA, waxaad moodaa in ay kala fug yihiin wax-yaalaha laga hadlaayo iyo sida maanta xaaladdu tahay. Haddaba ma waxaynu ku faraxnaa dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaaya, mise waxaan ka naxnaa safarka Cabdullahi ee USA. Maa laga wada hadlo sidii loo baajin lahaa in dhiig dambe daato, halka laga wada hadlaayo safar Nin dantiisa u socda.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaan xanaaqaa markaan Cumar Xaaji maqlo. yaa isaga ka tigreesan, sawtuu dhulkeenii ku baabi'iyey. adiguna qabiilbaad ku difaacaysaa ina xaaji masalle, iyaguna inayuusuf axmad bay qabiil ku difaacayaan.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan kadib, in kastoo jaahil adoo kale ah aan loo jawaabin, hadana waxaad mudantahay haddaabad diintii wax kasheegatay adoo ina yuusuf axmed qabiil ku difaacaya in kun jeer lagu yiraahdo DOQON iyo JAAHIL baad tahay ee hawgafin Diinta sharafta iyo qaayaha mudan oo iftiimisay aduunkoo dhan.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
there you go President Abdullahi, we will ne here to great you and honor you. You must know that we love you not because you are PL but you are true Somalian who cares Somali Nation more than even PL that you most represent. Please don't forget that you are the only Somali leader we can trust and the only one who can say no when Somali national interst is violated. We are counting on you and you must know it.
Somali mother in the US.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
is there any problem to have Abdulahi Yusuf as the President of the Somali Republic. Who do you can even close to him.
America will help him help somali children and mother whom violated in Mogadishu by the terrorist who wears the mask of the Ulima. We will denay them for the rights they denied for thousands of Somalis and will panish them to locking them up for live.
Peace for Somalia free from Arta function.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
After long consideration by the American government about the Somali Politicians, America has at last come to the conclusion to honor and help the President of Puntland to become the leader of unified Somalia.
America can and will trust President Abdullahi Yusuf Ahmed to unite Somalia and settle once and for all unrest and the civil war of Somalia.
Good luck and Allah bless America.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaan u hanbalyaynayaa madaxwaynaha cusub ee loo caleema saari rabo Soomaalia. Laakiin Madaxwaynuhu inkastoo muddo 40 sano kabadan uu ku soo dhumiyey kuna baabi'iyey jiilal badan oo dalka wax u tari lahaa si uu ugu fariisto kursiga madaxtooyada, hadana waxaad moodaa in madaxwaynuhu uu u baahanyahay Wadne wiilyar oo ku dhashay Garoowe iyo sanbabo gabadh yar oo ku dhalatay magaalada QARDHO si uu inta yar ee da'diisa ka hartay uu dalka iyo dadkaba u baabi'in lahaa.
F.G- Madaxwaynuhu wuxuu hadda kormeer dad xasuuqid ah ku joogaa Magaalada BANDAR QAASIM ee dekedda ah iyadoo la filayo in dhawaan tago magaalada madaxda dalka ee MUQDISHO si uu u dego Xaruntii MADAXTOOYADA oo muddo badan dadka xamar joogaa ay u rushaynayeen. dhinaca kalana wadooyinka magaalada muqdisho ayaa la filayaa in la suro masawirka madaxweyne A/laahi Yuusuf, iyadoo sidoo kale loo diyaariyey UBIXII u heesi lahaa.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waad salaaman tihiin dhamaantiin
Marka hore inta aynaan u galin wax ka sheegida caqiidka waxaa haboonaan lahayd in la is waydiiyo,booqashadiisa ma mid shaqsi ahaaneed ayuu u socdaa oo waxuu doonayaa in caafimadkiisa wax ka agaado,mise sida ay iyaguba ka sharqamiyeen waa mid la xiriirta mid siyaasadeed.
Aniga shaqsi ahaan waxaa u malaynayaa in uu u socda mid caafimaad.Kaba dhigba in uu u socdo mid siyaasadeed.Maxay tahay xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Maraykanka?. Waxaan u malaynaa in uusan jirin.Marka in aad isku wareerisaan maba aha booqashadiisa maadaama uusan wax xiriir hore ama hadda ah oo dhex maray labada dhinac wax kastoo ay ahaan lahaydba uusan jirin.
Haddiiba ay noqota in uu wax xiriir ah sameeyana waxaan u malaynayaa in cabdulaahi waligiisba ku fiicnaa galgalka laakiinse uusan ku fiicneyn sidii looga miro dhalin lahaa.Waa uu u qalmi lahaa in maraykanka uu gacansaar dhaw la yeesho lakiin taas awoodeeda ama hanasheeda ma leh.Ninkii yaqaanaa yaqaanee cabdulahi maanta sida loo eegayo ka wanaagsan baa loo eegi lahaa haddii uu si fiican oga soo bixi lahaa hogaanka Puntland. Marka waxaydaan isku daalin cabdulaahi waa uun isagii ama maraykan ha yimaado ama yuusan imaane caadadadiisa ma badeli doono.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Asalamu Caleykum dhamaan umadda Soomaliyeed meel walbo oo aan ku kala firdhisanahay,qaasatan shaqaalaha Somalitalk.
Dhowr arin ayaan jeclaan lahaa in aan halkan ka dhaho,waa marka hore waxaan jeclaan lahaa in aan u cabiro si miisaaman jawaabta su'aalaha uu walaalkeen Cabdillaah halkan kasoo jeediyay anigoo runtii aan wax caadifad qabiil igu jirin.
1-Reer Puntland ayaga sow iskama raacdeen Cabdulahi Yusuf hadana sow uma eeysan wicin kumana eeysan dhaweeyn caleemo qoyan?jawaabtu waa haa,laakiin malaga yaabaa in uu ninkaan iimaanka la'yahay oo uu cid uu ka baqo maahee cid uu ka xishooda jirin.
2-Cabdulaahi Yusuf ma rabaa in Soomaliya kala googooyo? haduu rabase muxuu ugu dhawaaqi waayay dowlad sida Somaliland ah oo Soomaliya rabta in eey ka go'do? jawaabtu waa haa,shaki kuma jiro in uu Cabdulaahi Yusuf uusan dooneeyn maslaxadda dadkiisa uu maalin walba ku haayo dhaca iyo dilka,iskaba daa Soomali kale danteede,waxuu ku kacaa Cabdulaahi Yusuf waxyaabo aad looga sariigto,sida in uu gobolka dadkiisa uu ku soo hogaamiyo amxaaro,kuwaasoo calooshood u shaqeeystayaal ah marwalbana dumarka reer puntland ku xadgudbo oo faraxumeeyo,sidoo kale waxeey ku xadgudbaan dadka reer puntland sharaftooda iyo diintooda,Cabdulaahise dantiisa ayuu kawataa.
3-Ma laga yaabaa in Cabdulaahi Yusuf shirka Nairobi Madaxweeyne Soomaliyeed loogu doorto oo uu mideeyo Soomali oo dhan?jawaabtu waa maya,marnaba,maxaa yeelay reer Mogadisho taas maba yeelayaan oo maxaa yeelay Cabdulaahi Yusuf tolkiisa uun buu u xoog badan yahay ee Muqdisho iyo agteeda masoo mari karo,Fiiro gaar ah,sababta aan taas u leeyahay ma aha in shaqsi reer puntland ah uu mansabkaas qaban karin,balse Cabdulaahi Yusuf,Xuseen Ceydiid,Muuse Suudi,Maxamed dheere intaba ma laga yaabo in eey xil noocas iyo wax la mid ah wadanka ka qabtaan,maxaa yeelay waxii eey umada 12 sano badeen waa la ogyahay,waxaad moodaa in aan halkan Qanyare,Caato,Cali Mahdi,Shaatigudud ku darin,aniga fikradeeyda ayaa ah in ragaan mar uun eey u xuubsiibteen in eey si kale wax u raadiyaan oo dadaal badan sameeyeen oo eey si nabad ah wax ku raadsanayaan,hade qofku hadii wax ka helo umadda asagoo aan dhiig daadineeyn waa in qofkaas dhibcihiisa la siiyaa.
Hadaan u Soo noqda arinka aan halkaan ku heeyno ninkaan Cabdulaahi Yusuf wax uu mareykanka ku falaayo ma jiro,Mareykanka siyaasadiisa ayaa ah in shaqsi aan deegaankiisa dhexdiisa taageero ka heysan eeysan la jaanqaadi karin,waana la soconaa in ninkaan wax uu dhaco iyo wax uu dilo iyo qalqal galin shacabka reer Puntland iyo diinta Islaamka ku haayo maahee uusan wax dan ah umadda puntland u qaban,marka mid reer Puntland u taal waaye,maxaa yeelay hadii eey u madax salaaxi lahaayeen iyo hadii eey si kala wax uga dhameeyn lahaayeenba.
Waxaan jeclaan lahaa in aan hoosta ka xariiqo in aanan anigu shaqsiyan nin jecleysi iyo caadifad qabiil fikradaheeyga ku saleeyn,balse aan ragaan Tuugta ee aan karti eey wax dadkooda iyo dalkooda ugu faa'iideeyan laheyn ee misana iska dhiga in eey dadka matalaan waa raga dhamaan qabqablayaasha dagaalka ee maalinkasta dhiiga daadinayo hooyooyinka jidka u galayo,Culimada markii eey misaajidyada salaad subaxa aadaan macawiisaha ka furanayo,ciyaalka markii eey iskuulka ka aadan macalinkii wax u dhigi lahaa jidadka u galayo misana ardeyda ku qasbo in eey guryahooda joogaan amni la'aan aawadeed.
Aniga waxaan qabaa in aan u sheego aqristayaasha in aan Xuseen Ceydiid banaanka soo dhignay oo uu maanta hotel Gijon ku wareersan yahay Muqdishana tagi karin,maxaa yeelay markii ugu horeeysay ayuu ku sigtay in uu malaga iyo geeridaba arko,maalintaas ayaana Xamar ugu dambeeysay.
Marka waa in ragaan banaanka lasoo dhigaa cidii u maleysana in uu qabqablahooda dagaal wax u qabto bal daraasaad yar ha ku sameeyaan waxtarka iyo faa'iida qabiilka eey ka dhasheen eey u qabtaan.
anigu teeyda ayaan ka hadlayaaye waan taageerayaa in Cabdulaahi Yusuf lagu mudaaharaada oo waliba waxaa Minnesota laga helayaa dad uu ehelkooda wax ka dilay ama xoola ka dhacay,sida Markabka uu Eyl ku qafaashay ee dad ganacsato ah lahaayeen oo qabiil walba isugu jiro,markabkaas oo uu la wareegay,iyo xoolo badan oo uu maalin walba dhaco waana in ragga Xoolahaas uu ka dhacay eey Cabdulaahi Yusuf Cirka iyo dhulkaba ka raadshaan oo tilaabo sharci ah ka qaadaan.
Abdifatax
Minneapolis,MN.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Asalaamu calaykum.
Salaan bacdigeed waxaan u mahad celinayaa maamulka Somalitalk.com.
Tan xigta waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan shacabwaynaha Somaliyed, gaar ahaan shacacka reer Puntland imaatinka madaxwaynaha Puntland mudane C\Laahi Yuusuf Axmed. Waxayna ila tahay tani waa fursad ay dadka reer Puntland inay helaan xog dhamaystiran sida dalkii uu marayo. Walow ay ilaa iminka jirto kalaqaybsanaan afkaareed, balse waxaan aaminsanahay, inay dadkaasi dantooda guud ka hormariyaan tooda gaar ahaaneed.
Waxaan sidoo kale shaki ku jirin inay dadyowga xumaha iyo sharka ka taliya aysan marnaba ka waan toobayn xiqdiga iyo xaasidnimada qalifsan ee aya u hayaan shacabka reer Puntland. Kuwaasoo(Puntlanders) aan aaminsanahay in hindisahoodu uu yahay wanaag, kaladanbayn, horomar, sinaan, iyo wadashaqayn wacan walow ay jiri karto inay u dhaxayso afkaar gaaban.
Sida ay rag horeba u tilmaameen, "Tiisa daryeelaa, tu kale ku dara" Waxaan uga gol leeyahay talo aan u soo jeedinayo, dadwaynaha Soomaaliyeed, Walaalayaal waxaynu Somalinimo ku gaari karnaa kolka uu shaqsi kastaa oo inaga mid ah uu garawsnaado xaquuqda kasaaran mandiqada uu ka yimid (gaar ahaan) deedna, aynu meel dhexe iskugu nimaadno, si'aynu u yeelano dawlad Soomaaliyeed oo wadaag ah. Garawsow in SomaliLand, Puntland, Hiiraanland, Jubaland, Southwest State, iyo wixii soo raaca, maamul wacan dhidhibada looga soo unko deedna aynu ku midowno dawlad federal ah, hadii kalase waxay ila tahay Somalinada aad sheeganayso waa waxkama jiraan. Waxaana fikirkayga sabab uga dhigay Somali waxay isku ****ay "Qabill" tan iyo intii uu talada hayay Kalitaliyhii MSB iyo hawlwadeenadiisii oo maanta shaati "Akhwaan" soo xirtay, sidaa darteed noqo qof taariikhda cashar ka qaata.
Illaahayow Soomaali tus maslaxadooda aduun iyo aakhiro.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Ninka la yiraahdo Abdifitaax waxaa tiri hadii Abdulahi yusuf loo doorto madaxweyne ma ahan mid ay Mogadishu laga ogolaan-doono.....
Marka mid aan ku xasuusiyo Mogadishu waxay ka mid tahay goballada Somaliya, quuwad gaar ah eyleedahay-na ma jirto....haba yaraatee infact waa meeshu ugu xun soomaliya maanta.....marka ogow in the bottom of the line ay taagantahay maanta......markii loo fiirsho gobalada gale.....
Arrinta ah Abdulahi tagitaankiisa Maraykanka waa mid say ila tahay la socota shirka Nairobi.....iyo sidii loo xoojin lahaa imaatanka qabqablayaasha kale ee wadanka.....
Mida kale Waana mid u ah fursad reer pl in ay helaan xiriin cawinaad ah oo ka dhaxeeya. Sida iskuulada ama xagga caafimaadka.
Dadka ku doodaya in uu abdilahi yusuf uu qabqable dagaaal ahaa past 12 years....Been baad sheegteen sanadihii la soo dhaafay ee uu dagaaalka socday wuxuu ka shaqeenayay sidii Puntland loo dhisi lahaa iyo sidii nabadgalyo loogu heli lahaa gobalada ku bahoobay PL......Waana taas ay u jeedo aduunkoo dhan the creation of PL iyo wuxuu qabtay.....aanka ahayn dhowrkii bilood ay Wadaada Mafiyada ah ay na heleen ma-oyiye.
Federal IS the only solution for SOM lets not forget...
Kangaroooooooooo
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaan u hubaa sida aan dhimashadayda u hubo in uusan Jama Ali Jama Majeerteen meel ka soo galin. Wuxuu u dhashay reer Marka Caddey. Nin reer Markood ah ayaa PL ka il helay ileen dadkeedii ayaa dayacay oo ogalaaday in ay cid walba soo dhaweeyaan. Cidee? Wixii aan qabiilkiisa la aqoonow Majeerteen Bari sheego. Mad-madoobayaal ALLAA idin yaqaan. Shaw mar dhaw Naji iyo Qasim iyo Cabdi-Qase ayaa inoo talin. OO maxaad ugu diidin iyaba wa Majeerteen - ilma Lahelow.
Kolay mid ayaan hubaa. Hawiye ifka nin Cabdullahi Yusuf
la yiraahdo ayey aad iyo aad u neceb yihiin. Waa gartood oo ninku magac Darood buu nafta ugu keenay ay u malaynayeen in ay waa hore duugeen.
Car yaan Hawiye ahayn oo Cabdullahi Yusuf neceb.
Bal car isi soo sheeg. Waan hubaa haddii lagu daba galo dhalashadaada Hawiye uun baad noqon sida Jama Carta Jama.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Rolling on the floor laughing............walaahay waa runtaa
ilaahay baadan been u sheegin..ilaahow duliga baabiinaya
danaha dadka reer puntland naga qabo..oo dabadhilifyada
iyo biiri qaataha meel daran ka tuur...war waxani waa
wadaa maxamed xaaji oo kale waxaan xalay daawaday cajalad
laga soo duubay isaga iyo Jini Boqor oo ay leeyihiin
mar dambe hawiye u tagi mayno,una shaqeyn mayno,ninkii u
tagi lahaayow anaga futadayada eeg xaar baa ka da'aayaa
waa na dhagreen waana na fara xumeeyeen.........Yaab
baan u dhintay maantana maxamed xaajigii lahaa futadayda eeg
baa ciidaan tuug ah jidka keenay oo baabuurta baaranaya
isagoo leh reer carta waa fiican yihiin...maleducato!
e un rompe di ochollione!!!
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaan u hubaa sida aan dhimashadayda u hubo in uusan Jama Ali Jama Majeerteen meel ka soo galin. Wuxuu u dhashay reer Marka Caddey. Nin reer Markood ah ayaa PL ka il helay ileen dadkeedii ayaa dayacay oo ogalaaday in ay cid soo dhaweeyaan. Cidee? Wixii aan qabiilkiisa la aqoonow Majeerteen Bari sheego. Mad-madoobayaal ALLAA idin yaqaan. Shaw mar dhaw Naji iyo Qasim iyo Cabdi-Qase ayaa inoo talin. OO maxaad ugu diidin iyaba wa Majeerteen - ilma Lahelow.
Kolay mid ayaan hubaa. Hawiye ifka nin Cabdullahi Yusuf
la yiraahdo ayey aad iyo aad u neceb yihiin. Waa gartood oo ninku magac Darood buu nafta ugu keenay ay u malaynayeen in ay waa hore duugeen.
Car yaan Hawiye ahay oo Cabdullahi Yusuf neceb.
Bal car isi soo sheeg. Waan hubaa haddii lagu daba galo dhalashadaada Hawiye uun baad noqon sida Jama Carta Jama.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
abdifatah waa ku mahadsantahay jawaabaha suaalihii aan horay halkaan ugu soo qoray, waana kuku qadarinayaa aragtidaada, hadii dhammaan soomaalida qofwalba ra'yigiisa lagu qadarin lahaa sida hadda xaalku yahay waxweyn ayaa iska bedelilahaa, jawaabaha su'aalahaas iyo waxa la isku raacayo waa arin weli soomaalida u dhexaysa, ra'yiyada kale ayaana eegeynaa in ay cabdifatah ku raacaan jawaabta iyo in ay ka duwanaadaan, taasi waa taas.
sidii aan horay u sheegay ma haboona in qof lagu ceebeeyo jirada iyo xanuunka, waa xukun eebbe, mana ahan arin gacanta ugu jirta bini aadamka, mana ahan in laga doodo, ee waxaa doodu ku haboontahay Cali Mahdi maadaama cabdifatah uusan ku darin safka hore ee kuwa aan soomaaliya weligood ka talinayn, aan marka isla eegno in uu eed ku leeyahay arimaha soomaaliya. waxaan mar hore akhriyey qoraal lagaga hadlayey in calimahdi uu soomaaliya keenay sunta halista ah kadib markuu shirkado shisheeye lasoo heshiiyey, su'aashu waxay atahy Cali mahdi maku haboontahay in la weydiiyo meelaha ay suntaasi taal, cida uu heshiiska la galay, waana arin muhiim ah si mustaqbalka ay u sahlanaato in suntaas lasoo saaro ama meesheda lagu ilaaliyo si aysan waxyeelo kaweyntan ay hada geysatey aysan u geysan, taas weeye in ay tahay in laga doodo
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan kadib, runtii ma haboona in ay soomaaliya u taliyaan rag Cali mahdi ama A/laahi yuusuf oo kale ah, hadana waxaan orankarnaa Toobaddu waa u furantahay haddii ay shacabka ka mid noqonayaan. Arinta C/laahi waa runtaa oo qof jirro illaahay ku keenay laguma ceebeeyo, laakiin Odaygu waa oday dhib baddan, anigu run ahaan reer puntlaan ma ihi laakiin waa walaalahay Soomaaliyeed marwalbana wanaagbaan la jeclahay allena waxaan uga baryayaa in Mujrimiinta uu ka wado uu ugu horeeyo C/laahi Yuusuf. Taariikhda C/laahi ee Soomaaliya waa mid cidkastaa ogsoontahay waxay tahay. wuxuu aaminsanyahay Xoog in waxkasta lagu maquuniyo, taasna waad ogtihiin oo qarnigii 21aad baynu maraynaa, mana soconayso waayo Siyaad Barre iyo Caydiid cid ka xoog badnaa majirin Siyaad barana Duhur buu Muqdisho ka cararay, Caydiidna kahadal maleh meeshuu ku danbeeyey. Maxaa la gudboon Walalaheen REER PUNTLAND?.
ugu horayn anigu aad baan u ogahay in 90% Reer Puntland aysan rabin C/laahi Yuusuf, waliba Jifada uu ka dhashay oo ah REER MAHAD baa ifka ugu neceb, hadana waxaan oran lahaa reer PUNTLand haddaad garteen in ninkani aanuu danihiina la socon oo uu dantiisa waxwalba ka hormarinayo, ku sii wada fogaynta aad fogayseen illaa uu ugu danbayn uu qof raaca waayo.
ugu danayna waxaan arkaa In reer PUNTLAND hal shacab yahay, ilbaxnimo leh, tayo badan, jecel in ay dalkooda horumariyaan laakiin dajjaal lagu saladay, mar ay noqotana ay dajjaalkaas ka xoroobi doonaan
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
President Abdullahi will be here to address the American congress
No score for this post
July 19 2002, 2:41 AM
Waa hubaal in President of Puntland uu u imaanayo arimo ay kawada hadli doonaan Madax sare oo Maraykan ah oo adigaaba ku arki doona TV ga iyo Jaraa'idyada Maraykanka marka uu yimaado. Laakiin waxaan ku leeyahay hadaad tahay reer Puntland Maad taageertid Caqiidka ilay mahaysano wax inoo dhaamee?
Waxaan ogahay in reer Puntland ay jecelyihiin Madaxwaynahooda waxa uu qaban waayayna ay ka tahay tabar ee uusan musuq maasuq samaynin.
Waxaan kale oo aan idiin sheegayaa in aan qowmiyad dhan aan laga waayayn caada qaatayaal iibsada sharafta dadkooda laakiin waxaa layaab ah dadbadani ay moodayaan in reer qardho lala dagaalamayo.
Walaalayaal reer qardho iyo dhamaan shacabka reer bari waa raacsan yihiin Madaxwaynaha Puntland Mr. Ahmed oo waxaa markhaati ka ah in gacmo furan loogu soo dhaweeyey markii uu ku soo laabtay Boosaaso oo indhahayagaanu ku aragnay. Marka hadii uu imaanayo Maraykan, Maraykan wuxuu u aqoonsaday in uu yahay nin madax ah oo African ah wuxuuna kala hadli doonaa arimaha Somaliya.
Hadiisa aad Puntlandpost dhagaysato beenta ay faafinayaan oo dadka qoraa ay ilaahay been u sheegeen iyagoo doonaya in ay shaki galiyaan dadka reer Puntland ah. Walaal President Ahmed waa caafimaad qabaa maraykana shaqo ayuu u imaanayaa hadii aad reer Puntland aad tahayna waa in aad ku faraxdo waayo dadkaagii ayaa loo doodayaa, hadaad somali dhalad ah tahay waa in aad ku faraxdaa waayo President Ahmed ku dulmin mayo sida uu taariikhda u leeyahay.
bal ilaahay baan idnku dhaarshay dadkaas baa mr yusuf wax ka sheegaya cajiib hadaan hadalno waa af salax ku dheg hadaan aamusnana caruurta iyo hooyooyinka sida loo dhaami mahayo
Koox dabley ah ayaa saakay Magaalada Muqdisho ku af-duubtay 14 Caruur ah oo qoysaskooda kula noolaa xero qaxooti oo ku taala inta u dhaxeysa Dugsiyada farsamada iyo 21-ka Oktoobar ee Magaalada Muqdisho.
Dableydan ayaa falal jir dil iyo handadaad isugu jira u geysatay dadkii Kaamkaas ku jiray iyaga oo si xun u garaacay haweeney diiday in canugeeda laga af-duubo, kadibna canugii ka faro maroogsaday.
Shalay aroortii ayay kooxdaas dableyda ah isla xeradaas ka kaxeysteen 9 rag ah iyadoo aan ilaa haatan la ogeyn sababta Kaamkaas loogu soo qamaamay inkastoo ay warar laga helay dad deegaankaas ku dhow ay sheegayaan in guri ay degan yihiin dadka kooxdaas dableyda ah adeegsanaya oo u dhow Kaamkaas wax laga xaday, ayna ku tuhmayaan dad ku nool kaamkaas.inay arinkaas sameyeen
aan u doodno si fiican oo aan xagxagasho lahayn, aan qofwalba rayigiisa ku tixgelino, ma in lagadoodaa tan:
Ragow ila eega waxa ay qoreen, hadalkooda ayaan soo qaadanyaa """""....Tani waxay ka dambeysay markii dakhaatiirtii dalka ingiriiska ay isku fahmi waayeen Kornayl C/laahi Yuusuf oo isagu diiday inuu raaco talooyinkii caafimaad ee ay u soo jeediyeen si caafimaadkiisa loola tacaalo......"""""
qofka sidaas qoray waxa uusan oqoon ulahayn in ay cceeb kutahay in dhakhtarku uu wixii isaga iyo qofka uu daweeynayo u dhexeeya uu kala hadlo qofkale, luqada ingiriiska ayaa malaha garanaysaane waxaa layiriaahdaa "ethics" waa mamnuuc in dhakhtarku uu kala xaalo qofka bukaansocodka iyo isaga wax dhexmaray qofkale, hadii sida aad shegtay dhacday marhore ayaa Kornaylku dacayn lahaa dhakhaatiirtaas, marka taas ma tahay mid laga doodo, mase waa in laga doodaa Yaa u qalma madaxweynaha Soomaaliya, maxaa lagu xulanayaa qofka madaxweynaha noqonaya, gobolkee ayuu noqonayaa sababtee, dadku qofkaas ma raacsanyihiin, ra'yigiisa malu qancikaraa, madaxweyna ma u noqonkaraa soomaalia, midanta soomaaliya makashaqankaraa, taas weeye tan ay tahay in aan ka doodno, macna ma samaynayso in aan kusoo warwareegno halkaan ayaa hebel lagahayaa iyo halkaas ayaa xanuuneysa, ee haladoodo waxa meesha yaal, waa sidii soomaaliya loogu soo celin lahaa nabad, yaase hogaanka u qabankara.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Horta dadka meeshaan waxa laga hadlaayo waa C/lahi iyo Puntland, marka kuwa iyaga oo sheeganaaya inay Yihiin Puntland hadana Somalia u hadlaayo oo iska dhigaayga Soomaali jeceel beenta joojiya
Waxaa loo baahanyahay Fikradaha si dacad ah in loo dhiibto Qaarna C/lahi ayay Taageeraayaan Qaarna Jamac waxa Kalena haday doonaa Punltand un haku ekaadaan
Laba Wajiilanimada Majeerteenka baa meesha La imaateen Tuugo baa tihiin Kuligiin been sheegaaya dadka Somalia Kama caqli badnidinee been ha usheegina Haday runtiin tahay maxaa Usu dagaali waydeen waa idinka Jamacna inuu been Lacag kucuno C/Lahina Boosaaso laga soo dhaweeyo Xasan Abshirna UU jagada labaad been been kuhaysto xamar iskaga baashaalo Walee idiinma socon doonto Xaraanta aad kuheshiiseen, mar dhow aa la idinka soo matajinaayaa waana arki doontiin .
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Saaxiib sownagaa wixii jiray oo dhan kuu sheegnay bal eeg telefoonada iska soo daba dhacay.
Saaxiib ma waxaad rabtay inaanu ragayaga qaarna kuu xirxirno qaarna kuu qafaalo.
Saaxiib ma rajadii aad doonaysay inaad dadka walaalaha ah ku kala qaybiso ayaa kuu socon wayday.
Tuug ilaahay taladiisa ma toosiyo, eeg adeerkaa isagoo habhab leh waa ka ku wareegaalaysanaya Liibiya, markii uu caqli daro awgeed uu xafidi kari waayey sirtii carabta.
War orod oo lugooyada adigu isku dhufdhufo. annagu kula muda haraadimayno, waa arin annaga noo taala hadaad dhag-dhagaadana dhafoorkaan kaa tumi
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Doodeenu meel fiican ayey ku socotey, qabiil reer hebel iyo reer hebel markii loo caal waayey ayaa siyaad barre aasay, maryo ayuu ku duuduubay, marka uu aasayey wuxuu ilowsanaa Aayad Quraan ah oo ah in Allah Qabiilka abuuray, waxaase dadka qabiilka hada haysa ay ilowsan yihiin in xaq daro ay dhacday, marka sow in laga doodo maaha sidee xal ku helaa, taasi waa taas.
Puntland ma dhehin soomaaliya ayaan ka go'anay waxa ay dheheen dawlad gobol, oo qof walbaa uu gobolkiisa gooni u maamulo, xamar waxaa lairi isa soo maamul, baydhabo sidoo kale, marka in dawlad dhexe aan dhisano xal ma inoo tahay, yaase dawladaas u qalma, taas weeye tan ay tahay in laga doodo.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan Dhamaan Ummada Soomaliyeed & shaqaalaha Somalitalk.
Runtii aqristaha Cabdillaah waa run arinta ah in aan Cabdullaahi Yusuf iyo cidkalaba lagu caayin cudur ama caafimaad daro heysato,maxaa yeelay caafimaadka & cudurkaba ilaah ayaa haayo,waxaana loo baahan yahay in Aadamigu ku cibro qaato taa.
Mida kale Soomali miyeysan u fiicneyn in eey iska daayaan in uu qabiil qabiilkale wax ka sheego? Cidii been iyo dulmi rabto in eey ku raacdo nin Qabqable dagaal ah oo wax Faa'iido ah u heeyn dadkiisa waa qiyaarkeed.
Anigu saan horey u dhahayba Cabdullaahi Yusuf uma qalmo in uu Soomali iska daayee tolkiisa u taliyo,maxaa yeelay waxey tolkiisa siiyeen Sadex Sano oo aan cidna kadaba hadlin oo waxa uu rabay musuqmaasuqay,cidii uu rabay dilay,ciduu rabay xiray,kadibna waxeey maslaxadda ku jirtay markii waqtigiisa dhamaaday in uu xilkiisa ka tanaasulo oo dadkale meesha kasii wadaan,dadbadan ayaa taa ku badbaadi lahaa,reer puntland waxaan u maleynayaa in eey taas dan ugu jirtay,Soomalina dan ugu jiri laheeydlaakiinse taas asaga uma muuqato,balse taariiqda baa sheegeyso meesha uu ku dambeeyo.
Cidii marka taagereyso Cabdullahi Yusuf hanoo sheegto waxyaabaha uu ku fiican yahay iyo wanaaga aan ugu dhiibno mansabka ugu sareeyo ee Soomaliyeed iyo tan reer puntland.
Haley sheego waxa uu uga gol leeyahay Cabdulaahi Yusuf weerarkaan uu ku qaadayo Qardho iyo Garoowe? iyo ragan odayaasha ee dhahaayo haloo baneeyo jidka Cabdulaahi Yusuf?maku saxsan yihiin,ma cadaaladbaa,arn't they rewarding injustice and massacre?
Koley reer Puntland anigu ma ahi balse Xaajo ayaa u taal.
Ilaahey Soomali danteeda hagaransiiyo.Aamiin.
Aan Soomali u duceeyno,cidii duco & waxqabad isku dari kartana ha sameeyso sidaa.
Abdifatah.
Minneapolis.MN
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Hawiye waa masaakiin qabiil mooyee wax kale garanayn, hogaamiye lahayn, isku kal soonayn sidaas ayeyna soomaali ku galaafteen oo iyagiina isku galaafteen. wixii qabiil ku dhaqma alla ha duleeyo aamiin, qabqablayaasha alla ha duleeyo aaamiin dalkeena alla ha dejiyo aamiin.
walaal meesha sartu ka qudhuntay uun baan sheegayaa laakiin hawiye ma nebci, idinkuna ilaahay u barya inuu tuso wixii dadka maslaxad ugu jirto
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Hadii soomaalidu qofwalba qofka kale ra'yigiisa xushmayn lahaa dhibaatadu waa xalismi lahayd, marka aan is tixgelino oo is xushmayno. Taasi waa taaas.
Arinta qabiilka, dhinac inooka dhiga, wax lagu heli waa, wax tari waa, macne samayn waa, waxaad aragteen caydiid oo reerkiisa oo dhan qabiil ku raaceen in ay isla iyagii dileen, waakaas qabiilku, marka taas doodu ma'ahan ee waa in laga doodaa qofkii soomaaliya u qalma in uu madaxweyne ka noqdo, maxaa lagu xulanayaa. halkaan ugama jeedo wax ka doodaya ee taas aan ka doodno
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Sheekadan odayga waalan oo mar madaxweyne noqo ku waashay intaad naga daysaan wax kale aan ka doodno nin beer caruuraad ku nool doodi kuma fiicna. Puntland waxay ka timid dhulka Soomaaliyeed baa hore loo oran jiray Dhulkii Udugga. marka magacu waa magac horay u jiray, waa sida kuwa galbeedka idinka xiga ay ula bexeen Somaliland ama dhulkii Soomaalida , hadana magaca Soomaaliyeed way diidan yihiin. waxaad moodaa marka Puntland wax laga sheego in qabiil wax laga sheegay, taasna gar maaha, mana soconayso.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan dhamaan,Qaasatan Abdiallah.
Marka hore Mooge,fadlan Qabiilka iska dhaaf waana laga fiican yahay in aad Hawiye wax ka sheegto,maxaa yeelay hadii aad ka sheegto,waxa kaliya oo aad raadinaysaa qof halkaa kaala sii qaado oo eey "tribal fanaticism" heyso,waxaaba ku sii dareysaa "quote" anigu hawiye ma necbi,laakiin qabiil kaliya ayey yaqaaaniin oo waa masaakin aan wax garaneyn,taas ma qaadaneyno.
Midda kale walaalkey Muhamad waan kaftami karnaa balse markii aan dhahay anigu aan Soomali u duceeyno,kama wadin sida aad u qaadatay ee ah "quote" Afkeenu waa isku aamin,salaadana waa joogtaa,ee waxa kaliya ee aan rabay in aan at least,wax negative ah ku hadlin.
Abdiallah,fikrad saxsan waaye ee yeynaa dooda meesha eey ku socota la badalin,waana runtaa in uu Qabiil wax faa'iido laheyn markii aad dadka dariskaaga ah amaba Muslin kale ku waxyeeleyneyso,halkii Ceydiid ku dambeeyay ayuuna qabqable kasta ku dambeeynayaa.Marka cidii ku taageri laheyd ragaan qabqablayaasha dagaal dhibka eey Soomaliya ku hayaan ayadda ayeey jirtaa.
Ragaan Tuugta ah ee uu Cabulaahi Yusuf ka midka yahay waa in aan iska qabanaa,mana shaqeyneyso fikradda ah in qolo Tuugooda iyo qabqablahooda gadaal eey marsadaan eey rabaan in eey qolo kale qabqablahooda dagaal wax ka sheegaan,war ragaan wax aan ka sugno ma ah,wali waxaan sugayaa jawaab cidii ii sheegi karto hal Qabqable dagaal ama xamar ha joogo ama boosaaso oo hal wax oo faa'iido ah dadkiisa u qabtay.
Abdifatah,Minneapolis,Minnesota
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
weli waxaad wadaa waa dhinac inkaar ah iyo dhinac duco ah,qolada aadan adigu ahayn waa inkaar iyo neceyb qoladaadana waa sulubi aan dunuub lahayn...waxaad noo sheegtaa halgan aan xaq ahayn oo uusan Cabdullahi Yusuf Ahmed galin?weli ma hayno halgan aan mabda dhab oo xaqa ku saleysnayn oo uusan galin ninkaas marka anigu waxaan u arkaa halyey aan noociisu Soomaaliya oo dhan weli ka dhalan,adigu yeelkaa..
!-halgankii uu kaga hor yimid afweyne xaq illaah raali ka yahay buu ahaa.
2-kii umeel adag ka istaagay inuu hawiye waxa ay wataan yeelo xaq illlaah raali ka yahay buu ahaa,yahayna hada iyo weligeed.
3-kan hada uu rabo inuu gobolkii uu nabada ka dhigay ku soo cesho nabadii waa xaq illaah raali ka yahay..oo tani waxay weli daba haysataa midii 2aad oo ahayd ahna hada inaan nin caqli leh waxna isku falaya uusan marna
heshiis xun la galin nin dambiile ah oo degan guri reero lahaayeen,nin kufsaday gabar soomaaliyeed nin dilay saqiir yaryar oo aan waxba galabsan isagoo u aanaynayaa waa Daarood,waxaan joogay 91dii magaalada Rome ee talyaaniga markaas ayaa TV weyn oo ku yiil Stazione Termini waxaa laga soo saaray wareysi lala yeeshay labo nin oo kala gedisan..nin wuxuu ahaa Caydiid oo markaas fadhiya meel ay geesaha ka fadhiyaan
xuseen kulmie,Jilicow iyo kuwo badan oo siyaad u shaqeyn jiray hadana USC sheeganaya dhinaca kalana waxaa
la wareystay Bardacad oo isagu ahaa nin muddo badan usoo xirnaa Mohamed Siyaad..
markaa iyada ah Mohamed siyaad Buur dhuubo ayuu joogaa
marka sidan ayey u dhacday wareysigii:
RaiUnO to Caydiid: maxaad rabtaan hada idinku oo dalbaysaan?
caydiid jawaab: waxaanu leenahay waa in darood keena
maxamed siyaad barre hadii kale dhibta gaadha iyaga ayaa ka masuul ah,yacni waanu layn.
suaasha ku qumanayd tan oo la weydiiyey Bardcad:
RAIUNO to Bardacad: waad ogtahay waxyaabaha ay USC dalbayaan waxayna rabaan in Daarood keeno Mohamed siyaad si ay uga nabad galaan dagaalka ay USC la beegsanayso Kismaayo,Buurdhuubo iyo magaalooyin kale oo daarood leeyahay?
Jawaab Bardacad: Horta marka hore waayo dadka dalbaya
in la keeno maxamed siyad barre miyeysan ahayn kuwii ugu dhawdhawaa oo sida badan la shaqeyn jiray?hadii
la rabo in nin dambi lagu qaado waa in maxkamada uusan
maamulayn nin isagu dambiile ah marka marka uu Caydiid
maxakamad saaro kan geeskiisa fadhiya sida --wuxuu tiriyey dhamaan ragii meeshaas fadhiyey--sida xuseen ,jilicow iwm--ayaanu anaga daarood ahina maxakamad saaraynaa maxamed siyaad?
waa macquul tani waana sax,nin dambiile ah hadaad wax garad tahay illaahna ka baqaysid see loola xaajoodaa?
tuug reer xoolihiis haysta sidee ugu madax salaaaxaysaa?
waxaan ku leeyahay soomaalidu waxay tiraahdaa "nin meeli u cadahay meeli ka madow"..marka waan ogahay in xaalku yahay ..dadkaan la hadlayaa baan lahayn duxiyo"ku dar adigu..nabadeeey...weligeedna saas ha isu layso waxaanan anigu qabaa in soomaaliya wlei dagaal isugu haray..illaahow kaas keen baanan ku ducaysan.wixii bi lahaa ama dadkii hal mar ah laga takhalusi lahaa haba dhacdo...let it be.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan dhamaan,Qaasatan Abdiallah.
Marka hore Mooge,fadlan Qabiilka iska dhaaf waana laga fiican yahay in aad Hawiye wax ka sheegto,maxaa yeelay hadii aad ka sheegto,waxa kaliya oo aad raadinaysaa qof halkaa kaala sii qaado oo eey "tribal fanaticism" heyso,waxaaba ku sii dareysaa "quote" anigu hawiye ma necbi,laakiin qabiil kaliya ayey yaqaaaniin oo waa masaakin aan wax garaneyn,taas ma qaadaneyno.
Midda kale walaalkey Muhamad waan kaftami karnaa balse markii aan dhahay anigu aan Soomali u duceeyno,kama wadin sida aad u qaadatay ee ah "quote" Afkeenu waa isku aamin,salaadana waa joogtaa,ee waxa kaliya ee aan rabay in aan at least,wax negative ah ku hadlin.
Abdiallah,fikrad saxsan waaye ee yeynaa dooda meesha eey ku socota la badalin,waana runtaa in uu Qabiil wax faa'iido laheyn markii aad dadka dariskaaga ah amaba Muslin kale ku waxyeeleyneyso,halkii Ceydiid ku dambeeyay ayuuna qabqable kasta ku dambeeynayaa.Marka cidii ku taageri laheyd ragaan qabqablayaasha dagaal dhibka eey Soomaliya ku hayaan ayadda ayeey jirtaa.
Ragaan Tuugta ah ee uu Cabulaahi Yusuf ka midka yahay waa in aan iska qabanaa,mana shaqeyneyso fikradda ah in qolo Tuugooda iyo qabqablahooda gadaal eey marsadaan eey rabaan in eey qolo kale qabqablahooda dagaal wax ka sheegaan,war ragaan wax aan ka sugno ma ah,wali waxaan sugayaa jawaab cidii ii sheegi karto hal Qabqable dagaal ama xamar ha joogo ama boosaaso oo hal wax oo faa'iido ah dadkiisa u qabtay.
Abdifatah,Minneapolis,Minnesota
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaad wadaan sheekadii qosolka badneyd ee dhex martay oday C/lle iyo saaxiibkii oo yiri war hadaan hal malyan cirka nooga soo dhaco see noogu qaybin lahayed,
Markaasii iyo kii kale ana 65% baan leeyahay adna 45%
Kii kale inta xanaaqay buu ninkii dagaal ku bilaabay ilaa mid miyir qaba u yimid oo kala qabtay,
Ilaahay ka baqa oo iska daaya cayda umada aan waxba idiin dhimin aad caayaysaan C/laahi markuu imaadana ka wada hadla....
Inta ka horeysana afkiina dambi ka dhowra soomaali..
Walaalkiin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waan akhriyey inta badan dadka ka hadlaya wanaagga Ca/llhi, iyo dadka ka hadlaya dhibaatooyinka uu geystey. Haddaba Aniga qiyaastayda booqashada C/llhi, waxaan oran lahaa; dibadaha rag badan oo meelo badan ka socda ayaa booqasho ku taga, kuwo wax run ah matala iyo kuwo waxaan jiri ka wakiil ah, kuwo 30 sano dhibaatooyin dhiig ku jiro dhex dabaalanayey, waxaa kale oo dibadaha jooga oo ku nool USA iyo yurubba ama Austaralia rag lagu soo oogi karo dambiyada loo haysto C/llaahi. Hadaba haddii intaas oo dhan ay jiraan, dowladda maraykankuna ay siisay oggolaansho ninkii dhib u arkow intaan soo sheegay miyaad ka hadashay. waxaadna ogaataa ninkii la wato dadkiisa wato adduunkuna wuu wadan, ku quuso madagaskaar.
Tan kale haddii ay daacad idin ka tahay waxaad qoraysaan soo qoro cinwaankiinna iyo magaciinna runta ah, C/llaahina Soomaali oo dhan dambi kama wada gelin ee waxaa loo haystaa waa PL oo keliya, hana isku khaldina Caaqiladd dagaalka, C/llaahi hargaysa kuma duulin, muqdishona isagaa looga soo duulay, meel aan dad u jooginna uma tallaabin.
Wabbillaahi towfiiq.
mahadsanidiin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Hadalkaaga wax badan oo dhab ah ayaa ku jiro.Sida "kuwo c/lahi yusuf la mid ah ama ka daran ayaa America iyo yurub yimaada ama ku nool". Waxaad kalood qortay in c/lahi yusuf uu dambi ka galay oo kaliya reer PUNTLAND.
waxaan haddaba ku leeyahay Dambi waa Dambi, cida aad rabto ka gal.Ilaahayna hadhow oran maayo C/laahi dadkiisu laayey ee cid kale ma laynin sidaas darteed dambi ma laha. C/lahi yusuf waa oday soomaaliyeed oo khaatumadiisu ay meel xun ku socoto.Tusaale waxaa kuugu filan nimankii carbeed ee martida u ahaa reer Boosaaso, ee uu gacanta u geliyey cadowga muslimiinta iyo somaaliya 18 july 2002. Sidaan qoraalo badan ku xusay war soomaliyey aan qaan kaar noqono. Taas oo aan ula jeedo, Kan baanu isku reer nahay ee aan difaaco gar iyo gardaroba waa cilmi laga soo gaarey casrujaahiligii.C/lahi yusuf dhalasho ahaan ma aanu kala fogin.Taasuse hayl ii taal maanta ma aha ,waxaan ahay aqoon yahan waxaana ku qiimeynayaa ficiladiisa.
Cidii rabto iney igala doodo, iimeylkaygu waa kan ku qoran kor (under Hussein))
Mahadsanidin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Cilmi iyo caqli haddaad leedahay waxba ka aadan sheepteen caqiidka
No score for this post
July 20 2002, 8:31 PM
Waxaan kuu sheegayaa in President Of Puntland, A/lahi uu kaa muday yahay xushmad haddaad tahay reer Puntland oo aad xallaal ku dhalatay ama aad leedahay caqli kala garankara hogaamiye fiican, dadka kan dila, iyo caadaqaata yaasha. Waxaan sabab u ah dhowr arimood dhaliisha aan kuu soo jeedinayo:
1. Waa marka horee waad ogtahay Caqiidku dagaalada uu galay: kii uu afwayne kaga soo horjeeday.
2. Kii uu hooyadaa kaga xoreeyey xiridii Muqdishu kaga soo duushay ilaa iyo hadan hortaagan in ay gabdhaha laga yaabo hooyadaa iyo walaashaa in la kufsado.
3. In uusan ahay nin qaata soor quureed oo uu iibsanayo Puntland.
4. In uu yahay nin aan Soomaali danbi ka gelin oo aan ahay qabqable danihiisa doonaya.
Marka aad lasimayso dagaal ooge iyo nin dambi galay Ilaahayna been baad u sheegtay cilmiga aad sheeganaysa kaama badbaadin in aad kala garato waxa dhabta ah iyo waxa beenta ah.
Puntland dambi kama uu galin ee waa badbaadiyey hadana u hurayaa ina uu ka badbaadiyo Wadaad isku sheegayaasha gabdhahooda hortooda lagu kufsado iyo munaafaqa garka ula baxay in uu Islam ku dulmiyo (Salaad Booy) iyo ducufada daba socota.
Wabilaahi Tawfiiq
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Saaxiib Faahim,Cabdullaahi Yusuf ma waxaad leedahay Hawiye ayuu Daarood ka celinayaa,oo uu ka hortaagan yahay,taas been ayaad ku sheegtay.
Soomali Hawiye,Darod & isaaq cid dagaal xiiso u qabto waxaa ka jira ragaan qabqablayaasha dagaal oo uu Cabdullaahi Yusuf ugu horeeye,waqtigii eey qabiiladooda ku daneysan jireen waa la dhaafay oo waa la fahmay in eey dadka rabaan in eey isku baabi'iyaan,waxaa kaloo eey umadda Soomaliyeed fahmeen in ragaan eey u shaqeeyaan Amxaarada iyo maslaxadda Cadowga Soomaliyeed iyo Cadowga Islamka,waxaana ugu horeeyo Cabdulaahi Yusuf,oo dad masaakiin ah inta uu qabqabto Amxaarada u dhiibo,marka xigana qabiilkiisa dad ah ayuu Amxaarada ka gadi doonaa,haduu mar horeba ku dhaqaaqin.
Cabdullaahi Yusuf waa caada qaataha ugu horeeyo ee Amxaarada u shaqeeyo.marka Faahimow saaxiib noo sheegay "moral clarity or justifacation"aad Cabdullaahi Yusuf u ficiladiisa ku Xoojineyso oo aan ka aheyn in uu cudurka qabiilka ku haayo.
Laakin Abulahi Yusuf and Somali warlords'days are numbered".
Abdifatah,Minneapolis,Minnesota.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Walaal waxaad kamid tahay dadka aadka u yar ee xaqa ilaahay famsiiyay. Hawiyaha xamar jooga intooda badan marka sida Suudi, iyo raguu kujiro, waxay caado ka dhigteen in ay yiraahdaan Illahay halaga baqo C/lahi yusuf na waagaal ayagoo ku nool guryihii umada soomaliyeed ee ay bililiqaysteen.
Waxaan joogay Jida oo Culimada joogta ee Hawiye intooda badani raari ka ahaayeen in ladhaco, la kufsado lana dhibaateeyo dhamaan Umada soomaliyeed ee Daaroodka Sheegta, waxaan ogahay in Gurigii aan ku noolaa kuna dhashay ay joogaan oo xallaalaysteen Mooryaa. Waxaan ogahay sidoo kale kismanyo in Mooryaanta in salaad boy sidoo kale ay dulmiyaan umad soomaliyeed.
Marka aaway culimadii hawiye. Waxay caado kadhigteen in ay umado kala wacdiyaan ayagoo og xaqdarada ay wadaan reerkoodu.
Waxaase cad in ay tahay arin ay ku heshiiyeen culima ma oran karee munaafiqiinta hawiye ee masaajida gabdhaha lagu kufsaday ka qodbeeya in ay diinta alle ku qaldaan dadka ayagu diinta jecel ee aan haybta lawadaagin siiba majeerteen.
Waxaanu ognahay in Majeerteen loogu qodbeeyo in C/aahi uu gaal yahay ayna ladagaalamaan ayagoo qoryo waliba u gadaya. Ujeedada kali ah oo ay leeyihiina waa in magaca Islaamka la'adeegsado. Waxay kale oo ay kasameeyaan carabta in ay Muslimiinta carabta u tusaan Maamulka Puntland in uu yaahay dad ka soo horjeeda Islamka.
Walaal waa in reer Puntland sameeyo waxa ay sameeyeen reer waqooyi culimadeeda. culimada reer waqaooyi way diideen in ay munaafaq hawiye quraan ilmohooda u dhigo waxay faafiyaad diinta ayagoon qaldayn una sheegin in Maamulka lala dagaalamo. Arintan waa arin looga baahan yahay dhamaan shacabka reer Puntland in ay fahmaan.
Ninkii garankara ayaa garanaya.
Wabilaahi Tawfiiq.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
wax yar oo saxida. marka laga reebo suudi iyo raguu ku jiro ayaan ka wadaa. Suudi waa shiiq caadil ah oo aan hawiye iyo somali u kala sokayn Cabdiqasina yur yiri markuu damcay in uu u dulmiyo sidii uu dulmiyey dadkii kale mardhowna ka saaraya dhulkiisa bahalkan argagixisa xamar ku soo hogaaminaya.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Sheekh, si wanaagsan oo hor dhac ah ayaad uga hadshay diinta, waxaadna taabatay meelo kala duwan. Waxaase yaab igu noqotay kolkaad C/lahi yusuf ficilooyinkiisa difaacdey.iyo weliba adigoo ka dhawaajiyey magacyo qabiil. Taasoo aan habooneyn in laga dhawaajiyo haddii rag aqoon yahano ah ay doodayaan. Waxyaalaha aad qortay waxaa ka mid ah c/lahi waa "askari dishibiliin leh" Taas cadynteeda ma aadan sheegin balse waxaan kuu hayaa Midaas caksigeeda.
Ma dishibiliin baa in shicibka baabuurtooda la dhaco oo isbaaro loo dhigto.Waxaa tusaale kuugu filan kolkii uu c/lahi yusuf garoowe ku sugnaa ee buundada isbaaradii soosoomalia ugu weyneyd uu dhigtay.
Ma dishibiliin baa toogashada iyo nqabashada dadka xoolaha la jooga dooxooyinka u dhexeya qaedho iyo garoowe.
Ma dishibiliinbaa martida muslimiinta ah ee muddada boosaaso ku noolaaa ee laga iibiyey cadowga islaamka.
Arimahaan intii la doono ayaa la tirin karaa waxaan ahay nin puntland ku dhashey, intaas ku soo leekaadey kana war hayo xaaladeeda.
Saaxiib, Ha noqon suufiyiintii inta neef loo qalo isu dayi jirey iney quraanka ka raadiyaan wax baadhilka taageeraayo. Isku day inaad xaqiiqda dhabta ah aad ka hadsho quraankana ku dhabakhdid, xitaa hadii ay tahay mid aan adiga kaa qoslineynin.
Hussein- sweden
Mahadsanidin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Difaaca C/lahi yusuf, qododbada aad u cuskatay,adigoo weliba qaarkood ku lamaaniyey aflagaado.Ma aha kuwo ku saleysan xaqiiq.Waxaadna ka eegtay oo keli ah dhinaca aad isleedahay wuu ku farxad gelinayaa.
.c/laahi isaga ayaa lug weyn ku lahaa inuu fashilmo
inqilaabkii afweyne lagu ridi lahaa.
.SSDF gacantiisa ayuu ku baabi iyey isagoo adeegsanayo
waybi oo xukun, ilaa ay gaartey inuu kala takooro dadkii isaga ehel ugu dhowaa.
. Ka qayb qaadashada ama hormuud ka noqoshada dagaaladii sokeeye ee soomaliya anigu saaxiib darajo kuma aan bixiyo."Hebel" magaalo "hebla" ayuu "reer hebel"ka difaacey waxaa ay ka gadantaa kuwa sanka caaradiisa wax ka arko.
. Dhaqaalaha Puntland C/lahi yusuf ayaa dhigay halka maanta uu ku sugan yahay,hadey ka ahaan lahayd dhac toos ah iyo hadii ay ku kaliftay maamulka rayidka ah oo aanu korneelku waxba ka soo baran.
Iskusoo xooriyoo,Danbiyada C/lahi wax qarsoon ma aha. Dhaca, dilka iyo burcadnimada uu ehelkiisa u geysanaayona waa iska muuqataa.
Saaxiib aragtidaada c/laahi yusuf waxaa kugu raacsan oo keliya kuwa meelaha dhow-dhow wax ka arko isla markaasna aan sameyn karin faaqidaad qoto dheer leh, oo dhinacyo badan laga eegay.
Hussein- Sweden
Mahadsanidin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waad mahadsan-tahay walaal Xuseen, Anigu Coln.-ka ma difaacayo, waxaanse kuu sheegay wax jira. Haddiise aan aan miisaanno waxtarka ragga qab-qablayaalka ah gaar ahaan kuwa koonfurta yaad u malaynaysaa in uu dhaamo isaga?
ma nin aan dhiig galin ayaa jira,
ma nin aan qabiil wadan ayaa jira,
ma nin aan dhul weliba uusan lahay boobin baa jira,
sow qaar dad xoolohood haystaa ma jiraan oo inkirsan,
sow qaar weji wadaad wax ku baa-bi'iyey ma jiraan
sow qaar hantida qaranka Soomaaliyeey la siiyey weli dadka ku gumaadaa ma jiraan,
sow qaar carruurtoodu iyo xaasaskoodu dibadda jiraan oo meelo badan oo dalkeenna ah qasaa ma jiraan, markii ay runta tagtana cararaa ma jiraan.
ma C/llaahi baa keligiis Xabshida keenay?
ma C/llaahi baa Liibiya wata?
ma C/llaahi baa $50 milyan(carta) hadiiba ka laacay
ma C/llaahi baa sacuudiga been u sheegay?
ma C/llaahi baa Beledweyn, Jowhar,Kismaayo,Muqdisho iyo Balli-doogle xabbadda ka wada
ma C/llaahi bay dekadda iyo garoonka Xamar u xiran yihiin
ma C/aahi baa 15-kii shir oo carta ka horreeyey diidanaa
ma C/llaahi baa keligii Maraykanka raba(Adduunkana)
ma C/llaahi baa keligii Xabashi dad u geeyey(hargaysana)
ITAAS OO DHAN ISKA DHAAF
ma nin Soomaali ah, oo Xamar caadi diyaarad ku tegi kara ayaa jira, isagoon $400 iska sii hormarin oo loogu kireeyo baroonno ilaaliya xitaa hadduu u dhashay
YAASE wax loogu geystey garooma Baydhaba,Barbera,Hargeysa,Gaalkacyo,Boosaaso,Beletweyn iyo Garoowe, sow ma ogid inta badan in dadka dibadda ka yimaadaa markii ay qaraabadooda soo booqanayaan in ay caadi ugana dagaan ugana baxaan
Siday Aniga ila tahay Muqdisho raggaa joogaa dhibka ay Soomaaliya ugeysteen wax u geystey ma jiro.
Xuseenow CABDULLAAHI SOODAANTA MA KEENIN.
Xabeeb, New Zealand.
Wa-billaahi towfiiq.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Nimankaas dhurwaaga la siiyey waan ka seexanwaayey. Mid la silic dilay baa yiri maxaad cadowga iigu sugaysaan maad idinku nafta iga siibtaan. SUBXAANALLAAH war goormaan saa uhoognay? Suldaamadii aawaye? Culumadii ma socdeen? Shabaabkii ma suulay? Dumarkii xamaasada raga siin jiray see yahay?
Labo gobol ayaan suntay maalmo sii horeeyey (Mudug iyo Bari). Xabsiga Gaalkacyood baa sheeko laga sameeyey. Hadii qof Carab ah suuqa Gaalkacyo laga helilahaa maanta xabsiga Zenawi buu saxariir ugu noolaan lahaa hadaan seef mar hore la saarin ba. Barina hada sidaan baa ka dhacday.
Sifadan Islaamka ka hor xataa Carabtu ma samayn jirin. Qof soo magan galay qofna far ma saari jirin. Najaashana suu ubadbaadshay Saxaabadii (RC) Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam waa la ogaa.
Ina Cigaal intuusan safrin waxaa socday eedo ku saabsan dadkii uu Itoobiya calafka ka siistay. Wixii Zenawi siiyey isagoon dhamaysan baa soo soco la yiri.
Sumcad xumo baa Boosaaso usoo hoyatay iyo waxaan Xamar laga samayn. Caro Ilaahay baa nasaarane aan ducadii Nabi Muuse Calayhi Salaam aan carabka saarno “Atuhlikunaa bimaa facala sufahaa’u minaa” Alloow sufahadu waxay sameeyeen sababteed hanoo halaagin.
Diintu waxay sugtay in fidnada laga sariigto oo ayna asiibayn oo kaliya daalimiinta bal wixii halkaa jooga oo dhan ay salfanayso.
Ninkaan sokeeyihiis xadiiskii Nabiga (SCW) ee ahaa (u gargaar walaalkaa haduu gardaranyahay iyo hadii laga gardaranyahayba) waxay usameeyeen sidii Islaamka ka hor oo gardaradii baa qaarna kula saftay qaarna waxay dhaheen dadkaan ula Simanahay.
Dadka talooyinka siiya, qoraaladana u sameeya waxay sheegeen inuu September uu Maraykan u socdo iyagoon Insha-Allaah ku siyaadin. Ficilkuu sameeyey ma dhici kartaa inuu Maxamed Siyaad iyo Caydiid xagooda siyaarto September ka hor. Laakiin waa Allaha Caziizka ah siduu rabo.
C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
London
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
gawsa weyne caanaha ka dhergin,muxuu doqonimo jugaystay!!
ma halkan ayaad dhuusadaadii la soo aaday..maad meeshii duliga ahayd ee puntlandstate iska joogtid...hadana ma diin baabad ka hadlaysaa?alla ilaahay wacanaa suu adoo kale ayuu dadka ku dhexdaraye!!!war orod oo meelahaas ku dhuumo...shaqadii adeerkaa oo aan diin waligiis meel lagu hayo arkin oo hada bartay erayada ah "nastaciin"nacuudu iyo kuwa kale oo uu hada isagoo u eg nijaas uu kaga ag dhawaado kuwo wadaado isku sheegay...wax kale inaan ku iraahdo ha iga raadin ilma adeer waa in istaqaan....
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Nimankaas dhurwaaga la siiyey waan ka seexanwaayey. Mid la silic dilay baa yiri maxaad cadowga iigu sugaysaan maad idinku nafta iga siibtaan. SUBXAANALLAAH war goormaan saa uhoognay? Suldaamadii aawaye? Culumadii ma socdeen? Shabaabkii ma suulay? Dumarkii xamaasada raga siin jiray see yahay?
Labo gobol ayaan suntay maalmo sii horeeyey (Mudug iyo Bari). Xabsiga Gaalkacyood baa sheeko laga sameeyey. Hadii qof Carab ah suuqa Gaalkacyo laga helilahaa maanta xabsiga Zenawi buu saxariir ugu noolaan lahaa hadaan seef mar hore la saarin ba. Barina hada sidaan baa ka dhacday.
Sifadan Islaamka ka hor xataa Carabtu ma samayn jirin. Qof soo magan galay qofna far ma saari jirin. Najaashana suu ubadbaadshay Saxaabadii (RC) Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam waa la ogaa.
Ina Cigaal intuusan safrin waxaa socday eedo ku saabsan dadkii uu Itoobiya calafka ka siistay. Wixii Zenawi siiyey isagoon dhamaysan baa soo soco la yiri.
Sumcad xumo baa Boosaaso usoo hoyatay iyo waxaan Xamar laga samayn. Caro Ilaahay baa nasaarane aan ducadii Nabi Muuse Calayhi Salaam aan carabka saarno “Atuhlikunaa bimaa facala sufahaa’u minaa” Alloow sufahadu waxay sameeyeen sababteed hanoo halaagin.
Diintu waxay sugtay in fidnada laga sariigto oo ayna asiibayn oo kaliya daalimiinta bal wixii halkaa jooga oo dhan ay salfanayso.
Ninkaan sokeeyihiis xadiiskii Nabiga (SCW) ee ahaa (u gargaar walaalkaa haduu gardaranyahay iyo hadii laga gardaranyahayba) waxay usameeyeen sidii Islaamka ka hor oo gardaradii baa qaarna kula saftay qaarna waxay dhaheen dadkaan ula Simanahay.
Dadka talooyinka siiya, qoraaladana u sameeya waxay sheegeen inuu September uu Maraykan u socdo iyagoon Insha-Allaah ku siyaadin. Ficilkuu sameeyey ma dhici kartaa inuu Maxamed Siyaad iyo Caydiid xagooda siyaarto September ka hor. Laakiin waa Allaha Caziizka ah siduu rabo.
C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
London
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Nimankaas dhurwaaga la siiyey waan ka seexanwaayey. Mid la silic dilay baa yiri maxaad cadowga iigu sugaysaan maad idinku nafta iga siibtaan. SUBXAANALLAAH war goormaan saa uhoognay? Suldaamadii aawaye? Culumadii ma socdeen? Shabaabkii ma suulay? Dumarkii xamaasada raga siin jiray see yahay?
Labo gobol ayaan suntay maalmo sii horeeyey (Mudug iyo Bari). Xabsiga Gaalkacyood baa sheeko laga sameeyey. Hadii qof Carab ah suuqa Gaalkacyo laga helilahaa maanta xabsiga Zenawi buu saxariir ugu noolaan lahaa hadaan seef mar hore la saarin ba. Barina hada sidaan baa ka dhacday.
Sifadan Islaamka ka hor xataa Carabtu ma samayn jirin. Qof soo magan galay qofna far ma saari jirin. Najaashana suu ubadbaadshay Saxaabadii (RC) Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam waa la ogaa.
Ina Cigaal intuusan safrin waxaa socday eedo ku saabsan dadkii uu Itoobiya calafka ka siistay. Wixii Zenawi siiyey isagoon dhamaysan baa soo soco la yiri.
Sumcad xumo baa Boosaaso usoo hoyatay iyo waxaan Xamar laga samayn. Caro Ilaahay baa nasaarane aan ducadii Nabi Muuse Calayhi Salaam aan carabka saarno “Atuhlikunaa bimaa facala sufahaa’u minaa” Alloow sufahadu waxay sameeyeen sababteed hanoo halaagin.
Diintu waxay sugtay in fidnada laga sariigto oo ayna asiibayn oo kaliya daalimiinta bal wixii halkaa jooga oo dhan ay salfanayso.
Ninkaan sokeeyihiis xadiiskii Nabiga (SCW) ee ahaa (u gargaar walaalkaa haduu gardaranyahay iyo hadii laga gardaranyahayba) waxay usameeyeen sidii Islaamka ka hor oo gardaradii baa qaarna kula saftay qaarna waxay dhaheen dadkaan ula Simanahay.
Dadka talooyinka siiya, qoraaladana u sameeya waxay sheegeen inuu September uu Maraykan u socdo iyagoon Insha-Allaah ku siyaadin. Ficilkuu sameeyey ma dhici kartaa inuu Maxamed Siyaad iyo Caydiid xagooda siyaarto September ka hor. Laakiin waa Allaha Caziizka ah siduu rabo.
C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
London
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Horta aad ayaan uga xumahay labada nin ee Muslinka ah ee Maraykanka loo dhiibay, balse waxaa kale oo aad aan uga xumahay kuwa kale oo dawladihii ka dhisnaa dhinac kasta sida dhaqaalaha, siyaasada, militeriga oo ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi careebiya, Maroko, Pakistan iyo in kloo badan in ay gacan geliyeen dad muslimiin ah oo wadaado ah qaarna lagu laayey. Arintan waa mid daba socota arimahaas aan soo sheegnay markaa walaalayaal yeynaan cadaalada ka tegin hadayna ahayn baroortu orgiga ka wayn, macnaha arinta waa in aynu ka dhigno mid dunida islaamku oo dhan ka qayb qaataan sidii loo xalin lahaa, sidaa waxaan u leeyahay Cabdillahi Yusuf oo aad ogtihiin awoodiisa marka loo eego dawladahaa waxaaban anigu u arkaa inuusan nimankaas dhiibi taankooda u´san wax awooda ama ra'yi midnaba ka dhiiban karin ee uu ku qasban yahay wixii FBI-du tiraahdo.
Waxaa jirtay dad loo gacan geliyey oo muqdisho laga dhoofiyey ayna lug ku lahayd DKM ah iyo kuwo laga gacan geliyey Hargaysa arimahaan waxay i tuseen inaanay Soomaalidu ikhtiyaarba lahayn marka loo eego arimaha beryahan dhegaheena ka batay ee argagixisada.
Waxaan qabaa arintaa waa arin u taala muslimiinta guud ninkii inuu ka hadlo doonayaa waa inuu ka hadlaa dhibka guud oo maanta yaala.
Col. yeynaan eedayn isagaaba tiisa la yaaban, bal eeg waxa haysta sudan, lubanan, Saudi Arabia, Suriya, Palstain, Afganistan ...... Ku quuso ninkii col. u haysta inuu cid ka difaaci karo arintaa.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
waxaan layaaba nahay dad doonaya in ay cunaan caqiidka naftiisa u huraya sida ay ku gaarayaaan guul ama horumar.
Niman hadii laga kexeeyay carab ah Boosaaso waa in aanu ognahay xaqiiqad waayo kuwo kale oo ku nool ayaa jira oo aan gaalo iyo islaam midna aan loodhiibin.
Waxaase idiin sheegayaa in aan caqiidka oo kali ah lagu magacaabin maamulka Puntland oo xor ah lehna baarlamaan xor ka ah caqiidka oo wixii sharci ah oo kali ah ku raaca Presidentigooda.
Fadlan wax ha ka sheegin nin difaacaya naftiisana u huray maatada Puntland hadana doonaya in uu soomali oo dhan ka xoreeyo jahliga iyo is qabqabsiga ay ku jiraan oo somalia dawlad uu u dhiso.
Insha Allah president of Puntland will shine and fulfil his role as a leader, and Somali Elder who believes in Justice, prosperity, security, and united Somalia.
Waxaanse caqiidka iyo dawladiisa aan oran lahaa, dhamaan wadaada Somaliyeed kaama soo horjeedaan oo waxaa jira Millions adiga ku support garaynaya, marka u kala fiirso kuwa cadowga noo loogaya ee xadraysan iyo kuwa lilaahida ah oo doonaya in Puntland ay dhisanto, somalina ay dar alla u heshiiyaan iskana qabtaan muraafiqiinta u ageegta carabta danaha gaarka ah ku fushata Diinta Islamka.
Wa bilaahi Tawfiiq.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Ugu horayn ma xuma in aad caqiidka aad daafacdid oo waxaa la oran lahaa ugu yaraan ninkani caqiidka qabiil buu ku difaacayaa. Laakiin in aad macluumaad aan jiri aad naga dhaadhiciso socon mayso. anigu ma arkin caqiidkoo reer Puntlan difaacaya inuu baabi'iyo mooyee. tankale yaa ku yiri caqiid iyo askaribaa dad jaahilnimo kasaara. muxuu yaqaan caqiidku in uu kan dil, kan dhac kan xir, kan kufso uun uu amro mooyee. waxaa isleeyahay haddaabad leedahay caqiidkaa dad jahli ka saaraya ama maatada Puntland difaacaya adaa geed jaahil ah ah una baahan in aad dantaada garato.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Akhyaar baa laga rabaa boggaan iyo ra'yiga ku haboon mowduuca in laga hadlo(BOOQASHA C/LI ee USA) ee laguma waydiin caafimaadkiisa, illaahaybaa cudurka iyo caafimaadka haya, ilaa iyo 5 jeer ayaa ku jirtaa boggaan shkhsi caydiis uunbaad nagu soo kordhisay iyo qof aad hadalkiisa wax ka sheegayso adigoo weliba aan saxnayn......isjilci sade waa ku sidee dhirif ayaad bogga ku soo gashaye illaahay cafis waydiiso oo cawdu billayso..... ma buufisbaad qabtaa oo qurbaha ayaa wax kuu dhimay, ALLAHA Caafimaad ku siiyo SADE.
Nabadey,bile
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Akhyaar baa laga rabaa boggaan iyo ra'yiga ku haboon mowduuca in laga hadlo(BOOQASHA C/LI ee USA) ee laguma waydiin caafimaadkiisa, illaahaybaa cudurka iyo caafimaadka haya, ilaa iyo 5 jeer ayaa ku jirtaa boggaan shakhsi caydiis uunbaad nagu soo kordhisay iyo qof aad hadalkiisa wax ka sheegayso adigoo weliba aan saxnayn......isjilci sade waa ku sidee dhirif ayaad bogga ku soo gashaye illaahay cafis waydiiso oo cawdu billayso..... ma buufisbaad qabtaa oo qurbaha ayaa wax kuu dhimay, ALLAHA Caafimaad ku siiyo SADE.
Nabadey,bile
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Asalaamu calaykum.
Qof khabiir ah ayaa wax la waydiiyaa. Tagida C/hi waxaa huba Axad kaliya waa Allaah. 1-Lama hubo inuu gaari doono horta ama isagoo xukuma Puntland.
2-Ma Maraykankaa martiqaaday mise isagaa socda. Sida aan taariikhda ku baranay ma filayo inuu Maraykan uyeertay waxay u badantahay in Jaaliyada cidiisa ee degen meneapolis ay visa usoo qaadeen xaga caafimaadka koow. Haduu halkaa tago waxaa dhici karta inuu arko wasaarada Arimaha dibada dad ka mid ah.
Aniga war iga hooya labo arimood darteed.
1- Anagoo isku jufo ah oo dad badan ka badiya
2-Hadii uu Maraykanku u yeeray ugu yaraan waxaa qaabilaya colin Powell wuxuuna ka soo degayaa Washington. Laakiin haduu Mineapolis ka bilaabo yaan cid dambe ila murmin.
Dadka degen meneapolis ee Soomaalida waxaan ka codsanayaa hadii uu halkaa soo gaaro inaad dhigtaan mudaharaad balaan oo looga soo horjeedo dhiig yacabka. Anaguna waxaan diyaarinaynaa oo idin xasuusinaynaa markay mudadaasi soo dhowaato hadii Allah idmo.
Marka is dajiya jaaliyadiisa ayaa uyeeratay.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.