Markii ay xamar qabsadeen USC waxaa ku dhintay aqalaka madaxtooyada iyo safaarada maraykanka ilaa dad gaaraya
konton oo dhamaan ah USc waxaana dilay USc kale waa war
sax baarid walbana ku sameeya ragaas is dilay waxay ku
dagaalayeen aniga ayaa gurigan ku hor xaaraya iyo maya aniga..waxaan suwaaxiliga ku arki jiray markay musqulaha galaan intay saxarada u fadhiyaan xaarkood ayey inta farta ku qaadaan gidaarka musqusha ku qoran magacooda iyo waxyaabe kale(Graffitti)marka ninka walaalkii ku dilaya
war anaa gurigan taabsaday oo ku hor xaaraya iyo kaa gidaarka wax ku qoraya miyey is dhaamaan?..marka waa dad
noocaas ba nolosha la joogto..kolkaasay qaar halkan la doodayaan..weli ma aydin garan.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
su,aal aan ku weeydiiyo marka hore markii ay USC ay isku dilaayeen ameeshaas adiga inteed joogtey marka hore????? tal labaad waxyaalo lala soo shir tago ayaa jiro iyo waxyaabo kale so aniga waan kula talinaa ee ka faker intaadan wax soo qorinok
byeeeeeeeeeeeeeeeeeeee
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Re: intaadan hadlin ka fakey waxyaalaha aad dheheeso
No score for this post
July 30 2002, 6:47 PM
Su'aasha ma aha waxaa la isku diley keebaa ku hor xaarayaa guriga ama ku fadhiisanaya kursiga bannaan ee gaadiidka ama this warlord or that one, suaasha waxaa ay tahay dadnimada (not muslinimo) ayaanu ka baxney oo anaga iyo xayawaanka faraqa inoo dhaxeeya ayaa la kala garan la'yahay. Ummadda carruurtooda waxaa ay bartaa sideey nabad ula dhaqmi lahaayeen dadka kale, laakiin ilmaheena waxaanu barney inay u hantidoontaan sida eeyaha. Anigu qabiil waan leeyahay laakiin ma ahi jaahil ay cidi si wasaq ahi u isticmaasho qabiilkaasi aan u dhashay. We can't deny that we all belong to different tribes then why let others (few war-lords) hijack the good of our conscience and inhumanely kill , maim, rape and destroy our brethens? Waa jaahilnimo. Maanta masaajidkee ayaa ku soo tukaneeysaa (USC, SSDF, SNM, SYL, SNC,etc).
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
dee waa hagaagi gabadhyahay inkir taariikhda oo dhan iyo wixii dhacaba.anigu mida ka waday waa maskaxda dadka qaarki waana dhacdo loo baahan yahay in la wada ogaado bal hada tana eeg
Http://www.markacadeey.com LO’ KU SUMOWDAY RAASHIIN LAGU SOO DAADIYEY QASHIN QUB KU YAALA TARBUUNKA…
Muqdisho July 28:-
Afar neef oo lo’ ah iyo daba cadeeyayaal badan ayaa dhinteen agagaarka tarbuunka ka dib markii ay cuneen raashiin sumeysan oo laga soo fogeeyey guri ku dhow tarbuunka.
Lo’dan oo meydkeedii uu weli daadsan yahay fagaaraha tarbuunka ayaa urkeedii wuxuu saameeyey xaafadaha ku dhow how tarbuunka oo ay ku taalo madaxtooyada dowlada KMG-ka ah .
Meydka lo’dan iyo dabacadeeyayaasha oo si aad ah u uray ayaa waxey sababi karaan cuduro ka dilaaca deegaanada ku dhow dhow tarbuunka.
Waxaa aad looga wel wel qabaa in nadaafad darada ka dhalaneysa qashinka xoolaha dhintay ay horseedaan dhibaatooyin ay ka mid yihii cuduro halis ah.
Nadaafada magaalada Muqdisho oo aad u liidada ayaan weli jirin cid isku mashquulisa wax ka qabashadeeda.
Goobaha qaar ayaa qashinka yaala waxaan laga qaadi Karin maleeshiyooyin ilaashada oo markii la qaadayo doonayo in la siiyo lacag laaluush ah oo aad u faro badan ama qof reerkooda ah uu qaato qandaraaska lagu qaadayo qashinka.
Inta dareenka wadaniyadeed leh ayaa waxaa wax qabadkooda hor istaaga kooxo maleeshiyo ah oo markasta oo la qabanayo wax yaabo dan guud ah iyaga sheegta in ay xaq u leeyihiin in la siiyo lacago baad ah taasoo dhiiri gelineysa inj qashinka jidadka uu buuxdhaafiyo.
Qasghinka uraaya ee ka dhashay xoolaha sumoobay ayaa qofkii isku daya inuu qaado waxaa uu la kulmayaa dhibaato uga timaada dhinaca maleeshiyooyinka agagaarkaasi ku sugan iyagoo doonaya in marka bakhtigaas la fogeynayo la siiyo lacag baad ah.
Gaadiidka isticmaala wadadaas ayaa waxaa ku soo batay dadka ku mantaga iyadooay ugu wacan tahay urka ka soo baxaya lo’da dhamaatay iyo dabacadeeyeyaasha.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.