DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Xamar Yaa leh?nabad ma iman kartaa iyada oo aan xamar degin?

July 23 2002 at 3:00 PM
No score for this post
Geedfuule  (no login)

 
waxaa jirta in qolawaliba waayahan dambe eey rabtay inay dib ugu laabato meeshii ay markii hore ka timid
laakiin arrinta xamar oo ah meel dad badan iyo qabiilo kala gedisan iskugu yimaadeen ayaa ah mid aan laga yaabin iney degto mustaqbilka dhow,waxaa xamar dhinac ka sheeganaya abgaal oo iyaga ruuxoodu si ba'an u kala qaybsan inkastoo tooda la xalin kari lahaa hadii kuwa kale xal loo helo,waxaa iyana sheeganaya Murursade,xawaadle,habargedir oo iyaduna hada leh maadaam ragayagii ku dhamaaday oo aan ahayn awal USC waxbaan ku leenahay magalada xaalkeeda,waxaa cadaan ah oo qofwaliba ogyahay in maanta xamar jidkasta koox ay ka taliso hadii la yiraahdo labo kooxood oo midna isbaaro u taal beexaani midna manaboolyo ayaa dawlad loo samayn dee waxaan umaleyn inay tahay arrin adag,waxaa jirta in isgoys walba kooxi haysato oo lacag kaga uruursato baabuurta marka xal intee uga helin ..waa in street to another street hubka laga qaado taas yaa sameyn kara?xataa dunida oo dhan police noocaas sameyn kara ka iman karo,marka waxay ila tahay in qolyaha isku haysta xamar ay soo kala baxaan ama heshiis ama colaad,heshiiska ayaan anigu raacsanahay waayo ummad masaakiin ah yaa ku dhiman sidaa maanta ka taagan Madiina..meeshaas oo aan talo loo helin wax suurta galaya ma jiraan,khaladka ugu weyna wuxuu dhacay markii cabdikassim iyo xulufkiisu ay xamar la tageen aqoonsigii yara oo ay carabta ka heleen ,hada bal eeg wax dawlad ah ma jiraan oo waa niman inta qaad iyo hilib ka dharga iska hadlaya oo hudheel saaran waxay hada dirsanayaan dad dibadaha u aada oo wax looo soo baro qabiil baa lagu qaybin waayo qabiilka ka faaiideysan?waa iska cadahay tilmaana u baahna,liibya kuwo ayey u dirin ,sacuudiga kuwo kale ayey u dirsan lacago badan waana soo heleen mid kalana waa raadinayaan
welina huteelkii bay joogaan saddexdii sanno waa dhamaan rabtaa toban kale ayey ku darsan,mashkilo!
xamar waa na kharibtay dhamaan soomaali oo dhan hadii xal loo heli lahaa nin waliba danta guud ayuu eegi lahaa laakiin hada waa xaalad "tuugaysi"waxaan ku jirnaa mudana waa socon.shalay murursade waxay dhaheen cid xamar leh ma jirto isla markaas waa la ogyahay waxay dhahaan marka ay runtu jirto anaga ayaa dayniile iyo ilaa hodan leh,midbaaba shalay ka cadeyey meeshii ay isugu yimaadeen inuu yahay gudoomiyaha hodan,yaa kaa dhigay mise ninkii toban wiil hale karaa waa madax meel,war taas beynu waligeen ku jirin runtii..hada shirka Nairobi waa lagu kala tegin Talyaaniga ayaa mid kale qaban dadbaana la shaqeysta..ha socoto.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
aliyow
(no login)

Re: Xamar Yaa leh?nabad ma iman kartaa iyada oo aan xamar degin?

No score for this post
July 24 2002, 5:01 PM 

waa sax xamar oon degin wax dhamaahaaya ma jiraan..ha is daalina dadyahow.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Sade
(no login)

Xamar Soomaali baa leh , Xoolaheediina ku dhistay

No score for this post
July 24 2002, 5:32 PM 

Salaan kadib, haday su aashu ahayd Xamar yaa leh waan ka jawaabay, hadayse tahay yaa xumeeyey waxaan oranlahaa Muqdisho ama Xamar waxay ahayd muraayaddii qaranka Soomaaliyeed laga dheehan jiray, loogana qiyaasqaadan jiray horumarka dalkeena hooyo in ka badan 40 sano oo aan (xor ahayn). Miisaaniyadda dalka inteeda badan waxaa lagaliyey Miqdisho, haday ahaan lahayd dhismaha, waxbarashada adeegyada asaasiga ah: biyaha, korantada, isbitaalada, iyo wax kasta oo horay u marinkara shacbkii degenaa Muqdishu. Xamar miisaaniyadda dowladda kaliya laguma dhisin ee hantidii umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa lagu dhisay. Koonfur iyo waqooyi, bari iyo galbeed Hargaysiyo Kismaayo Soomaali wayn meelkasta oo ay joogtay waxay dibad ka keentay iyo waxay dusha ku qaadayba Muqdishaa lagu dhisay. Sidaas ayadoo ah baa dhib la abaabulay lana bilaabay in loo tashado hantidii qaranka iyo tii dadwaynaha soomaaliyeed iyadoo loogu marmarsoonayo Siyaad Barre baa leh Korontada, Fiilooyinka telefoonada, tuubooyinka biyaha, warshadaha, Laydhadhka gawaarida kala haga, isbitaalada, suuqyada camiran,waxyaabaha habluhu isku qurxiyaan sida dahabka, googoradaha masarka iyo xitaa cirbadda dharka lagu tolo. Waa run oo khaladka doorwayn buu ku lahaa kaligi taliyihii laakin ma uusan oran gabdhaha hoos gashiga halaga siibto!. ugu danbayn Muqdisho waxay ahydba Muuse suudi baa sheegtay oo maalin walba qas iyo qalaanqal ka wada madafac Tikree u soo dhiibayna haweenkii iyo caruurihii ku gumaaday inta isagoo kale Muqdisho joogana faa'iido yaan laga sugin Xamar. Tan kale waa sax oo siyaasad ahaan Muqdishoon degin micnaheedu waa dalku ma dagin, hadaan si kale u dhigana waa laga maarmi karaa iyada laakiin waa haddii umadda Soomaaliyeed ka dhigato caasimad meel kale.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Muuse
(no login)

xamar soomaali baa leh

No score for this post
July 28 2002, 4:30 PM 

salaam Sade,

aad baan kuugu raacsanahay,xamar iyaduna rogmatay ummadiinii rogtay oo balaa ku shaqeysatay,marka waa runtaayo hadii meel kale la meegaarto waxba socon kari lahaa.iyadana dhib baa ka jira waayo umaleyn mayo in Baydhabo rag diidi lahaayeen inkastoo hada ragii diidana sida Cabdikassim oo aan umaleynayo in tolkiis kula taliyey inuusan xamar caasumada ka qaadin ay hada is badaleen oo cabdikassim ruuxiisu yiri waxba kama qabno hadii caasumada hargesia laga dhigayo..taaso ah tanaasul ku yimid siyaasad qolidii ka dambaysay in Baydhabo laga tago oo xamar la geeyo DKG..
waa uun mashkilo taagan sida ay u taagan yihiin kuwo kale oo ay ka mid yihiin hantida la kala haysto.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Dhidir
(no login)

Xamar waa meel dadkoo dhan kulmisay.......

No score for this post
August 4 2002, 10:39 PM 

Magaalada Xamar, waa magaalo aad u fac-weyn oo muddo
fog soo jirtay. Haddii aan isku dayo in aan su'aasha
hore ee mowduucan ka jawaabo, waxay tahay sidatan:

Magaalada Xamar, waxaa asal ahaan iska lahaa qowmiyada
la oran jiray ama boqortooyadii "Ujuuraan" ee burburtay. Boqortooyadaas waxaa sal kiciyay qaba'ilka
Abgaal, Moobileen iyo Wacdaan oo ka soo haajiray dhul-
ka gobolada dhexe iyo waqooyiga Soomaaliya.

Qabaa'ilka "Ujuuraan" waxay noqdeen dad kala jabay oo
kala firdhay, kuna sii kala firdhay dhinaca xudduuda
KENYA iyo dhinaca koonfur-galbeed ee xudduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Haddaba, markii ay burburtay awoodii iyo xukuumadii qabaa'ilka "Ujuuraan" meeshana ay ka baxeen, waxaa ku soo haray oo degaan ahaan la deganaa "Ujuuraan" amaba awooda wax soo saarka iyo xirfadaba horyaalka u ahaa
amaba ilbaxnimada sooyaalka ee Banaadiriga qabaa'ilada
la yiraahdo: Moorshe, Bandhabow, Dhabarweyne,Iskaashato, iyo Reer-maayo.

Qabaa'iladani, waa kuwa dhabta ah ee huriyay gumacii
ifiyey ilbaxnimadii xeebaha Banaadir. waa Aqoonyahano ku xeel dheer farsamooyinka dahab shubida iyo farsamooyinkii dharka "Iliindiga". Farsamad dahabka iyo dharka Iliindiga waxaa loo dhoofinjiray wadamada
Carabta, Hindiya iyo Shiinaha muddo aan ka yarayn
2000-2500 B.C.(DHALASHADII NABI CIISE KA HOR)

kabib, waxaa xeebaha Banaadir iska daba yimid hirar dad ah sida qabaa'ilada Shaanshida, Camuudiga, Reer-fiqi,Reer Baraawaha oo iyana marba koox immaanayeen
iyagoo ka soo qaxay colaado.

Abgaal iyo walaalihiis Mobleen iyo Wacdaan waxay degeen dhinaca miyiga Xamar, dadkii Banaadirigan waxay degeen meesha ay hadaba degan yihiin ee Xamar weyne,Shangaani, Xamar jajab C/casiis iyo ilaa xeebaha Juula jawaay.

Su'aasha 2aad jawaabteeda waxaa ku haboon in la weydiiyo Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan iyo kuwa ka soo horjeedaba.

Nabadgelyo

Waa walaalkiin Dhidir

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Xamar Yaa leh?nabad ma iman kartaa iyada oo aan xamar degin?
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.