DKG iyo Kalsoonida Shacabka July 25 2002 at 8:59 AMNo score for this post DoodFuran (no login )
Author Reply Cali Macalin (no login ) MEEL AAN WAXBA OLIIN AYAAD WALIGIIN SHEEGTAAN No score for this post July 25 2002, 9:50 AM
Soomaaliya wax dawlad layiraahdo kama jiirto waxaan
dhamaan ummadda nabada jeceel ka codsanaynaa in la
taageero shiirka nairobi si looga qabta ummadda Waraabaha Xasan Abshiir iyo Ina salaadbooy?
Xasan Abshiir waxaa dhikarku ugu dhacay waa xukun
jeceel yahay ina salaad booy waxaa indhuhu u madobaadeen wuxuu ku qarwaa xukun jacayl IMMANKA
ALAHA KAQAADO LABADAAS
Axmed (no login ) Beer laawe maad ku dartid No score for this post July 25 2002, 10:02 AM
Ugu horayn ma fiicna habaarku waxna ku xalismi maayaan. tan kale ragaas aad habaartay wax aad ku habaartid maba haystaan. fadlan haddaad cid habaaryso kuwa Tikreegu dabada ka wadaan oo ay dalkii iyo dadkiiba ka harsan waayeen habaar Sida: BEER LAAWE, Moorgan, Muuse suujiye, Aadan madoobe. Anigu waxaan arkaa Xasan Abshir iyo C/qaasim in ay jecelyihiin dalkooda iyo dadkooda inta aanay Tikree daba ordayn, waxa nafta loogu keenayna waa taas. Anagu dadka waxaan ka xugmin karnaa 3waa Afcaashooda mana arag C/qaasim iyo Xasan Abshir oo dalka Tikree ku baabi'inaya.
Sade (no login ) Axmad waa runtaa walaal No score for this post July 25 2002, 10:13 AM
Runtii kalsoonida shacabka ee DKG way yartahay waato wax ay qaban karto baaba iska yar sababtuna waxay tahay sadex ariimood:
- Midda ugu horaysa dalkii Soomaaliyeed Calooshood u shaqaystayaal Tikree hoos fadhiya yuu ka dagi la'yahay oo umadii xasuuq ku haya.
- Midda labaadna Dadka walaalaheena ee Muqdisho jooga illaa hadda intooda badani ma fahamsana in Soomaaliya Tikree loo gacan galinayo, taasoo haddii ay fahmi lahaayeen ay iska qaban lahaayeen Muuse Suudi oo kale.
- Midda sadexaad oo runtii aad u muhiim ah ayaa ah in labada dawladood ee Soomaaliya daris ahaan muhiimka u ah (Ethiopia iyo Kenya) oo ka midaysan burburinta iyo baabi'inta umadda Soomaaliyeed. Gaar ahaan Tikreega hadda xukuma Ethiopia oo Soomaalida kaga aar goosanaya Riditaankii Qabaa'iladii Soomaaliyeed ay rideen Boqortooyadii Tikreega ee Ethiopia xukumi jirtay Qarnigii 16aad wixii ka horeeyey.
ugu danbayn isku soo wada duuboo DKG ahi way adag tahay in ay arimahan xaliso haddaan Bah waynta Soomaaliyeed ska qaban sida walaakeen sheegay BEERLAAWE, iyo MUUSE SUUJe oo kale.
Laqanyo (no login ) DKG iyo kalsoonida shacabka No score for this post July 25 2002, 10:29 AM
Dawladdi maxay kalsooni heshaa waxaa dalkii Baabi'iyey ragan soo socda e:
Beerlaawe, Bishin laawe, Beeshi laawe, bog laawe,Badar laawe, beled laawe, bilic laawe,Bisin laawe, baraka laawe, burji laawe, boqol laaye, bahdi laaye, iyo been lawda.
abdi mohamed
(no login ) laqanyo waa runtaa beer laawe waa cabdulaahi kuwa kale noo kala sheeg No score for this post July 25 2002, 11:16 AM
laqanyo aad ayaan ugu farxay sida aad usifaysay hogaamiyaasha dagaalka dhiig quutayaasha fadlan beer laawe waan garanay ee sifooyinka kale midwalba magaca leh sheeg waad mahadsan tahay
abdi mohamed
(no login ) shir markay fashilayaan ayay dhahaan kasbaan taageeraynaa No score for this post July 25 2002, 11:36 AM
walaal waad mahad san tahay arintaan haday kaatahay fikri ee aysan kaa ahayn qabyalada iyo nin jacayl ama ku kale nicayb laakiin adigu mabalan qaadaysaa in hogaamiyaashu dagaalku ay waxii kasoo baxo shirka nairobi taageeri doonaan oo aysan sidii kuwii kahoreeyay in taya fashilayan ayakoon xishoonay idaacahda uga dhihi jireen aduun waynaha ayaan ka codsanaynaa inuu shir dib uheshiisiineed noo qabto kamna soo wareegeen markii ay fashilyeen shir dib uhsheesiineed labao bilood walaal hogaamiyayaasha soomalida yaadan sifiican ubaran amase mar dhaw baad ku soo biirtay lasocodka arimaha soomaliya cabdiqasim iyo xasan abshir way tagi karaan awalba xoog kuma imaan ee shan beelood oo soomaali ah ayaa hawshan u dhiibtay marka inaad ayaka wax kasheegto waxaa kamudan kuwa dalku ka dhismi waayay oo suudi leh oo beer laawe leh oo aadan madooba han amxaarad ku qarwa jacayl keeda leh danta soomaalida allaaha ku tuso walaal waad mahad santahay
Laqanyo (no login ) Aan fasiro oraahaha No score for this post July 25 2002, 1:11 PM
Beer laawe waad garatay
Bishin laawe= Moorgan( garka iyo shaaribkuu ku qariyaa!)
Beled laawe= Gabyow
Bog laawe= Caato
Bisin laawe= Beerlaawe, waa isla asagii
Bahdi laawe= Ina masalle (maraykankuu qaxooti ku yahay)
Boqol laaye= Suudi( shalay madfac buu caruur ku baabi'iyey)
Been lawda= Qanyare( inkastoo uu maalmahan soo fiicnaaday allaha u siyaadiyee)
Badar laawe= Aadan madoobe ( macalin dugsi quraan buu ahaan jiray shaydaanku)
Baraka laawe= ina caydiid ( wali sidii aabuhiis buu u fakarayaa).
mUhamad (no login ) waad wanaagsan tahay.. No score for this post July 25 2002, 1:41 PM
waan jeclaaday sia aad wax u qeexday...inkastoo aad caqiidka u weyday wax ceeb ah oo aan ka ahayn inuu beerka la'yahay...ogow xadiis nabigii yiri oo run baan ku sheegin in ninkii u dhinta cudur caloosha ah uu ehel janoo uu yahay..la soco sheekadii yaa mujrim.
gacmadheere (no login ) Dawlad xumi waxay dhaantaa dawlad la,aan iyo dad qalatada. No score for this post July 25 2002, 6:22 PM
in kastooyna sida runta ah DKG ah kasoo bixin kaalintii umada soomaaliyeed ka filanaysay sababtuna tahay kaabis iyo daacadnimo la,aan ka timid C/qaasim iyo ragiisa.. Hadana waxaan shaki ku jirin inay mar walba dawlad xumi dawlad la,aan dhaanto. Waxaa kale oon shaki ku jirin inay DKG ha boqol jeer ka fiican tahay kooxda SRRC iyo dhamaan qabqablayaasha dagaalka oo iyaga shar mooyee aan khayrba looga fadhiyin.
Hasan xaaji (no login ) Re: waad wanaagsan tahay.. No score for this post July 25 2002, 6:23 PM
Kuwa moryanta lajira waxeey yaqanan kaliya ineey cayan mase habaran madaxweynah iyo wasirka kowad oo somalia. Dadkas waxeey ka midyihiin dadka tageersan worlord(moryanta) kaladuwaan. Marka aniga waan ku qosla markeey necebkooda, wasaqdoda iyo habaartoda meshaan ku qoraan. Waa dad qabiil dishay. Shaki kumajirto manta hadeey dadku cali macalin habaray qabiilkisa noqonlahaayen inu uduceeynlaha. Marka waxaba laga yaaba inuu yahay ninki beenta aha oo skadhigaayey gudoomiyhii beesha kablalax qorayna qoraal beena.
Mooge (no login ) Waxaas baa xal laga sugayaa! No score for this post July 26 2002, 5:50 AM
Shalay waxaa laysku raacay culimo iyo caamo in la rido dawladii Sade oo lagu raali noqdo burburka, maantana waxaynu maqlaynaa fatwadii sheekh daalin oo marba siduu rabo wax u sheega "hadii dawlad xumi dhaanto dawlad la'aan, caqligii maantu muxuu u dhaami waayey kii shalay? (Ninkii fahamaya oo keliya ayaan waydiiyey)
Mida kale ninka sade uulaa haduu shalay qorayey Harti waxba kuma leh Kismaayo oo weliba ceebi ka raacday muxuu kablalax ku maagay waaba isku mide.
samajecle ummadeed
(no login ) somaali alle ha dabo qabto No score for this post July 26 2002, 9:36 AM
waad salaaman tihiin, salaan ka dib waxaa iga suaal ah inta aad is weerareysaan oo hebal baa xun iyo kuwaas ioy kooxdaas baa dalku ka degi la yahay iyo kooxdaas baa dalka iyo dadkaba u wanaagsan,maxaa dalkaan iyo dadkaan musiibda ay ku hastay aad rabbi ugu baryi weyseen in alle uu dabo qabto? NOLOSHU WEY GAABAN TAHAY WAXA LOO NOQN WAA RABI EE HEBEL IYO KOOXTOONA BERI MIDNA WAX KU TARI MAAYAAN. WA BILAAHI TOWFIIQ.
XAAWA1
(no login ) AMIIIN YAA RABI AMIIIIIIIIN YAA RABI No score for this post July 27 2002, 6:35 AM
AAAAAAAAAAAMIIIIIIIIIIN RAXMAAN AAAAAAAAAAMIIIIIIIIIIN YAA RAXIIM.
samajecle (no login ) Re: AMIIIN YAA RABI AMIIIIIIIIN YAA RABI No score for this post July 29 2002, 10:02 AM
hawo waa ku farxay sida aad u jecashahy nabada iyo horumarkeena,ee dadalka iyo alle baryida halkaa wad ,illeen awood kale ma lihine.wabilaahi tawfiiq.
Current Topic - DKG iyo Kalsoonida Shacabka