DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

GOBOLKA OGADEN MISE SOOMAALI GALBEED

July 31 2002 at 8:52 AM
No score for this post
doodfuran  (no login)

 
Fadlan akhri qoraalka hoose, kana dhiibo ra'yigaaga
http://somalitalk.members.easyspace.com/2002/july/wa3072.html

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply

(no login)

Re: GOBOLKA OGADEN MISE SOOMAALI GALBEED

Score 1.0 (1 person)
July 31 2002, 10:20 AM 

sxb waxay aniga ilatahay inuu magaca munaasibka ah uu yahay ogaden ee dhulka loo yaqaaan. uuna ahayn magac qabiil, tusaale waxaad u soo qaadataa sucuudi carabiya magacaas wuxuu ka soo jeeda asal ahaan cabdicasiis al-sucuud haddii la yiraahdo waa magac qabiil oo ay leyihiin ilmo sacuud. waxaana ku nool qabaa'iilo waa weyn laakiin qalbi nadiif ah leh, waxaad ka soo qaadataa koosafo waa dad aslkoodu yahay albaaniya, maxaa loo oranwaayay albaaniyada koonfureed ama galbeed iwm.sxb ogaadeen waa qabiil ka mid ah qaba'ilada soomaaliyeed ee dagan wadanka ogadeenya. waxaad kala saartaa magaca qabiil iyo magaca wadanka loo yaqaan. mida kale magacyada juqrafiga aduunka dhamaantood waxaa bixiyay gumasigii reer yurub waa wax la wada ogyahay. wadankuna maanta wuxuu u baahan yahay halgan cid waliba oo u dhalatay waxaa waajib ku ka ah inay heeryadda saaran iska xooraan. ka dibna kolkii ay helaan xoriyadooda ay ka wadda hadlaan magaca ay ula bixi lahaayeen.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
LUGA GAAB XASAN
(no login)

ILAYN DOQONI HADAL MADAYSO?

Score 5.0 (1 person)
July 31 2002, 10:49 AM 

Waxaa wax lalayaabo ah erayga ah ogaadeenya war
wadankaan ogaadeen madagana kalikiis ee joojoya
erayga doqonimada wax soomaali galbeed idiinku nacday
ama kiliinka 5aad waa hadalka quruunka ah oo idiinka soo yeera ee sida isu dhaama?

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Xaqiiqda
(no login)

Re: ILAYN DOQONI HADAL MADAYSO?

No score for this post
July 31 2002, 2:52 PM 

Anigu waxaan hubaa in wadankan layidhaahdo Ogadenia magacana wax hada la,bixiyey ama latir tiri karo maha oo wuxuu noqday qolotayn waxaana layidhaahdaa haday biyuhu gaadhaan qolotayn ma,nijaasoobaan marka waxba yeynaan isku daalin hada magacan.
Waxaana umalaynayaa kuwa magacan soo bandhigay in ayna akhrinin taariikhdii hore ee sidan oo kale udhacday ee ahayd in lala baxo somali galbeed markii lala baxayna ayla sii baxeen kasii galbeed marka waxaan ku waanin lahaa intaynan waxfalin in ay kafiirsadaan oo ay akhriyaan in magacan marhore laysla sooqaaday iyo inkale.
Midakale iila yaabkabadan ayaa waxaytahay tastuurkiina waxaa kuqoran in aad tihiin niman Ethiopian ah marka in aad Somali aad lugaha kusoomarataan ma,aha bal marka hore soo akhriya constitution kiina kuqoran Somali galbeed.com miyuusan ahayn WE ARE THE NATION, NATIONALICS ETHIOPIAN.
good lucky guys!!!!
Ogadenia forever Ogadenia and it shall be free soon.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

SomaliGalbeed ooma hayno dhul ay dagaan

No score for this post
July 31 2002, 4:27 PM 

Ruux kasta wuxuu hadlaa maskaxdiisa.
Ninyahaw, maxaanaaqbaa halkaa kugeeyey!

Dhulka Ogaadeeniya Waxaa daga Soomaali waxaase u badan Qabiilka Ogaden. Magacii ay rabaana way labixi ee ha sheeganin dhul aadan shaqo ku lahayn. Haddii aad shalay timid oo lagu soodhaweeyey ha nagu caasiyin ee kac oo aad halka uu qabiilkaagu dago.

Sheekadu meel xun bay maraysaa waa taa Soomaali oo dhan islaysay ee IIDOORyahahaw ku noqo hargeeysa iyo gaajadii.


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

SOMALI GALBEED MISE OGADEN

No score for this post
August 2 2002, 5:31 PM 

Marka hore waxaan slaamaya mamulayasha websaytka somali talk oo aan uga mahadcelinyo doodan wangsan ee ay ufidiyeen akhristayasheda.waa arin wanaagsan in dadka walaalaha ah ee somali galbeed ee gumasysiga manaxariistaha ah ku hoos jira in ay ka ddodaan wax dant ugu jirta. sida aan wada ognahay wadanka soomali galbeed wuxuu soo maray marxalada kala duwan mark laga soo bilaabo qarnigii 13aad wakhtigaa oo u utalin jiray abadir omar al-rida oo loo yaqaano omar siyaad.
Boqortoyadasi waxy xaruntedu ahayd harar sida ku qoran kutubka asami wasami iyo tarikhda calamka oo idil wana la yaqaana boqortoyadasi qbiilka somali galbeed daga ee ay ahayd.Hadii aan soo gabiyo hadalkayga oo aan ka jawaabo odhaahdii dhahaysay soomali galbeed dhul umahayno ana waxaan kuleyahay ogaden dhul umahayno sabatoy tahay dhulka somlai galbeed waxaa daga sagaalkiisa gobal qbailka soo socta ogadena waa aqaliyo yar oo dagan inta udhaxysa dhagaxbuur iyo godey gobalka intiisa kalana waxaa dagan shekhas,cise,hawiye,ishaq,marehan,gadabursi,jarso,bartire,yabare,majerten,abakul,dagodi,garreh,garire,gurre,dubo,gadsan,shariif,wayteen, iyo inyar oo ogaden ah oo dhul saxara ah dagan .SOOMALI GALBEED HA NOOMAATO HA XORAWDO.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
jamac warsame
(no login)

halganka aan isku arragno.

No score for this post
August 5 2002, 2:56 AM 

waan ku salaamey, salaan ka dib waxaa muhiim ah inaad marka hore ka soo qayb gasho dagaalka lagula jiro gumeysiga xabashida ee dhulkeenna haysata isla markaana doonaysa inay ku darsato jamhuriyadda Somalia ee xorta ah ogow inaad u baahan tahaya inaad ilmaha soo kuraya u aadiso xorriyad ay ku raaxeystaan intii aad wax weyn u arki lahayd magaca OGADEN oo isagu iska baxey oo aan cidina masixi karin lagase baddeli karo waddanka markii uu xoroobo.

sidaa u fahan.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
ismail
(no login)

Re: SomaliGalbeed ooma hayno dhul ay dagaan

No score for this post
August 4 2002, 2:43 AM 

waxa wax lala yaabo ah in qabiil yar oo ka mid ah qabiilada dega itoobiya uu sheegto dhul ka mid ah dalwaynaha itoobiya waa qabiilka ogaadeen,taasoo ay somali badan oo kala qabiil ahi ay degto kilidhka shanaad ee itoobiya. anoo tixraacaya maqaal uu nin oday ahi ku soo qoray halkan uuna ku aflagaadaynayo qabiil uu isagu u yaqaan IIDOOR oo sumcad iyo sharafba ku leh geeska africa isla mar ahaantaana deegaan aad u balaadhan ku leh dhulka ay soomaalidu degto ee itoobiya ku sheegay dad qaxoonti ah oo ku soo haajiray ,hadee taariikhda miyaad dib u jaleecdid iyo sooyaalka ay somali leedahay ,maantana adaa ugu ayaan daran ,ka dib markii ay beenawday riyadii siyaad bare ee hargeisa laydun ku soo dajinayay idinka oo caydh ah.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
mpls
(no login)

Re: ILAYN DOQONI HADAL MADAYSO?

No score for this post
August 1 2002, 2:35 AM 

walaal hadii aad magachayso keen hadii kale afka-
sharooto iskaga dhaji.
waayo daldhan,iyo dadkoodii ayaad aflagaadaysay.
markaa umma qalantid in laguu jawaabo.

good bye + aan dad waxlaqabsankarin

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(Login ladan)

Ma magaca Ogaden mise magaca Somali Galbeed?

Score 5.0 (1 person)
July 31 2002, 10:59 AM 

Waxaa muhiim ah in dadku heshiis yahay xabashidana aanan dagaal uun lagula jirin ee wax lala qabsado hadii ay wax heshiis ogaol yihiin.

Magaca wax sii weyn ma aha, wixii lagu heshiiyo oo bulshada isu keenaya ayaa fiican. Hadey Ogaden noqon laheyd iyo hadii kale. Waxaan hubaa hadii loo bixiyo Soomaali Galbeedna lama waayayo qaar kale oo yiraahda 'KA-SII GALBEED AYAA NALA YIRAAHDAA'

Muhiimadu waa ma joojin karnaa dhiigga maatida ee cidlada ku dhamaanaya. Mise weligeedba dhibaatooyinkan noocan ah ayaa lagu jirayaa!?

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
In Support of Ladan
(no login)

Re: Ma magaca Ogaden mise magaca Somali Galbeed?

No score for this post
August 4 2002, 3:24 AM 

Runtii Ladan ayaa jirta wax hadal xikmad leh qortay. Muhimadu waa XORNIMO, haddii lagu helayo magaca Ogadeniya, Somali Galbeed, ama kuwa galbeedka ka sii ah soomaali galbeed... waxaad rabtid iigu yeedh hadaan xornimo ku helayo.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Ogeden mise S:Galbed

No score for this post
August 3 2002, 7:49 AM 

Waxaan sxb kuu sheegayaa marka hore inaan anigu ahayn Ogaden, waxaana jeclahay in gobolkaasi ka xoroobo Gummaysiga Amxaarada, waxaanse la yaaba nahay ninka ka gubnaya Magac Ogaden, sxb Gobolka waa qabiilka ugu badan ee dega, waxaan loo yaqaanay magacaas muddo dheer.

Haddii reer ama qof uu ku diidayo magacaas dartiis inuu halganka wax ka galo looma baahna ayaan oran lahaa.

Waxaan kale oo ururka ONLF ku hambalyeynayaa halgankooda muqaddaska ah, waxaana ku boorinayaa inay sii wadaan inta laga xoraynayo waddanka.

Waxaan kale oo u sheegayaa inay garab taagan yihiin tolkood oo Kablalax weyne oo ah Somali 70%.

Haddaba aniga oo ku hadlaya Magac dhallinyarada Harti, khaas ahaan ka Dhulbahante waxaan diyaar u nahy Taageerada xoraynta waddanka Ogaadeeniya.

Waxaana lee nahay ninkii diidanow, dalku waa Ogaadeeniya- Absame-Kablalaxa... oo weliba Daarood.

Mahadsanidin.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Warsame
(no login)

Re: GOBOLKA OGADEN MISE SOOMAALI GALBEED

Score 1.0 (1 person)
July 31 2002, 11:28 AM 

Waa qalad in gobalka somaliyeed lagu magacaabo qabiil ka mid ah qabaailka soomaali ee dega gobolka. waagii hore gobollada somaliyeed ee hadda bari la yiraahdo ama hadda sida ay isku magacaabeen puntiland waxaa la oran jiray MAJIUERTEENIA , laakiin markiiba waa laga badelay sababtoo ah magaca waxaa bixiyay gumaystihii Talyaani. haddana magacaan ogaadeeniya waxaa bixiyay gumaystihii ingiriis waa in la tuuraa oo gobalka lagu magacaabaa Somaligalbeed.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Waxgarad
(no login)

Waxay ila tahay

No score for this post
July 31 2002, 12:25 PM 

Ugu horayn aniga waxay iila muuqataa in magacan uu noqon karo raad raac taariikheed, si uusan u lumin abtirsiimada dhulkaan oo ah mid ku abtirsada dhulwaynaha Soomaaliyeed. Magacan wuxuu galay taariikhda aduunka, waxaanna u arkaa in uusan ahayn mid ay reerka magacan leh uu taariikhda geshaday balse wuxuu qayb ka yahay taariikhda aadamuhu sameeyo, sidaa awgeed in cid eedayn loogu soo jeediyo ma qabo, eedayn badan wax kuma hagaagaan.
Aragtidayda marka aan u soo noqdo, waxay iila muuqataa in magaca halganka wax laga bedelo la ballaadhiyo. Magacan Khariidad ahaan iyo qoraal ahaanba wuxuu gacanta ugu jiraa taariikhda meel martay. sidaa awgeed yeynaan dhibsan oo una fasirano si positive ah.
ONLF waxaan kula talin lahaa hoos ha u eegeen halgankooda oo magac iyo muumuus ahaanba wax tilmaami kara kala qaybsanaan yaanay iyagu keensan.
Halgankaa isaga ah inta lagu kala qaybsan yahay midha dhal ma noqon doono, sidaa awgeed dadka doonaya magaca israaca waan u garaabayaa, waxaan kale taageersanahay in Dawlada itobiya la dhexgalo xukunka dawlada dhexe lala wadaago (heshiis meesha kama saarin) waxaase ka horaysa itaraatiijiyad degsan in loo helo. Arintaa iyada ah waxay dan u tahay G/Africa oo dhan iskadaa Ogadeeniya iyo Soomaali oo dhane.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
GANAY-AAL
(no login)

Re: Waxay ila tahay

No score for this post
July 31 2002, 3:00 PM 

Assalaamu calykum intaa kadib sida horey loo sheeegayba meesha hal qabiil ma dego, aala sucuudna daliil noqon maayaan, qaladna qalad lagu sixi maayo.
Wax isticmaar baxshey taariikhdiisa galiyeyna inaanu khilaafna waajib ayay nagu tahay eee ma aha inaanu daliil ka dhiganno, qabiil gooni isu murduxayna meel gaari maayo, soomaaliland ogaadeenya majeerteenya magacyadaas isticmaarku baxsheen soomaalina maalintay xorowday ayay majeerteenya iyo somaliland cagaha marisay ogaadeenyana taariikhdeeda waa ka saaartay, qof soomaali ah oo damiir leh oo ogali kalimadiisa ma jiro oo waa kalimad beri ay qolo gooni ah intay ku amar taagleeyaaan ayay oran doonaan soomaaliwayn ka go'nay, borobbiyo sida ay isaaqu (qaarki) maanta rabaan. Soomaaliwayn ha noolaato, ninkii afkaarta isticmaarka ku hadreeyana ilaahay hasoo hanuuniyo anaaniyada qabiilna ilaahay haka dhaqo. wasslaal

ganay-aal

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Waxgarad
(no login)

GANAY-AAL ma waxay kula tahay mise...

No score for this post
July 31 2002, 3:35 PM 

Ninkii gana ehelkii ehel kalana uma soo socdo!
Waxaa jira qof meeli holcayso oo ka sii darane, doonaya inuu dab dab ku bakhtiiyo.
Waxaan sidaa u leeyahay dadka badidiisu ma fahansana araada la is dhaafsado oo si wax ku ool ah laysu dhaafsado. Taas waxaynu odhan karnaa waa waxa dhafoorka xamar sidaa u galay http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/978539.stm
Halka aynu ka weerarano shakhsi, qolo .... hadaynu ku bedelo si wanaagsan wax isugu sheeg wax badan ayaa saxmi lahaa. Kollay anigu cidna kula colaytami maayo qolo laakiin wixii ra'yi ay iila muuqato si aan cadho layn ayaan u sheegi.
ONLF waxaan odhan lahaa waxaa looga baahan yahay isbedel dhakhso ah.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
gacmadheere
(no login)

Wax qabad iyo halgan baa loo baahanyahay magac kasta la bax.

No score for this post
July 31 2002, 4:39 PM 

Horeybaa loo yidhi baroorto orgiga ka weyn.
waxaa la yaab leh dadka ONLF iyo magaca Ogaden wax ka sheegaya ee waxgaradka isku sheegaya xagay joogaan? maxayse iyagu qabtaan? ONLF waa la yaqaanaa shaqadooda magac kasta ha wateene waxay ku jiraan halgan siyaasadeed iyo mid hubaysan oo xaq ah sharafta iyo gobanimada shacabka soomaaliyeed ee itoobiya gumaysato ayay u dagaalamaan. dagaalkoodu wuxuu ku wajahan yahay cadowga umada soomaaliyeed oo keliya. Hadaba waxaa is weydiin leh maxay tahay sababta ay dadka qaarkii dacaayada iyo aflagaadada ula daba socdaan? waxaan hubaa ma jirto sabab kale oo ONLF lagu eedaynayaa oon ka ahayn maxaad itoobiya oo soomaali oo dhan mid xor ah iyo mid la gumaystaba maanta ka adkaatay ula dagaalamaysaan? Hadayna arintu sidaa ahayn maxaa keenay
in ururka keliya ee maanta karti iyo niyad u yeeshay inuu diido mashruuca gumaysiga xabashidu ka wado geeska afrika in badalkii taageero iyo dhiiri gelin la siin lahaa dacaayad iyo borobagaandho laga faafiyo. oo waliba arintaa ay ku kacaan dad isku sheegaya waxgaradka soomaalida itoobiya gumaysato. Hadii ay dadkaasi run sheegayaan ama ay ka dhab tahay in dhibaatada iyo gumaysiga laga saaro shacabka soomaaliyeed talaabo wax qabad ah oo gumaysiga lagula dagaalamayo ha qaadaan, magacay rabaana hala baxaan markaa ka dib halaga wada hadlo sidii loo midayn lahaa
xoogaga gobanimadoonka. markaa haday ONLF midnimada diido hala eedeeyo. laakiin hada ONLF yay la midowdaa?
Ma afar nin oo intay qayileen mirqaankii la jiidhay inay internetka hadal aan ujeedo iyo ka jeedo toona lahayn kusoo qoray, ama lagaba yaabo inay dabadhilifkii cadowga u shaqaynayay yihiin ayay la midoobaan. mise qabaa,il soomaaliyeed oo mid waliba qabqablayaasha dagaalka ee soomaaliya ee itoobiya ku adeegato ku xidhan ayay la midoobaan. ONLF markay hesho dad hadaf siyaasadeed oo la fahmi karo iyo wax qabad halgan leh diyaar ayay u yihiin inay la midoobaan
laakiin dad xaalkoodu yahay hal diidan geed ay ku xoqado ma weydo, waqti kuma luminayaan. waxa dadkaasi diidanyihiina magaca Ogaden ma,aha ee waa hadafka iyo xornimada ay ONLF u halgamayso. magaca soomaaligabeed ninkii aaminsan ee ay ka dhab tahay isaga haku halgamo oo dhinaciisa gumaysiga cadowga ah ee dadkeenii duleeyay ha kala dagaalamo ka dibna koobta dagaalka ayaa lagu midoobi.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Adam Cade
(no login)

Alloow Somaali Badbaadi, Aamiin!

No score for this post
July 31 2002, 6:10 PM 

Walaalayaal marka hore waxaad ogaataan in magicii Soomaali ahaa ama wixii ku lug lahaaba la nacay, oo dadkeedii neceen, waxaan aragnay kowo Eliteria, Etopia iyo Oromo sheegtay magacaas ka cararid iyo heerka iyo dulinimada maanta ka muuqata awgeed.

Roonaa Ogadenia, Somaliland, Puntland iwm waa uun Soomaali iyo magicii Gumaystuhu u yiqiin! ama Faraaciintii hore.

Marka u malayn maayo in Walaaleheen Ogaadeen kadib markii ay Soomaaliya usoo qaxeen kadibna dagaalkii sokeeye ka dhacay Soomaaliya iyagiina webiyada lagu guray iyagoo magac qabiil loo baabi'inayo iyadoo loo geystay dhib iyo wax aysan Xabshidu u geysan sidee bay magac Soomaaliyeed ku maqli karaan inay la baxaan ama wax Soomaali ka ag dhaw dahay.

Maxaa walaaleheen Ogaadeen ula yaabaysaan kuwii Soomaali ka tirsanaa baa magacyo la baxaaya e, iyadoo ay sabab ka dhiganayaan dhibkii ay dadka la wadaageen awgiis kaasoo Soomaali ay u wada geysatay dawladii hore.

Walaalyaal inta aan wadano magac Gumayste bixiyey yaynaan oran Gumaysi baan la dagaalamayaa Taasi waa been aan geedna loogu soo gaban, Ogaadeeniya waa tanaan degay iyo shax ka mida midii la inagu qaybiyey.

Shanta Soomaaliyeed ha is raacdo

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Adam Cade
(no login)

Alloow Somaali Badbaadi, Aamiin!

No score for this post
July 31 2002, 6:10 PM 

Walaalayaal marka hore waxaad ogaataan in magicii Soomaali ahaa ama wixii ku lug lahaaba la nacay, oo dadkeedii neceen, waxaan aragnay kowo Eliteria, Etopia iyo Oromo sheegtay magacaas ka cararid iyo heerka iyo dulinimada maanta ka muuqata awgeed.

Roonaa Ogadenia, Somaliland, Puntland iwm waa uun Soomaali iyo magicii Gumaystuhu u yiqiin! ama Faraaciintii hore.

Marka u malayn maayo in Walaaleheen Ogaadeen kadib markii ay Soomaaliya usoo qaxeen kadibna dagaalkii sokeeye ka dhacay Soomaaliya iyagiina webiyada lagu guray iyagoo magac qabiil loo baabi'inayo iyadoo loo geystay dhib iyo wax aysan Xabshidu u geysan sidee bay magac Soomaaliyeed ku maqli karaan inay la baxaan ama wax Soomaali ka ag dhaw dahay.

Maxaa walaaleheen Ogaadeen ula yaabaysaan kuwii Soomaali ka tirsanaa baa magacyo la baxaaya e, iyadoo ay sabab ka dhiganayaan dhibkii ay dadka la wadaageen awgiis kaasoo Soomaali ay u wada geysatay dawladii hore.

Walaalyaal inta aan wadano magac Gumayste bixiyey yaynaan oran Gumaysi baan la dagaalamayaa Taasi waa been aan geedna loogu soo gaban, Ogaadeeniya waa tanaan degay iyo shax ka mida midii la inagu qaybiyey.

Shanta Soomaaliyeed ha is raacdo

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Wayeel
(no login)

Ogaden mise Somali galbeed

No score for this post
July 31 2002, 6:53 PM 

Horta sxb adiga oo aan cidna wax u dhiman,dundan maanta aan joogno somaliya meel bey u taqaanaa waana (dhulka labadii gobol ee talyaniga iyo Ingirisku kala gumeysan jireen) sidaa darteed dhulkaa ayuun baa somali galbeed yeelan kara markii (international law) la eego.Marka ma baladeyne iyo bokool ayaad ka hadleysaa mise dhulkale.
Magacan ogaden waa astaan baxdey waxaadna uun badeli kartaa marka aad adigu awoodeeda u magac bixintiisa yeelato oo ah marka aad ka xoreyso gumeysiga heysta adiga oon ninna ku nicin magac loo yaqaan hadda oo uu gumeysi ku hoos jiro.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Ogaadeeniya waa magaca wadanka Ummaduna waa Soomaali!

No score for this post
July 31 2002, 4:11 PM 

Xabashi ninkii u baahan cidina kama hortaagna ninkii raba inuu ku halgamo magac aan ummada ka gadmaynina cidi kama haysato.
Maxamed Siyaad Barre wuu dhintey Soomaali-Galbeedna wuu la tagay marka saaxiibayaal qabiil kuwa wata waa cidda qortey articleka iyaga ayaana og meesha ay dajinayaan Soomaali-galbeed.
Ogaadeeniya Ha xorowdo!!!

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Waxgarad
(no login)

Habsami doodeed

No score for this post
July 31 2002, 5:08 PM 

Horta nina qasab laguma laha, laakiin waxay ku fiicnaan lahayd in si waxtarleh dooda loo dhiibto, hadii aad caytanto ama sida ciyaalka aad dadka ula hadasho dee meesha wax laga sii hadli karaaba ma jidho. Markaa saaxiibkay Gacan waxaan odhan lahaa soo bandhig wixii wax tar ah dadkuna ha kula doodo oo garqaado pointiga lagaa helo laakiin ninna haysku dayin inaad afka jabsato ama caytanto. Dadka aragti baa ka buuxda xaglo kala duwana waxbay ka arkaan, markaa adigu xagashaada ka hadal aniga, isaga, iyada, iyaga iyo iyaguba waxaa laga hadli doonaa xaglo kala duwan constractive constractive constractive constractive

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
ileeye
(no login)

Waxaa muhiim ah in aan xoojino halganka

No score for this post
July 31 2002, 7:25 PM 

salaan marka hore, kadib waxaa batay waayadan danbe warar been abuur ah oo ay qoraan sirdoonka Zinaawi,waxaana kamid ahaa:Biladii lagu been abuurtay ( WPC) ee uu sheegtay Zinaawi,in la´siiyay.

hadaba waxaa is way diin mudan shirkan 12 ee W/America muxuu uqabtay halganka Ogadenya, 11 kii shir ee hore xagey kadheceen? maxaase ka soobaxay?.

haduu shirku yahay wax jira maxaa loo soo qoriwaaye siyaasiinta udhalatay Gobolka ee lagu martiqaaday shirka? maxayse waraysi usiin waayeen idaacadaha aduunka si loo ogaado in ay yihiin dad jiray?
ugu danbayn dadka soomaaliyeed, ee reer Ogadenya, waxay uun taageerayaan ninkii ka xoraynaya Gumaysiga Xabashida ama Qaadiriya ha noqdo ama Saalixiya.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Laqanyo
(no login)

Ileeye si tartiibuu magicii noogu qariyey

No score for this post
July 31 2002, 8:05 PM 

waxaan jeclahay in aan dhawr waxyaabood iftiimiyo.
midda hore kasoo qaada in aan ku heshiino in dhulkaas Soomaaliyeed la yiraahdo Ogaadeenya. Muhiimaddu maaha magaca ee waa dhulka, tusaale ahaan waxaa jiri jirtay waqti dhulka Soomaaliyeed ee Puntlan la oranjiray Majeerteenya; markii xoriyadda la qaatay dib looma maqal magacaas marka tanna waa sidii oo kale.
Arinta labaad oon rabo in aan iyana iftiimiyo waxay tahay ma mudna in lagu murmo magaca waqtigan la joogo laba sababood oo muhiim ah dartood: waatan hora e cadawga ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan dadka walaaleheena ee dega dhulkaas Soomaaliyeed wuxuu si fudud uga faa'iidaysanayaa kala qaybsanaanta ay arintani nagu keeni kart. Waa midda labaad e waa midda labaad e waa dhab in Ogaadeen qabiil ahaan ugu badanyahay dhulkaas; haddiise aanay diidanayn in ay Soomaali yihiin iyana in lagu murmo xiligan arintaas maaha.
Arinta sadexaad oon rabo in aan iftiimiyo waxay tahay walaaleheen Soomaali galbeed ama dheh ogaadeenya e way ogyihiin in aanay marnaba ka maarmin walaalahooda kale ee Soomaaliyeed. waayo way ogyihiin in arinta dhulka iyo dadkaas naga maqnaa in ay ugu muhiimsanayd isfaham la'aanta marwalba dhex taala Soomaaliya iyo Ethiopia.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Anonymous
(no login)

Re: Ileeye si tartiibuu magicii noogu qariyey

No score for this post
July 31 2002, 11:31 PM 

Laba dal inooga dhiga. Ogadenia iyo Soomaligalbeed. Haddii kale inaga ayaa, inta Amxaaro la isigaadhin isku madhan.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Maango
(no login)

Ogadenia wey xoroobi insha Allaah ma,na noqondoonto somali galbeed

No score for this post
August 1 2002, 12:11 AM 

Waxaa run ah markaad maqasho ONLF: Waxaa maskaxdaada islamarkiiba kusoo dhici niman ladagaalmaya gumaysiga Tigreyga balse markaad maqasho somali galbeed iyo kililka shanaad iyo iwm waxaa maskaxdaada kusoo dhici niman gumaysiga Tigreyga u shaqeeya marka hadii aad leedahay magaca halabadalo marka hore halgan adiga oo magaca somali galbeed ku halgamaaya markaas ayaa laga yaabaa in aynu kuheshiino xidhka dhaxdiisa lakiin adigii oon ila halgamin never in aan kaaqaato wax ay Tigreygu kaasoo dhaadhicisay.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Waxgarad
(no login)

Re: maango

No score for this post
August 1 2002, 2:49 AM 

Si wanaagasan baad u hadashay laakiin miyaanay ahayn inaad adiga laftaadu wax ka raadiso sidii aad u soo jiidan lahayd una midayn lahayd inta aad tebayso weli inay ka maqan yihiin halganka. Midda kale halganku ma aha oo keli ah self marder, macnaha qoriga AK 47 waxba ma xoreeyo, wuxuu doc furaa maatada oo halkaa ku dhamaata.
Waryaan laga tegin feker qoto dheer 100% dadku meel uma wad jeesto laakiin waxaa diyaara boqolaal kun oo hadaad soo jiidan lahayd kugu biirin lahaa hanti, cudud, feker iyo midnimo, uma arko in Radio xorriyo iyo kuwa bariiska kula soo baxa magaca qabiilka iyo dhiiga maatadoodu inuu u taagan yahay halgan iyo xorayn ee waxaan odhan lahaa "laba gini oo aan is geyin jeeb isugu geeye" (hadda waa kaftan intaasi).
ONLF waxba kama duwana SSSS/SNA, SSSP/SNA, RSSSS/SNA, TSSG/SNA, STNG/SNA. War naga daaya kala qabinta aad wadaan magacan ilaahay iyo taariikhdaa xafidaye

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
SOMALI GALBEED
(no login)

XORNIMO SOMALI GALBEED

No score for this post
August 1 2002, 2:48 AM 

Ogadenimo mise qaranimo somali galbeed
waalaba arimood oo aad ukala miisaan badan kalana sharaf iyo muunad badan waxeyna kala yihiin heer hoose oo qabiil iyo heer qaran
micnaha waxaa jira dad badan oo micna ahaan aan oqoonin
cida ka dambeeysey sameynta magaca
marka taariikhda dib loogu noqdo taariikhda
ummadda somaliyeed waxaa ay kamid aheyd xoogagii islaamka ee la dirirayey quwadii masiixiga islamarkaana aheyd furinta sadexaad ee ugu xooga badneyd taariikhda islaamka,markii laga xoogroonaadey xoogagii islaamka kadib markii ay iskhilaafeen
xilidheer kadib ayaa waxaa lasoo gaaray qabsigii africa ,markaas oo Somalida loo kala qeybiyay shan qeybood si ayna waligood isugu imaanin una kala qeybsanaadaan baa waxaa loo bixiyey magacyo ay kamidka-yihiin Somaliland,Italian somaliland,ogaden,Djabuti,Nfd
iyo wixii lamid ah
hadaba somalida oo ah dad qadiyad iyo wadaniyadu ku yar-tahay baa had iyo jeer waxaa ay taageeraan siyaasadii qeybi oo xukuntii gumeysiga
micnuhu waxaa-weeye inta koox inaga mid ah ay taageereyso ama ay aamin-santahay magac yadii gumeysigu bixiyey waa wax adag in ay xorowdo somali galbeed micnaha magaca ogaden waa magac qabiil ee ma'aha magac soomalida galbeed matali kara ama qaranimo ee waa magac u taagan koox ama qabiil gaar ah
Ummadda somali Galbeed waxa ay u baahan-tahay in ay ka hoos baxdo gumeysiga ama kaga xorow adiga oo wata magaca Qansax ama Qudhac oo ah mid ummadda somaliyeed u dhaxeeya matali karana taas ayaana ah cadaalad dhabta ah wixii ka soo hadhana waa dhalanteed iyo tiih aan meelna gaareynin
midna ku qoro buugaaga xusuusta hadii ilaah-ba ku gaadhsiiyo wadankaasi waxaa uu ku xoroobi magaca midnimada somali galbeed kaas oo ah midka cadaalada ah
ninkii wata magac qabiil ama koox dan gaar ah wadata magaceed ee aan matali karin matalina umada somali galbeed isaga ayay dhibeysaa taariikhda ayaana xusi doonta
kala wanaagsan qabiil iyo qaranimo
micnaha kaliya waxaa loo baahan yahay xornimo iyo halgan mideysan oo lagu xoreyo wadankaa iyo dadkaa dhibaateysan

midnimo wadajir isku tashi somali galbeed



 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

soomaali galbeed waa xagee

No score for this post
August 1 2002, 6:23 AM 

waxaan halkan ka salaamayaa shaqaalaha soomalitalk iyo dhamaan dadka golahan ka dhiibanaya doodoodda

waxaan jeclaan lahaa inaan su'aal waydiiyo kooxda isku magacaawday soomaali galbeed
1.somaali galbeed waa urur caynkee ah. anigu magaranayo dhul soomaali galbeed la yiraahdo oo ay xabashi gumaysato, bal halkaa ii jilci, waxaan aqoon u leeyahay inay soomaali galbeed ay tahay jowhar, b/weyne iyo galguduud
2. soomaali galbeed ma urur ka mid ah ururada isku haya awood sheegashada ioy xukunka soomaaliya
3. soomaali galbeed ma urur ka danqadaybaa walaalahooda dhibaatadda lagu hayo ee (ogaden)xabashidu gumaysato taageerana siiyaan
4. yaa gudoomiye u ah halkeesa xurun u ah ma ,jowhar,b/weyn iyo dhuusamareeb iwm.
5.urur muctarif ah ma yahay sida ururadda la yaqaan ee soomaalidda sida snm,usc,spm iyo ssdf,rra iwm.
sxb waxaan jelaan lahaa ururka aad la koordhabaysid inaad soo cadeeyso khariidada aduunka halka uu kaga yaal iyo waliba kaalinta aad halganka ka jirtaan, mid hubaysan iyo mid siyaasadeedba
mr. galbeedoow waa inaad ka waantoowdid caadifada halaasiga ah ee aad ku xaqiraysid (ONLF) oo naf iyo maalba u huray dalkooda, diintooda yio dadkooda.
waxaase nasiib darro ah inay dadka badankiis ay iska indho tiraan xaqaa'iga dhabta isla markaasna u adeegaan cadawga soo jireenka ah ee soomaaliyeed kuna af gobaadsadaan inay hadaf midaysan iyo midnimo soomaaliyeed la helo ay muqadis tahay, kana danqanaya dulmiga joogtada ah ee lagu hayo,sida dhaca, kufsiga, faraxumaynta, dilka shacabka reer ogaadeenya. jecelna inay dhaleeceeyaan ama wax ka sheegaan urur xaq u dirirka ah waa (ONLF) oo ah ururka kaliya oo matali kara shacabka ogaadeenya kana hela taageerada ugu balaaran ee soomalida deganka wadanka ogaadeenya. waana iftiinka u soo baxay shacabka ogaadeenya,waxaana tusaale u ah sagaalka gobol ee ogaadeenaya ka kooban tahay kolka laga reebo gobolka shiniile, waxay ka wadaan halgan hubaysan. sida gobolka qabridahar,dhagaxbuur,godey,nogob,afdheer,liibaan iyo waliba gobolka doolo. hadiise aynan taageero ururka (ONLF) aysan ka heysanin uma suurta gasheen inay halganka ka wadaan, ogaadeeya way xoroobi sida ugu dhaqsaha badan. waxaan halakan ugu hambalyeeynayaa (ONLF) guul iyo xornimo, dadaalaana wuu gaadhi guusha

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Ahmed
(no login)

Qof walba waxqabad ha lagu qiimeeyo

No score for this post
August 1 2002, 6:20 AM 

Aniga waxay iila muuqataa in marka hore qof oo u dhashay dhulka soomaaliyeed ee Itoobiya ay gumaysato uu waajib muqaddas ah ka saaran yahay inuu dagaalka gacan ka gaysto, soomaalida kale ee gobollada kale degana laga rabo inay dadkaas qadiyadooda ku taageeraan, waa marka xaqiiqada laga hadlayo.

Qofka soomaali galbeed sheeganayow, ha gardaduubnaanin oo eed iyo cabasho ha wadinee, ku dagaallan magaca aad aaminsan tahay oo cadowga ka hortag, haddii aadan middaas samaynaynin amxaarka kama sokoysid waxa aad doonaysana waa in amxaarada la isu dhiiba taasna kaa yeeli mayno.

Anigu shakhsi ahaan waxaan door bidayaa magaca Ogadenya, magac ahaana uma jecli oo iigama duwana magacyada faraha badan ee lala baxo, laakiin marxaladda hadda lagu jira waa lagama maarmaan in la wato magac taariikhda ku xusan oo dunidu kuu taqaana, qadiyada aad u halgamaysana wax kaaga tara.
Markii la xoroobo magicii la doono ha lalal baxo "Geed" aan u baxsano haddaan rabno.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Somali galbeed
(no login)

Doqoney dabkaa ba'a daamankey meer-meerisaa

No score for this post
August 1 2002, 10:45 AM 

waxaa layaableh in dadka qaar aanu fahmin micnaha magacyada gumeysigu bixiyey
waa nasiibdaro in dadka somalida ahi ay wali daabka heystaan badeelkii gumeysigu u dhiibey si ay u xabaalaan qadiyada dhabta ah ee ay leeyihiin taa macnaheedu waa in dadka qaarkii uu si caadifad ah oo waliba aad u hooseysa ay oo gu suracaad sanyihiin ama oogu jaha-wareer sanyihiin magac qabiil
micnaa ogadeen waa qabiil ama qoomiyad gumeysigu maga caabay micnaa magac
waxaa loobaahan yahay xornimo in si wadajir ah lagu raadiyo
ee ma aha in koox ama qoloyari is magacowdo oo waliba sheegato magac jabhad ONLF magac qabiilu taagan sida usc,snf,rra iyo wixii lamida taasina meellagu gaadhi maayo wadankaasina qabiil xoreyn maayo magacna wax ma xoreeyo ee dad iyo tayo,midnimo ayaa lagu xoroobaa

ma ah in quful seero seero ah madaxa idiin ka quful-naado ,maxaa inoo diidey magac midnimo
oo u dhexeeya ummaddaa soomaaliyeed ee dhulkaa wada degta
wabilaahi towfiiq

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

xornimo,somali-galbeed

No score for this post
August 1 2002, 10:53 AM 

saaxibayaal,walaalayaal waad wada salaamantihiin
doodaydu waxa weeye dhulkaan aan degno ee soomali-galbeed waxa uu ka dhaxeeyaa qabaail fara badan oo isugu yimaada magaca soomaali waxa aynu nahay umad isku midab ah isku diin ah isku af ah isku magac ah
marakaa aan iska iloowno kuwa la warregaya magaca qabiilka nabad gelyo

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Ogadenia ha,xorowdo
(no login)

Ogadenia diidow dilaac oo dacdheh.

No score for this post
August 1 2002, 1:04 PM 

Waxaa wax lala yaabo ah meesha ay somali galbeed kagajirto taariikhda aduunka waxaan rearch ku sameeyey magacan somali galbeed waxaana soo ogaaday in uu san kaduwanayn kuwa ay labaxeen qabqab layaasha somaliyeed like usc,snf spm and so and so far marka walaala yaal yeynaan isku daalin magac aan lahay sal iyo meel uu kasoo jeedo amaba halgan marka ninkii wata magacan isagaa yaqaana meesha uu geysan doono wadankanse waxaa loo yaqaanaa Ogadenia.

Ogadenia should be free soon insha Allaah.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
gacmadheere
(no login)

Raga soomaaligalbeed ku doodaya ficil ayaa laga rabaa.

No score for this post
August 1 2002, 2:32 PM 

Saaxiibayaal. marka hore waxaan u hanbalyaynayaa ururka dhalinyarada soomaalida Ogadeenya ee saldhigiisu yahay waqooyiga Amerika sida qiimaha badan ee ay umada ugu qeexeen qoraalkii been abuurka ahaa ee ay soo qoreen daba dabadhilifka gumaysiga itoobiya oo qiiqa isku qarinaya. in kastoona waqooyiga Ameerika joogin hadana markaan arkay qoraalkan isaga ah waxaan iska gartay inuu been abuur yahay kana dhadhamayso afmiinshaarnimadii iyo munaafaqadii lagu yiqiinay kuwa gumaysiga itoobiya ku adeegto oo uu madax u yahay D.walaf (C/majiid xuseen). Hadaba waxaan u sheegayaa kuwa wali kala garan kari la gobanimadoonka iyo dabadhilifka gumaysigu ku adeegto ee borobagaandhadisa la wareegaya inay indhaha kala furaan xaqiiqadana fahmaan ogaadaana waxa la isku hayo iyo cida is haysa.
Hadaan labadaa arimood ka jawaabo. Waxa la isku hayo ma,aha magac ee waa halgan iyo gobanimadoon.
Waxaana is haya dadka halganka iyo gobanimadoonimada ku jira ee gumaysiga la dagaalamaya iyo gumaysigii oo wata dabadhilifkii iyo afmiinshaarkii danaystaha ahaa.
Nin gobanimadoon ah oo halgan ku jira waqti uma hayo inuu dacaayadeeyo ama xagxagto dad kale oo walaaladii ah ooy isku hadaf yihiin, labadaa nin waxaa uun ka dhexeeya wanaag iyo is kaashi sidii wax qabadka halganka loo horumarin lahaa. magac iyo wax la mid ahna iskuma qabanayaan. Laakiin waxaad ogaanaysaa markaad aragto nin mashquul ku ah wax ka sheega nafdood hurayaasha dhiigooda qaaliga ah u daadinaya siday dadkooda iyo dalkooda u gaadhsiin lahaayeen xornimo iyo nolol sharaf leh in ujeedadiisu tahay mid xun oo u adeegaysa danaha gumaysiga. markaa walaalayaal yaan lagu dagmin khayaamooyinka iyo dabinada uu daadinayo cadowga umadeena gumaysta isagoo iskusoo dhex qarinaya kuwo soomaali sheeganaya oo afayeen u ah cadowga. waxaana kula talinayaa cidii aan ku qanacsanayn magaca Ogadenya ama ururka ONLF isla markaana aaminsan inaan gumaysiga ka xorowno ha samaysto urur gobanimadoon ah oo la dagaalamaya gumaysiga itoobiya magacuu rabao hala baxo. waxaan hubaa in ONLF diyaar u tahay inay la midowdo ururkaas ama ay wada shaqayn iyo is kaashi la yeelato.
Ninkii dhibaatada iyo duliga dadkiisa haysata ka danqanaya waxaa la rabaa talaabo cad iyo wax qabad dhab ah, ninkaan taas awoodi karin ha nabad geliyo raga walaaladii ah ee shaqadiisii u haya.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Anonymous
(no login)

Re: Raga soomaaligalbeed ku doodaya ficil ayaa laga rabaa.

No score for this post
August 1 2002, 5:28 PM 

FICILka waxa ka horreeya WADA-HADAL iyo IS_AF-GARASHO. Socdaal marka lagalayana khariiddadadbaa la sameystaa ama la eegtaa. Ka soo qaad haddii aad rabto inaad tagto Boston oo aad ku adkeysato in New York tahay Boston. Markaana aad tidhaaho ina dhaqaajiya waan heleynaaye.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
mohamed
(no login)

magaca ogadeniya aqbal mayno waligayo???

No score for this post
August 1 2002, 1:21 PM 

Waxaan odhan lahaa dhulka somaligalbeed sadex meelood marka loo qaybiyo meel ahaan ayay dagaan ogadenku,labada qaybood ee kalena waxa daga qabiilo kale sida abaskuulka,isaaqa,bartiraha,gariga,sheekhaaska,iyo qabiilo kale oo aanan xasuusnayn hada ,markaa waxa haboon intaasoo qabiil in aan magac qabiil yar oo ka mid ahi leeyahay sanka laga marmarin ee magac kulmiya loo sameey sida (somaligalbeed),kuwa ku doodaya ogadeniya waa dad qabyaaladi indhaha ka tuurtay,waxbana ka socon maayan waxaa aad wadaan,
ogaden wuxuu la mid yahay uun iyadoo la yiraa dalka abaskuuliya,gari-ya,bar tire-ya,ogadeni-ya ma jiraan wax macno ah oy samaynayaan

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
diidan
(no login)

Afkaaga lagu qosol

No score for this post
August 2 2002, 5:15 AM 

Ma sheegi kartaa meelaha ay kala dagaan qabiilada aad soo sheegtay? Ogaadeeniya waxay ka kooban tahay sagaal gobal,laba mooyeen inta kale waxaa dega Qabiilka Ogaadeen. labada soo hadhay waxaa dega Jidwaaq Absame iyo Ciise. IIdoor dhul kuma laha ogaadeeniya ee waa soo galeeti.

Ha naga siinin IIDOOR DHULKA ee W/Galbeed ku magacaw.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
madalo
(no login)

wale dalbaydun helin

No score for this post
August 1 2002, 2:44 PM 

markan akhriyay waxay soo qoren kuwa isku sheegay i nay la halgaman ithopia oo shegay inlayirahdo ogadeniya wale dalbaydun sida ku helin way markad ku dhegten magacan ma waxaydun umalaynaysan inay somalida kale idin dageerayso iminka waa la isbartay
wax layirahdo ogadeniyana majirto dalkuna kama goayo ithoipia tana kuqusta meel ad halgan aad kawadana majiro ee waad riyonaysan caruurna umashekaynaysan waxad haysana waa la ogyahay

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Maxaa dan ah

No score for this post
August 1 2002, 7:37 PM 

Asalaamu caleykum

Doodan waxey ka turjumeysaa sida ay dadka fikradaha ugu kala qeybsan yihiin, waana wax jira dinida Alaah baana dadkaba simin, wayna jiri doontaa hadad fiiris qisooyinkii anbiyadii xitaa hadad fiiriso Musaa iyo walaalkii cs.
Hadaba walaalayaal taasi halkaa ha noo joogto, laakin sideen wax u wada qabsanaa oo dadkaas masaakiinta ee dunida ka harey wax ugu tarnaa, oo gumeysi madow uu maanta dusha ka saaran yahay.
Teeda kale Gobolkaas waxaa uu lumiyay fursad dahab ah markii ay burburtey dowladii kaligii taliyihii ogoomeeyay wiilal badan oo saamaaliyeed Mingistu Heila Marain, tasoo hal iskari uu dalka joogin markuu uu dhacay balse laga faaiideysan waayay, hadaba hada waxaa taagan tii oo kale. Waxaa daliil u ah waxaa dowladaha reer galbeedka wasaaradahooda arimaha dibada qeybta geska afrika ay sheegayaan in dowlada ka dhisan Adiababa ee Ethopia burbureyso aysa tahay Goorma?? suáasha waliba, waxaa la siku raacsanyahay si degdeg inuu usoo xoogeysanayo burburka kusoo socda waliba warbixinaha qaarkood waxay leeyihiin in la badbaadiyay "Suurto gal maaha" hadaba ka fakira arinkaas dahabiga ah, ee doodiinu yay noqon magaca inaad ku wareertaan.

Wabilaahi towfiiq


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Xasan
(no login)

Re: Maxaa dan ah

No score for this post
August 1 2002, 10:23 PM 

Shaki kumajirto ineey qalaad tahay in la yiraahdo ogadeen dhulkaasi. lakin wey oraan karan ogaden hadeey ulajeedan qebta ey ogadeenya degenyihiin, laakin maha magaca dhulka somalida dhan dagan. Markaad fiirisis magaaloyinka uga waaweyn somaligalbed sida Diridhabe iyo Jigjiga wa magaalo an ogadeen laheen. Marka anigoo ka dhashay qabiil dagan Diridhabe qaalad ban uu arka in dhulka layiirahdo ogadeen.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Wadani
(no login)

Meeshan wax laysku wareeriyoba mataalo dad yahaw.

No score for this post
August 1 2002, 11:41 PM 

Marka hore waxaa fiican in horta wax lays la fahmo nin waliba oo wadan kan udhashey waxaa fiican in uu u halgamo wadankiisa si uu gumaysiga isaga kiciyo marka hadii aan anigu ku halgamo magaca Ogadenia adiguna midkale labax maxaad keyga ugu wareegaysan ma,magackale ayaad wayday mise aniga ayaaba Tigreyga kaaga daran.
Waxaa su,aal ah hadii aad wadan leedihiin oo gumaysi idinka haysto maxaad ugu halgami la,dihiin? muxuu dhiig idinkaga daadan waayey?.
Hadaba wadanka Ogadenia raga uu dhiigu kaga daatey xoraysan haduu ilaahay yidhaahdo iyaga umbaana magacay doonaan ulabixi.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Waxgarad
(no login)

Waxay ila tahay...

No score for this post
August 2 2002, 1:40 AM 

Waxay ila tahay inuusan jirin nin diidi kara hogaan u qalma halganka dalkaa, balse waxaa mucaaradad isku fara fiiqfiiq keeni kara marka halgankii loo tarjumo qabiil. Markaa waxaan odhan lahaa ONLF ha iska dayso wixii dadka ka fogayn kara magacan ay la ordayaan wuu jiraa waan jiri doonaa, yaanay dadka sanka kaga tolin oo dadka taladooda ha qaataan "meeshaad nin ka qaadato ninbaad kaga tagtaa" bal car hadaydaan wadin qabiil iyo kala qaybin sameeya shir loodan yahay. shirarka aad qabanaysaan marka dadku maqlaan shirkii ogadeeniyaa ayaa dadku u malaynayaan mid beeleed dadkuna ma imanayaan shir beeleed aan ka ahayn beeshaa.
War xishooda oo hogaanka halganka cidi idiima diidana laakiin keena wax dadka midayn kara.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Maxamad soomaali
(no login)

MAGAC QABIIL QARAN MA MATELI KARO

No score for this post
August 2 2002, 10:21 AM 

aNIGU WAXAAN QABAA INAAN MAGACA SOMLIGALBEED WAX DHAAMA JIRIN MAGAC QABIIL INAANU SOOMAALI ISU KEENAYN. WAXAAN KALOO ORAN LAHAA NINKII TUSAALAHA U SOO QAATAY SAUDIAREBIA SAAXIIB KAASI WAA MAGAC SANDULE LAGAGA DHIAGAY DAKA DEGA JAZIIRATU CARAB EE MAAHA MIDEY IAYGU DOORTEEN AMA AY RAALI KAYIHIIN. DAKA WAX GARADKA OO WADANKAASINA WAXAY YIRAAHDAAN WAXAAN KA NIMI WADAN AAN LAHAYN MAGAC EE SAAXIIB ADNA MA TIIBAAD LARABTAA DADKA SOOMAALIDA AH EE DEGA SOMALIGALBEED

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Maxamed Soomaali kale
(no login)

Re: MAGAC QABIIL QARAN MA MATELI KARO

No score for this post
August 2 2002, 1:51 PM 

Maxamed Soomaaliyow walaal Sucuuduga ta kale waa dad dharagsan oo lacag lagu aammusiinayo. Marka aad fiqiir tahay,anigu waxaan aamminsanahy had iyo jeer, in aad la timaaddo fikradha ugu dabacsan(liberal)amaa kacaansan. Bal eego xadaaradaha iyo kacaanada ugu waaweyni waxay ka bilaabmeen meelhii wakhtigaa taariikh haan ugu cadaaddis badnaa.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Guray
(no login)

Re: GOBOLKA OGADEN MISE SOOMAALI GALBEED

No score for this post
August 2 2002, 2:00 PM 

SALAAMULLAAHI-CALAYKUM :
Dadka diiddan Somaali-galbeed iigama
duwana kuwa la baxay Somaliland ee
diidan (Somalia) in loogu yeedho.
Waaba yaabka yaabkii Ogadenia (Ogaden tribe)
idinka yeeli mayno in Qabiil loogu magac
Somaali-galbeed. Magacu waa Somaali, Galbeed
Geesta Galbeed Ayaynu ka xigna (Somali).


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
gacmadheere
(no login)

Anagu nin muran iyo xujo doon ah ma qancin karo.

No score for this post
August 2 2002, 5:47 PM 

Saaxiibayaal. shacabka reer Ogadenya soomaalinimada ma diidana balse waxaad ogsoontihiin inuu yahay midka keliya ee maanta u taagan difaaca jiritaanka iyo sharafta umada soomaaliyeed. iyagoo iska tabar yar oo gumaysi la dagaalamaya ayay hadana hiil iyo hooba la garab taagan yihiin sidii loo badbaadin lahaa qarannimada soomaaliyeed. Laakiin macagan soomaligalbeed wuxuu noqday magac halaq mareen ah oo ay kusoo dhuuntaan abeesooyinka iyo masaska. bal u fiirso mudo hada dhowr bilood laga joogo ayaa ninka la yidhaahdo C/majiid ood wada taqaanaan mowqifkiisa iyo waxa uu aaminsanyahay Tigreegana xataa kasii xun ayaa wuxuu sidan oo kale ku doodayay soomaaligalbeed ayaanu nahay Ogadenya waa qabiil. marka horta wuxuuba shaki ku jiraa dadkan Ogadenya diidan maxay ujeedadoodu tahay? Ma dad halgan iyo xornimo rabaa? mise waa dad carqalad iyo xaasidnimo uun ujeeda? ama gumaysigaba u adeega. Si hadaba labadaa arimood loo kala ogaado waa inay kala soocmaan labadaa qolo. waxaana keliya oo kala sooci kara ficil iyo wax qabad. Nin waliba hadal macaan oo maldahan wuu odhan karaa. laakiin haduu ficil ku dari waayo wax qiima ah ma laha. markaa raga soomaaligalbeed sheeganayow laydinma yaqaano. weli idinkoo cadowga dhulkan aad soomaaligabeed leedihiin gumaysta xabad ku ridi ama siyaasad wax kaga sheegaya laydima arag. markaa sideen ku garan karaa inay wax idinka dhab yihiin. ONLF waad wada ogtihiin halgankooda iyo wax qabadkooda idinka iska dhaafe cadowgii ayaa qiray jabka ay u gaysteen itoobiya ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba. Qof soomaaliyeedna xumaan uma qabaan oon ka ahayn kuwa gumaysiga u adeega qabiil kasta ha ahaado. Ogaadeenka aad sheegaysaan ayaana ugu badan kuwa noocaas ah. mida kale hadiiba aan ogolaano inaan ka tanaasulo magaca Ogadenya, ma haysaan magac kale oon ahayn soomaaligabeed. eleen waad ogtihiin inuusan magacni siyaasad ahaan caalamka ka soconayn. Hadaad magac sadexaad haysaan halgana diyaar u tihiin isukeen keena oo idinka cinwaankiina lama yaqaanee kaayaga lasoo xidhiidha.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

midnimo

No score for this post
August 2 2002, 5:40 PM 

Habka ugu haboon ee gumeysi lagula dagalami karo waa
midnimo iyo wadajir marka anigu waxaan ku talinlahaa
meeshii midnimo ku jirto halaga raadiyo.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
somaliland
(no login)

yaan been lay su sheegin

No score for this post
August 3 2002, 5:29 AM 

waryaadda maxaynu beeta isugu sheegi dhulka waxaa loo yaqaan juqraafi ahaan aduunka (ogaden region). dee waxay ilatahay inayna muhiin ahayn in magac laysku qabqasaddo. isaaqa degan reserve area wuxuu ka midyahay (ogaden region). kolka sidee looga xoroowi karaa gumaysiga midow ee xabashida, waa in aan taageernaa walaalaheen ONLF oo halgan hubaysan kula jira axmaaradda ama aanu samaysano ururro hubaysan oo halganka ka qayb qaata magacii la doonaba aan qaadano, haddii kale ururka halgamaya aan xag xagashadda deyno iyo mucaaradnimadda

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Nin Ogaadeen ah...
(no login)

S.Galbeed Maya, Ogaadeenya Maya!

No score for this post
August 3 2002, 1:21 PM 


Anigu waxaan dhalasho ahaan ka soo jeedaa qabiilka Ogaadeen. Laakiin Ilaahay wuxuu igu ogyahay inaanan jeclayn in gobolku ku magacownaado Ogaadeen. Waxaanan sidoo kale ka soo horjeedaa in lagu yidhaahdo Soomaali Galbeed. Soomaalida aan ta galbeed u nahay sow ma aha mida masaajida jiingadaha ka fujisata?

Waxaaban anigu odhan lahaa inta aan aduunka ka fahmayno illeen waan jiifnaaye inaynaan isku lug goynin magacyo gumaystayaal ay bixiyeen. Midna waxaa bixiyay dawladii Soomaaliya oon lafteedu daaca ka ahayn waagii danbe halganka shacabkaas.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Nin Ogaadeen ah...
(no login)

S.Galbeed Maya, Ogaadeenya Maya!

No score for this post
August 3 2002, 1:24 PM 


Anigu waxaan dhalasho ahaan ka soo jeedaa qabiilka Ogaadeen. Laakiin Ilaahay wuxuu igu ogyahay inaanan jeclayn in gobolku ku magacownaado Ogaadeen. Waxaanan sidoo kale ka soo horjeedaa in lagu yidhaahdo Soomaali Galbeed. Soomaalida aan ta galbeed u nahay sow ma aha mida masaajida jiingadaha ka fujisata?

Waxaaban anigu odhan lahaa inta aan aduunka ka fahmayno illeen waan jiifnaaye inaynaan isku lug goynin magacyo gumaystayaal ay bixiyeen. Midna waxaa bixiyay dawladii Soomaaliya oon lafteedu daaca ka ahayn waagii danbe halganka shacabkaas.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(Login kaahin)

bal ila qosla ! ma ogaden mise somaliyada galbeed

No score for this post
November 24 2002, 8:04 AM 

waa ayaa waxaa dhacday nin soomaali ah ayaa waxaa kaluntay ri' kadib mudo badan ayuu raadinayey ridii ogow sumadii uu ku dhigay markii ay ka luntay ayaa rida ku taalee ridu markay luntay ayaa ninkii helay oo sheekh a ahaa adhigiisa ay rida isku sumad noqdeeen sumad oo adhiga sheekha udheer mooyee ayaa waydiiyey oo muxuu ahaa sumada ku taalley markaay ridu kaaluntay ninkii ayaa sheegay sumad uu adhiga intiisii kale ku dhigay intay ridu maqnayd(ogow ridu sumadii hore ayaa ay wadataaye)
kolkaasaa intu sheekhii qosolladhacay ku yidhi rida magcadeedii muxuu ahaa ?
hadana ninki ku jawaabay magaca kale o uu rida usii bixiye( wuxuu yidhi hadaan helo waxaan ubixiyey khyarqaba) sheekhii iyo ninkii oo wada socda ayaa soo abaaray ridii kolkaasuu sheekhi yidhi ball rida magaceeda ugu yedh kolkaasuu ku dhufta magacii uu ridu intay maqnayd ubixiyey kolay ridii magacii isu qaadi wayday ayuu ku yidhi orod sumadii kaeeg !!saa kumaba taalo
intaas kadib ayuu sheekhii ku yidhi orod rida ninkale ayey kamaqan tahaye iska tag!


hadaba maxaa looga eryey nnka rida uu lahaa

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(Login kaahin)

bal ila qosla ! ma ogaden mise somaliyada galbeed

No score for this post
November 24 2002, 8:27 AM 

waa ayaa waxaa dhacday nin soomaali ah ayaa waxaa kaluntay ri' kadib mudo badan ayuu raadinayey ridii ogow sumadii uu ku dhigay markii ay ka luntay ayaa rida ku taalee ridu markay luntay ayaa ninkii helay oo sheekh a ahaa adhigiisa ay rida isku sumad noqdeeen sumad oo adhiga sheekha udheer mooyee ayaa waydiiyey oo muxuu ahaa sumada ku taalley markaay ridu kaaluntay ninkii ayaa sheegay sumad uu adhiga intiisii kale ku dhigay intay ridu maqnayd(ogow ridu sumadii hore ayaa ay wadataaye)
kolkaasaa intu sheekhii qosolladhacay ku yidhi rida magcadeedii muxuu ahaa ?
hadana ninki ku jawaabay magaca kale o uu rida usii bixiye( wuxuu yidhi hadaan helo waxaan ubixiyey khyarqaba) sheekhii iyo ninkii oo wada socda ayaa soo abaaray ridii kolkaasuu sheekhi yidhi ball rida magaceeda ugu yedh kolkaasuu ku dhufta magacii uu ridu intay maqnayd ubixiyey kolay ridii magacii isu qaadi wayday ayuu ku yidhi orod sumadii kaeeg !!saa kumaba taalo
intaas kadib ayuu sheekhii ku yidhi orod rida ninkale ayey kamaqan tahaye iska tag!


hadaba maxaa looga eryey nnka rida uu lahaa

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - GOBOLKA OGADEN MISE SOOMAALI GALBEED
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.