Shirka Nairobi waa hawlgab, taageero caalami ah ma haysto, waxaa isugu tegaya qabqablayaal iyo ma xishoodayaal nin iyo faash u sita.
Markii aan tixraac ku sameeyey iyo daraasad waxaa soo baxay:
1. Lama samayn wax hor dhac ah oo laysugu keenay aqoon yahaniin Soomaaliyeed iyo talo ay ka dhiibteen midna.
2. Waxaa in dhawaalaba ka socday Nairobi shirar u gaara safaaradaha reer Yurub kaas oo lagu macneeyey inay xog raadin yihiin si looga amba qaado talaabada ku xigta, iyadoo dawladahooda la qaybsanayey aragtida, arintan waxay keentay markii la arkay xaalku meesha uu marayo in qaarkood soo jeediyeen in maamulada la ictiraafo ilaa heer ku meel gaar ah.
3. Waxaa durba soo baxday culays wayn oo dhaqaale inuu jiro markaas oo laga dhadhansan karo hadalka Elijah Mwangale iyadoo lagu macnaynayo in dawladaha deeqda bixiyaa goosteen in meel kale loo duwo lagu bixinayo shir noocaan oo kale ah.
4. Dadka meesha u socda waxay u badan yihiin HKM oo iyaguba ku heshiin waayey 40km2, xal soomaaliya ma u keeni karaan, weeye su'aasha ugu horaysa oo kugu soo dhacaysa.
5. Maamulada jira oo aan tixgelin gaara la siin marka la barbar dhigo qolyaha qodobka 4aad
6. DKM oo dhawr madax isu qaybisay oo kala madax banaan kadib markay u cadaatay inaanay dawladnimo ku tegi karahayn shirkaa isaga ah, taasina waxay sii fogaynaysaa xaalka Soomaaliya.
5. Aniga oo tix raacaya hadalkii Mr. Elijah Mwangale, waqtiga iyo tirada ergada oo aan macquul ahayn
7. waxaa aad usoo kordhaysa in maamulada Jira sida Soomaaliland iyo Puntland ay qaadacayaan shirkan
8. Waxaa sir hoose lagu helay in dawlado kale baryahanba ay wadeen sidii loo heli lahaa wax lagu bedelo shirka iyo meesha lagu qabanayo intaba.
9. Waxaa Maxkamada aduunka boosas sare laga siiyey dad Africaana oo loogu tala galayn ay qaadaan kiisas laga yaabo in dhawaan la bilaabo, kuwaas oo sida lasheegayo arimaha Soomaaliya safka hore ku jira, markaa waxaa kugu soo dhacaysa nin maxkamad loo diyaariyey yaa wax u dhiibanaya?
10. Dadka ilaa hadda la ogyahay kasoo qayb galkoodu oo reer Muqdisho ubadan waa dad aan wax badan soo kordhin karin, nin walibana wuxuu ka xishoonayaa inuu dhex galo is qabqabsigooda iyo wax qaybsigooda.
11. Waxaa soo badanaysa fekerka ah in xoog Soomaaliya wax looga qabto sida Afghanistan.
12. Shirka waxaa qaban qaabadiisha iyo isku duba ridkiisa ugu badan waxaa sameeyey dawlado aanay ka jirin cadaalad, maamul lagu kalsoonaan karo, fakhri, musuqmaasuq, waxaa arintaasu u ekaatay dhakhtar uu daawaynayo bukaan socodkiisu.
Waynu arki doonaa waxa ka soo baxa iyo sida wax u dhacaan 16. September waa xusuus bal adiguna dhiibo waxay kula tahay.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
walaal shirku wuxuu ka dhacaya magaalo la yiraahdo eldoret oo ah gole nin markuu musuqusha aado xaarka uu dhigay ku saxiixa gidaarka musqusha,marka nin caynkaas ah wax ma soo kordhin?adigay ku jirtaa,
war soomaaliya dhibta ka jirtaa waxaa lagu dhamayn karaa geed hoostii sidii inoo ahayd dhaqan,walaahay baan wanaag lagu helayn nin xaar ku yaal gar uu dhigay...taasna anaa ku iri..war waa la dagaali karaa inkastooo dagaalka hawiye wadankii ku qaaday aysan wax laga hadli karo ahayn,hadana war waxan duliga ah waxaa ka qiimo badan dawladnameedna aynu uba daynoo inay iyagu wax noqdaane nimanka wax ma lagu aamini karaa weeye su'aashu?
waxay na tuseen hadii muddo laga aamuso in dawladnimo iska daaye ay caruurtii ay dhaleen qaarna fuulayaan qaarna dilayaan,marka in adeer nimanka rag sharf leh baa ku jira laakiindhibta jirta baa waxay tahay in hawiye yiri anaga daarood baa a gu,eystay,waayahay bal maqlay intaas inkastoo aadan hayn wax daliiil ah.hawiyow.war dawlad baynu nahay la yiraahdo somaaliya,dagaalo badan baanu u galay taas iyada ah oo wadanimada ku saabsan,war hawiyow aynu ahaano mid,wuxuu yiri maya waxaan qabaa cuqdad inaad iga adkayd marka waxaan ku tusin inaan kaa adkaado oo aan wixii aad sameysayba burburiyo?what sense does this person has?hadaan hadalo waa af salax ku dheg hadaan aamusnana ariga heeh???waayahay,waxaad iga fishaa inaan runta ku sheego kaagana awood bato waayo nin run sheegi baan ahay,runtuna beenta ka adag.
spelling errors should be re writted...
dab baa hoos ka noola aan cidina damin karin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Iga gudoon salaan qiimo badan kadib xageed qabatay saw adigan qabiilka daf yiri war waa ceebe taa jooji.
Puntlander yurub baad joogtaa Chatka waxaad u balamisay dadka yurub jooga kaliya anaga xageed nagu iloowday?
Shirka Nairoobi waa fashilanyahay waxaana sababay aragtidayda dhawr sababood:
-ugu horayn Soomaalidu waxay tiraahdaa hal libaax arkaysaa ma godloto. Soomaali itoobia ka danbaysaana ma heshiiso.
-tan labaad ragga shirka tagay oo xalka soomaaliyeed laga sugaya aan kuu tiriyo: Ina caydiid, ina Yeey, ina yalaxoow, ina macaane, caato iyo Moorgan. xagee xalka imaanayaa?.
-Ujeedada shirka oo ah in lagu kala diro dawladda carata lagusoo dhisay ee sii kala tagi rabta iyo in la buun buuniyo SRRC dii waa hore burburtay oo ay ka hareen Gebyoow dhullaawe Genenka fakadka ugu maqan Boosaaso ee C/laahi hoos fadhiya, iyo wiilka aan qaan gaarka ahayn ee agoonka ah.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
anigu waxaan ahay gabadh somali dagaalkii kuwu sameeyey waxaad ka hadlayso wax ka duwan baan arkaa niman mushahar ka qaata hayadaha samafalka maxay dal ka ogyihiin waxaan idin leeyahay dalba ma jiro waah hore ba lagu kala tegay badhba qolaa qadatay. haddise weli rajo idinka hayso hadal hadhub ma buuxshe maad xal keentaan inteena dibada joota baba wadankoodhan xorayn kara inagaaba dowlado xoog leh la joogna kuwaasuba xabashi iyo wax la mid ah bay la xidhidhan m/sanid.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan Dhamaan Bahweynta Soomaliyeed iyo shaqaalaha Somalitalk.
Ugu horeyn waxaan jeclaan lahaa in aan hal & labo dhaho ninkan Muhamad isku sheegay inkastoo aadanba u qalmin wax loo jawaabo,hadana bal iga hoo.
Ugu horeyn waxaa ceeb & nasiib daro ah in aad kadib 12 sano oo baa'ba iyo iyo rafaad aadan ku cibri qaadan oo aad wali qabiil wali daba taagan tahay oo aad Qowmiyada Hawiye maanta ku sheegtay duli,iyo dad ka liita qabiilka aad sheeganeyso.
Ninyahow waxaad wadaa sheekadii caruurta lagu seexin jiray ee aheyd gob ayaad ka dhalatay oo qabiilkaada ayaa dadka meelkasta ugu fiican.
Tan labaad mowduucan waxuu ku saabsan yahay fikirka dadka ka qabaan ka mira dhalinta shirka Eldoret iyo inuu fashilmi karo ee laguuma dirsan in aad qabiil dhan weerarto. waxaan runtii la yaabanahay sida aqyaar badan ee aan isku fikir nahay waliba laga yaabo in aan kala qabiil nahay sida Sade,C/waaxid,Ahmed/Saalax iyo kuwa badan oo "forum" kan wax ku qora aan uga wada daalnay in aan kaa dhaadhicino
1-waqtigii qabiilka lagu qaraabanayay oo dadka la isku baabi'inayay in uu gabaabsi yahay.
2-Cabdulaahi Yusuf inuu Soomali wax u qabta iska dhaafee tolkiis caburin,xasuuq,xirxirad sabab la'aan ah,dhac ku hayo,taas oo ah macangag nimo,balse waxaan rajeynayaa in eey dadka Puntland iska qabtaan.
Hadii uu ku guuleysto in uu Xoog iyo caga jugleeyn danihiisa uga socodsiiyo Puntland oo u suurta gasho ma waxuu doonayaa ilaa inta uu ka dhinto in uu ka taliyo Bari? mida kale Cabdulaahi Yusuf maxuu dadka reer bari kaliya ugu xoog badan yahay oo qabqablayaasha kale wareegii hore waxeey weerar ku ahaayeen qabiila kale,Cabdulaahi Yusuf laakiin waxuu ilaa hadda madaxa ka garaaca dadkiisa kaliya.
Ugu dambeeyn waxaan ka cudur daaranayaa in aan marnaba ula jeedin loona fasirin ra'yigeeyga inaan ula jeedo dhibka Soomaliya heysto inuu sii socdo,laakiin aan Soomaliyeey iska dhaafno eexda iyo qabiilka.
Hadaan u soo noqda Mowduuca aniga waxaan qabay lix bilood ka hor markii ka hadalka shirkan la bilaabay in wax kasoo baxayo jirin sababtoo ah.
1-In hadii aan nahay Soomali aanan wali bislaan maadama wali Ninkan Muhamad iyo waliba 15 qabqable dagaal leenahay.
2-In hadii Kenya la tago eey meesha isugu tagayaan qabqable dagaal sida Xuseen Ceydiid oo Hotel Gion qaxooti ku ah siyaasadna aan soo rogan laakiin dhowr oday iyagoon ka fiirsan eey dhaheen gudoomiyaha SNA ayad tahay kadib dhimashadii Aabihis,Yalaxow,Maxamed dheere,Morgan,Shaatiguduud,Xaabsade & Aadan Madoobe,Cabdullaahi Yusuf,oo dhamaantood waxa eey Itoopiya ku amarto fuliya,waliba kaaga sii darane ragaan wax barnaamij ah oo leeyihiin maleh oo aan ka aheyn in "anarchy"wadanka ka jiro maadama eeysan siyaasad qeexan meesha ku heeyn,taasna wax Soomali anfacaya ma ahan.Dhanka kale waxaa iyagana tagaya Dowlada Ku meelgaarka ah oo iyaga laftooda eey Soomali aan ka mid ahay aad u dhaliilsan yihiin kadib markii
eey waxii laga sugaayay fulin waayeen oo eey noqotay koox dalka iyo dadkaba ka shaqeystato balse aan u shaqeeyn,taasna "Shareecada islaamka iyo Xataa "political Systems"aduunka ka jiro ma waafaqsana.
Laakiin Kooxdan waa kuwa aan Xoog wax ku dooneeyn oo runtii la dhihi karo ugu yaraan xoog meesha kuma imaan "self-nominated"na ma ahan waliba aniga iyo 90% Soomalida waa eey taageersanaayeen taasna waxaan cadeeyneysa sidii Xamar,Baydhabo iyo Aduunka oo dhan Soomalida ku nool u soo dhaweeysay,hadanna taageeraheeda maalinba maalin waa uu soo yaraanayaa waxaana ugu wacan ayaan dhihi karaa siyaasadeeda qaabka daran min Madaxweyne,Ra'isul wasaare,Wasiiro iyo Baarlamaan dhamaan Musuqmaasuq iyo Aqoon darro heyso,sidaas darteed howshii ayey isku adkeeyeen.
Arrimahaas iyo Kuwa badan dartood waxaan qabaa in uu
Shirkan uu noqonayo kii 14aad oo fashilma,laakiin Ilaahey qadartiisa waa gooni,waxaana qabaa in Xisbiyada Siyaasadeed iyo Aqoonyahanka iyo waliba ardayda iyo jaaliyadaha Soomaliyeed ee Dibadda eey iyagana kaalin ka qaataan.
Abdifatah
Minneapolis,Minnesota.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Saaxiib meelo hore oo aad dad ku canaanayso ayaan arkay sida ciyaalka. doodaha qofka laftiisa lama weeraro ee fekradiisa ayaa la weeraraa hadaanay kuu dhadhamin, Muhamed wax jira ayuu sheegay oo dhibaato jirta ayuu farta ku fiiqay ma ha sheegin ayaad leedahay? wax kale oo uu halleyey ma arko, haduuna xaalkaagu ahayn dawladii qoriga lagu raadinayey, waa kaftan intaasi ee adigu haduwan.
Midda kale hadii shirkan fashilmo maxaa ku xigi doona ayaad is leedhay, mase jiraa xal aad u hayso dadkan mooryaanta ah oo dalku ka degi la'yahay waa muqdisho iyo hareeraheeda iyo inta ay gacan saarka leehiin oo aad moodo inay xadkii aadamaha kasii talaabayaan.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan dhamaantiin.
Saaxiib Puntlander wax dhib ah uma arko kaftankaaga & hadalkaaga.
Arrinkan aan Muhamad ku eedeynayo ayaa waxa eey tahay sida aad horey iiga aragtayba,in Ninkan Muhamad ah uu iska soo daabaco mowduucyo aan wax mira dhal ah laheyn sida"they were alive and breathin",ulama jeedo in la hilmaamo ku dhawaad boqolaalka kun ee Soomali ah ee ku dhintay dagaalada maalaa yacniga ah,laakiinse waxaan qabaa in cid si gooni ah loogu xadgudbay jirin oo meesha eey aheyd dad dhamaan cawaan ah oo Qabiil dishay oo marba qolo la eryanayay,sidaas owgeed waqti ayey leedahay ka hadalka arrintaas. Marka waxeey ila tahay taas ka hadalkeeda in hadda naloogu kaadiyo,maxaa yeelay gocosho iyo xasuusi murugo kaliya ayeey ka hadalkeeda hadda keeneysaa,waxaana loo baahan yahay in dadka la isku sii baabi'in balse la isku soo jiid jiido.hadii aad si kale qabto waad ii sheegi kartaa.
Su'aasha ah maxey tahay waxa xalka aan moodo? Runtii Ilaahbaa xalka haayo haddana waxeey u baahan tahay in dadka Soomaliyeed kuweena dibadda jooga aan joojinaa ku fiirsashada aan dadkeena ku fiirsaneyno dhibka eey ku jiraan,dhibkaas oo anaga dibadda joogna si kasta noo saameeyo maalin walbo.
Su'aasha ah maxaa laga yeelayaa qabqablayaasha dagaal ee jooga Xamar iyo gobalada Koonfureed waxaan qabaa in lala dagaalamo la iskana dhiciyo,waxaan kuu hubaa in ragaan dagaal oogayaasha Xamar jooga eey maalmaha u harsan tirsan yihiin oo waliba dadka eey sheeganayaan eeysan taageersaneyn balse eey "status quo"kaliya heystan. laakiin dadka waa dad rafaaday oo 12 sano la duleystay marka waxey u baahan yihiin maskaxdeena iyo waxqabadkeena ee uma baahno in inta ka harsan xaabo dabka lagu ****to laga dhigo.
Sidaan horey u iri waxaan qabaa in la arko wajiyo cusub oo ah jiilkii Todabaatameeyadii inkastoo eey da'yar yihiin hadana waxaan qabaa in eey ka talo fiicnaan lahaayeen odayaashaaan gaboobay ee wax eey og yihiin jirin oo aan ka aheyn xoogaa Talyaani ah iyo Qabiil oo waliba aan xishooneyn saa waa kuwii safka u galay lacag 600 oo birr Itoopiyaan ah shirkii Addis Ababa ee dib u heshiisiinta 1993.source fiiri buuga lamagac baxay Driven to Despair by Osman Mohamed. Ilaah baan idinku dhaarshee miyeysan bahdilid ku tala gal ah aheeyn taas.
Ugu dambeyn wixii ra'yi wanaagsan waan soo dhaweynaya xataa hadii uu yahay mid ra'yigeyga ka duwan balse aflagaado ka madax banaan.
Abdifatah.
Minnesota.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaan kadib.
Waxaan anigu qabaa shirka Nairobi inuusan helli doonin taageerada dadka oo dhan,ilaa shalayto waxaa soo ifbaxayey in beelaha xamar degani diidayaan shirka ama ka biyo diidayaanba, waxaa cadaatay in ninka ugu sharka badan xamar Mr.Caato oo ku sugnaa Nairobi shantii bilood ee lasoo dhaafay uu ku soo noqday Xamar kadibna la shiray dhowr qanyare,Cumar finish,mowliid macaano kadibna ay shirka wada diideen.
dhinaca kale Cabdiqasim iyo qolyihii uu Xamar ku haystay ee TNG iyaguna shir iyo roor-roor ayey kabixi la'yihiin illo xog=ogaali waxay sheegayaan inaysan ku qanacsanayn sida wax u socdaan laakiin ay sugayaan cid ku garab siisa haday shirka diidaan sida dawladaha carabta gaar ahaan liibiya iyo Masar oo aan laftigoodu qanacsanayn, mase doonayaan inay noqdaan cida ugu horaysa ee diida shirka.
Col. cabdulahi yuusuf dhiniciisa waxaad moodaa in kalsooni badani ka muuqato, waayo badiba puntland gacanta ayuu ku dhigay, waxaa u qorshaysan inuusan wax badan ku waayin shirka haduu helo waxa uu rabay waa oky hadii kale makala jecla laakiin wuxuu xooga saaray inaan cidkale soo qaadan waxa uu diido iyada oo sheeganaysa inay puntland metelayso, Sababta dagaalka is daba jooga ah uu u wadaana waa taa.
Shaati guduud he is very much oky aad buu isu diyaariyey group uu ugu yeeray dawlad goboleed ayuu dhistay, isagaana ugu niyad wanaagsan qolyaha koonfurta waayo isku halayn weyn buu qabaa waa ogyahay wixiisu waa banaanka, wuxuuna noqon doonaa kooxaha ugu muhiimsan ee meesha wax kasoo hesha hadiiba ay dhacdo in wax lagu wada heshiiyo.
Somaliland so far is oky hal arin ayey aad uga taxa darayaan inaan lakala reebin goboladii hore ee british-ku wada gumaysan jiray oo ay isku federal noqdaan ama hadhow marka koonfurta wax ku heshiiso iyaguna wax laqaybsadaan iyagoo somaliland ah oo shan gobol ah, halkaasi waa halka ugu adag ee puntland iyo somaliland labadaba lagu qancin karo waxaase guulaysanaya qolada aakhirka ethiopia raacdo.
geba -gebo waxaa muuqata inuu shirku u socdo qaab federal ah oo ah dream-kii puntland iyo RRA iyo may be waxa ugu yar ee Somaliland aqbali karto future-ka Soomali weyn, beelaha Habar-gidir Mareexaan, Ogaadeen, iyo beelo aad utira badan oo koonfurta dega shirkan wuxuu noqon doonaa midaysan ku farxin aakhirka. Mudulood, Xawaadle, Harti, iyo digil & Mirifle waxay u arkayaan atleast they accomplished one of their long time goals.
nabad gelyo
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxyaalaha aan aad ula yaabay waxaa ka mid ahaa intii aanay loxos gooyn:
1. Madaxwayne qabiila oo qaran cod ka doonaya, balse haduuba qabiil yahay oo kalsoonida qabiilka haysto, waa su'aale mmuxuu ku falayaa waraaqo la xarxariiqay
2. Qabaa'il Boos xidhasho iyo waraarado markii loo diido ku xigeeno, agaasimayaal iyo xafiisyo maran ku wareersan
3. Qabaa'il kalsooni ku mashquulsan bayaano iyo kalsooni kala noqosho.
4. Kuwo kale oo from Oday, qabqable, Hooyo iyo uroro lacag ku doonaya, ogow dadkaasi ma bixin cashuur mana ogola wixii dawladu u baahnayd isagaa haysta.
5. Wasiiro nin waliba u haysto in wasaarada uu madaxda ka yahay qabiilkiisu lee yahay.
6. Wada shaqayn uu furay boolkii la giijiyoba oday dhaqameed beeshiisa ku doonayo.....
Kama dhibcaanka hadaan u soo noqdo qabiil nin wax ku doonay waa ni xumbo cuskaday, waxaase laga yaabaa markaad magacayga eegto inaad tiraahdid ninkani waa abtirsaday balse xaalku sidaa maaha ee waxaan u jeedaa in looga qiyaas qaato fekerka dadk halkaa degan sida ay u arkaan siyaasada Soomaaliya oo markaan ku sameeyey baaritaan ay iisoo baxday sida aad hadalkayga ka aragtaan inay u badan yihiin.
Shirka Nairobi/eldore; waxaynu arkaynay wufuud iskag soo daba noqoanaysa Soomaaliya, waxaynu maqlaynay shirka qolyaha ugu cad cad inay ahayeen SRRC, DKM iyo qabqablayaal aan si toosa uga mid ahayn labada garab midna balse usha uwaday mid uun garabyadaa ah isagoo ku xisaabtamaya cadka uu qabiilkiisu helidoono, markaa akhristow cadkana koofida duubka ku jiraa ma mid aan bislaanbaa mise waa mid gacmo haliilayaa ku haad dhabanayaan?
Arintan aan ka hadlay dawlad goboleedadu way ka madax banaan yihiin, waa arin u taala Xamar iyo wixii ku wareeray.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.