Waxaan shiki ku jirin marka nin aqoonyahani hadlo, hadalkiisu tasfiir ayuu u baahan yahay. Inta aqli qaabka ah amba jaahiliinta ahna si kale oo xaqiiqada ka fog ayuu haldalku uugu dhandhamaa. Waxaase la yaable in Profesoka Cilmigiisa aduunku yaqaan lagu tilmaamo qabiili. Waxaa arintaasi aad ugu yaabisaa inta Profosorka si fiican u taqaan.Xaqiiqaduse waxa weeyi qabiilaysteyaal waxa ah dadka iyagoon wax hubsan deg-deg u damqada. arintan Profosoka lagu haystaa waxay la mid tahay dad ka xanaaqay hees u heesaayay fanaanka Juba oo dhulka soomaliyeed meelo ka mid ah amaanaayay. Dadkii intay mashraxa uugu tageyn fanaanka iyay ka dalbeen inuu heesta ku daro dhulkkay ku dhashen. Hobalkii waxay ku khasabtay inuu raali galiyo laakiin taasi waxay u keentay inuu marar badan ka baxo laxankii heesta loo sameeyay...
Profosor Samatar maaha nin maaweelinaaya dad laakiin waa aqoonyahan fikir caafimaad qaba ku hadla.Geeljirese waxba ka garan maayo, waana nasiib daro. Inta xiiqaysaay waxaan idinku waanin lahaa waar tasfiir baa u baahantihiine caaruurtiina wax barandoonta jawaabta u daaya.horaa loo yidhi nin makhnuud ihi hadduu kuu maahmaaho, wuxuu kuu maldahayaa waa maheradiisiiye...
Nimanka u doodaayo Bari, waxaan leeyahay soomali way is taqaan dibna iskuma baranayso. salka qabyaalada siyaasadaysan ee Soomaalia halkaa gaadhsiisay waa marjeerteenia amba Putland. Taa waxaa tusaale u ah dhibta joogtada ah ee hidinkoo hal qabiil ah aad kala dhamaan ladihiin.Meel dhiig iyo dhagari ka jirto Jaamad maamulkeed ma haleeli kartaa mise arintu waxa weey: Mar haddaan Marjeerteen u dhaxay magacuba i deeq?
Jaamacadu waa horumar aan la rabo in caruurta reer Putland kaga maydhaan dhibta duq sideetan jir ihi oo jaahil ihi ku hayo habeen iyo maalin.
Hadal iyo dhamaantii waxaan odhan lahaa waar Profosorku wax sheeg iniigama baahna balse waxaa waxsheeg iyo talo idiinka baahan bulshada soomaaliyeed ee Bari dagta oo u baahan inaad ka qabataan hororka Soomaali oo idil dhibta u horseeday ee shalay oo u dambaysay suldaan aqoonyahana( waa sidii lagu tilmaamee) ku dilay kalabaydh. That is it and that all!
Hersi |