| PuntlanderAugust 28 2002 at 8:51 AM No score for this post | Dawlad Soomaaliyeed... (no login) |
| Waxaa jirtay markii Carta loo afduubay Muqdisho, waxaa aad loogu wareeray samaynta ciidan. Marka laga tago amaan xumadii iyo kooxihii ka soo horjeeday. Waxaa fooda lays daray Mooryaantii iska daba wareegaysay iyo madaxdooda oo laaluush, aniga, reerkayaga, maxaad nooqaban ay kala dhamaan waayeen, madaxdii doonaysay inay qabtaan wax ka wayn arin qoys.
Iyadoo xaalku halkaa marayo baa hogaamiyayaashii Hawiye khaasatan Habargidir intii kaga jirtay Carta oo uu hogaaminayo madaxwaynahoodu, waxay go'aansadeen in dadka labada gole ku jira nin waliba deegaankiisii keeno, waxaa nin walba oo waxgarad ah hortimi "aniga oo Aabahay la liita buu aabahayna aabihii keenay" ma muqdisho oo saan ah baan deegaan usoo rari karaa sidaasi waa ila rogmo.
Talo markii nin waliba dhinac ka eegay waxaa laga badin waayey in ciidan qaran oo muqdisho laga dhiso aanay suuro gal ahayn.
Ceel dad liq ah ulbaa layskaga dayaa; Qorshahan waxaa si fudud loogu fuliyey Cabdalla Deerow oo watay maleeshiyo Habardigir ah kuna socday talada iyo qorshaha Beesha, waxaase kusoo dhacay dharbaaxo aan la filahayn.
Wuxuuse xaalku sii xumaaday weerarkii loo dhamaa ee lagu qaaday Kismayo, kadib markii aan si kala har lahayn Beesha Habargidir duulaan u qaaday. Arintan oo siyaabo kala duwan qolaba u fasiratay wuxuu gun rujis ku noqday arimihii ay ka higsanyeen Puntland iyo Gobolad Bay iyo Bakool, wuxuu kale oo sii fogeeyey xaalada Soomaaliland kadib markii taageerayaashii Carta ee reer waqooyi ka aamuseen arimo amaan awgeed halkaana waxaa kusii burburay taageerayaashii Carta ee Waqooyi iyo Waqooyi Bari taas oo ay aad uga faaiiday Somaliland oo ladoonayey in loo maro guusha hadba laga soo hooyo PL.
Xaaladahan is rogrogayey waxay u muuqdeen mid ay shayaadiin dana kala duwan lihi ay hoos ordayaan oo in kastoo lagu guulaystay in hogaamiyaashii Muqdisho qaarkood dawlada lagu soo daro hadana waxaa marba marka ka danbaysa sii adkaanayey in waji siyaasadeed wax ku xalismaan ama uu yimaado is afgarad cid uun lala galo
Sida aynu sheegnay ujeedooyinkii gaarka ahaa waxay cadaw ku noqdeen meel marinta hadafkii qarsoonaa, waxaana marba marka ka danbaysa soo baxayey ujeedadii Carta ahaa:
1. In laduudsiyo D & M iyo Mudulood dhulkoodana ay qaataan Beesha Habardigir
2. in la smeeyo saldanad ay beeshu leedahay
3. Si taa loo gaaro in la baabi’iyo dawlad goboleedada oo khatar ku ah hadafkaa iyo Jabhada RRA.
4. In Mudulood loo riixo dhinaca Jilib iyo Kismayo badelka deegaanka Muqdisho iyo Jawhar
5. In maamulka PL diirada la saaro, lana qabsado magaalooyinka Gaalkacayo iyo garoowe halkaana indhaha dadka looga jeediyo Dekeda iyo Airiboorka Muqdisho.
6. Hantida lagu helo magaca dawlada in loo adeegsado maalgelinta Beesha iyo Dejintooda.
7. In la abuuro ganacsato xoogan oo u dhiganta Tycoonka maraykan, arintaana laga kaashado Dawladaha iyo shacabka carbeed iyadoo magaca diinta la adeegsanayo.
8. In Beeshu noqoto lafdhabarka xooga dalka ayna xirtaan dhamaan Boosaska sare iyo hogaaminta oo uu hogaan ka yahay Marshal Galal.
Kadib markii xaalku adkaaday arimahaa aan soo sheegnayna ay soo baxeen waxaa saraakiil hoose oo mudulood ah, King Kong iyo Cali Khaliif rag ay ka mid yihiin isku afgarteen in Puntland Ciidanka dalka Soomaaliya lagu dhiso, balse waxaa ka hortimi sidee, waxaa la go'aansaday in cabdillahi Yusuf arintaa loo soo bandhigo oo isagu dhiso ciidankii xooga dalka laguna dhiso PL laguna bixiyo qarash badan iyo logistic debadeed. Shirkii buxels wuxuu cali khaliif dadwladaha reer yurub hordhigay inay hawshaa fuliyaan, waxaana si overwhelmed kusoo dhaweeyey dawladihii reer Yurub oo dhan. Waxay ogolaadeen inay bixiyaan qarashka intuu doono ha ku kacee DKMG ahna waxaa lagu qaybiyey inay diyaar ka dhigto habka Soomaalidu u rabto (yacni wadhadalka dhexdooda).
Sida uu mar idaacada BBC-da ka sheegay Cali Khaliif oo yiri annaga ayaa soo jeedinay in loo kaadiyo PL iyo SL waqtigan xaadirka ah.
Halkaa markay maraysay ayaa waxaa arinta ka war helay Cabdilqasim kadibna si uu isu hortaago arinta, shirkii Lusaka ka hor wuxuu la heshiiyey rag uu hogaaminayo Xasan Abshir iyo kuwo ka shaqeeya hay'ado isku sheeg samafal iyo kuwo bulsho.
Halkaa waxaa ku burburay xidhiidhkii Cali iyo kooxdiisa oo dhinac ah iyo garabkii Cabdilqasim iyo xasan Abshir kala hogaaminayeen.
Markuu arkay Cali sida Cabdilqasim u hortaagan yahay dib u heshiisiinta Cali wuxuu baab'iyey qorshihii uu Yurub kula soo heshiiyey, wuxuuna ka gaabsaday inuu sii wado wadahadalkii Cabdillaahi Yusuf.
Saansaantaas oo soo baxday markii Cali ku noqday Muqdisho waxaa loo diyaariyey shirqool iyada oo lagu aflagaadeeyey saxaafada si loo bahdilo kadib markii Cabdilqasim ogaaday qorshihii Buxeles ee cali la galay Reer yurub taaso markii danbe isu bedeshay 50, 000 euro looguna dhiibay NGO-yada.
Si loo dhaystiro qorshihii ku wajahnaa PL. waxaa lagu isticmaalay lacago lasoo mariyey Cali iyo shirar lagu raad gadanayey oo uu qabtay laakiin uuna Cali si fiican ula socon.
Marka aan halkaa kaga gudbo xog warankan,
Hadaba jawaabaha Sare waxay jawaab u yihiin su’aalihii aan horay u soo jeediyey oo ahaa:
1. Waa maxay sababta Cabdilqasin ugu afduubay reer Carta Muqdisho
2. Waa maxay sababta uu markii hore u diiday Dib-u-Heshisiin ee uu uga door biday daba martayn
3. Waa maxay sababta uu u galay dagaalada sokeeye sida kii Kismaayo iyo isku dir soomaaliyeed
4. Waa maxay qorshaha beesha Cabdilqasim doonayso ma dhulbaa mise waa xukun mise xaalka aragtiyeed ayaaba sidaa ka ah.
Xaalada hadda
Qorshayaashii shaydaanku waxay noqdeen kuwo aan gebogebo lahayn ama ay adagtahay inay soo afjarmaan.
1. waxaa si khatar ah arintaa uga badbaaday Puntland, sidoo kale waxaa si geesinimo leh uga badbaaday Somaliland iyadoo ay kagacan ka gaysatay PL oo markaa aan si fiican loogu guulaysan
2. Balse waxaa si lama filaan ah loo kala tuuray Ururkii RRA-da balse arintaa ayaa dadka badidoodu ku baraarugsan yihiin khaasatan waqtigan hadda ah Cartu burburtay maskaxdii hogaaminaysayna qaybqaybsantay.
3. Waxaa weli uu qorshayaashii dugsanayaan dad aan awood lahayn magacii deeganadooda horay loogu takrifay iyo Beesha Cayr/Habardigir.
4. Waxaa la sugayaa maamullo ka awood badan (marka loo eego waqtigii Carta) inay samaysmaan waqti dhawm.
5. Waxaa fooda inagu soo yahay qorshayaal lagaba yaabo inay dadka qaarkii kaga naxsadaan waqti dhaw
Arimaha inta dhiman iyo inta aan soo koobay waxaan u dhaafayaa qadarta alle iyo inuu waqtigu daah furo
|
| | Author | Reply | Salah (no login) | Waryaa xagee wararka ka heshaa?No score for this post | August 28 2002, 3:21 PM |
war ninyahow warkan aad meesha ku qortay xagee ka heshay?mise adiga ayaaba ka shaqeynayey arrimahan?
halkan akhbaarta aad ku qortay waa war weyn oo la yaab leh,xog fara badan ayaana ku jirta,macluumaad badan oo iga maqnaa baan halkan ka helay..waxaan ogaaday oo kale in somalia xaalkeedu wali yahay.oo arini tahay faanoole fari kama qodna!!! | |
| | Current Topic - Puntlander |
| |
|
|