lagaadaynaya eega, aanse su'aal dhiibtee Ogadenya ma jirtaa mise waa wax Axmaaro samaysay oo ay doonayso inay qadiyadda Soomaaligalbeed ku baabiiso? aan jawaabteeda u daayo inta caqliga leh , ka hebeloo kala ahna isagay jirtaa ,Marxuum Cigaal Ilaahay ha u naxariistee waa ninkii keenay buu ahaa Soomaaliwayn iyo in Somali meel layskugu keenay, markuu taa ku hungoobayna inuu dadkiisa wixii uu u qaban karayo u qabto haddii uu jaajuus ku noqonayo Soomaali way istaqaanaa cidda waligeedba jaasuusiin ahayd, tan kale ee Ina Buubaa iyo Yuusuf Dheegna kuwii u sacabtumayay baad ahaydeene waxba ha eedina,hana noqonina naagtii tidhi oo horta yaa farytayda subaga ku dhuuqay.
Hadalkii Yuusuf Dheeg anigu waxba kaodhan maayo.
Mahadsanidiin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Walaal marka hore waad salaaman tahay waadna ku mahadsan tahay su'aashaadas aad i soo waydiisay, haddii aan bal is idhaahdo jawaab ka bixi waxa uu xal yahay marka halgan lagu jiro waxyaalaha guusha lagu gaadho waxaa u horreysa in marka hore dadka halgankaas ku jiraa ay u caddahay waxa ay u halgamayaan, marka labaadna inay ku midaysan yihiin waxaa ay u halgamayaan, haddii la helo labadaas arrimood ayaa dadkaasi gaadhi karaan himiladooda, haddiise mid ahaan la waayo ama labadaba la waayo, waxkasta oo ay qabanayaan waa hal bacaad lagu lisay. Haddii aan u fiirsano halgammadii lagu guulaysatay ee dadyowga adduunku soo galeena labadaa arrimood baa udub dhexaad u ahaa, markaa bulshowaynta Soomaaligalbeed xornimo iyo horumar gaadhimayso inta ay dhexdeeda ku jiraan dad fikirkii qarnigii 17aad ama 15aad wata oo dad yar oo dano gaar ah wata oo ka faa'iidaysanaya laablakacnimada qayb ka mid ah bulshowaynta Soomaaligalbeed oo lagu kicinayo waddankeena haddaynu reer hebel nahay inagaa xaqa ugu badan xoreyntiisa innaga saaran yahay maadaama gumaystayaashu ay u bixiyeen Ogadenya sidaass darteedna dardaarankii gumaystayaasha inagoo raacayna aynu hoggaanka halganka ku bilayno Ogadenya ha xorowdo canaasiirta maskaxda ka bukta ee magacyada kale ee aan qaamuuska gumaystayaasha lagu qorin sida Soomaaligalbeed oo kale aynu hawada ku dubano hadday maangaabnimadooda meel la fadhiisan waayaan.
Walaalow waxba yaanan hadal kugu daaline xalku wuxuu ku jiraa in la midooyo muruqa, maalka iyo maskaxda bulshowaynta Soomaaligalbeed, geedna ha lagu xidho dhibayaashii shalay oo maanta isku eekaysiinaya badbaadiyayaasha maanta.
Mahadsanidiin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Salaamu alaykum all. intaa ka dib mid aan idin idhaahdo ee indhihiina iyo dhagahiina fura wixii qaddiyaddan danaynayoow. Waddanka waxaa la yidhaa OGADENIA dadkuna waa soomaali qabiilo faro badan leh,Jabahdda matashana waa ONLF,wax la yidhaahdo SOOMAALIGALBEEDna ma jirto.sababta oo ah khaladku mar buu faa'iido leeyahay,waana marka aan ku waano qaadato,waxa qaddiyada OGADENIA maanta heerkaa soo gaadhsiiyey ee majarahabaabiyey waa dagaaladii hore ama halganadii hore ee waddanka ka soo jiray ee ku wada salaysnaa xukun shisheeye ama halgano aan madax banaanayn oo ay u taliyaan dad kale oon u dhalan waddanka.maanta waxaa waddanka ka jirta tawrad shacbi,waxaa ka jirta jabhad midaysan israacsan kuna tashata taagerada shacabkeeda,,shacabkana waa soomali ku nool dhul la yidhaa OGADENIA. su aashu waxay tahay maxaan u odhan waynay SOOMAALIGALBEED? adduunku wuxuu naga qaadanaya sawir ah in meeshani ay ka taagan tahay KHILAAF XUDDUUDEED oo dhex yaala ETHIOPIA iyo SOMALIA.taas oo meesha ka saaraysa qaddiyadda dhulkeena.laakiin markaan nidhaahno OGADENIA,hadde waa la arkaa in meesha dhul aan shaqo ku lahayn labada dawladoodba uu ka jiro.adduunkuna nagu taageeri.haddii markaa aan xornimo helno,shacabkeena ayey u taalaa afti laga qaado meeshay rabaan ha raacaan.ama yuhuud ha ku darsadaan ama chechniya,,,,ONLFna hawsheedu way dhamaan.markaasaan sugaynaa soomalidii kale ee ujeeddadeedu ahayd dhibkana idinka (ONLF) dheeftana anaga!!,,midda kale ilaahay baan idinku dhaarshee,shalay magacii uu gumaysigu idiin bixiyey ee ahaa HARARGHE raali baad ka ahaydeen kan amanta tigreegu idiin bixiyey ee ah KILILA 5aadna raali baad ka tihiine...maxaa OGADEN idinku diray?
HORSEED.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
War waa isla anigii HORSED ahaaye.
waxaan idinka iloobay,,,hal tusaale....Jabahadda ama dhaqdhaqaaqa ka jirta ee ka dagaalanta dhulka la yidhaa KOSOVO,,waa dad albaaniyiin ah,laakiin magaca ay wataan ma taqaanaan? KLA ama KOSOVO LIBRATION ARMY.maxaa loo odhan waayey ALBAANIYA LIBRATION ARMY?,,,,,1000 tusaale oo kalena wax ku qaaadan maysaan awawgiin la solye,,,,ujeeddadu waxa weeye,dhulkaasi waxaa loo yaqaan KOSOVO dadkuna waa albaaniyiin EE SAA ULA SOCDA!!!
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
salaamu caleykum,
To:Horseed,
maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaa,NIN BA MEESHA BUGTAA,BALBASHA.soomaalidu way ku shaqaysataaqabyaaladda,mase muujiso in ay magac qabiil ku adeeg sanayso,taas waxaa markhaati u ah ururada siyaasaseed ee maanta jira dhammaantood waa qabiillo(qolooyin)magac cusub la baxday,markaa adigana waxay doonayaan in aad magac cusub la baxdo oo aad xaraf G-da wax yar ka badasho.waxaad arki doontaa nimankan ku canaanaya oo dhammaan si fiican sacabka u garaacaya!.
runta haddii aan sheego magaca OGADENIA waa ku qornaa khariidadii(map)gumeysiga ee Geeska Africa.maantase wadamada Carabta oo qudh ah ayaa ku qora khariidooyinka ay soo saaraan.
slm
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Assallssmun Calaykum,
Marka hore saaxiib waxaad isula baxday Ismalure? Dadka oranayaan ninku maba ahaa nin halgami kara oo heeryo gummeysi iska dulqaadi kara . Ta kale looma baahna ama ma ha mid lagama maarmaan in shacbigu wada fahmaa ujeeddada halganka ama wada galaa dagaalka xornimadoonka loogu jiro. Dagaaladii xornimadoonka ee Soomaliya waxaa jireen koox ama qabaa'il la jiray gummeystayaashii Ingiri iyo Talyaaniga . Waxaa un loo baahan yahay in ay dalka ka dhashaan dad xaq u dirir ah.
Magaca assalkiisu (root) wuxuu ka yimid qabiil soomaaliyeed waa Ogaadeen (Ogaden) oo ah muwaadhiniin aanan suaali ka jirin.Waxaa kaloo adiga Ismalure aad ogtahay haddaad taariikhta wax ka taqaanid ka hor intaan qabiilkaasi Ogaadeenya laga xaaqin uu u badnaa marka loo eego qabiilo; walaalihiis,adeeradii,awoow....,. Ismalure, mar baan akhrinayey taariikheed oo uu qoray nin la yiraahdo I.W. Lowis waxaan arkay inay soomaalidu meel keliye ka soo jeedo (geneaologically)ilaa Agil- irir-. Haddaba,maxay tahay dhibaatada ku jirtaa haddaan la baxo ama aan isku magacaabo isimka walaalkay ama adeerkay ama awoowgay...Waxaan mar dhegaysanayay wareysi BBCdu la yeelaneysay Dr. Abdulmajiib Danjiraha Itoobiya ee Unada -Kaasso magaca Itoobiya ka doorbiday ka Ogaadeeya. Sababtoo ah ayuu yiri magaca itoobiya wuxuu ka yimi eray Giriig ah dadkii madoobaa,sayid Bilaalna wuxuu ahaa nin itoobiya ah.BBCdu maxay u weydiin weysay dadka uu ka dhashay odagii Ogaadeeya.
Aniga waxay i la tahay in qabiilka Ogaadeen ay yihiin deeqsi sababtoo ah w3axay siiyeen qabiilada kale ;adeeradooda ...magaca inta ka hartay (ia,ya ama ogaden iyo that is nice isn't pz).Hey ,Ismalure waa dhoweed waxaan maqlayey dadka soomaaliyeed ee reer gabooye oo leh ; soomaali maryooley, eji,ilxayiig,bal magac walba isu bixiya : magac dhul oo dhan qaata (Soomaliland ) magac jiho oo dhan qaata (Somaali koofur woqooyi) magac geed udgoon (Puntland) magac wabi (jubbaland) iyo kuwa kale ee iminka soo socda ,) waa wada kooyto dhulkaasi waxaa iska leh Gabooye.Kuwa leh waxaan magacan(ogaadeeya ) u qaadanay si aanan naloogu khaldamin meel ay ku dagaalamayaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo adduunka noo aqoonsado oo maxaa (East Timoor) loogu khaldi waayay (West Timor) . Ismalure magaca waa magac wanaagsan oo qadiim ah ay dhinteen dad soomaaliyeed ee ka tirsan ka qabiil kasta ee soomaaliyeeed qoys kasta ee soomaaliyeed waa magac ka taagan Qabiilka Ogaadeen iyo qabiilada kale ee Soomaaliyeed.ONLF waxay xornimo dal gaarsiin karta hadday soo jiitaan jacaylka inta badan muwaadhiniinta Ogaadeeya,Jabhadu waa in aayan wax dhibaato u geysanin shacbiga soomaaliyeed ee aagaasi degan xukuumad iyo rayidba ; waa habkii ama siyaasadihii xornimodoon ee kulubkii SYL.
Iga raali ahaada haddaan u ekaado garsoorihii ka darna .Waad xusuusataa doqomadii isku haystay wax aayan fara ku haynin iyo garsoorihii ka doqonsanaa oo malabkii uu sitay iska qubay si uu u tusaaleeyo inay wada khaldanyihiin.
Mahadsanidiin,
Sharmarke
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Walaalayaaloow wax laga xishoodo ayaa jira waliba hadalkaygani wuxuu si khaas ah u khuseeyaa SOMALIDA XORTA AH ee konfur ama waqooyi ama bari ama qurbaha joogta. ballan baa jiray ahayd in haddaan somali nahay aan shanteena qayboodba xoraysano ee ha ka bixina.anaga reer OGADENIA wali waxaan ku taaganahay ballankaas waanad nooga baxdeen. marka mid akle oo ka sii fool xun ha ku darsanina taas oo ah in aad xabashi nooga hiilisaan idinkoo nagu furaya mawduucyadan oo kale sida OGADENIA MAXAA LA YIDHAA?,? midna ogaada ONLF idinaka u baahane idiinma baahna,dadkeeda ayey ku tiirsan tahay,,,guushana waxaa leh amrwalba dadka dhulka leh.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Dadka bunbuniya magaca ogadenya wa dad an weligood arkin mase ka iman somaligalbed. Dadka leh dhulkas ogadenya ba layirahda wa dad ka dhashay qabilka ogadenya lakin ku dhasheen somalia. Marka bal beenta ska daya ogadenya waxa loyaqan gobolada hose ee somaligalbed oo dhan loma yaqaan. Hadad tagtid jigjiga maqli meysid ereyga ogadenya, qof ba laga yabo inu ku yirahdo ogadenya ban usocda macnehed konfur somaligalbed ayan usocda. Tan labad ONLF maha qoxda ka jirto keliya waxa jirto sida GLF(gurguraLF) iyo ILF(IsaLF) iyo koxa kale. Marka dadka wada ereyga ogadenya wa qaxotida ka yimid somalia weligodna arkin somaligalbed, ogadenka joga dibada badankoda wa kuwa udhasha somalia marka sidas darted dibada keliya ayad ka maqaleysa daka leh ogadenya ba layirahda dhulka.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Saalax Jigjigada aad sheegayso ONLF baa u halganta
No score for this post
October 31 2002, 10:04 PM
Saalaxoow markaan Galbeed la baxnana Sii-galbeed la bax,haddaan OGADENIA la baxnana Kililka 5aad la bax,,,,,wax ma kuu sheegaa koley sheekadaadu waa tii la odhan jiray Dhibkana adiga ha kugu dhaco dheeftana waan kula qaybsan,,hadda ONLF waxaan ahayn oo qaddiyaddan u dagaalama ma jiro ama gurgure sheeg ama giigiire sheeg kow dheh,,marka anagaa idiin soo xoraynayna dhulkan,,waanad dagtaan oo cidna idiinma diidana 2 dheh ee waxaad yeeshaan uun amaan ha la idinka helo. iska qayila idinku. laakiin ilaahay baan ku dhaartay wiilka aad xabashi u dhiibtaan inaan la idinka hadhayn,,,waa la idinkala xisaabtami.khiyaaliga ka bax
HORSEED
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
salaam saalax sxb waxaan umalaynayaa inaa laguu sheegay waxaan jirin waa yo dee adigu maba tihid mid ushashay reer ogaden waayo waxaaan kagaranayaa hadalkaaga ogadeya waa dhaulka uadhexeeya ayshica ,mooyaale ilaa feer feer waxaana degena dad wayne reer ogaadeenya ah aslkoodu soomaali yahay markaas intaa gobol ee u dhsaxaysa dhulkaas aan soo sheegay waxaa uhalgama halgamayaasha ku magac dheer ONLF mida suurta galna maaha in nin ka yimid Awaare ama meel kale oo kasii foog uu kadagalamo mooyaale
HADABA WAA SU AALEH MAADIGAA XABADA KA RIDAYA HADAYSAN AHAYN QABIILKII DEGENAA KUNA KALSOON REER OGAADEENYA NIMADOODA?
HADAAD SHEEGTAY INAY JIRAAN JAHBADO KALE MAJIRAN HADAY JIRI LAHAAYEENNA WAAN SOO DHAWAYN LAHAYN LAAKIINSE MABA JIRAN
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
EEBE amar kiisa ayeey wax kastaaba ku socdaan oo waxaan ilahay qadarin marnaba cid la kulmaysaa majirto sidaas dareedeed ILLAAH ayan qorin in mudadii la soo dhaafay aynaxoriyadooda qaadan reer ogaden tan ay gumaysiga ugu gacann galeena waxay ahayd uun EEBE amar kiisa hadana waxay rajaynayaan inay kabaxaan waligoodna siday uga bixi lahaayeen kamaysan daal.
mida kale magaca ogaden wa mid sida ay dhigayaan tariikhda dunidu ka da'wayn magacyada geska iyo bariga afrikaba loo yaqaano sida tanzaaniya(zenzibar yauu lajiraa),itoobiya(absiiniyaayuu la qarni yahay) halkan kuma soo koobi karo runtii taariikhda magacaase, waxaa kale oo ay taariikhdu dhigtaa in wakhtigii navigation ka ay ninma portugues ah ay yimaadeen dabadeedna ay magacaas iyo map ka ogadenyaba ay wadan koodi kula noqdeen
intaas haygaga ahato
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
walaal intaadan hadlin maad yara akhrisid Tariqda, waqtiga ha iska qadin, dhulkaas dadbaa leh una halgamayo ama dee dhinac ka gal ama dantaada ka raac.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.