November 13 2002 at 10:54 PM No score for this post
(no login)
sida la wada ogsoonyahay shirka dib u heshiisiinta ee eldoret waxa ku sugan dhamaan hogaamiyayaasha kooxaha soomaalida badankood
dhmaantoodna waxa ay ku yimaadeen casuumaad ay igad u dirtay
hadaba waxa is waydiin mudan JAMAC CALI JAMAC waxa uu ku yimid casuumaad loo diray
hase yeeshee waxa mar kasta fiirsnayay oo ka soo horjeeday COL.C/LAHI YUSUF waxana kornaylku uu ku hanjabayay hadaan jaamac laga saarin waan ka baxayaa
shirka waxana horay loo saxiixay in wajigii koobaad lagu heshiiyay
marka su,aashu waxa ay tahay maxuu kornaylku u daba joogaa jamac cali jamac waa su aal qof kasta is waydiin karo
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Aniga iima lakaso keeyaan J Ali Jamac iyo Abdulahi Yusuf. Waxaana ahay Reer nugaal lakiin waxaa i matalikaro haday noqoto labadooda:
Abdulahi yusuf
Jamac Ali Jamac Wuxuu xaq ku leeyahay Qanyare Bare Hiiraale iyo Caato.
Jamac Ali Jamac miyaanu Ogayn inuu Qanyare Yahay ninkii hortaagnaa in shirka Somalida lagu qabto Bossaso? Waxaa jawaabta ka Sugayaa Taageerayaasha Jamac Ali Jamac.
Waxaan hadalkayga ku soogabagabaynayaa Kama suurawdo taasi Abdulahi Yusuf.
Nabaday
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Walalayaa Bal,aqri oraal kaan. Runtii qoraalkana waxa uu ka hadlay wax run ah. Waxaan u mahad celinayaa Qoraaga qoray Qoraalkan. Waana runtii nin jecel wanaaga puntland.
mahadsanid.
Jaamacow Yaan Lagu Adeegsan Mar Labaad!!!
Cadowga reer Puntland ciidduu ka badan yahay, waxaana ugu horreeya ururka xaqdarada iyo xaaraanta isku bahaystay ee la magac baxay Carte oo calooshooda u shaqaystayaal ah. Waxaa kaloo soo-raaca Isbahayshiga xoogga ku haysta Kismaanyo oo isugu yeera Walaalaha Galguduud ama Isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu Xasan Bariise ula baxay, waxaana hogaamiye u ah Barre Hiiraale. Waxaa kaloo la ilaawi karin Caato oo caloosha ka neceb jiritaanka reer Puntland, had iyo jeerna jecel jabkooda, asagoon middaan wax qarsoon ka dhigin ee usoo bandhigay cadaawaan marar badan, sidii burburintii shirkii lagu qaban lahaa Bosaso iyo waliba asagoo dab ka shiday oo dagaal ka oogay magaalada Gaalkacyood ee dadka walaalaha ah ay mudda dheer nabad ku wada noolaayeen, Somalida kalana tusaale u noqotay inay nabad kuwada noolaan karaan. Wuxuu shirka Eldoret hogaamiyaasha hortooda ka sheegay in Gaalkacyo xoog lagu haysto, taas oo laga qiyaasi karo meesha cadownimadiisu gaarsiisan tahay.
Waxaa kaloo aan meesha ka maqnayn Qanyare oo aanan garanayn wuxuu ku neceb yahay reer Puntland! Qanyare 1987 wuxuu idaacadda BBC-da ka sheegay mar uu kasoo hor-jeeday jiritaanka Bosaso iyo in shir lagu qabto " Arrey xaan ka doonaa Bosaso qabiilaa dagee, dowladda lagu dhisidoonaana saad Xamar ku keentaan arkidoonaa". waxaan hubaa inuu Qanyare xusuusto erayadaa uusan ka fiirsan ee ka dhacay waqtigaa iyo cadaawadnimada uu dadkaa walaalihiis, Sodogyaashiis iyo waliba seediyaashiis ah u muujiyey!.
Haddaba, dadweynaha waxgarad ka ahow, ururka Carte, walaalkay Jaamac Cali Jamaac waxay u isticmaaleen inay ku kala daadiyaan midnimada reer Puntland, walow aysan u suuroobin sidii ay rabeen oo reer Puntland ayagoo midaysan meel uga wada soo-jeesteen midnimadooda iyo inaan la wax-yeelin wada-dhalashadooda, qoys-qoysna loo kala qoqobin sida ummadda Somaliyeed ee ku nool Koonfurta ee dhiban oo laysaga horkeenay Jilib-Jilib oo dad walaala ah qoryo laysigu dhiibay.
Walaalkay, Jaamac muddo badan buu qiiq isku qarinaayey oo uu lahaa Carte "Iguma shaqaysanayso oo u adeegi maayo" laakiin, nasiib-darro ugu danbayntii wuxuu qirtay inuu ka mid yahay ururkaan danaha dhaqaale iyo mid cadaawadnimo ku bahoobay ee maxaysata ah, aminsan yahayna, lana shaqayn-doono mustaqbalka, taas oo dadweynaha reer Puntland horey u ogaayeen.
Haddaba, maanta waxaa isticmaalaaya walaalkeen Jaamac cadowgii reer Puntland oo raba inay danahooda ku oofsadaan, markay ku fushadaan arimahooda qaabka daran ee ay rabaan inay shirka Eldoret ku carqaladeeyaan ay barxadda hotelka uga dhaqaaqi-doonaan. Ayaandaro wuxuu dhex fadhiyaa oo uu la safan yahay Hiiraale, Qanyare, Caato iyo Carte oo aan hadda sidaas u danaynayn waayo danahoodii baa uga fuliwaaye ama haddaan si kale u iraahdo maanta waxba uma qaban karo, sidaa-daraadeed doonimayaan inay shaqo u dirsadaan.
Waxaa ah wax laga naxo oo laga tiiraanyoodo, waa baaha-nahay baqtiga looma cuno ee maxaa ku khasbay inuu Qanyare maanta u hadlo walaalkay Ina Cali Jaamac? ma illoobay sharaftii, haybaddii, karaamadii iyo nasabnimadii dadkii reer Puntland ee u ka dhashay? Miyuusan ogayn inay xadaarad dheer leeyihiin oo ay lahaan jireen Boqortooyo iyo maamul fac weyn oo muddo dheer soo taxnaa?
Jaamac Cali Jaamacow, darajo kasta oo aad hesho waxa ka wanaagsan magaca ummaddaada oo aad ilaaliso, wax lagu meel-marana magac baa ugu wanaagsan ee indhahaaga fur, fiirina meesha aad fadhido iyo in maalin walba shirka lagaa saaro waa sharaf daro, haddii aad adigu adareemi-weydey anagay nadanqinaysaa, kana dheerow Hiiraale, Qanyare, Caato iyo inta xaasidka u ah Ummadda Somaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.
Cabdulahi waa shaqsi, waana kasoo hor-jeesan kartaa laakiin, yaanay ku adeegsan cadowga dadkaagu, ummaddaadana magac uga tag intaad nooshahay.
Walaal, Jaamac Cali Jaamacow, iga raalinoqo haddaan qoray erayo aadan rabin inaad akhrido ama aad maqasho laakiin, ogow runtu waligeed waa xanuun badan tahaye, ninkii raganimo iyo adkaysi leh baana qaadan kara, kuna qanci kara. Waxaa aan qoray waa xaqiiqdii, waana hubaa inaad sidaas ogtahay.
Raage Jaamac
jamarage@aol.com
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
war jamacow-waxaan talo kuguu soo jeedinayaa,
waa in aad ka wanatoodo madax adeyga aad wadato
aduunkii madax adeygu waa dhamaaday,
waxaada tahay nin weyn,oo waayo arga ah,waana
yaab in maalin walaba askari kiniyaatihi,hilfaha,
kuulaabo,oo shirka banaanka lagaga soo tuuro,sidii
maro,babuura ka dhacadaya ee meesha karamadii ayey ka
qaadeene iskaga-taga walee,xaato&qantare,waxba kuma
tarayaane,puntland ma amtalikarida,oo waxaada tahay
nin aad &aad u jelicisan,ee(HAVE NICE DAY)
Abdullahi yuusuf isgaa raga wax la qeyba sanayee,
dhaf,waa halgamaa somaliyeed,waa ninkii siyaada bare oo
dawlada ah hilfaha u laabay casar dheer,marakaa waxaan ku leeyahay jamac ka buldheh anigu am ahi reer puntland
lakiin waxaan la yaabay sharif-darada kugu dhacaday.
mr jamac your time is over,see you inuk.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
kan puntlander isku sheegaya wali waxaad saarantahay faraskii 1991. war hawiye Jaamac iyo C/llaahi iskuma dirin ee maskaxda aalkolo ku dhaqo oo jeermiska qabiilka ka dil. Tan kale in Yuusuf yey miyaanuu daba dhulif Amxaaro ahayn, Jaamacna waa ninkaas Amxaaro dhaleecaynaya maalin walba. Arinta runta halaga sheego.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Jaamac lacag Carta leedahay lagu dooray,umadda Puntland diiday tiri kuma rabno,Cabdullahi soow ma aha
kii shalay laga saaray Bosaaso ee ahaa gacan ku dhiiglaha,hadii aynu runta u hadalno oo arinta ah
fiqi tolkii kama jana tago aan iska khaafno,labadaba waa banaanka haa loo saaro.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Labadaba waa qoleesto labadaba waa raqiis oo qayma badan ma joogaan,nin horay buu u gatay dadkiisi,aaway ssdf,aaway hantidii Puntland,aawy saxa wanaagii gacanka cadan ee uu sunta ku duugay asagoo taas oga harin kaunkii u keensaday shirkado ajaanib ah waxay ila tahy taas waxaad u taqaan geesinimo,waliba marka gumaadka iyo burcadnimada maatada lagu daro.
Ninka kale wuxuu ku kacay arin la mid ah ti C.hi oo
kama faiidaysan qaladkiisi ee wuxuu kudarsaday doqonimo uu C./qaasin uu u raacay,iyo tala xumo oo Cusmaan Yusuf oo aan waxar lagu aaminin u la taliye ogu noqdo.
Marka isa saar labada oo tuur ee haa is waydiin kee baa ron labada waa su'aal aan mesha ku jirin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaa la,iibsankaraa Jamac Ali Jamac. Waxaa arintaas u dhahay waa sidatan: Waxaan ka mid ahaa dadkii telefoonka ku waraystay dhamaan dadkii ku tartamaya madaxtinimada puntland. Jamac Ali Jamac na waa kamid ahaa. Waxaa kale oo joogay niman badan uu kamid ahaa Sulaad garaase beeldajaha beesha Ali saleebaan.
Su, aashii lawaydiiyey waxaa ka mid ahaa waxaan lagu tuhmayaa carte arintaas maxaa kajira? wuxu sheegay inaan isaga iyo kooxda carte waxba ka dhexeyn. Haba waxaan ognahay waraysigii ugu danbayey ee BBC. Qofkii raba inuu ogaado haka-fiiriyo Waraysii jamac Ali jamac
kii hore iyo kii danbe: (www. qandala.com ). Haba arintu sikastaba ha,ahaatee Jamac Ali jamac Wuxuu qayaamay Dadkii sii isaga oo aan wali meel gaarin.
Hadaan u soo noqdo jawaabtii ahayd jaa lagu shaqaysan karaa? Anigu waxaan qof,ahaan u arkaa Jamac Ali Jamac waa nin lag shaqaysankaro. aan marnaba noqonkarin muraayad puntland.
Wabilaahi towfiiq
Aqri halkan
Gabay ku saabsan Abdiqaasim salaad Boy oo ah ninka ku shaqaysta Jamac Ali Jamac.
Run ahaantii anigu kama soo horjeedin jamac Ali Jamac Lakiin waxaan hada ka soo horjeedaa karti xumadiisa iyo magac xumada uu uga tegay dadkii sida sharfta leh Garoowe ugu doortay. hadaan dhinac kafiirino waxaad moodaa inuu kala garan waayey: Puntland iyo Abdiqasin, mise waayaabe nin wuxuu ahaa damiir laawe ah. Dhinaca kale waxaan u malaynayaa inuu yahay nin danayste ah. oo aana kala aqoon qofka wanaaqiyey iyo qofka xumeeya.
Waxaan tegay puntland waxaan waraystay sida ay u arkaan Reer puntland J. Ali Jamac, waxaa ii cadaatay dadkii shalay isag lasocday baan hada magaca jaamac Ali jaamac maqlikarin.
Nin oday ah oo aan ku waraystay magaalada Qardho.
Wuxuu iyiri:
Waxaa lagu maah maahaa Sadex yay ku hodin.
1 Hogol xagaa
2 Har arooyo
3 Hilaac Basari.
Markii aan ninkii odaga ahaa waydiiyey waxa uu ula jeedo iyo niuu ii micneeyo
1 Hogol xagaa waxaa layiraahdaa Roobka dabayshu wadato oo isaga oo aan di,in dabayshu kaxayso. ninka aan aqoonina waa ku hungoobaa.
2 Har,arooyo. Gofku haduu waaya arag ahayn waxa uu geedka ka kafariistaa dhina qoraxda arootii ka soo baxdo ma,ahe ee dhanka kale. isla markiina qoraxdu waxay u wareegtaa dhanka kale.
3 Hilaac basari waa naagta quruxda badan oo baalida ah.
Ninkaasi wuxuu yiri Jaamac waana hoday lakii looma noqondoono.
Wabilahi Towfiiq
Carays
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
SALAM DHAMANTIIN WALAYAAL.SAL KA DIB.HALKANB WAXAN KU SOO BANDHIGAYAA FIKRADAYDA.
J CALI J IYO C YUSUF WAA LABO QOF OO AAD HORTA U KALA FOG. MARKA SU AASHA AH LABO QOF YAA LA RA CAA AYAN KA JAWABAYAA?
DADKU WA KALA DABEECAD QOF NACAS AH OO AAN WAXNA DILIN WAXNA NOOLAYN.QOFKAAS SHIDO AYU YELANKARAA, MA NEXE AYU NOQONKARAA.LAKIN WAA QOF WAXNA DILA WAXNO NOLEEYA. DILKA IYO NOOLYNTA KAMA WADO WAA ILAHAY O KALE .LAKIN WAXAN KA WAA QOF YACNI WAX KARA. WAX SAMAYN KARA.
QOFNA WAXA LA YIRAAHDAA WAXNA MA DILO WAXNA MA NOLEEYA OO WAA QOF ISKA NOOL BADANAANA WIXI LA YIRAAHDO AYUU SAMEEYA. ABAH SOO DIL HADAD TIRAAHDO HOREY AYU KA SAMAYNAYA.
CABDILAHI YUSUF IYO JAMAC MARKA WA LABADAS QOF OO KALE JAMAC WAA KU SOO DILAYA KALIYA EE WAX KUMA TARAYO. CABDILAAHI LAKIN WAANA KU DILAYAA ISLA MARKAASNA WAA KU NOOLAYNAYAA. MARKAS LABADAAS QOF KII I DILAYA INA NOOLAYNAYA AYAA RAACAYAA ANIGI.
TAN KALE ERGADA PUNTLAND MEESHA SHURUUD AYAY KU TAGTAY TII HADDI LA FULINWAAYANA ERGADU PUNTLAND AYA EXPRESS UGU SOO LABANAYAN SHURUDAAS O AH IN AYSAN LABO PUNTLAND JIRIN EE HAL PUNTLAND JIRTO. MIDI WAA TAAS TANKALE HADI ADER JAMAC LOO NAXARIISAN LAHAN CARTA IYO CAATO AYUU LA SOO SAFAN OO WIXI LA SIIYO WAXBA KUGUMA TARAYO MARKAA JAMAC OO GABIGIISUBA AAN SIYASAD FADHIDA AHAYN MAXAN KU FALAYNAA?
WAXAN KUS OO GABAGABAYNAYAA IN AY DHALINYARADU FAHMAAN SIYAASAD IYO SIDA LA ISKU KHATALYO WAYAAHN SOMALIYA. JAMAC HADDI HDDA XUMNO LA SIIYO CARTA IYO CAATO AYAA COD HADHOW KU HELAYA.- MARKA MAXA FAA IIDO AH BAL KUWA JAMAC WATOOW KA SOO JAWAABA?
MAHADSANIDIN
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxaan caad ku jirin jaamac inuu yahay ninka cadowgaagu kuu adeegsado dadka danaha shisheeye watana ay awrka ku kacsadaan ,waxa xaqiiqa ah jaamac inuusan garan in rag jago ka raadinaya carte ay adeegsadeen kuna korkotameen iyagoo sheeganaya inay puntland gacanta ugu jirto sidaasna Abdiqaasin uu ku gudoonsiiyay Raisal wasaaraha iyo Wasiirka gaashaan dhiga(Hasan Abshir iyo kinkoon)ku waasoo markoodii hore xaqdaro ku heshiiyay markii danbana xaqii isku dagaalay...
jaamac runtii wax aan fadeexo ahyn uma joogo shirka kasocda kenya iyo in lagu maadaysto,qolalka shirka ee eldoret iyagoo aan la furin ayuu siifariistaa mararka qaarkood sida uu kusoo galo iyo meesha uu kasoo galo ayaa lagu qoslaa iyagoo dadka qaarkiis ay yiraahdaan ma jinkii Qardhoodbaa,sikastaba arintu ha ahaatee jaamac Abdulahi qol lama soo fariisan karo anagaaba raali ka ahayntaa iska dhaaf cidkalee waxay meel ka dhac ku tahay maamulka puntland iyo dadkii naftoodii u huray inay dib u helaan hal puntland oo nadiifa.
waa mahadsan tihiin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Jaamac c Jaamac & Cabdulaahi Yusuf sow dad isku qabiil ah maahan
No score for this post
December 1 2002, 11:27 PM
Salaan,waxaan wax ku darsanayaa arrinkan,anigoo aaminsan hadii uu Cabdulaahi Yusuf idiin fiican yahay waa heysaan ee hasii deynina. Ruwaayadaan an in Cabdulaahi yusuf wax dila waxna nooleeya, aniga waxey ila tahay Cabdulaahi Yusuf in uu beesha uu ka dhashay uu dili karo oo uu karbaasho oo uusan xagaa iyo koonfur waligiis u soo hanqal taagin maxaa yeelay waxuu og yahay waxa ka soo horeeya kadib markuu "sizing up" ku sameeyay xoogiisa iyo waxa kasoo bixi karo hadii uu Koonfur u soo dhaqaajiyo amaba isku dayo in uu dhul balaarsi kabaxsan inta beeshiisa dagto sameeyo. Marka Cabdulaahi waxaa ka dhigan kartaan ka dhigto, balse waxaa iga talo ah in aan si indha la'aan ah qof la iska taageerin. Cidna in eey idinkugu timaado maahan hadii aad rabtaan "Noolow Cabdulaahi Noolow ku wardiya". Midse waan qabaa ha u fahminina in uu Jaamac ka karti yar yahay Cabdulaahi Yusuf marka "genocide Scale" lagu istaago, balse sow lagama yaabo in uusan rabin in uu dhiig badan oo dad isla dhashay macno daro ku daato oo sidaas har cad iskaga dhaqaajiyay, mise?
Cabdifataax MPLS Minnesota
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
C/hi Yuusuf waa dictator waana danbiile (no login)
Eexdiiid
No score for this post
December 2 2002, 12:03 AM
Waad Salaaman tihiin mudanayaal/marwooyin
Caddaaladu waa aasaaska nolosha iyo horumarka. Dadkuna waa in aanay u afduubnayn nin keliya iyo dantiisa.
C/hi waa danbiile, gummaad badan geystey Puntland dhexdeeda iyo meelo kaleba. Wuxuuna afduub ku haystaa ummad dhan oo ay ka buuxaan kuwo million jeer ka raganimo badan kana wax qabad fiican. ee maxaa keligii taliyahan aan waxba dadka kale ka soo qaadayn ee ina baabi'inaya aynu ugu sacab tumaynaa.
Mise xaalkeenu waxa weeye tuugga, tuugo kale baanu u haysanaa? Hadday caynkaa tahay, anigu waxaan u arkaa inay ka dhigan tahay ayaatiinkii ummada waxaanu ka door bidnay, meel marinta dhiigyacab keligii taliya ah dantiisa.
Haddii xal la doonayo. C/llaahi Yuusuf waa in maxakamad la soo taago oo lala xisaabtamo.
Waa in wax-garadka, isamada, siyaasiyiinta, culimada iyo dhammaan qaybaha bulshadu ay dib u eegaan masiirka Puntland.
Waa in aynu ka midaysanahay arrimahan oo meel looga soo wada jeedo danta guud iyo horumarka Punland. taasina waxa keliya oo aynu ku gaadhi karaa oo isku duubnideena keenaysa, marka aynu
"Denbiga uu galo qof, mansab kasta ha hayee, lagula xisaabtamayo, iyada oo aan loo eegayn reer iyo magac uu leeyahaytoona"
Caddaaladdu waa muftaaxa horumarka.
Waad mahadsan tihiin
Eexdiid
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Hadii cid Marjeertten ahi wax helayso waxaa xaq u leh Abdulahi haday yan helina lamaba helin
lakiin ninka U istaagikara majeerteen ama cad kooda u qalma maa Abdulahi yusuf.
mahadsanid
Caynaanka hay iyo ducaa loocimaamaday.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Adigu majeerteen iyo C/llahi Yusuf waxaad dooratay C/llahi Yuusuf. Taasina kama turjumayso masiirka majeerteen. Waxaan ka hadlayo waa masiir ummadeed ee ma ah masiir nin keliya.
Markaa waxaan ku leeyahay walaal gondahaaga ha eegine, meel fog wax ka eeg.
Waxaa meela badan laga qoarey in qaraxii kenya uu kadanbeeyey Abdiqaasim Salaad Boy.
Shalay waxaa maqaalak layiraahdo The Times qoray labadii madfac waxaa laga keenay Mugadhisho (Abdiqasim)
Waxaa ilaahay Abdiqaasim ku saladay ninman ka Awoodway aana u naxay taasina waa dulmigii uu ka galay dadka Somalida.
Kismaayo
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Jamac Ali Jamaco ka har Abdiqaasim Hadii kale waxaa galaysaa liiska Argagixisada.
Marqaantigiina waa kan.
NAIROBI - De VS verdenken een Somalische organisatie van betrokkenheid bij 'Mombasa'. Daarover bestaat in Oost-Afrika allerminst consensus. Wél zeker lijkt intussen dat landen in de regio makkelijke doelwitten zijn voor terreurgroepen.
e-mail dit artikel
printversie
meer over dit onderwerp
nieuwsbrieven
Somalië ontbeert al meer dan tien jaar een centrale regering
Somalië, het regeringsloze land in de Hoorn van Afrika, wordt opnieuw verdacht van betrokkenheid bij het wereldwijde terrorisme. De aanslagen van vorige week in het Keniaanse Mombasa zijn volgens de Verenigde Staten mogelijk het werk van de radicale islamitische organisatie al-Itihad al-Islamiya, die vanuit diverse kampen zou opereren.
Na de aanslagen vorig jaar in New York en Washington plaatsten de VS al-Itihad al op de lijst van verdachte organisaties. Geruime tijd was sprake van een vergeldingsaanval op strategische plaatsen in Somalië. Het buurland Ethiopië zou hierbij steun kunnen verlenen. De bewijsvoering tegen al-Itihad kwam echter niet rond.
Deze week zullen de president van Kenia, Daniel arap Moi, en de premier van Ethiopië, Meles Zenawi, naar Washington vliegen om met president Bush de veiligheidssituatie in Oost-Afrika en de Hoorn van Afrika te bespreken. Beide landen delen met Somalië zeer lange grenzen.
In de jaren negentig deed al-Itihad van zich spreken met onder meer aanslagen in Ethiopië en de ontvoering daar van ontwikkelingswerkers. Volgens kenners is de organisatie daarna echter een sluimerend bestaan gaan leiden. Banden tussen al-Itihad en het al-Qa'ida netwerk van Osama bin Laden zijn nooit overtuigend aangetoond.
Eind november is echter gewaarschuwd voor nieuwe activiteiten van de radicale islamitische beweging. Zo zou al-Itihad strijders ronselen in vluchtelingenkampen in het noorden van Kenia. Na de aanslagen in Mombasa zijn vier Somaliërs gearresteerd. Zes Pakistanen die eveneens zijn vastgezet, zouden hun paspoort hebben gekregen in de Somalische hoofdstad Mogadishu, waar evenwel geen Pakistaanse diplomatieke missie bestaat.
'In het pantheon van het wereldwijde islamitische radicalisme is al-Itihad onbelangrijk', zo meent de Amerikaanse wetenschapper Ken Menkhaus.
De politie in Kenia heeft zondag nog verklaard dat zij geen bewijzen had die duiden op banden tussen de gearresteerde Somaliërs en al-Itihad danwel Al Qa'ida. Ook Abdulkadir Yahya Ali, lid van een onafhankelijke Somalische onderzoeksinstantie, sprak zijn verbazing uit over de beschuldiging aan het adres van al-Itihad, die werd geuit door een anonieme Amerikaanse regeringsfunctionaris.
Andere kenners wijzen er echter op dat sommige verdachten van de bomaanslagen op de Amerikaanse ambassades in Kenia en Tanzania, in augustus 1998, mogelijk zowel met al-Itihad als al-Qa'ida betrekkingen onderhielden. Oost-Afrikaanse landen als Kenia zouden voor de terreurnetwerken gemakkelijke doelen zijn.
Somalië zit al meer dan tien jaar zonder centrale regering. In 2000 kwam het tot de vorming van de TNG, een overgangsregering. Deze heeft landelijk en internationaal echter nauwelijks erkenning en bezit feitelijk slechts de macht in delen van Mogadishu.
Niettemin heeft de premier van de TNG, Hassan Abshir Farah, opgeroepen 'als regio en internationale gemeenschap samen te werken om terreurgroepen, waar zij zich ook bevinden, te ontmantelen.' Zijn vice-premier, Osman Jama, voegde eraan toe niet te kunnen geloven dat al-Itihad in Somalië actief is.
Na de aanslagen in New York en Washington hebben de Verenigde Staten en bondgenoten als Groot-Brittannië en Duitsland hun patrouilles voor de kust van Somalië opgevoerd. De VS hebben daarnaast Djibouti, een buurland van Somalië, gekozen als het commandocentrum voor de Hoorn van Afrika. In Djibouti zijn binnenkort zo'n 1.200 Amerikaanse militairen actief.
De Amerikaanse waakzaamheid ten aanzien van Somalië kan niet losgezien worden van het fiasco dat de VS in het land kenden toen zij in het begin van de jaren negentig militair deelnamen aan een internationale hulpactie, die was bedoeld om hongersnood in Somalië te lenigen. Bij een poging de Somalische krijsheer Mohamed Aideed uit te schakelen, kwamen diverse Amerikaanse soldaten om het leven.
NIEUWS BUITENLAND
AEL-leider Abou Jahjah weer vrijgelaten
Bush: Iraakse houding bij inspecties 'niet bemoedigend'
Australië wil ook in buitenland jagen op terroristen
Oorzaken van 'Duitse ziekte' zitten diep
'Iraks burgers leven voortdurend in angst'
Terrorisme Oost-Afrika in nevelen gehuld
Londen en Parijs eens over Sangatte
Middellandse Zee, massagraf van migranten
'Vrienden' manen N-Korea tot kalmte
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.