November 15 2002 at 1:53 PM No score for this post
Puntlander (no login)
Sheekh Cumar Faaruuq-baa wuxuu qabtay muxaadaro, wuxuu kaga hadlay guurka iyo arimo la xiriira.
Shiikhii siduu muxaadaradii u waday ayuu yiri waa xaaraan in gabdha lala baxo.
Muxaadaradii markay dhamaatay ayaa CaLi-Dheere yiri aniga iyo Cumar Faaruuq xamar wada joogimayno gar iyo gardaro ee kutubta ha soo qaato.
Waxaa loo sameeyey ballan, Sh Cali wuxuu soo kaxaystay 30 mooryaan ah oo hubaysan Sh. Cumar Faaruuqna wuxuu soo qaatay soddon kitaab.
Sh. Cumar Faaruuq markii uu golihii yimi mise goluhu waa hubaysan yahay, waxaa intaa dheeraa saddex nin ayaa wejigiisa la soo fariisiyey oo qoryihii ay wateen ayey afkooda ku beegeen halkii Sh. Cumar fadhiyey.
Shiikh Cumar Faaruuq yaab kale iyo cabsi ayaa soo foodsaartay.
Sh. Cumar inuur kutubtii is dulsaaray ayuu ka sheekeeyey sheeko laba nin dhex martay oo sidan u dhacday:
Nin wadaad ah ayaa magaalo keligii ka joogay wax wadaada ah, wuxuu ahaa nin aad u luuq wanaagsan oo si fiican u yaqaan mawliidka, quraankana yaqaan. Maalintii danbe ayaa wadaad kale oo socoto ah kana yimi xagaa iyo galbeed hase yeeshee aan aqoon mawliidka laakiin yaqaana quraan, axkaamta iyo axaadiista ayaa magaaladii yimi.
Waxay ahayd ramadaan, sida caadada ah makhaayadaha waxaa laga qaadaa shlaadka nebiga ama cilmi kale ayaa lagu soo jeedaa habeenkii ilaa suxuurta.
Wadaadkii socotada ahaa ayaa waxaa habeenkii danbe marti qaadaay makhaayad ka mid ah makhaayadihii uu kaltanka ka geli jiray wadaadka rugbariga ahi.
Wadaadkii wuxuu u saaray dadkii axaadiis, tafsiir iyo siiradii Nabiga iyo asxaabta.
Maalintii danbe ayey dadkii magaaladu isu sheegeen oo yiraahdeen waxaanu aragnay wax aynu horay u aragnay maaha.
Habeenkii danbe ayaa dadkii magaaladu isugu soo dulaamay dhinicii makhaayadii wadaadka so galootiga ah. waxaa meeshii ku cidlooday wadaadkii rugbariga ahaa oo dadka hadiyo gooraale shalaad aanay fahmayn kaga dhawaajin jiray, taas oo keení jirtay in dadku haraadaan oo shaah badan caban.
Habeenkii sadexaad ayaa wadaadkii rug bariga ahaa wuxuu soo qaatay qool (xarig qoolan) iyo tooray markaasbuu dadkii iska soo raacay oo soo ag fariistay wadaadkii magaalada ku martida ahaa.
Markii ay bilaabmi lahayd akhrisku buu wadaadkii geltiga ahaa kitaab hortiisa yaalay u durjiyéy dhinacaa iyo wadaadkii rugbariga ahaa oo uu arkay inaanay xaaladiisu caadi ahayn.
Mushkilada jirtaana illeen wadaadkan rugbariga ah maba fahmayo kitaabkan iyo waxa uu ku saabsan ayahayba, markaas buu intuu iska soo durjiyey ku yiri maya sheekh adiga ayaa inoo wadaya, cabaar markii kitaabkii wareega cadaysi ku jiray ee riix riixu batay ayuu wadaadkii soogalootiga ahaa oo isha ka eegaya qoolka iyo tooreeyda wuxuu ka codsaday inuu soo saaro itaabka mawliidka ah oo gosha ugu jiray Rugfadhiga.
Wadaadku weligii ma akhriyin maowliid markaas buu isku dayey inuu akhriyo hase yeeshee inkasta oo xarfaha kicintooda uu ku fiicnaa hadan uguma dheeraynayn sidii ninka kale.
Halkaa waxaa ka cadaatay in labada nin uu xariifsan yahay ninkii hore.
Shiikh Cumar wuxuu waqtigii ku dhameeyey sheekadaa ugu danbayna kutubtii wuxuu u durjiyey dhinacaa iyo Cali dheere intii ikhwaanow iyo ikhwaanaw la islahaa baa waqtigii dhamaaday oo salaadi soo gashay dabadeedna markii salaadii la tukaday ayaa Sh. Cumar ka baxay albaabka dhiciisa kale oo Cabdilqasim gurigiisa galay.
Waa sheeko ay rumaynayeen ilaahay baa laakiin arintan sheekh Cumar Faaruuq uunbaa ka warami kara sida ay u dhacday ama qof goobjoog ahaa.
Fadlan run noo sheeg sida sheekadan ku dhacday.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Ugu horreyn adiga yaa diinta ku baray dhaqanba uma lihide tan labaad somaliya maanta cilmi waxa leh kan ugu aqoonta gaaban, marka waxba yaan culimada runtaa loo gafin. Macassalama,
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Saalax ma runtaad diidi, waxaas waa waxa inaga dhigay qaxootiga. Hal arin qabso somalia way ka baxaysaa dhibka waqti kasta ha qaadato, ninna wuxuu gaystay loo dhaafimaayo. Xamar ama somalia qabiil waliba xaafadii u qabsaday isagaa loo raacayaa wixii khaaro ah oo ka dhacay. wadaadan iyaga laftoodu dhibka ayey dhinac kaga jireen oo xukun doon bay ahaayeen laakiin ilaahay xaqii ma tusin dadkuna wuxuu yiraahdaa (labada xaqdarada ku heshiisaa xaqay ku coloobaan) marka maxaad u diidi xataa wadaadadu inay mooryaan yihiin waxna ku heshiin karin marka ay dalkii joogan.
Ilaahay xaqa ha idin tuso hana idin soo hanuuniyo aamin
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Walaal adigu dib isugu noqo, culimada waxa ka qaldan waa la sheegayaa oo hadii aan sidaa la samayn waxaa soo baxaya dad ku adeegta diinta, markaa ninkii madaxa duubtaba ma waxaynu oranaynaa war daaya waa cuma'e.
Midda kale Cali Dheere miyaanu ahayn (goob joog ma ahayn laakin waa sida la rumeeyey) kuwii dadka gacmaha goynayey, hada waxaad oran doontaa waa shareeco. War been yaan la sheegin Cli Dheere afarta koone gurigiisa waxaa ka xiga hanti masaakiintoodii la laayey ama laga bara kiciyey, midda kale goormaa lagu xukumi karaa qofka diinta islaamka?
Waxaa lagu xukumi karaa marka qofku uu helo tashiilaadkii uu ku lahaa dawladaa islaamka ah, waa amnigiisa, shaqadiisa, suuro gal noqoto inuu ka maarmi karo tuugo, Zino iwm.
Maxaad uga hadli wayday mise waxaad tahay kuwa il qabiil ku eegaya waxa ay kuusoo xero geliyaan.
War isla yaaba oo intaas oo qof oo masaakiinaa maalin kasta u dhimata caqli xumo, khilaaf, dano gaara mansab raadin, magac doon, qabiil u dirir, xaq daro iwm. ogaw wax dhimanayaa dadkii soomaaliyeed marka aan kuwaa u hiilin waayo uma hiilinayo nin caloooooool waaaaaaay oo magacyo sheegta, culimada aad sheegayso qaarbaa xalaaleeynayey hantida dadka masaakiinta ah arintaana waxaan u hayaa daliil cad oo aan goob joog u ahaa saaxxiiiiiil
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.