Assalaamu caleykum,
Sidaan wada ogsoonahay dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii sokeeye iyo burburkii qaranka,waxay si xun u taabatay haweenka iyo caruurta.Sidaas darteed,gabaygan hoos ku qoran waxa uu ka hadlayaa,Hooyada Soomaaliyeed waxa ay ka sugayso shirka ka socda Eldoret iyo sida ay ugu hanweyn tahay in lagu heshiiyo shirkaas,kana dhalato dowlad wartarleh oo ay calankeeda ku hoos nasato,kuna illowdo wixii daal iyo dar-xumo soo gaadhay 12kii sano ee qarankeennu dhulka jiifay.waanakan gabaygii:
Haddaan hooyadiin ahay ducaan,hooya leeyahay,e
Hubaal weeye Soomaaliyeey,Hoog wixii dhacaye,
Qabiil baa halbowlaha jiroo,Hiratay laabtiiye,
Horaan ugu gablamay maalintaad,Ku Hamiyeyseene,
Halyey-yaal a yuu iga diliyo,Geesi la huraynne,
Halisbaan ku galay kaa ,Markaad gebi heesteene,
Hagar-daamo iyo ciil ayaan,Hiiq la leeyahaye!,
Hafeeftii xanuun kuu wadnuhu,Haw i leeyahaye,
Hubka tuura Soomaaliyeey,Nabadna soo hooya,
Hadh qabow inaan jiifsadaan,Hooyo niga dooni!.
Calankeenna horay loo helee,Howdka lagu tuuray,
Hinjiyoo hareeraha kamara,Hadafna qiimeeya,
Hoggaan wacan ayaan doonayaa,Oo howsha sii wada,e,
Huga sharafta qaatoo,Ragow nabadda soo hooya,
Haddii kale hablaha sii oo,Haraga noo keena!,
Gambo soo huwada oo ragow,Soo hilqado qaata,
Hambalyana u soo dira haween,Howshana udaaya,
Haddii kale horseed noo noqdoo,Fuliya showshiinna,
Hadh qabow inaan jiifsadaan Hooyo niga dooni.
Hal waraabe haaligay ragow,Haadna ku casheeyey,
Nin hadhuub usoo qaatay,Oo waliba haaneedi,
Hal-xidhaale weeye iyo ragow,Hoga tusaalaynne,
Hanti raadis kii ahi,Ayuu hibo ku noolaanin,
Wadku howyimaaddo,Oo habeen wadhaf hasii qaado!,
Haku hoydo Aakhiro ninkaan,Hadafka guud eegin,
Habaar waalid weeye wadnaha,Dhiig halaga waayo,
Haba waasho kii diidan,Inaan dibu walaalowno.
Hadaan hooyadiin ahay ducaan,Hooya leeyahaye,
Qabiilbaa halbowlaha jaray,Oo hiratay laabtiiye,
Horaan ugu gablamay maalintaad,Ku hamiyeyseene,
Halyeyaal ayuu iga diliyo,Hanad an quudheynne,
Halisbaan ku galaykaa markaad,Gebi u heesteene,
Harraadkii ma hadhinoo cidlaan,Heetiyaa weliye,
Hagar-daado iyo ciil ayaan,Hiiq la leeyahaye,
Hafeeftii xanuun kuu wadnuhu,How ileeyahaye,
Haddaan hooyadiin ahay,Ducaan hooya leeyahaye,
Hawadii dhulkeennaan rabaa,Inaan ku Hoydaaye.
Nimanyahow horseed noo noqdoo,Howdka naga saara,
Hubka daadsha Soomaaliyeey,Nabadna soo hooya,
Hadh qabow inaan jiifsadaan,Hooyo niga dooni.
|