DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Jawaab- Sool iyo Sanaag Yaa leh(Qabtii 1-aad: Sanaag iyo Somaliland)

November 27 2002 at 9:31 PM
No score for this post
  (no login)

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Tana waa arrin kale ama dhambaal ay soo direen odayaal dhaqameedka beesha sanaag Bari(Warsengali) oo ay ku taageerayaan Xisbi kamid ah xisbiyadda somaliland oo layidhaahdo UDUB, kaas oo ah ka hadda talada xukuumadda haya, inkasta oo xisbiyo kale kula tartamayaan sidii ay u hanan lahaayeen kalsoonidda dadka degan goboladda somaliland, waxaase muuqda in beeshaas kor ku xusani ay sheegtay in ay iyaddu taageerayso xisbiga talada hadda haye ee UDUB layiraahdo, kaas oo Mr Maxamed Saciid Gees oo ah wasiirka arrimaha dibedda ee soomaaliland, kana mid ah xisbigan udub uu aad ugu ololeynayo sidii uu xisbigiisu taageero buuxda uga heli lahaa dhamaan degmooyinka ka tirsan gobolka sanaag qabtiisa bari oo ay degan yihiin degaan ahaan beesha uu ka soo jeedo.

Talabaad waxa weeye, in ay beesha Sanaag Bari(Warsengali) ay xataa sheegeen in ay dhamaan xisbiyadda ka dhisan somaliland ay ka furan karaan xafiisyo degmeed, iyo waliba wakiilo ay ku leeyihiin dhamaan degmooyinka ay degaan beesha warsengali, waxa waliba soo raaca in madax-dhaqameedyadda beeshani ay casuumad u direen wiigii hore madaxweyne riyaale iyo madaxda xisbigiisa(UDUB), cumar carte iyo madaxda kale ee ku jirta xisbiga(HORMUUD) uu isagu horkacayo iyo waliba ahmed siilaanyo iyo madaxda kale ee kula xulufaysan xisbiga(KULMIYE) uu isagu musharaxa uyahay oo dhamaantood lagu casuumay in ay yimaadaan carri warsengali iyo bariga sanaag si ay uka campaign-gareeyaan! doorashadda laga qabanayo dalka oo dhan!.

Ta ugu dambaysaa waxa weeye, in aan idiin soo gudbiyo intiina jecel inay ogaadaan xaqiiqta dhabta ah ee ka jirta sanaag bari(carri warsengali) iyo sida uu uqabo in uu yahay dad ka mid bulshaweynta somaliland, sidaa iyo akhriswacan iyo doodfuran.

Mahadsanidiin,
Ibraahin Hussein.


***************************

Cuqaal iyo Aqoonyahano Beesha Warsangali ah oo kalsoonidii kula soo noqday ururka Udub.
Nov 26, 2002 -Jamhuuriya(Lon)
Posted by:Welli

Xubno ka kooban Cuqaal iyo Aqoonyahano ka tirsan beesha Warsangali ee deegaanka bariga gobolka Sanaag ayaa sheegay in beeshoodu ka noqotay go'aan ay dhawaan kaga noqdeen kalsoonidii ay u hayeen ururka Udub.
Xubnahaas waxay sidaa ku cadeeyeeen bayaan ay soo saareen iyagoo jooga Ceerigaabo,"waxaanu ku wargalinaynaa ururka udub in beeshu ka noqotay go,aankii hore ay u qaadatay ka dib markii ay shir ku kulmeen xubno isugu jira Siyaasiyiin, Madaxdhaqameed iyo Aqoonyahayn kale oo ka tirsan beesha Warsangali isla markaana ay soo afjareen khilaafkii u dhaxeeyay beesha iyo maamulka Udub ee Ceerigaabo,kaas oo uu ahaa khalkhal uu masuul ka ahaa xoghayihi hore ee ururka Dr. Cabdi Aw Daahir, ka dib markii si aan sharciga waafaqsanayn uu u tirtiray xubnihii gudiga fulinta ee beesha kaga jiray ururka Udub ee gobolka Sanaag." sidaa waxay ku sheegeen bayaankooda.

Waxa ku saxeexan bayaankan:-
1- Nabadoon Jaamac Carab Cashuur
2- Nabadoon Yaasiin Cali Muuse
3- Nabadoon Cismaan cali Cabdi
4- Guurti Axmed Saalax Xidig.




 

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Jawaab- Sool iyo Sanaag Yaa leh(Qabtii 1-aad: Sanaag iyo Somaliland)
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.