Dhamaantiin Ramadaan Kariim,
Waxaan is idhi in badan, reerkan dhulbahante layidhaahdaa, waa talo seeg, waxaa wax laga naxo ah, in ilaa iyo maalintii somaliland lagu dhawaaqay(1991), aan wali lahelin arrin cad oo looma noqdaan ah, oo beeshani isku raacsan tahay, taas oo ka turjumaysa masiirka iyo aayaha reerkani damacsanyihiin, waxaa mar kale mid laga naxo ah, in aad weli qaybsantihiin, 12-sano kadibna aanay jirin cid tidhaahda anaga ayaa ka jawaabana danta reerka, anagana hanala waydiiyo, taas oo keentay in ay maanta laascaanood iyo degmooyinka ku wareegsan ee beeshu degan tahay ay noqdaan kuwa laysku haysto lahaanshahoodda, maxaa loo layahay wada jir beeleed oo mar uun caddeeya danta guud ee reerku leeyahay!.
Talabaad Waxa ay dad badani is ku maaweeliyaan in ay jiraan rag ka tirsan beesha isaaq oo ku jirra maamulka dowladda ku-meelgaarka ah ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Qayb muqdisho ah ka dhisan, sida ragga la yidhaahdo Cismaan kaluun, yuusuf dheeg, iyo kuwa kaloo badan oo ka tirsan baarlamaanka TNG-ka ee xamar ka jira, waxaanse u sheegi lahaa inta taa moodeysa in beesha isaaq ay ku qaybsan tahay jiritaanka somaliland iyo gooni isu taageeda in ay nimaankaas midkoodna cid reereed matalin, midkoodna uuna kudhicin in ay cagaha soo saaraan hargeysa iyo burco iyo soomaaliland oo dhan, iyagoo kuhadlaya dowlad xamar kadhisan, waxaanan kaloo kuu sheegayaa in nin walba oo ragaas kamid ahi, ay reerka uu yahay iyo waliba lafta uu ka sii yahay ay ku xukuntay in uu galay dambi ah treason amaba yahay shaqsiyanba "A Traitor To The state And The People Of Somaliland!", 3 xabadoodna ay u qorantahay oo siijeed loogu dhufanayo haddii ay hargeysa yimaadaan, ama degmo kamid ah somaliland!, oo ay haddii ay yimaadaan somaliland gacanta laga galinayo maamulka iyo xukuumadda si maxkabad loo soo saaro, taana in talaaba sharci ah laga qaado ragaa qarankooda iibsatay, waxa yar iyo wayn sidaa qaba bulshadda iyo beelaha somaliland, mana ku arkaysid somaliland qof ugu hiilinayaa nimankaa xamar tagay magac reereed oo leh nimankaasu traitors ma aha, waana hubaal looma noqda ah in arrintaasi.
Ta ugu dambaysaana waxa weeye, inaan idiin sheego in kii wasiirka ka ahaa somaliland, ee reerka dhulbahante mataleyay, iyo kii puntland kayimid ee isna wasiirka u ahaa Cabdilaahi yuusuf, ay labaduba ay shaaha ka wada cabayaan laascaanood, haddii ay sool tahay qayb kamid ah goboladda puntland, siday ku dhici kartaa in maalin dhaw madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayaa ay tagi doonaan gobolladda bari ee somaliland ee sool iyo sanaag, gaar ahaan degmadda laascaanood, inta ka horeysa bishan(December) 15-keeda oo ah maalinta loo cayimay doorashadda dowladaha hoose ee somaliland, si uu halkaa ugu olaleeyo xisbigiisa UDUB imanka talada dalka Somaliland haya, halka aynu wada ognahay in cabdilaahi yuusuf oo ah Ninka xukuma maamul goboleedka puntland ay isimadda reer sool u diideen in uu yimaado laascaanood, markale siday ku dhici kartaa in wasiiraddii somaliland ay haadan joogaan laascaanood, marka xiga siday ku dhici kartaa in ay haadan diiwaangelintii doorashadda somaliland ay ka socoto dhamaan degmooyinka gobolka sool, gaar ahaan caasimadda laascaanood, markaloo xiga siday ku dhici kartaa in xafiisyo ay leeyihiin xisbiyadda somaliland ay ka furmaan magaalo madaxda gobolka sool, ugu danbayna maxaa loo la yahay ilmaabtiyaal go-aan reereed oo mar uun lasku halayn karo, taas oo si kamadambays! ah(Finality) soo afjareysa xaqiiqadda wax ku oolka ah ee reerku isla garday.
Waxaanse ku soo gunaanadayaa hadalkaykii, bal yaan lamaqlin bishan 15-keeda ayaa doorashadda dowladda hoose ee jamhuuriyadda somaliland baa ka dhactay gobolka sool gaar-ahaan degmadda laascaanood, oo waliba dadkii degaankaasi ay si wayn ugu soo baxeen, sidii ay ugu codeyn lahaayeen xisbiyadda somaliland ka dhisan, car yaan taa la arkin!, markay taasu dhacdana waxaad lasoo sheego tagi doontaan sool baa puntland ka tirsan! iyo wax raqiis ah oo taa lamid ah.
Waxaan aad u xiisaynayaa oo aan sugaa wa jawaabtiina ku socota su-aalahaa aan idin soo waydiiyey, laakiin fadlan isku daya in aanay cay iyo aflagaado ku jirin turxaanbixintiina.
Mahadsanidiin Dhamaantiin,
Ibraahin.
|