DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

MAXAA HORTAAGAN WARBAAHINTA XORTA AH EE SOOMAALIYEED IN AY CAALAMI NOQDAAN

December 9 2002 at 8:56 AM
No score for this post
Nuur  (no login)

Marka ugu horaysa waxaan salaan u dirayaa warbaahinta xorta ee Soomaaliyeed oo gaarsiiya wararka dalka iyo dibeda daafaha aduunyada taasna waa hurumar ay ku talaabsatay warbaahinta Soomaaliyeed waloow ay jirto duruuf adag iyo marxalad ciriiri ah oo uu dalkeenu marayo hadana dadaal dheer shacabka Soomaaliyeed waxay aduunyadu u qirtay inuu yahay shacab firfircoon oo horumar tiigsanaya inkastoo xaga siyaasada aad uga liito hadana uu sameeyay horumar ka mug weyn guud ahaan qaaradan afrika gaar ahaana uu yahayba shacbka Soomaaliyeed kuwa ugu horeeya geeska afrika dhinac kastoo laga eego xaga isgaarsiinta,caafimaadka,waxbarashada adeega bulshada,waxsoosaarka warshadaha waxa muuqata in guulo laga soo hooyay oo guul u soo hoyatatay shacabka Soomaaliyeed meel kastoo uu ka joogo Soomaaliya min raas kiyambooni ilaa qooriga tojuura.

Waxase aan is waydiinaa oo mawduugaygu ku saabsan yahay halka diiradu saaran tahayna ay tahay maxaa Soomaaliya looga fulin xiriir isgaarsiineed oo xaga Boosta iyo telecomunacation ah waayo ilaa hada ma jirto hayad ka fulisay xiriir Boosta oo caalami ah oo Soomaaliya ku xira aduunyada inteeda kale maxayse u howl geli waayeen xarumihii hore ee isgaarsiinta caalamiga ah maadaama maanta shacabka Soomaaliyeed ku kala firirsan yahay daafaha aduunyada iyo eheladoodii oo wali jooga dalkii hooyo taas ay keenayso baahi ah in la helo isgaarsiin caalami ah oo isku xirta shacbka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo taas waxaa weeye haddii ay haydihii hore ee isgaarsiinta Soomaaliyeed dib loo furi lahaa sida Boostadii dalka iyo isgaarsiintii kale ee teleefoonada ay ka macaashi lahaayeen kuwa hada iyagu la wareegay xilkaas ee hadana aad moodo in laga seexdayba oo baylah tahay wax u soo jeedinaynaa way isgaranaayaan kuwa arimahaas u xilsaaran in ay baylahnimada ay ka saaraan xiriirka isgaarsiinata caalamiga ah ee Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badana loo furo Boostadii dalka iyo in iskaashi lala sameeyo haydaha gaar ahaaneed ee ku hawlan isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan shirkadahaa oo wadani ah qeyb weyna ka qaatay isku xirka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa wax lagu farxo ah heerka ay gaareen shirkadaha warbaahinta Soomaaliyeed gaar ah raadiyada iyo telefihsinada guud ahaan Soomaaliya ka jira gaar ahaana Idaacada iyo telefishanka STN oo suurta galiyay in Soomaalida ka maqlaan toos satalaytka barnaamijyada ka baxaya Muqdisho oo toos taas oo guul weyn ah sidoo kale idaacada iyo raadiyaha Hornafrik ayaa guulo badan ka heshay gudaha Soomaaliya dadaal badan oo lagu amaanan ka qaadatay marxalado adag oo lasoo maray sida dabkii bakaaraha iyo wacyigelintii dadweynaha iyo dadaalkii balaarnaa ee shirkii Carta taasi oo shacabka Soomaaliyeed marna ilaawi doonin ayna shirkad wadani ah waxaanse kula talin lahayn iney dadaalkooda balaariyaan oo gaarsiiyaan warbaahinta Soomaaliyeed daafaha dunida taasi oo ay uga faa'ideysan karaan shacabka dibedaha ku dhaqan oo gacan sii diyaar ula ah haddii shirkaduhu soo gudbiyaan warbaahin Soomaaliyeed oo caalami ah sida dalalka carbta oo kale oo aduunyada oo dhan meel kastoo aad joogto al socon karto waxaan u rajeeynay guul dhamaan warbaahinta Soomaliyeed.

 

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - MAXAA HORTAAGAN WARBAAHINTA XORTA AH EE SOOMAALIYEED IN AY CAALAMI NOQDAAN
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.