Garaado reer Sool ah oo cambaareeyey weerarkii Laascaanood ee lagu qaaday weftigii madaxweyne Rayaale.
**************************************
Laascaanood (Jam)- Afar ka mid ah Isimada waaweyn ee beesha Sool ayaa cambaareeyey weerarkii malleeshiyada Cabdillaahi Yuusuf ku soo qaadeen weftigii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee booqashada ku tegay Laascaanood, 7 December 2002.
Isimadaas oo kala ah; Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, Garaad Ismaaciil Ducaale, Suldaan Siciid Cismaan Cali, iyo Ugaas Cabdillaahi Ciise Nuur, bayaan ay ka soo saareen Laascaanood, December 11 2002, oo ay u kala direen saxaafadda, bayaankaas oo ay ku saxiixnaayeen garaaddadaasi oo Fax nagu soo gaaray xafiiskayaga jamhuuriya ee hargeysa ayaa waxa ay issimaddu ku sheegeen in weerarkaas lagu soo qaaday Laascaanood oo waxyeello u geystay dadka iyo hantidoodaba uu masuul ka yahay maamulka Garoowe, ee uu cabdilaahi yuusuf ka maddaxda yahay.
“Waxaannu bayaanku raaciyey in aan aad iyo aad uga xunahay una tacsiyeynaynaa dhammaan dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay weerarkii lagu soo qaaday magaalada,” ayuu yidhi bayaanka Isimadu soo saareen.
“Sidoo kale, waxaannu aad uga xunahay Isimo iyo shicib-ba saamayntii uu ku yeeshay weerarkaasi booqashadii iyo martigelintii madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa,” ayuu bayaanku raaciyey.
Bayaanka Isimadu waxa uu ugu baaqay shacabka reer Sool in ay nabadgelyada adkeeyaan wixii dambena ay meel uga soo wada jeedaan.
Posted: Khadar Hassan Ali - Jamhuuriya London -
Email: Jamhuuriya@hotmail.com |