Dhamaan Akhristayaasha Sharafta Leh,
Waxa aan halkan idinku soo lifaaqayaa natiijaddii ugu horreysay ee tiradda codbixinta doorashadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar haan gobolka Saaxil, oo iyadda la dhameeyey tiriskeedii, iyo hubintii, inkasta oo aan laku dhawaaqaynin ilaa maxkabadda dastuurigu(Constitutional Court-ku) ay ansixiso in ay sax tahay, kadib marka ay dhagaysato in ay jiraan iyo inkale wax racfaan ah (Appeal) ka qaba oo ah axsaabta (xisbiyadda) natiijaddu ay khusayso, sidaasna waxa balan inoogu ah in aan idiin soo wada gudbiyo natiijadda doorashooyinka marka maxkabaddu ay ansixiso, gaar ahaan natiijooyinka la xidhiidha goboladda Sool, Sanaag, iyo Degmadda Buuhoodle, oo aan hubo in dad badani ay aad u xiisaynaysaan, si ay u ogaataan inta ay le-egtahay huu-haata ah Goboladda Sool, Sanaag Iyo Degmadda Buuhoodle ayaa ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, sidaa daraateedna wax doorasha ah kama ayna dhicin goboladaas iyo degmadaas, taas oo ah arrin xaqiiqadda aad uga fog, hase ahaatee natiijadda ayaa si qeexan hoosta uga xariiqi doonta sida wacdaraha leh ee taariikhiga ah ee wax uga dhaceen dhamaan inta Tuulo, Degmo, Magaalo, iyo Gobol walba oo Jamhuuriyadda Somaliland kamid ah, oo cod laga bixiyey iyo waliba sida loogu kala nasiib roonaaday, hadal iyo gabo-gabadii, waa kan natiijaddii ugu horreysay ee akhris wacan.
Mahadsanidiin Dhamaantiin,
Ibraahin Hussein.
*********************************
Berbera (Jam)- Natiijadii codbixinta doorashada goleyaasha degaanka ee degmooyinka gobolka Saaxil, ayaa shalay la soo saaray.
Sida uu Jamhuuriya u sheegay guddoomiye-ku-xigeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi-Jawaan), oo u xilsaarnaa kormeerka goobaha codbixinta ee gobolka Saaxil.
Degmooyinka gobolka Saaxil ee doorashadu ka dhacday oo kala ah Berbera iyo Sheekh iyo degaamada hoos yimaada, waxa ay codadka saxda ah ee guud ahaan laga dhiibtay dhan yihiin 26945 (lix iyo labaatan kun sagaal boqol iyo shan iyo shan afartan) cod, oo kala ah degmada Berbera 21922 cod iyo degmada Sheekh oo ah 5023 cod.
Natiijada codbixintaas waxay lixda urur ee ku tartamayey ugu kala guulaysteen sidan:-
Berbera:-
UDUB = 10877 cod;
KULMIYE = 4539 cod;
UCID = 2292 cod;
ASAD = 1819 cod;
SAHAN = 1332 cod;
HORMOOD = 1063 cod.
Sheekh:-
UDUB = 2329 cod;
KULMIYE = 770 cod;
SAHAN = 722 cod;
UCID = 614 cod;
ASAD = 462 cod;
HORMOOD = 126 cod.
Guddoomiye-ku-xigeenka guddiga doorashooyinka qaranka, Md. Cabdillaahi Cabdi X. Cumar oo u xilsaarnaa doorashada golaha degaanka ee gobolka Saaxil, waxa uu mahad-naq ballaadhan iyo hambalyo u soo jeediyey guud ahaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil oo uu ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee ay codkooda u dhiibteen, kuwaas oo uu sheegay inay u samreen dhaxanta iyo kulaylkii ka soo gaadhay safafkii dhaadheeraa ee ay ugu jireen goobaha codbixinta.
Waxa kale oo Mr. Cabdillaahi-Jawaan ammaan iyo hambalyo taas la mid ah u soo jeediyey maamulka iyo masuuliyiinta dawladda ee gobolka Saaxil iyo ciidamada ammaanka ee ka hawlgalay hawshii codbixinta ee gobolkaas.
|