DoodFuran: SomaliTalk.com
 
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Ma taageersan tahay inuu Madaxweyne noqdo Col. C/llahi Yuusuf

December 23 2002 at 9:20 AM
No score for this post
Somali  (no login)

Walaal waad salaaman tahay

Haddii xukunka loo dhiibo Col. C/llaahi Yuusuf ma u aragtaa in uu xal u noqonayo mushkiladda Somaliya ee daba dheeraatay?

Haddiiba ay dhacdo in loo dhiibo jagada madaxweyninimo maxaad ka filaysaa? ma colaad hor leh mise xal nabadeed?

Somali

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
Mandhow
(no login)

Re: Ma taageersan tahay inuu Madaxweyne noqdo Col. C/llahi Yuusuf

No score for this post
December 23 2002, 12:30 PM 

Jawabta wey iskacadahay, hadi C/yusuf hadi ladoorto markas waxa dhaceyso mudahaardo badan dibada iyo dalka gudaheeda siba somaliland.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Nugaal
(no login)

Haa waan taageersanahay

No score for this post
December 23 2002, 4:14 PM 

Waxaan Taageersanahay madaxwaynah Puntlandd Abdulahi yusf. Waa ninka waqtigaan ugu fiican in ladoorto.

Waxaan idiin sheegayaa hada Garoowe radgii taageeri jiray Abdiqasim Baaleh debi baanu kagalay wadankayagii puntland oo hada waxaan taageeraynaa Abdulahi yusuf.
Waayo wax dhaama bay waayeen.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

Iska ilow

No score for this post
December 23 2002, 11:53 PM 

Sxb iska ilow Ina Yuusuf inuu maanta ka talyo Somaaliya, iima muuqato xitaa hal sabab oo kaliya inuu ina Yuusuf Soomaaliya uu xukumo, sababtuna waxay tahay:
1 Cabdullaahi aqoontiisu ma dhaaf siisana "Jiscama"
2 wax taariikh ah oo uu lee yahay aanay jirin
3 Milyaneer maaha
4 laga xoog badan

Gacaliye yaanay ku qaadin qabiilnimo, bal cid kale inay magcow. Eebe haddaad ka yaabi adaanba ina Yuusuf oo madaxwayne noqdo sugayne.

Thanks

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Garowe
(no login)

Re: Iska ilow

No score for this post
December 24 2002, 8:15 AM 

Uma qalmo C/llahi Yusuf inuu mas'uul ka noqdo waddan iska daaye laba aqal. waayo sifo kaliya oo hogaamiye leeyahay ma leh.

1)Aqoontiisu waa qori
2)Aragtidiisuna waa keli talis.
3)Waana Arxan laawe oo damqasho ma yaqaan (YEEY)

Waan la yaabay sifihiisa iyo sida magucu ugu qalmay.

Alle magane miyeydaan wanaag rejeyneyn markaad kan iyo kuwa lamidka ah ina hor wadaan.

Garowe

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Gaalkacyo
(no login)

Allow hanna Dullayn Adoomadaa Baan Nahaye

No score for this post
December 24 2002, 4:17 PM 

Asalaamu caleykum

Runtu waxay tahay in cabdullaahi uu yahay musiibo ummadda soomaaliyeed dulsaaran gaar ahaan dadka uu ka dhashay.waxaanan soo jeedin lahaa in Ilaah laga tuugo in uu naga dul qaado musiibadaas dabada dheeraatay.

Waxaad ka hadlaysaan in cabdullaahi noqdo madaxwayne soomaaliyeed aniguse waxaan leeyahay Ilaahow adoomadaada muslimiinta ah ee soomaaliyeed ha dullayn oo ha dul saarin cabdullaahi iyo wax la mid ah ee naga saar dhibkan nagu raagay haddana naloogu caga juglaynayo in uu hadda gun iyo caar bixiyo oo uu madaxwayne noqdo, jiirkayo kharaar, ka Alla magan!!!.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Abdinasir
(no login)

Doorasha Abdulahi Yusuf

No score for this post
January 23 2003, 7:49 AM 

Dear Taageere
Ma u maleyna soomali in ayey u baahan tahey Gacan ku dhiigle. Abdulaahi Yusuf waa gacan ku dhiigle ilaa & 1977 kuu ka shaqeynayey sidii uu soomali dhiigeeda ku daadin lahaa.waxaad ka hadleysaa in uu madexweyne uu ka noqdo somalia waa in la keenaa maxkamada aduunka oo lugu xukumaa janasad.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

ahahahaha

No score for this post
January 28 2003, 10:43 AM 

sida ku cad waraaqdaan cinwaankeeda waan diidanahay in uu noqdo ninkii u mada soomaaliyeed dhiigoodii daadiyey ee c/laahi yuusuf

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Bisle
(no login)

Waqtiga la joogo haa

No score for this post
January 20 2003, 7:17 PM 

Waa ninka keliya ee mowqifkiisu cad-yahay, kana dhab-tahay in la helo qaran Soomaaliyeede.

Nin is bedel badan ma ahan, waa nin isku kalsoon, nin aqoon fiican uleh weeye Soomaalida, waa ninka dumi kara ciidan xasilin karo ammaanka goobaha uu mas'uulka ka yahay.

Waa nin aan lagu hayn biliqaysigii dowladdii hore ee siyaad barre, iyo 13kii ee ka dambayseyba, waa nin shir Soomaaliyeed inta tegey aan is hortaagin.

Wa nin socodsiin kara maamul qaran, waqtigaan la joogo oo qofkastaa qori haysto, waxay ila tahay waa nin ugu ad-adag ragga jooga waqtigaan. Waa nin samaysan kara saaxiibo badan oo wax tar ah.waan laheshiin kara wadamada deriska.

Waan ogahay in uu mucaaradad badan leeyah, qofkastaana waxa ku eedayn doono, laakiin su'aashu waxay tahay;

Ma nin aan dhiig daadin ayaa jira xitaa C/qaasim, oo qiratay inuu ka dambeeyey dagaalada Pl,Baydhabo, iyo Kismaayoba.

ma nin aan Itoobiya la loo heshiin ayaa jira wolow loo kala dheereeyey,

Bal halkaan ku soo qora nin Col.Yuusuf aad dhaafin lahaydeen. haku soo mar-marsoonin dagaalada PL, xamarba way ka socdaan, hana tilmaamin Itoobiya nin walba gacanta soo mari, ee waxaad sheegtaan ninka dhaama Col-ka ee ka wadanisan.

Wa-billaahi Towfiiq, Bisle

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Bisle
(no login)

Waqtiga la joogo haa

No score for this post
January 20 2003, 8:15 PM 

Khalif
(no login)

Re: Waqtiga la joogo haa

No score for this post
January 20 2003, 9:44 PM 

Ninkaas uma qalmo inuu dad hogaamiyo sababaha walaalay sheegeen iyo waliba diin nacayb oo wuxuu ku qaraab taa ISLAAM ayaan la dirirayaa.
Khalif

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Mandhow
(no login)

Re: Re: Waqtiga la joogo haa

No score for this post
January 21 2003, 11:00 AM 

Bilse waad riyoonysa ban umaleeyna.
Cabdullahi yusuf haku riyoob inu noqdo madaxweeyno, haduu madaxweeyno noqdo burbur baa soo socda markaas. Wa nin dambiyo badan loo heesto, marka colaadkeliya baa imaaneyso.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Xariif-Xaaji-XuuX
(no login)

Maya iyo nus wali....

No score for this post
January 23 2003, 3:05 AM 

Salaan koow dheh horta, qabsana.

Kaas aa soo sheegtey madaxweyne Soomaaliya iska dhafee, madaxweyne shini maka dhigan laheen. Kaligiisna ma'aha, ee intaan oo qof madaxweyno mise qof Soomaali xukumo maka dhigaayi:

C/laahi Yuusuf Axmed
Muusi Suudi Yalaxow
Max'ed Xasan Nuur Shaatigaduud
Xuseen Max'ed Faarax Caydiid
Cismaan Cali Caato
Maxamed Qanyare Afrax
Mowliid Macaane Maxamuud
Sheekh Aadan Madoobe
Jaamac Cali Jaamac
Cumar Finish
Hebeloow Gacmadheere
Hebeloow Hiraale
Max'ed Xirsi Morgan
Max'ed Nuur Gabyoow
Hebeloow Gaani
Hebeloow Galaal
Hebeloow Boqor
Hebeloow Xaabsade
Hebeloow Riyaale
Hebeloow Siraanyo
Hebeloow Jini Qac Qub Qash

Wixii jago rabo dhan maka dhigaayi madaxweyne. Nin la kaseynin oo Diinta yaqaano oo Soomaalinimo rabo aaheey lee ka dhigan lahaa.

Rayi ahaanteey waa kasaa ahlul jameeco.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
soomaaliyad
(no login)

ALAMAGAN MASIIBADA

No score for this post
January 23 2003, 1:25 PM 

Walaalayaal abeeso ku ****ay afka uma roonee naga daaya
ninkaa magaciisa masaajida wuxuu ka dhigayaa maqaasiino
haweenkana wuxuu u horseedayaa masiibo aan la arag oo
la maqal wadankana wuxuu ka dhigayaa mid kaniisadaha
melasanaawe ka amar qaato waa balanka uu meesha ku
jooga ee mar walba uu idaacadaha kaga hadaaqo.
FANACUUDI BILAAH NINKAA IYI MID LA MID AH.
Haduu dalka fuulan waxaa ka bilaabmaya dhibaato iyo
colaad kuwii hore iqarso ay noqoneyso.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Puntlander
(no login)

Horta aan ku heshiino yaa hogaamin kara

No score for this post
January 23 2003, 2:26 PM 

Horta intaynaa madaxwayne dooran aynu ku heshiino qabiilka xaqa u leh jagadaas, waayo waxaa la kala aaminsan yahay:

1. Daarood wuxuu aaminsan yahay inaanay Hawaydu qaadi karin wax masuuliyada oo dal iyo dad ay hogaamiyaana aanay suuro gal ahay haaway.

2. Hawiye wuxuu aaminsan yahay in Daarooddalka hogaamin karo waxna dhisi karo laakiin way baqayaan oo waxay u haystaan in wixii ay xumeyeen uu ka goynayo Daarood sida caruurta iyo waalideed, (arhee ha ii kala daadsanaado intii Daarood ilayn laha, sidaa wafgeed kii aad u soo magacawdaaba wa akii kale Ina Yey sidaas baa Hawiye ku diiday ee horta hala isku raacoqolada iska leh madaxnimada.

3. Isaaq waa dawacadii dhirbaaxada libaaxa aragtay oo waxay ka baqayaan hadii Haawaydaa ay dhexgalaan inay cirka ku dubanayso waayo way is sheeko ogyihiin oo markay ka faaruqaan ayey yiraahdaan (Waar dee ma arkaysay wuxu siduu u fekerayey, ma waxaas baa wax inaga dhaxayn karaan, now wallaahay waaba haaway) oo tii Daarood ayeyba ku quusten, layaab ma leh oo waa ishii sixirka aragtay.

4. D&M Hawiye wuxuu u arkaa inay gol ku jira yhiin oo waxay u haystaan in daarood adeegsan doono oo iyagana hadalkooda daa.

5. Qabaailka Maqaarsaarka ah sida Sheekhaal, Gaaljecel Gugundhabe iyagana waxba uma ogola oo waxay u haystaan midgo ay xoraysteen.

6. Sooomaalida magacyada loo sheegana hadalkooda daa...

Marka saaxiibkayga dooda doo qoray maxay Cabdilahi Yusuf, Caydid ama Cumarfaaruuq inata aan loo gudbin kooda ku haboon waxaa jira arimo ka horeeya oo u baahan horta in laga hadlo iyaga

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
nugaal
(no login)

Wax dhaama lamahayo

No score for this post
January 23 2003, 5:19 PM 

Abdulahi waa Madaxwayne
Wax dhaama balkeena.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Garoowe
(no login)

canaaanka hay iyo ducaa loo cimaamaday

No score for this post
January 23 2003, 5:23 PM 

Waxaa garoowe Abdulahi lagasiisaagootiyey
Canaanka hay iyo ducaa loo cimaamaday.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Nugaal
(no login)

mahadsanid

No score for this post
January 24 2003, 6:38 AM 

Bal gabaygaan qiimaha leh ila akhriya

Gabay ku socda Xasan Abshir
No score for this post January 24 2003, 11:50 AM

Gabay: Hiinsad

Waxaa Tiriyay

Faisal Mussa

abuxamsa@hotmail.com

Waxaa lagu daabacy AllPuntland Jan 23, 2003

Gabaygan lamagac baxay ”Hiinsad” waxaan tiriyey kadib markii Xasan Abshir Waraabe oo ah raysal wasaaraha Cabdiqaasim Salaad uu BBCda ka sheegay inuu heshiis lagalay walaalaha galguduud oo jubooyinka xooga ku haysta. Waxaan is weydiiyey xagee Xasan iyo isbahysigaasi ku dagaalameen weyagii xulufada ahaaye. Mise Xasan waa jirjiroole labada kitaaba akhriya oo hada shaarkale oon kii TNG ahyn ayuu gashaday.

Waxaan kaloo is weydiiyey maxay ku heshiiyeen Xasan& Hiiraale . Xasan Abshir waa nin ku xeeldheer sida looga boodo doon sii degeysa horayna ugubooda mid bedqabta.

Xasan waxaa lagu yiqiin nin cadka uu haysto mid kaweyn doona laakiin maanta waxaad moodaa inuu hoos usoo degey malaha dantaa u run sheegtay oo waxkalaanu meel ku ogeyn ileyn ”cayri cayma ma diidee”. Malaha markaan waxaa lasoo gaaray gabgabdii iyo fashilkii xirfadii iyo xeeshii Xasan ileyn waatii soomaalidu horay utiri ”fakey, fakey laqabay baa xigta” balaan eegno siday noqoto iyo meesha Hiiraale u bud dhigo Xasan. Waa kan gabaygii.

Kaharbaan lahaa gabay hadaan cidi ku haaraamin

Goortaan hurdada ledilahaa haatuf baa yimiye

Aan halgaado maantoo kaluu haybad leeyahaye

Sidii geel haraadoo waxabadan hawdka ku abaadey

Hadii haro hilaac uga baxo waw habbqamayaaye

Adna ina waraabow hunguri waad u halaqyoone

Halacbaa ibliis kaa dhigiyo midan hal reebeyne

Sowdigaan huruubkii kastaba haysta dabadiisa

Sowdigan waraabihi kastaba hilib kadoonaaya

Cabdiqaasim horaa loo ogaa inaad heshiiseene

War riyaal markuu kuu hinjoo doolar kugu hoobshey

Hawraarsan waataad kutiri hawshuu kuu diraye

Hadii anad habaarayn sidii haatufkiyo tuuga

Warninkii cariga soohuloo meelwalbaba hiifay

Hiiraale sow digan u dhacay kii jubada hoolay

Hanbadiyo haraagiyo lafaha ceebta lagu heeray

War intaas inaad hiinsataad u halgamaysaaye

Habaarqabe sidiisii maxaa hadaf san kuu diidey

Hawtulhamag huteelada fadhiya oo hawada fiirsha

Iyo niman humuun wada qaboo gaajo hurineyso

Oo ruuxii gacmaa haaddiyaba uun hoos cararaaya

Intaad soo horkacaysaan ragaas adiyo hiiraale

Habarwaliba waa ay ogtahay inay hal diidayne

Hantaataca heshiiskaad wadaan waa halaan jirine

Cabdiqaasim markaad hoostagtoo dabba hadaafeysey

War inaad hunugiri raadis tahay garanay hiirtaase

Luflufbuu ugadaayaa Jubadda laguma haasaawin

Xasanow hunguri nimuu wadaa waa habaarqabe’e

Hilinkaad kujoogtana ninyohow haatan laga roone

Haybad malaha ruuxii waqiis uun hamuun qaba’e

Koley hawshi fulisoo hunguri hogobxun kaatuurye

Ina salaadna kaa huleel haddoo hawalgabaad tahaye

Bal Hiiraale heeshuu ku dhigo lahubsandooneeye

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.

Current Topic - XASAN ABSHIR, WAA KUMA, REER PUNTLAND-OOW Respond to this message

Advertisement: Rent DVDs online -- Free Trial for 2 weeks!
<< Previous Topic | Next Topic >> Return to Index

Report Abuse Create your own forum at Network54

Copyright © 2003 Network54. All rights reserved. Terms of Use Privacy Statement
www.AllPuntland.c

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
eyl
(no login)

Re: mahadsanid

No score for this post
January 24 2003, 7:43 AM 

ini yeeeeey waxaa uu u talin waayey cumar maxamuud 1978 xiligii ssfdf markii cade muuse uu uga tegey,markii puntlaan loo dhiibey isagu ma maamuli jirin puntilaand waayo aqoon uu ciyaalkiisa ku maamulo maheyn ee waxaa meeshaa nidaamkeeda dastuurka dhisey maxamed abshir iyo cabulahi boqor muuse kinkong mrkey labadaas nin dhaqaajiyeena waxaa puntilaan daadihin jireey gudoomiyhii maxkamada dr yusuf, hadii aan been sheegaayo anigu bal car maantey puntlanand ha ruqaansato,c/laahi intuu kurigi garawee ka qaade buu boosaaso geeyey mise ha sheegin wa cakiirin suu hadana garoowe ku la caraaey mise ha sheegin suu hadana gaalkacao say burtinlay ka qmaadey markaasuu caroodey oo cade caayeey soomaaliland iyo hawiye haruufey war xagee laga wadi jirey baabuurka puntland,yeey waxaa uu xal u layahey reer mahad iyo reer xirsi oo intuu burtinle yimid yiri intaan kenya aadin aan reer xirsi ku luqludo waloo arintaas reer mahad diideen c/lahi yeey waa kaas walaan ilmaha uu dhaley sugu aamineen ee socialka ayaan dhihi lahaa caruurta xaawo dhasho halaga qaado

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
amina
(no login)

allaan ka magan galnay ina yeey

No score for this post
January 25 2003, 12:02 AM 

walaalahayga ku fakarayoow c/laahi inuu noqdo madaxweyne maxaa ku doorateen?
c/laahi ma laha
1.wax aqoon ah mid maadiya iyo mid diini ah
2.cidna wax uma ogola aan ka aheyn cidii asaga wax la leysa maahee
3. dalka wax uma qaban karo
4. nin xasilooni abuuri kara maaha unles inuu colaad abuurayo maahee
5.waa dhiigyo cab ilaa iyo xiligii ssdf
6.putland oo aheyd gobolada ugu xasiloon soomaaliya waa aragtaan c/laahi maalin ba reer ku duulaya
7. wax isimadii laayey ina yey ayaa lahayaa marka ilaahayow c/laahi islaamka ka qabo soomaaliyana howga dhigin madaxweyne
aaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiin
amina

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
fahiye
(no login)

Doqonka Cabdulahi yoosuf

No score for this post
January 26 2003, 6:33 PM 

Waa doqon neceb dadkiisa iyo diintisa eeg tariikhdiisi hore iyo tan uu maanta kawado puntland, eeg waxa uu lasocdo waa cadawgii soomaali yeed waa xabashi iyo nin kufrinimo sheegtay, eeg waxaa uu doona yaa waa kursi iyo inuu asyaadisa(madax diisa) ku raali geliyo inuu qa qabto dad muslimiin ah oo dalkoodii nabad ku jooga uuna ku magacdoonto, sidaas darteed ma aha qof lagu aamini karo danta iyo dal somaliyeed mana anfacayo xataa in waxaro laraacsado.....

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Anonymous
(no login)

waa nasiibdaro

No score for this post
January 25 2003, 6:53 AM 

waa waxa laga naxo oo nasiibdaro ah ilaaheyna nugima keeno,dhibka soomaaliya maanta ka jira waa nikii bilaabey walina aan ka daalin ,hadana waxaaba u dheer inuu si cad uu ula dagaalamayo islaamka oo waliba ku faanayo la dagaalanka diinta islaamka.ninkaas oo kale cidii uu madax u noqdo wax aan dhiibto iyo dulinimo aheyn ka heli meyso,dhibka aan maanta ku jirno mid ka daran buu noo keeni doonaa.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(Login nastylover)

ma taageersani mana taageerayo nin gacan ku dhiigle ah.

No score for this post
January 26 2003, 2:08 PM 

ASS/ca.w.wabarakatuh.
waxan aad & aad ula yaabanahay ninka maanta ay ka dhaadhacsan tahay amaba aaminsan inuu c/laahi, gacan ku dhiiglaha wayn ee umadii uu ka dhashay cafin waayey amaba laayey la ajli dartii kursi mana dhihikarnaa ha lagu aamino madaxnimo somaliyeed. waxan aaminsanahay inuusan hanan karin amaba horay umutaysan inuu hanto madaxtinimada somaliya sababaha soo socdaawgeed
1) waa midee ma ahan nin aqoon leh haday noqon lahayd mid diineed & mid maadi ah
2)mana ahan nin la dhihi karo lacag buu leeyahay amaba waa nin hantiile ah.
3) waa nin dilaa ah oo umadii uu ka dhashay ama beeshii uu ka dhashay u quurayba miduu xabad ku dilo & miduu bara kiciyo marka maku aamini karna ninka xasuuqa aan aragnay amaba dhagaheena ku dhacaya maalin kasta waxa uu ugaystay hadana ku dhahaya umada waxan ku maquuninayna xoog,waxana aaminsanahay dadka caqliga wanaagsan leh amaba maskaxda nadiifka leh inaysan taageeri doonnin ninkaa isaga ah, waxana ka filayaa hadii uu umada madax u noqdo waxan ka filaa uun inuu dadka laayo dadka hantidoodana dhaco umada sidii kii kan ka horeeyey ee umada somaliyeed u horseeday bur burkan maanta haysta

by abdyrahman.loverman.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(Login nastylover)

ma taageersani mana taageerayo nin gacan ku dhiigle ah.

No score for this post
January 26 2003, 2:10 PM 

January 26 2003, 2:12 PM 

Mahadsanid

No score for this post
January 26 2003, 2:27 PM 

Waxaan aad ugu mahad celinayaa ninka gabaygaan tiriyey.
Waxaan ku hubaa in gabaygaan Tariik wayn yeelan doono.

Kaharbaan lahaa gabay hadaan cidi ku haaraamin

Goortaan hurdada ledilahaa haatuf baa yimiye

Aan halgaado maantoo kaluu haybad leeyahaye

Sidii geel haraadoo waxabadan hawdka ku abaadey

Hadii haro hilaac uga baxo waw habbqamayaaye

Adna ina waraabow hunguri waad u halaqyoone

Halacbaa ibliis kaa dhigiyo midan hal reebeyne

Sowdigaan huruubkii kastaba haysta dabadiisa

Sowdigan waraabihi kastaba hilib kadoonaaya

Cabdiqaasim horaa loo ogaa inaad heshiiseene

War riyaal markuu kuu hinjoo doolar kugu hoobshey

Hawraarsan waataad kutiri hawshuu kuu diraye

Hadii anad habaarayn sidii haatufkiyo tuuga

Warninkii cariga soohuloo meelwalbaba hiifay

Hiiraale sow digan u dhacay kii jubada hoolay

Hanbadiyo haraagiyo lafaha ceebta lagu heeray

War intaas inaad hiinsataad u halgamaysaaye

Habaarqabe sidiisii maxaa hadaf san kuu diidey

Hawtulhamag huteelada fadhiya oo hawada fiirsha

Iyo niman humuun wada qaboo gaajo hurineyso

Oo ruuxii gacmaa haaddiyaba uun hoos cararaaya

Intaad soo horkacaysaan ragaas adiyo hiiraale

Habarwaliba waa ay ogtahay inay hal diidayne

Hantaataca heshiiskaad wadaan waa halaan jirine

Cabdiqaasim markaad hoostagtoo dabba hadaafeysey

War inaad hunugiri raadis tahay garanay hiirtaase

Luflufbuu ugadaayaa Jubadda laguma haasaawin

Xasanow hunguri nimuu wadaa waa habaarqabe’e

Hilinkaad kujoogtana ninyohow haatan laga roone

Haybad malaha ruuxii waqiis uun hamuun qaba’e

Koley hawshi fulisoo hunguri hogobxun kaatuurye

Ina salaadna kaa huleel haddoo hawalgabaad tahaye

Bal Hiiraale heeshuu ku dhigo lahubsandooneeye

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
eyl
(no login)

xaywaan gabyaayoow

No score for this post
January 28 2003, 9:31 AM 

boowe xasan baa layiri waa carte garoowe yuu imaan koooooooow, maxamed abshir waa carte yuu imaan waa kooooow ,c/laahi boqor muuse waa carte yuu cagsoo dhigin waa koooow,jaamac cali waa carte cayri iyana waa koow,dr yuusuf waa carte wuxuu ku hadlay majiraan waa koow,weli labo ma gaarin gabey xumoow,suldaan hurre waa carti hala dilo waa kooow, faarex dheere waa carte hala dilo oo xagee lagu diley garoowe oo waa meeshuu ku dhashey oo weliba meydkiisii l aasi waayey waa koowboobe hala dilo waa carte koow,iyo waxyaabo badan aan dooneyn inaan halkan ka sheego ,laakiin weli ma ilaa win ragii ciise maxamuud ee baarlamaankii carti markey garoowe yimaadeen in la xirxirey sharafta laga qaadey iyagaoo caruurtoodii iyo naagahoodii arkayaan weli waa kow ,gabey xumoow maxaa laba ah,saciid islaan waa wasiir carti gaalkacayo aad baa loogu soo dhoweeyey geel baa loo qaley waa loo mushxaradey waa lala shirey,raadiyoow gaalkacayo iyo seefta banaanka ba cadeeyeye wafdtiga hsarafta mudan waan qaabilnay taasi waa laboboowe ragu maxey raga hore kaga fiican yihiin car ka jawaab doqonoowwaa c/laahi qrabadiisoo iyagu danbi ma galaan ,markii reer barigii arkey waxa jira oo reer garoowena ogaadeen in la khaldey buu maantey leeyahey waxaa waxa shirka kasocda inaan xasan booska ka qaado adoigu doqonow walaaka faarax adaa diley xasana garoowe u diidey saciid iaslaan u foorarso bare markuu garoowe yimaado

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
eyl
(no login)

xaywaan gabyaayoow

No score for this post
January 28 2003, 9:32 AM 

Nin Reer Eyl ah Xassan Ma u doodaa?

No score for this post
January 28 2003, 1:39 PM 

Hadaad tahay nin Reer Eyl ah Kala yaqaana Daawad iyo Baday uma doodeen Xassan Abshir.
Xassan Abdhir Wuxuu ahaa ninka kali ah ee hortaagnaa Horumarka Eyl.
Hadaad Ogtahay Markii Lamiga loo dhisaayey Bari Xassan Wuxuu ahaa Gacanta midig ee Siyaad Bare Habeen iyo maalin walbana wuxuu booqan jiray Filadii yisaadbare.
Sikastaba Ha,ahaatee Markii Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo ahaa nin ku wayntahay Wadaninimadu laguna magacaabi jiray Abdulahi Adan Cilmi (Aden Degsi) uu ka codsaday inay Laamiga ku leexiso Dawladii markaas jirtay Eyl. Wuxuu ahaa ninkii is hortaagay Xassan Abshir Waraabe. Hadaad ogtahayn Wuxuu ahaa ninkii Jagadii Abdulahi Aden Degsi in lagaqaado Garoowe ku taliyey kana soo saxiixay Maxamed Siyaad Bare. Waxaan Xusuus taa Waxaa Rag o dayaala u tageen Maxamed Saleebaan Dafle waxay waydiiyeen waxa loosoo bedelay Gudoomiyaha lajecel yahay. Maxamed Saleebaan inuu fiiriyey Galkii Gobolka Nugaal buu wuxuu ku jawaabay Waxaa soo bedelay Xassan Abshir.

Hadaba ninka isku Magacaabay Eyl miyaadan Ogayn in Dibidhaca maata Eyl Haysta inuu Ka masuul yahay ninka lagu magacaabo Xassan Abshir Farah Hadaad Rabtid Waxaan kuu soo dirayaa dukumiti cad oo arintaas cadaynaaya.
Boowo Waxaa Cad inaadan Reer Eyl ahayn Aqoona Dhinta uu Xassan Abshir Ugaystay isha dabay ee ku taal daawad

Mahadsanid.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Ma taageersan tahay inuu Madaxweyne noqdo Col. C/llahi Yuusuf
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.

DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.