DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

JAWAAB KU WAAJAHAN NINKA QORAY "SOOMAALIYEEY MA AAMINSAN TIHIIN IN MUXAMMED(NNK)..."

December 24 2002 at 3:43 AM
No score for this post
  (no login)

-
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.

WALAALAYAAL.

ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU.

SALAAN KA DIB.

Waxaa mahad leh Illaahii soo dajiyey Kitaabkiisa Quraanka ah asaga oon u yeelin wax iska hor imaada iyo
qaloocaba. Kana yeelay Rasuulkiisa Suuban Muxammed(NNK
midaan isaga hadlin hawadiisa, ee waxyi ku soo dagay uun ku hadla, kana dhowray hadalkiisu inuu isburiyo mudadii uu ku gudanaayay risaaladiisa, taasoo ahayd xiligii ugu qaraaraa ee taariikh qof ibnu aadami ihi maro. Dhibaatooyinkaa oo ku qasbi lahaa inuu u leexdo nafsadiisu waxa ay raaliga ka ahayd, balse Eebaha awooda lihi uu ka dhowray taa. Nabad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato ugu fadli badanaha iyo midka ugu danbeeyay Nabiyada iyo Rususha Eebe Muxammed(NNK), kaasoo aan la'aantii la dhumi lahayn dhagarta iyo dhalanteedka maalmaha aduun ee dhammaadka
ah, kuna waayi lahayn nolosha ma dhamaatada ah ee aaqiro.

Xaqiiqdii waxaan raba halkan inaan uga jawaabo su'aal halkan ku daabacay oo ninka qorayna uu af Soomaali ku hadlaayo, balse diin uu haystoba ayan jirin, kaasoo ku andacooday inaanan bur iskala boodin haddaan u jawaabeyno, nagana doonaaya inaan jawaab waafi ah ka siino amuurta uu ina weydiiyay haddaaban jawaab hayno.

Runta sida ay tahayse jawaab waxaa loo heli karaa ruux rabta inay waxa xaqu yahay ogaato, balse ruux inkirsan oo diidan canaadna ka buuxo looma heli karo jawaab. Marka waxaan rabaa inaan kula hadlo halkaan midka raba inuu ogaado waxa xaqu yahay oo yaqaan afkeyga, iyo midka uu hadalka ninkaasi shaki ku abuuri karo.

Waa balan qaad uu Eebe(SW) u balan qaaday Rasuulkiisa Suuban iyo Islamkaba inta dunidaan lagu nool yahay xataa haday gaarto balaayiin sano hadda ka dib, inaan wax isburin ah laga helin Kitaabka Quraanka kariimka iyo sunada Rasuulkiisa.

Waana waxa ay taariikhdu marqaati ka tahay, mudadii la soo dhaafay oo dhan afar iyo toban qarni iyo wa shii inaan la helin mid ku andocoonkara in labadaa isburiyaan.

Balse ninka qoray maqaalada an ka hadlaayo wuxuu soo qaatay hal xadiis, uuna ku andocooday inuu Nabi Muxammed(NNK) uu qasbi karin qofna, uuna ahaaba dagaal
ooge. Waxaa isweydiin leh, Nabiyada uu soo diray Eebe oo dhan ma dagaal oogayaal baa?. XAASHAA LILAAHI!!!!
Nabiyada iyo Rususha Eebe soo diray oo dhan waxaa loo soo diray hal amuur oo kaliya, oo ah mar walba oo ibnu aadamku ka leexdo inuu ku taagnaado dariiqa toosan ee saxa ah ee Eebe, uuna iska raaco waxa hawadiisu farayso ayaa Rasuusha Eebe lala soo diraayay
risaalada xaqiiqda ah ee Eebe oo ah "In la qiro in Ilaah maahane Ilaah kale oo xaq lagu cabudaahi jiran, lana qiro Rasuulka uu soo diray, lana qaato risaaladiisa.

Iraadada Eebe waxay ahayd marka uu ibnu aadamku waxa lala soo diray Rasuulka Eebe diido inuu halaago qoomkaa diiyay rasuuulkiisa sida qabsatay reer Nuux
Caad, Thamuud, Luud, iwm. lana badbaadiyo dadka raacay
Rasuulkiisa. Balse naxariis iyo raxmad Eebe ayuu hadana ka daayay dadka halaaga, oo in qolo aqbasho xaqa qolona beeniso inta Rasuul kale looga soo diraayo ilaa iyo lagu soo qatimay Rususha Eebe Muxammed(NNK).

Haddaba ayadoo rasuulka la faray inuu la dagaalamo dadka inta ay ka qirayaan kalinimada Illaah iyo Rasuulnimadiisa, ayuu la dagaalamayay Mushrikiinta, waxaana jiray dadkale oo la degenaa oo diidanaa Risaaladiisa lama dagaalamin kuwaa, sababta uu ula dagaalami waayayna waxay ahayd inay qirayeen kalinimada Illaah.

Hadddaba waxaan filayaa nin yahow inaad kuwa dhiigooda naloo baneeyay ka mid tahay, maadaama aadanba sheegan karin wax diina. Waa marka loo eego waxa adigu aad gacantaada ku qortay oodna aaminsan tahay. Sababtoo ah
waxaad inkirtay oo si cad uga soo hor jeesatay wixii ay Rasuusha Eebe oo dhan ku dagaalamayeen oo ah in Illaah kaliya la qiro loona qiro Rasuulnimadooda. Tan
kale oo aan diin la'aantaada ku cadeyn karnaa waa markaad tiri in Nabi Muxammed(NNK) uu ahaa ninkii u horeeyay ee bililiqo jideeyay markaad ka hadlaysay qaniimada dagaalka. Haddaad cilmi u leedahay diimaha Samaawiga ah (TOWRAAD, ZABUUR, INJIIL IYO FURQAAN) taa kuma aadanba dhawaaqdeen.

Marka haddaad leedahay wax diina oon rabaa maba jirto oo waxaan doonayaa in waxa ay hawadaydu i farayso aan iska yeelo, taa iskama aad heleysid oo Kutubta Samaawiga ah kuuma ogolo inaad sida xawayaanka iska dhimato. Eebena uma soo dirin Rusushiisa umana soo dejin KUtubtiisa Samaawiga ah dheeldheel.

Marka diin laawe la dirirkiisa waa waxa ay isku raacee
Rususha Eebe, oo marmarsiiyo ha uga dhigin Nabi Muxammede(NNK). Dagaalku waa waxa adigu aad door biday
markaad Nabi Muxammed(NNK) ku tilmaantay dagaal ooge, ee degenaan oo wax laguugu sheego iyo qowl debacsan ood diido kadib weeye dagaalku.

Haddaad leedahay waxaan rabaa daliil waxa aadka hadlayso oo daliil ma u haysataa, diyaar baan u ahay inaan daliil lagu qanco ku siiyo.
Diinlaawese maxaa daliil loo siiyaa wuxuu aaminsan yahayba maba jiraane.

Waxaan jeclaan lahaa inaan maqlo markale fikrada aad qabo

WABILAAHI TOWFIIQ

WASALAAMU CALAYKU WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU
WALALEHEYGA MU'MINIINTA AHOOW

MAHADSANIDIIN.

WALAALKIIN.

YUUSUF XIDDIG.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
qoordheere
(no login)

Feere dilaacshe waxa waashay uguma horaysid!!!

No score for this post
December 24 2002, 9:44 AM 

waxaa mahad leh ilaahii kala saaray XAQA IYO BAADILKA NABI MAXAMEDNA ( NABAD GALYO IYO NAXARIIS KORKIISA HA AHAATEE) KA DHIGAY KHEEYRUL KHALQILAAH.
FEERA KA DILAACSHE(WAA MAGACA UU SHEEGTAY NINKA JAWAABTAN AY KU SOCOTO) SOOMAALIDU FAAIIDADA KALIYA AY HAYSTAAN WAA HAYSASHADA DIINTA ISLAAMKA, HADABA ADIGU SIDA CAD WAXAA TAHAY WADAAD HORE BALSE HADA SI KHALDAN ADUUNYADA ULA QABSADAY OO AQOONTIISA AY KU FILNAANI WAYSAY.
HADABA ILAAH AYAA BANEEYAY JIHAAD NABI MAXAMED MA BANAYNIN JIHAADKUNA WAA NASTEEXO UU ILAAH SIIYAY MUSLIMKA IYO GAALADABA MUSLIMKA JIHAADKA WAXAY KA HELAYAAN DABI DHAAF IYO INUU KU DHINTO SHIIDNIMO, GAALADANA INTA GAALNIMO AAN KU DHIMANIN WAXAY U BATAAN INAY NOQDAAN MUSLIM OO AY FAHMAAN CADAALADA IYO DIINTA ISLAAMKA ANAYSAN EEX LAHAYN, KHALAADID BINU WALIID WUXUU AHAA GAALADII NABIGA KA SOO HORJEEDAY DAGAALKII UXID DAGAALKAAS KA DIB ILAAH AYAA HANUUNIYAY WUXUU NOQDAY ASXAABI WAYN OO XAQA IYO BAADILKA KALA GARANAAYA BALSE OGOW ISLAAMKA WAXAA QABSADA KUWA WAX FAHMAAYA EE MA FAHMAAN KU WALAALAN IYO KUWA LAABTOODA QALASHAY ERAYGAAN KAA SOO YEERAY WAXAA KUGU XANBAARAY GOOR HORE AYAAD DIINTA ISLAAMKA KA JEEDSATAY QOFKII DIINTA ISLAAMKA KA JEEDSADAA SHARAF DHAC AYAA KU DHACAAYA ADIGANA HADA WAXAAD MAGACAADA U QARISAY WAXAAD KA BAQAYSAA SHARAF DHACA KUGU YIMID INAY ARKAAN DADKA KU GARANAAYA, HADABA WAXAAN SUAALIHIISA SI QEEXAN LOOGA JAWAABI KARAA QOF WATA MAGACA WAALIDKIIS U BAXSADEEN HOOYADAA IYO AABHAA KUUMA BIXININ MAGACA AH FEERA DILAACSHE WAA MAGAC SHARAF LAANTU KUU KEENTAY HADABA WAXAA KUU HABOON INAAD CAAFIMAAD AHAAN IS BAARTO HADII DHAKHAATIIRTU WAX KUU QABANI WAYAAN ALAAH AYAA WAX CAAFIYA ILAAHKA BARI MARKA HORANA TOOBAD KEEB WAAYO ILAAH WAX KAMA AQBALO QOFAAN ISLAAM AHAYNE INUU KU CAAFIYO INIGA WAXAAN U DUCAYNAYAA UMADA SOOMAALIYEED INAADAN KU DAARANIN CUDURKA AAD QABTO, MIDKA HAYA EE QABYAALADA ILAAH INUU KA CAAFIYO ASAGAA CAAFIMAADKA QAABIYEE.
SOOOMAALIYAY DHALINYARADII AYAAD QIXISEEN MARKAASAY WAASHEEN OO WAXAY DOONAAN ISKA DHAHAYN, HADA FIIRIYA WAXA HAYSTA FEERA DILAACSHE ASGOON SI FIICAN U BARANIN DIINTA ISLAAMKA AYUU QAXAY WAXAANA LAABTA UGA SOO DHACDAY HAL AAYAD OO UU KHALAD U FAHMAY WAA MAQLI JIRAY ASGOON DIINTA KA HAYSTA MUSLIM AYAAN AHAY OO KALIYA MA TUKAN JIRIN ILAAHNA MAKA BARYI JIRIN INUU WADADA TOOSAN KU HANUUNIYO, QAXII AYAA DHACAY WUXUUNA U QAXAY MAGAALOOYIN KA WAYN MIDUU KA SOO QAXAY FUSADU MA SIINAYSO QOF U CAQLI CELIYA WAAYO DADKU WAA MASHQUUL WUXUU HEALY SIDA FIKRAD LOOGU SOO GUDBISTO INTERNETKA WUXUU KU HADLO UMA BILOWNA ILEEN WAA NIN JAHADU KA LUNSATAHAYE MARKAAS AYUU SI WAALI AH U HADAQAY SIDA UBADKII.
HADABA SOOMAALIYAY WAXAASOO DHAN WAXAA KEENAY DAGAALADA AAD WADAAN DAD BADAN AYAA KU WAASHAY FEERA DILAACSHANA WUXUU KA MID YAHAY SOOMAALIDA DAGAALADA SOKEEYA KU WAASHAY SI AAN MUUQANIN AYUU U WAASHAY.
WAA WALAAKII MAXAMED QOORDHEERE OO UMA SOOMAALIYEED U RAYNAAYO GUUL INAY KA BAXAAN DHIBAATADA HAYSATA.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Halima Y.
(no login)

Talo ku socota walaalahay: Feeradillaacshe Gacan buu u Baahan Yahay

No score for this post
December 24 2002, 6:44 PM 

Asalaamu caleykum walaalaha u jawaabay ninkan:

Marka hore Ilaah sarreeye isagaa mahad oo dhan iska leh,marka xiga waxaan u mahad celinayaa walaalaha jawaabta siiyay ninkan su'aanshan soo qaddimay gaar ahaan Yusuf xiddig iyo Qoor dheere sida ay isugu taageen intii tabartooda ah wixii kaga aadanaa arrinka ninku soo bandhigay. waxaanse walaalaha iyo naftaydaba talo ugu soo jeedinayaa inaan si mowduuci ah arinta uga jawaabno innagoo waliba si hufan oo ah sida islaamkeenu ina farayo inaan ula doodno dadka aan muslimiinta ahayn markii loo baahdo in lala doodo ama diinta loo ban dhigo looguna yeero xaqa si ay soo galaan ugana soo baxaan mudiga ay ku jiraan ee ah gaalnimada.
Waxaa haboon inaynu fahamno in xil innaga saaran yahay badbaadinta ninkaan iyo dadka la midka ah una aragno sidii qof qar iska sii tuuraya oo waashay sida uu sheegay Qoordheere,una baahan in si naxariis leh xigmadina ku dheehan tahay la isugu dayo badbaadintiisa.

Waxaa Ilaah sarreye qur'aankiisa ina ku yiri aayad macnaheedu yahay" Ha la doodina kuwii kitaabaka la siiyay(yuhuud iyo nasaara)xaaladii wanaagsanayd inaad kula doodaan mooyee,kuwooda dulmiga falay maahee(gaaloobay)kuna dhaha(kowa gaaloobay)waxaanu rumaynay kitaabkii annaga naloo soo dajiyay(qur"aanka kariimka ah)iyo kii adinka laydiin soo dajiyay( towraad iyo injiil iwm), annaga Ilaaheen iyo idinka Ilaahiinna waa mid qura isaga ayaanan u hogaansamaynaa" cankabuut:46

WAxaa kaloo ilaah sarreeye aayad kale ku yiri: "ugu yeer(Nabiyow dadka) jidka Rabbigaa si xikmad iyo waano wanaagsani ku dheehan tahay Rabbigaa ayaa u ogaal badan kuwa ka lumay dariiqiisa. isaga ayaana sidoo kale u ogaal badan kuwa hanuunayee" annxal:125

Fircoon ninna kagama hormarin gaalnimo iyo in Ilaah loo gafo xadkana laga baxo,Ilaahna waa ogaa inuu gaalnimadaas ku dhimanayo haddana Ilaah wuxuu Muse iyo Haaruun(NNK)ku amray inay si dabacsan xaqa ugu bandhigaan" Ku dhaha fircoon hadal dabacsan waxaa laga yaaba inuu waano qaato ama uu cabsadee" Daaha:44
Taasina waa tababar Ilaahay ku tababarayay Rusushiisa iyo inta raacday siday ula dhaqmi lahaayeen inta ka indha beeshay xaqaa'iqda waadaxa ah iyagoo gudanaya waajibkooda.

Waa arrin xanuun badan in maanta dad soomaaliyeed innaga rabaan inaynu gaalnimo uga yeerno diinta xaqa ahna ugu yeerno waana xilli cusub oo ay soomaalidu gashay isla markaana aan xisaabteenna horay ugu jirin, saasoo ay tahay waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo dadaal dheeraad ah, waxaa kaloo loo baahan yahay inaynu nafteena ku hubayno cilmiga diinta islaamka si aynu mowjada bilowga ah aynu uga hor tagno. waana inaynu xasuusnaano xadiiskii Nabigeenna (scw)"Hal qof in adiga dartaa Ilaah ku hanuuniyo ayaa kaaga khayr badan geela gudguduudan)kaasoo ahaa waqtigaas waxa ugu qiimaha badan ee carabtu ay qiimeeyaan kuna faanaan .

Maantana waxaa doollarka iyo dahabkaba inooka khayr badan in Ilaah feeradillaaciye iyo kuwa la midka ah uu darteen ku soo hanuuniyo waxna ku fahamsiiyo sidaa darteed aan ugu caqli celino si cilmiyaysan naxariisina ku jirto intii karaankeen ah.

Mahadsanidin

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
lasooogaa
(no login)

NINKII WAXXAA QORAY LA OGAA

No score for this post
December 26 2002, 2:51 AM 

NINKA QORAY SU'AASHII DIINKABAXA AHAYD AYAA LASOO OGAADEY WAA NIN MAR HORE OO UU KENYA JOOGEY SAAXIIBADIIS U SHEEGAY HADDII UU DHINTO IN AY MEYDKIISA U IMAN DOONAAN GAALO OO QAADAN DOONAAN, LAAKIIN MAGACIISII LAMA GARANAYO EE SAAXIIBADIIS MAGACIISA HASOO SHEEGEEN SI UU TUKE CAMBAAR LEH U NOQDO, WAXAANA TAAS HADDA LAGU SOO OGAADEY WAAAAYO WAA MID GARANAYA CARABIGA OO DIINTANA BARTAY, WAXAAN TAAS SII SHEEAGAY IN UU XATAA KENYA DADKA WACDIYI JIREY MARKII DAMBESE LA DUUFSADAY, CARABAGA UU KU HADLAA, WAXAANA KA GANARAYSAA ODHAAHDIISA OO KU BADAN KELMADO CARABI AH

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - JAWAAB KU WAAJAHAN NINKA QORAY "SOOMAALIYEEY MA AAMINSAN TIHIIN IN MUXAMMED(NNK)..."
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.