ascwrawb.
heeska maanta,
beeneey ma nabadbaa?
baryahan waanku weynee
ma balaadii aad
la bukootayee
beerka kuu gashaad
baabuur ku qaadoo
bullo xaawo iyo hawd
boosaaso iyo xamar
baladweyn dhexdeediyo
baydhabo ku aastoo
ma nimaan baqayn baad
boqor nooga yeeshoo
bulshadeenna kala dilay
beeneey ku diidnee naga bax!
naga bax
bisinkiyo quraankaan
kula beegsannee naga bax
nag bax
balaayooy naga bax
ku diidnee nag bax
bax
bax oo hasoo noqon!
Xalane,
mahadsanid walaal.waa kan heeskii aan rabay inaan soo qoro laakiin dib ayaan uga noqday.anyway WAA BEEN waxay ka dhigneeyd waxba meesha kuma qornee ha galin!!!
ka soo warran heeska ma wax qalad ama deelqaaf ah ayaa ku jira?
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
acwrawr.
waad mahadsantahay,c/Allahi.marka hore walaal.
aniga ayaa allifay heesta,waa ereyo maskaxda ku soo dhacay.waxay ka hadlayaan dareenka aan siyaasadda ka qabo.
BEEN=SIYAASAD,SIYAASI=BEENLOW.
waa sidaas arrintu.
waxaan ubaahanahay qof CRITIC ah oo wixii ka qaldan heesta ii toosiya.
mahadsanid 100%
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
ACWW.
Zahra walaal waa marka horee aduunka aan maanta joognaa been ayey wax walba u badan yihiin, oo sheeko kasta oo uu ruux sheego 95% waa been ama waa matalaad aan dhahee, waxaa waxa la sheego run ka ah 5% , taas oo ay ayaduna ku xidhan tahay kolba ruuxa sheegaya. Hadaba aan u soo laabtee heestan aad beenta ku saleysay deel qaafna uu iiga dhex muuqdo, waa marka horee ninkan aan baqay oo aan u maleyn in aad ka wado Col. Cabdulaahi Yuusuf iyo qaar la mid ah wax ka fuleysan ma jiraan. walaal midna waan kugu diiday oo ah in aad been bariidiso. Heeskaana kaa galaye waxaan la yaabay in Hawd oo aan been laga aqoon iyo Boosaaso oo ah meesha beenta , mardabadda, hagardaamada, iyo sulaxnimadaba laga soo unko, aad isku tusaale soo geliso.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.