Waxaan arkay arkay qoraalkii Ikram Cali ee watay ujeeddada kor xusan waxaana igu adkaatay inaan garowsado dooda dad badan oo somaliya soo jeediyeen gaar ahaan Ikram Cali ka dib markii ay maqleen gabar somaliya oo la yiraahdo Ayan Xersi diinta muslimka ka baxday ka dibna ka bixisay faallo ku aadan aragtida ay ka qabto diinta (personal Opinion) iyadoo ku eedeysay in diinta diidanatahay sinnaanta naagaha (Equal Rights for Women) iyo waliba awoodda dheertaadhaka ay nimanka siisay taasoo fududeysay in nimanka qaarkood awoodaasi u adeegsadaan si dadban kuna tuntaan sadka naagaha (violation of women's rights).
Aniga aqoon uma lihi dadka badan ee wax ka qoray arintaan guud ahaan iyo Ikram gaar ahaan hase ahaatee waxaan si joogtaa Internet-ka uga dhageeystaa wararka Ikram iyo jaalkeed Amun Cabdullahi ka baahiyaan wrabaahinta Sweedidsh Radio International laantiisa afka somaliga waxaana u haystaa in Ikram marka hore tahay somali,ka dibna gabar,kasii dambena wariye ku nool waayaha cosob.
Ikram, sida dadka wax ka qoray arinta Ayan Xersi, waxay aad u canaanatay falka gabadha ku kacday iyo maan gaabnimadeeda iyo iney diinta aflagaadesay.
Waxa kaleey Ikram duulan ku qaaday soo jeedinta ay Ayan u soo jeedisay dalalka reer galbeedka inay ka hawl galaan hor umarinta hooyada iyo dhallaanka oo Ikram qoraalkeeda ku sheegtay in loolaa jeedo gaaleynta ilmaha iyo naagaha.Sidoo kale waxay si quursi ku jiro u liiday martiqaadaaka Ayan loo fidiyay inay ka mid noqoto gola-taliska dalka Holland(Dutch Parliament).
Heerarka aan u kala qaaday qofnimada Ikram mid walba waxow wataa xil gaar ahaaned oo iyada indha gaara ku fiirinaayo mar haddii ay tahay qof ka hawl gasha war fidin iyo war baahin maqal iyo muuqaalba leh ,marka qoraalkeeda waa in ow ahaadaa mid dheeli tiran (Objective Reporting). Waa marka horee waxaa ii muuqato in sida aniga iyo Ayan ay Ikramna dalkii ka soo tagtay maantana ku nooshahay dal labaad, kaasoo awood u siiyay inay dalkass ku yeelato sad ( Civil &Individual rights) la mida kan ay leeyihiin dadka dalka ku dhashay una dhashay, kaasoo ogol inaad haystid dhaqanki iyo diinti aad la timid, awood kuu siiyay inaad wararka ifka dhaco dadkaada gaarsiiso adigoo afkaada adegsanaayo.
waxay ila tahay ineyan sidaas u sii dhib badneyn in Ikram garato madax banaanida la siiyay in iyada kaliya ku koobneyn hase ahaatee ay tahay mid dadkaoo idil loo fidiyay. Madax bannanida ma aha kaliya inaad u madabannaantahay
( wixi aad rabtid ) waxaase ka mida inaad ka madaxbannaantahay ( wixi aadan rabin).Waa inaan kala bixinaa somalinimo iyo islanimo inaysan isku xirneyn qofkuna qaada karo diinta ow rabo hase ahaate noqon karin somali goorta ow rabo. Somalinimadu waa wax joogtaa ( constant ) waayoo dhiig cosob iskuma shubi kartid diintuse waa waxa qofku doorto (variable ).Marka Ikram waxaan dhihi lahaa qofka iyo abuurihiisa isaga dhex bax isla markaasna qofna ha ku colaadin han ku qoonsan adeegsiga madax bannaanideeda.mid kale Ikram waxay ku sheegtay tartanki quruxda gabdhaha ee Guthenburg in ow ahaay mid dhaqan siloon loona baahaneyn gabdhaha somaliyedd inay ka dheeraadaan. waxaa wali iga qarsoon meesha Ikram ku nooshahay. Walaal kuma noolin waayo diin dalka iyo bulshada maamusho. Diinta waa iney ahaataa arin ka dhaxeyso abuuraha iyo addonkiisa fara gelina aysan ku yeelan maamulka qaranka iyo madax bannaanida qofka {individual liberty}. Waa inaad qadarisaa( appreciation of values) madaxbannaanida aad haystid ee aan cidi kuugu soo talaabi karin.
Haddii Ayan ka baxday diinti ay hore u haysatay qofna wax ma yeelin ee waxay adeegsatay madax bannaanideeda gaar ahaaneed ( Exercise of indivdual freedom and liberty) iyadoo u aneeysay sinnaan la'an iyo nimanka oo ka tilaabsado sinnaanta iyo sadka naagaha,taasina waa dhacdo joogta oo bulshadeena ku cosbeyn u mana arko iney tahay aflagaaddo ku aadan diinta .aniga waxaan ahay wiil somaliya oo rumeeysan hor umarinta aqooneed , dhaqaale iyo bulsheed ee gabdhaha somaliyeed (Socio-economic and educational advancement of somali women) , sinnaanta nimanka & nagaha iyo waliba hor umarinta xannaanada ubadka iyo hoyada somaliyeed.
Waxaan jeclahay badbaadinta dhaqanka somali (preservationof somali culture) kassoo ka duwan dhaqan ku sheegga 15ti sano ee nasoo dhaafay dalqda naga geliyeen nimanka gardheere yaashaa ee sacuudiga taba baray , hantigeliyay una adeega rabana iney ka dhaqan geliyaan diinta wahabiyada dalkeenna. Kuwaas oo diidan hor umarka iyo sinnaanta naagaha rabana in naaguhu guriga ku ekaadaan oo ey ahaadaan warshado ilmaha soo saaro kuna cadaadiyay iney kuberto hoos galaan intaaney bannaanka u bixin.
Siyad Barre inkastow kaligi taliye ahaay dhowrki wanaag ee laga dhaxlay waxaa ka midahaa sinnaanta nimanka & nagaha ee ow aqoonsaday qeybihii la yaabka lahaa ey gabdhaha somaliyeed ka soo qaateen dagaalki gumeysiga iyo gobanimadi dalka.Sida aan wada ognahay dhaqanka somalida waxow ku saleeysanyahay reer guraa iyo xoolo raacato inta kalena beeraleey, waxaa kale oon ognahay inaan gabdhaha iyo wiilasha somaliyeed lakale qarin jirin oo waliba madasha ahayd neysu kaaya keena markii xooluhu soo hoydaan meeshaas oo gabdhaha iyo wiilasha inta dab weyn ogaan si ay dhaxanta uga gabbadaan iftiinkana iskuugu arkaan cayaar ku tuma jireen. Waxaa jirtay in gabdhaha qaarkood ragga lagu cabsiin jiray waayoo gabdhahaasi waxay ahaayeen kuwo aad ugu xeeldheer lagdanka , boodada iyo xagal gaadka ama kuwo la mida.
Waa inaan ka dhicinaa gabdhaha naxariis laaweyasha la soo adeegsaday rabana iney naga dhaadhiciyaan in horumaka gabdhaha wax xun yahay iyagoo kala dagaalamaya dharka wanaajiya bilicdooda ama u fududeeyo gudashada hawshooda ama ay u baahanyihiin si ay uga qeyb glaan cayaaraha sports-ka sida (basketball,tennis ,swimming, track & field).waxaan aragnaa dhaqdhaqaaqa wadaado ku sheegga waayahan kacay iyo bulshada ey maskaxda ka dhaqeen oo raba iney ku kacaan falal ey ku curyaaminayaan hor umarka bulshada guud ahaan gaar ahaanna kuwa gabdhaha sida qalalaasihi ka dhacay tartanki quruxda gabdhaha ee Gothenburg. Ragga raba iney waxaas kula kacaan bulsha ku dhaqanta Dimokrasiya(Democrcy ) oo qofku madax bannaanyahay tan iyo heer, maxaad umaleyneysaa iney kula kici lahaayeen bulsho kala daadsan?
Waxaan weediinayaa kuwaas iyo kuwa u sacabo tuma, haddii ay modeen inay Sweeden ama Scandanavian-ku yihiin dad xun oo gaalaa mey xaasakooda iyo ilmahooda ula guraan sacudigi ey wanaaga badan ku maleeynayaan bal aan aragnee soo dhaweeynta wanaagsan ey heli doonaanan , waxbarashada iyo caafimaadka badan ee xaasaskoodu iyo ilmahoodu la sii doono?
M. M. Gashan
Gashaan 2000@yahoo.com
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
Waxay xaqiiqdu tahay waxa aad ka hadashay qiimo samaynmayaan waxaanad ku sifowday caqli xumo iyo cilmi darro ku daashatay waayo waxaadanba kala aqoon waxa aad xaqa u leedahay iyo waxa aadan xaqa u lahayn markaasaad mugdi dhix jibaaxday. waxaadan xisaabtaba ku darin in haddaad khaaligii ku abuuray aad ku kufriday aadan cidaan naftaada ahayn wax yeelin, waxayse ahayd in aad qurunkaaga qarsato illayn adaa dhibkiisu kugu gaar yahee,haddaadse mooday xorriyo ku sheegga dhalanteedka ah ee kugu dhiirrigalisay in aad dad bilyan ka badan oo ku kala nool daafaha adduunyada aad diintooda iyo dhaqankooda aflagaadayso adigoo ku gabanaya waxa loo yaqaan xorriyada hadalka(freedom of express)waad khaldan tahay waabse loo joogaa halka ay kula gaarto.
Waxaan anigu aanan shaki ka qabin in aad tahay feerakadillaaciyihii ayaamahan ku matagayay boggaan qiimaha badan ee loogu tala galay in ummadda soomaaliyeed looga faa'iideeyo, adiguse aad u adeegsatay waxyeelayntooda, waxaase Ilaahay mahadiis ah inuu bannaanka ku soo dhigay oo adoon cidina ku soo khasbin aad soo gudbisay magacaaga iyo email adresskaaga kaasoo fududaynaya in lagu raadraaco si ugu yaraan waxyeeladaada loo hor istaago, sidaa daraadeed waxaan ka rajaynayaa bahda somalitalk inay u dhabba galaan qoraaladaada iyo cumputerka aad isticmaalaysid si markii loo baahado loogu gudbiyo ciddii ku shaqo leh .
Gashaanow anigu gabar soomaliyeed baan ahay xuquuda aad ka dhawaajisay inaad ii raadinaysid adiguna ma haysatid oo maba garanaysid nooca ay tahay,anigana igama maqna maxaa yeelay waxaan ahay muslimad ku faanta muslinimadeeda Ilaahii abuurayna uu u dhamaystiray sharaf iyo xuquuq wixii ay xaq u lahayd isla markaasna fahamsiiyay waxa ay haysato qaalinimadooda.
Adiguse waxaa tahay wax ma garad dhaanto beena loo tumay caqli ku filanna aan lahayn ee uu ku fahmo in waxa loogu sheekeeyay run yihiin iyo inay been yihiin marka waxaan ku leeyahay adaa lagu duudsiyay ee bal isku day inaad wax wax kula qabta heshid.
Gabadha Ikram waa gabar soomaaliyeed oo haddana muslimad ah, waa gabar sharaf leh isla markaana caqli wanaasan sida qoraaladeeda ka muuqda waayo waxay kala sooci kartaa waxa beenta ah qiimahana aan lahayn iyo waxa runta ah isla markaasna maguuraanka ah oo ah diinteeda muqadaska ah iyo dhaqankeeda wanaagsan meesha ayaan iyo adiguba aad ku fashilanteen in aad labadaas kala saartaan kalana garataan sidaas daraadeed waxaan idin kula talin lahaa bal in labadiinu aad dib isugu noqotaan oo aad bal ka wada hadashaan sidii aad aqoonsigiinni laydin ka khiyaameeyay aad dib ugu raadsan lahaydeen, haddaad gacan u baahataan iyo in laydin caawiyana nala soo xiriira inta ka horraysase naga jooji matagga iyo daaca qurunka caloosha kaaga buuxa waayo boggaan waa bog aanu jecelnahay kana faa'iidaysano ee hannaga wasakhayn please.
sidaas iyo anoo kuu rajaynaya wixii aad mudan tahay.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.