DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Warbixin : Odayaal dhaqameedyada Sool oo halgan kula jira Majeerteeniya.

December 28 2002 at 6:19 PM
No score for this post
  (no login)

Warbixin : Odayaal dhaqameedyada Sool oo halgan kula jira Majeerteeniya.

Caynaba-Sool,

Jamhuuriyadda Somaliland


-------------------------------------------------------

Wararka ka imanaya magaalda Laascanood ayaa sheegaya in Odayaasha gobolka Sool ay halgan wayn kula jiraan Maamulka majeerteeniya ee uu madaxda u ayahay Col. Cabdilaahi Yusuf, sidii uu faraha ugala bixi lahaa gobolkooda (sool). Halgankani ayaa lasheegayaa in odayaashu ka codsadeen majeerteeniya inay faraha kala baxaan Gobolka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inaanu maamulka majeerteeniya ka dhagaysanin hadalkaasi ay u soo jeediyeen odayaasha gobolku. Maamulkaasi (Majeerteeniya) ayaan wax dhaqale ah oo uu kutiirsan yahay aanay jirin marka laga reebo dekeda ugu yar dhulka Soomalidu degto oo ku taala magaalda Bossaso.

Hadaba dhaqaala yaridaasi ka jirta darteed maamulka Majeerteeniya ayaa odayaasha gobolku go'aansadeen in maamulkaasi soo faragelinin, taasi oo ay ku cadeyeen inay ninkuu Cabdillahi yusuf uu u soo diray gobolka oo ah wasiirkiisa arimaha gudaha Mudane Ahmed Cabdi Xaabsade, ahna nin udhashay gobolka Sool isla markaasna u arsaaq raadsaday maamulkaa majeerteeniya ayaa odayaashu kala hortageen hanjabaad iyo dagaal iyagoo u adeegsaday ciidamada Jamhuuriyada Somaliland ee weli jooga gobolkaasi gaar-ahaan magaaladda Laascaanood, halkaana uu Mr Xaabsade iyo wasiiro dhowr ah oo uu hogaaminayey ay dib ugu noqdeen magaalada Garoowe oo markii hore uu kayimid.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaad kaasi iyo ismaan-dhaafkaasi aanay cidi wax ku noqonin ciidamada booliiska Somaliland ayaa daafaha iyo badhtamaha magaalda Laascanood wareegaya si ay u sugaan amaanka magaldaasi oo beryahan feregelin wayn uu ku hayey maamulka majeerteeniya.

Maamulkaasi oo laftiisu uu ku soo xogaysanayo ciidamada Marya_Calsta loo yaqaano, lana filayo inay dagaal ku soo qadaan magaalada Qardho oo ay duleed keeda degen yihiin. Ciidamadani ayaa iyguna ka amarqaata madaxwaynaha ay odayaasha Majeerteenku ku doorteen magaalada Garoowe labasano kahor Jamac Cali Jamac oo uu ka eryay Cadilahi yusuf degaan kaasi.

Odayaasha Gobolka sool oo arintaasi og, kana war-war qaba dagaalka sokeeyaha ah ee ka soo cusboonaanaya degaamadda majeerteeniya, iyo sida uu lug wayn oo dhaqaale, nabad-gelyo, iyo mid bulshadeedba ugu yeelan karo degaamadda sool, ayaa hadaba dardar cusub oo ay kula midoobayaan Jamhuuriyada Somaliland qaaday, iyada oo lasoo sheegayo in odayaashu codsanayaan in doorashooyinka degaanka laga qaado magaalooyinka ka tirsan gobolka sool ee aan laga qaadin wax doorasho ah ilaa iminka, sida Lascanood oo ah xarunta gobolka, Taleex iyo magalada Buuhoodle. waxaana garaadaddu ay warqad ka hadlaysa sidii looga suurto galin lahaa in ay ka dhacdo dhulka iyo degmooyinka beesha dhulbahante dego ee goboladda sool, Togdheer, iyo Sanaag, doorashaddii degaanka inta ka horeysa doorashadda madaxweynaha, iyo tan baarlamaanka, ee somaliland, oo laqaban doono sanadkan(2003) soo socda horraantiisa, haddaba si arrintaas loo soorto geliyo, ayaa issimadda iyo garaadadda beeshu ay u direen warqad guddoomiyaha golaha guurtida ee somaliland, Mudane Sheekh Ibraahim Sheekh Madar, iyo gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Ahmed Mahamud Qaybe, warqadaas nuqaalkeeda oo ka turjumaysa dareenkooda siyaasadeed, iyo sita ay ugu muuqado garaadadda sool sidii lagu xalin lahaa arrinta khilaafka ah ee taagan maanta, iyo dhacdaddii laascaanood, iyo waliba sidii loo yagleeli lahaa loona balaadhin lahaa, loona gaadhsiin lahaa, nidaamka dowliga ah ee somaliland gaar ahaan degaamadda ku yaala koonfurta iyo bariga gobolka sool, Balse wararka ayaa sheegaya in golayaasha guurtida iyo Wakiiladuba iyo waliba Xukuumadda Somaliland aanay soo dhowaynin arintaasi wakhtigan xaadirka ah, laguna howlanyahay sidii magaalo madaxda gobolka Sool looga dhigi lahaa Magaaladda Caynaba oo ka tirsan isla Gobolkaasi sool arintaasi oo marhore uu soo jeediyey Xisbiga kaalinta sadexaad ku guulaystay tartanka doorashooyinka degaanka Jamhuuriyada Somaliland oo ah xisbiga siyaasiga ee UCID.

Waxaa kale oo wararku intaas ku darayaa, in ay golayaasha sharcidejinta somaliland ay u saareen gudi ka kooban labadda gole si ay baaraandag iyo u fiirsasho dheer ugu sameeyaan arinta sool, iyo waliba in la cayimo oo la yareeyo isku socodka iyo isu furnaanta somaliland iyo majeerteeniya, iyo waliba sidii xukuumadda loogu soo jeedin lahaa talo ku wajahan wixii laga yeeli lahaa xadka u dhaxeeya somaliland iyo maamul-goboleedka majeerteeniya, loona soo afjari lahaa shaqaaqadda iyo faragalinta qaawan ee kaga imanaysa somaliland magaaladda garoowe.

Mahadsanidiin Dhamaantiin,
Mr Ibraahin Hussein.



 

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Warbixin : Odayaal dhaqameedyada Sool oo halgan kula jira Majeerteeniya.
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.