wal/yaal waxaan jeclaan lahaa in aad iiga jawaabtaan su'aasha ah Somaaliya dagaal ahli ah oo diinta ku salaysan ma ka dhici karaa? sidaad la socotaanba waxaa jira in Al-itixaad dagaal ku qaadeen gobolada bari 92-93dii dagaalkaas oo dad badan oo al-itixaad ahi ay ilaa maanta ay aaminsanyihiin in uu ahaa mid xaq ahaa oo jihaad ilaahay dartii ahaa.innaga oon hilmaamayn dadkii lagu qaaday dagaalkaas in ay ahaayen dad muslin ah oon diinta ka soo horjeedin marnaba.
sidaad la socotaan wadanka la yiraahdo Al-jeeriya waxaa ka jira dagaalo ahli ah oo diinta ku salysan,Bakistaan waxaa la isu laayaa sunni iyo shiico. marka hadii aad ila qabtid in dagaal ahli oo diinta ku salaysan uu mustaqbalka ka dhici karo waddankeena sidee bay kula tahay in aan uga hortagi karno; xubin intee le'eg bayse culimadu ka qaadan kartaa? adiga oon hilmaamayn colaadda wadaadada dhextaal.Al-itixaad waxay xarash u hayaan Al-islaax iyo suufiyada> al-islaax waxay xarash u hayaan al-itixaad> suufiyo waxay xarash u hayaan Al-itixaad. kuligoodna waxay xarash u hayaan Takfiir niman la yiraahdo.
walaalayaal jawaab cilmiyeysan isku daya in aad ka bixisaan maqaalkan waa wax ina wada quseeyee.
waad mahadsantihiin
badmaax
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.