DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Faalo : QUDHAANJOOY KU QUUSO!! (Laascaanood - Sool)

January 1 2003 at 10:47 PM
No score for this post
  (no login)

Werwer xoogleh oo si aada ah isu soo taraya ayaa laga dareemeyey maal mahan magaalada laascaanood ee Gobolka Sool.

***********************

Odayaashii reer laascanood ee dhacdhaca cabdilaahi yuusuf siin jiray iyo kuwii kasoo horjeeday ayaa garan la' meel ay u ciirsadaan.

Werwer xoogleh oo si aada ah isu soo taraya ayaa laga dareemeyey maal mahan magaalada laascaanood.
Werwerkani ayaa ka dhashay dhinaca odayaasha dhulbahante oo u kala qaybsan Dowlada somaliland iyo maamulka Cabdillahi yuusuf iyo ninka ay iska soo hor jeedaan ee Jaamac Cali Jaamac oo ku sugan magaalda eldoret ee wadanka Kenya.

Hadaba Wararka ayaa sheegaya in si wayn ay u baqayaan odayaasha jaamac cali Jaamac taageersan, halka kuwa cadillaahi yusufna laftoodu werwerkaasi mid la mida ah ay qabaan oo iyaga laftoodu ( waa odayaasha dhulbahante ee taageersan cabdillahi yusuf ) ayaa ka baqaaya in cabdillahi yuusuf oo dagaal kani shalay dhacay ku guuldaraystay, hadii u sidaasi xaaladu ku sii socto oo arintu cabdillahi yuusuf ku rogmato ka baqaya in quutal daruurigii ay ka heli jireen cabdillahi yuusuf wayaan.

Dagaalakani ayaa malintii shalay ahayd oo isniina ka dhacay meel u dhow goobta loo yaqaano Dhuudo oo ka tirsan gobolka bari, is la markaana ciidanka cabdillahi yuusuf ay ku jabeen dagaal kaasi.

Dhinaca kalena warar ayaa sheegaya in odayaasha dhulbahante qaarkood oo ah kuwa kala taageersan labada dhinac ee isu haya maamulka majeerteeniya haatan rabaan inay isu dhiibaan dowlada Somaliland si intaan talo faraha ka haadin ay u meel samaystaan isla markaana ku beerlaxowsanaya maamulka xukuumadda somaliland iyo golayaasha qaranka, siiba gaar-ahaan golaha guurtida ee jamhuuriyadda somaliland, waxaan ahay odayaal dhaqameedkii bulsha katirsan beelaha somaliland, kuwaas oo aan sinaba kukala tegi karin.

Odayaasha kolba dhinac u cararaya ee degaankani ayaan ahayn mid cusub, iyagoo caadaystay in kolba xag u guuraan, taas oo keentay in aan sinaba loo heli karin cod isku duuban oo ka turjumaya masiirka guud ee beesha dhulbahante, oo ay odoyaal-dhaqameedku ay si wadajir ah u soo daliiliyaan ama ay u soo ban-dhigaan, halkaana ay ka cadahay in aan maamulka jamhuuriyadda somaliland ayna sinaba u aamini karayn, maadaama ay badankoodu noqdeen kuwa kolba halkii illi uga banaanaato u carara marka laga reebo garaadadii degaankani ay asal u lahaayeen taariikh ahaan, sida garaad cabdiqani garaad jaamac, oo isagu marnaba xataa lagu xamanin, laab-lakac daciifnimo ah, iyo marba dhan u carar siyaasadeed ah, arintaas oo aan garaadka laga dareemin marnaba, tan iyo maalintii dhidibadda loo daagay jamhuuriyadda somaliland, ee ku beegnayd 18-05-1991.

Garaadadda asalka u leh dhaxalka beel-daajinta iyo taariikhda garaadnimadda beeshan dhulbahante, ayaa ah kuwo guud-ahaantood tageersan midnimada iyo gooni isutaaga jamhuuriyadda somaliland isla markaana ka khashaafa, si wayn oo quudhsi ah iyo hoos-u-eeg lehna u arka in ay guno ama luf-luf ay ka qataan cabdillahi yusuf iyo waxla mid ah.

Arintan gooni isu taaga somaliland oo odayaasha asal u lahaa Gaaraadnimada Dhulbahante ay aaminsan yihiin, ayaa keentay in ay hardan adag kula jiraan odayaasha beryahan danbe ay qabaa-ilada ama jilibadda hoose ee dhulbahante qaarkood samaysteen, kuwaas oo kolba dhinac u gurguurdamaya, taas oo keentay in marna taageera somaliland ay ka doontaan, marna ay qabiil ku raac ahaan iyo arsaaq u doonasho ugu tagaan maamulka majeerteeniya ee cabdilaahi yuusuf horboodaayo.

Mar aanu wax ka waydiinay oday ka mida odayaasha degaankaas oo laascanood kusugnaa ayaa noo sheegay inay nimakan cusub ee garaadada sheeganaya ay qaarkood askar u ahaan jireen dhiigyacabkii afwayne oo haatan in mudo sanado ah horteed haligmay.
Wuxuu odaygaasi intaasi ku daray oda-yadani lasameeyey in aanay garanaynin habka reerka loo maamula (beel), isla markaana aanay hide asaliya ah aanayba u lahayn maamulka iyo culayska ay garaadnimadda reerku leedahay, balse arsaaqdii uun u gashay inay isku magacaabaan isimnimo iyo garaadnimo, kadib markay si kale oo ay wax ku cunaan oo luf-luf siyaasadeed ah ay wayeen.

Dhibaatadan hadaba ka dhacday maamulka majeerteeniya, ayaa xitaa taabatay ganacsatadii gobolkan oo qaarkood cashuurta berbera kala cararay oo markaas kala soo degi jiray magaalda boosaaso wuxii ay dibadda kala imaan-jireen.
Magaalada laascanood oo cunaqabateyn ay saarantahay taasi oo ay ku soo rogtay Dowladda Jamhuuriyada Somaliland, ayaa xalad adagi oo xagga dhaqaalaha ahi sii fuushay kadib markii uu dagaalkani oo ilaa hada socda lana sheegayo in uu ciidamo kale cabdillahi yuusuf u doontay magaalda boosaaso ay sii murgisay xaalad nololeedka magaalada laascaanood.

Dadka danyarta ah ee ku nool magaalada iyo inta u dhow dhow ayaa dhibaato iyo biyo xumo lasoo deristay. Hadii hadaba degaaladani ay joogsan wayaan waxaa laga baqayaa in guud ahaan maamulka majeerteeniya, iyo gaar-ahaan magaalada laascaanoodba la kulanto dhibaato xagga adeega iyo cunadda ah, sababta oo ah waxaa inta yar ee isku halaynta ah ee quudal daruuriga ah uu kasoo gali jirey degadda magaaladda boosaaso, taas oo hatan xidhan, waxaana intaa usii dheer magaaladan laascaanood cunaqabatanyta Jamhuuriyada Somaliland ku soo rogtay guud ahaan gobolka Sool gaar ahaana magaalada Laascaanood, arintaas ayaa sii adkaynaysa xaaladda magaaladda laascaanood ay ku sugantahay xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba wakhtigan xaadirka ah.


Reported by:- Mr Sharmaarke Kooshin For Hadhwanaag.com
Degmadda Laascaanood, Gobolka Sool, Jamhuuriyadda Somaliland.




 

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Faalo : QUDHAANJOOY KU QUUSO!! (Laascaanood - Sool)
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.