walaal mar ka hore s.w.w.
intaa ka dib su aashaadu waa khaldantahay sababta aan u idhina waxaa weeye hadii aad nimanka weydiisay horta ogowe nin walba naagtiisa ayaa ugu haboon naagaha
haday dumarka tahayna mid walba xaalada ay tahay ayaa ugu haboon
ok aniga waxay ila tahay jeceyl ahaan ragu waxay jecelyihiin gabdhaha curdankaa
laakiin xaga maamulkaa iyo rag la dhaqanka waa ku haboon garoobka
ku soo noqo rasuulkeena s.w.c dumarkii uu guursaday mid maahee inta kale dan uu iyga u daneynayo ayuu u guursaday.
umunaa caa isha radiyalahu canhu iyada maahee inta kale guurka aya guu ugu daneynayey
wabilaahi tawfiiq
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
asalaamu calaa mani tabacal hudaa
is daba qabo nin kow rasuulkana scw allaah subxaanuhu watacaalaa ayaa xumaan ka nasahay haday cey wax ka dhimaysana gaaladii reer makaad ayaa wax udhimi lahaa
marka cawaaqib xumada uu leeyahay qofkii rasuulka caaya ka akhriso boga somali talk
marka diinta baro waa lagu saaqaye .
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
gabadh waa ahaa garoobna waan ahay , marka waxaan idin leeyahay waxaa la yidhi gaadhi baan lahaan jiray dameer baan leeyahaa ka wanaagsan ,waxa ay is dheer yihiin oo kali ah waa adoo is ticmaalay shadhkada oo meel dhigay hadana gashtay marka ani ahaan awal kibi iyo isla weeyi ayaa igu jirtay maantoo garoob aan noqdayna runtii noolashii hore waa dhamaa waxaan dib usoo xusuustaa dhibkii aan la kulmay habeenkii igu horaysay aqal kalkayga iyo maanta sidaan ahay waxaan taaganahay kii aad la kulanto dhib kala kulmi maysidee wanaaji sidaa ogaada in wax waliba wax ka daba jiidan yihiin
GUURBAA JIIDAN FURIINBA KA DABA JIIDAN
JACAYL BAA JIIDAN NACAYB BAA KA DABA JIIDAN
TAAJIRNIMAA JIIDAN FAQIIRNIMAA KA DABA JIIDAN
NOOLAL BAA JIIDAN GEERIBAA KADABA JIIDAN
GABADH BAA JIIDAN GAROOBAA KADABA JIIDAN
sidaas ku raali ahaada bay bay
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
walalamarka hore waan ku salaamay
marka xigta waan ku leeyahay waxaad iishaeegtaa
meesha aad joogtid marka xigtaana waxaad isiisaa
ciwwan kaaga saxda ah si aan kulasoo xirriiro
waayo waxaad iila qof hadlakeeda murti ku jirta insha
waxaan kaa sugu waa ciwaankaaga
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
salaan iyo qadarin.
gabadh iyo carmali waxaa keliya oo ay ku kala duwan yihiin;tan hore waa ugub(lama guursanin weli),tan labaadna waa lala aqal galay(laakiin waxba ka mqana waayo wixii uu ninka hore u guursaday waa ay sidataa ).intaas marka laga tago wax farqi ah oo udhaxeeya ma jiro.midda kale labada midwalba waxay leedahay faaiidooyin iyo wanaag u gaar ah.
salaan iyo kalgacal.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
wad salaamatihiin
mida kale waxaa wanaagsan gabadha maxaa yeelay wax alla waxi aad adiga bartid ayay baran laki garoob darsi hore loogu soo dhigay ayay wadataa abwaan somali ayaa yidhi (GAROOB NIN GUURSADAY GUUL MA KEENO, GAROOR DHANAAN OO LA GAC GACMEEYAY WAAYE )
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
A/C/W
Aniga waxay ila tahay in gabar iyo garoobba la isla guusado si aan midna wanaageeda loo seegin madaama midba dhinac ku fiicantahay.
Wabilaahi towfiiq
Khalif
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
salaan iyo qadarin.
raga qaar ayaa ku doodaya gabadh aan horay nin u arag ayaa wanaagsan.iyagoo adeegsanaya ereyo ay ka mid yihiin bikir-jabin!!!waa yaab! niman yahow gabdhaha ma waxaa loo guursadaa waxaa aad sheegteen mise reer wanaagsan oo ku anfaca la dhiso?mise macnuhu waa GALMOOD iyo in ODEY IYO XAASKIIS la noqdo?!!
isku galmoodku(iga raali ahaada ereyada aan meesha ku qoray umu kasin ee waxaan rabaa inaan ujeedada sharxo)waa qodob ka mid ah mashruuca guurka,kumana xidhna gabr iyo garoob midna maxaayeelay,waa isku mid.ama gabar guurso ama garoob la aqalgal.waxaa hubaal ah in adigu noqondoonto ka warwareegga bilaabi doona marka seefta lagu dabaqaato!.
qadarin.
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
asalaamu caleykum
walaalayaal topican horey ayaan uga hadlay oo wixii aniga aydhiyadaydi ah waa ka dhiibtay laakiin waxaa maskaxdeydu is weydiisay maxaa dumarka ku gaara oo garoobnimadooda ku gaara
hadii labada qof is guursadaan dabadeedna furiin uu yimaado maxaa ninkii la oranayaa miyuuusan isaguba aheyn garoob?
tan kale ragu dumarka ha qadariyeen wiilasha qaarkoodna ha ka xishoodeen waxay ku qorayaan meesha oo garoobka lagu xaglinayo
amina
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.
DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.