DoodFuran: SomaliTalk.com
 
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Maxaad ka qabtaa in Somaliya lagu maamulo Demokrasiyad ( Democracy)

January 6 2003 at 11:28 PM
Score 1.0 (1 person)
Been Masheege  (no login)

Maxay kula tahay haddii dalka lagu dhaqo demokrasiyad
(democracy ) ku saleeysan habka Federa-ka hase ahaatee gobollada ay u madax bannaan yihiin maamul hoosaadka gobolkooda iyo degaannada hoos yimaad?

Maamulka sidaasa waxow dhaqan gelinaayaa sinnaanta nimanka iyo naagaha, sinnaanta beelaha kala duwan,kor uqaadidda waxbarashada naagaha iyo ka qeygalkooda dhaq dhaqaaqa nolosha bulshada qeybaheeda kala quwan.
Aragtidaada ka dhiibo.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
Anonymous
(no login)

wAA FEKRAD HABOON

Score 5.0 (1 person)
January 7 2003, 12:43 PM 

WAA FEKRAD HABOON OO CADAALADA HOR U SEED AH
feerakadilaaciye@hotmail.com

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(Login nastylover)

democracy waa ra'yi aad &aad u qaldan.

Score 3.0 (1 person)
January 11 2003, 2:21 PM 

ASS/ca.w.wabarakatuh.
salaan kadib waxaan halkan ka salamayaa dhamaan shaqaalaha shirkandan. waxan rabay inaan ra'yigayga kadhiibto arintan ah in wadankeenii hooyo lagu xukumo "democracy" mase u haboon tahay in dad islaam ah lagu xukumo.
waxan aaminsanahay in umada somalida aysan ubaahnayn in xiligan denbe lagu xumo democracy waxana tusaale ahaan usoo qaadan karnaa waxa ka dhaca dadka isku maamula democracy- ga waxad arkaysaa in qoftii dumarka ahayad ee marwada ahayd amaba la qabay loo ogol in saaxiib yeelan karto ama ay ninkii qabay ay iska furi karto, waxad kaloo arkaysaa in tix galinta koobaad leedahay hooyada,tix galinta labaadna ciyaalka & eyga tan sadexaadna waxaa leh raga mana dhihi karnaa maamulkan la magac baxay democracy waa maamul u cadaalad samayn kara bulshado meel kuwada nool, waxad kaloo arkaysaa in awood buuxda siiyaan dumarka iyagoo ku dhiiri galiya sida inay siman yihiin raga & dumarka mana dhihi karna wixii soo fakaray ra'yigan democracy amaba aaminsan waxay ka aqoon badan yihiin illihii uumay umadan, ninkii aaminsanow in gaaladu ka aqoon badan tahay allihii koonkan iska lahaa waad dhunsan tahaye e gow.
marka waxan aaminsanahay in umadan kala tagtay kala go'day is ****ay ee somaliyeed waxa kaliya oo midayn kara inay tahay iyagoo ilaahooda u noqda dastuurna ka dhigta iskuna xukuma "diinta islaamka" diintaas ayaa waxba ku dhamys tiran yihiin ee iyada ka raadiya xalkiina. waana ka baxay sidaa & nabad galyo.

.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
c/aali xuseen
(no login)

tacsi

No score for this post
January 24 2003, 8:15 PM 

anugoo ku hadlaya magacayga waxaan runtii aad ooga naxay warka naxdinta leh ee aan ka daalacday web.somalitalk.com waxaana lee yahay ninkaa wuxuu ka dhintay dhamaan umada somaliyeed meel kasta oo ay ku nooshay mid la gumaysto mid xor ah mid qaxooti ah iyo mid la baabiinaayo,
waxaana lee nahay Samir iyo IImaan Allaaha ka siiyo dhamaan Umada soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadiisa
Aaamiin.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
murti-dhaaris
(no login)

Re: Maxaad ka qabtaa in Somaliya lagu maamulo Demokrasiyad ( Democracy)

No score for this post
January 11 2003, 7:21 PM 

salaan iyo sharfin.
waa suaal aad u fiican laakiin waxaanse jeclaan lahaa haddii aad wa xoogaa sharax ah ka bixiso macnaha ereyga democracy iyo waxa loola jeedo.waxa kale oo haboon in walaalaha ka soo hor jeeda fikraddan ay noo sheegaan waxyaabaha nidaamka dimoqraadigu kaga duwan yahay kan islaamka iyo meesha cabsidu ka timid.
waad mahadsantihiin dhamaan.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

democrasi waa waxa inala hadhay

No score for this post
January 18 2003, 6:20 AM 

walaalayaal dadkeennu waa dad muslim ah, umana baahna in majaraha laga habaabiyo oo meel aanay weligood ku hormari doonin ilaahayna u barakaynaynin ku daalaan, hadday rabitaan nololeed dhab inaga yahay aakhirona dani inaga hayso dadaka halagu baraarujiyo inay diintooda usoo noqdaan iskuna maamulaan islaamka, haddii waxa la rabaa aanay ahayn in umaddu if iyo aakhiroba wanaag iyo horumar heshona democrasi halagu akhriyo, WAAR MA ILAAHAY AYAA RUN BADAN MISE REER GALBEED, alle wuxuu leeyahay dariiq kale weligiin ku hagaagi maysaan haddaad islaam tihiin, gaalona in ilaahay khayr idin siiyoba ma jeclaanayaan, iska daa inay iyagu wanaag ku siiyaane ka alle ku siiyey ayay ka xun yihiin, waxaan kusoo gebagebaynayaa walaalayaal balanqaad gaalo waqti badan ayuu inaga lumiyee waqti hala siiyo balanqaadka alle.

ILAAHAY DARIIQA XAQA AH HA INA TUSO

QOORUBAXAY

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   

(no login)

democrasi waa waxa inala hadhay

No score for this post
January 18 2003, 6:21 AM 

Iyaguba xaq bay leeyihiin

No score for this post
January 20 2003, 2:03 AM 

Goluhu waa salaaman yahay.
Fikrada dimuqraadiga hadii beel meel wada degini ay isla fahmaan, aad iyo aad bay u fiican tahay. Anigu shakhsiyan aad iyo aad baan u taageer sanahay nidaamka dumuqraadiga dhabta ah. Qofku sidiisaba waxa uu yimid Aduunka isagoon wax su'aal ah lawaydiin inuu rabo meeshan iyo inkala, balse maanta waa joognaa, maxaase kawanaagsan qofku inuu rayigiisa sheego isagoon cidna ka cabsoonayn, waayo nidaamkaasi waxa uu kuu ogol yahay afkaarda adoo toos u sheega, filimaayo taasi inay dhibaato ku jirto. Sxb baa kor ku carabaabay in nidaamkaasi uu awood gaar ah siiyo dumarka, sxb taasi dhab maaha ee sidaada oo kale ayay xaq u leeyihiin, xorna waxa ay u yihiin inay rayigooda sheegaan. Waa haddii dumarka Somaalida taas laga helayo e!

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
feerakadilaaciye
(no login)

Re: Iyaguba xaq bay leeyihiin

No score for this post
January 20 2003, 11:34 AM 

dalmar si faahfaahini ku dheehan tahay ayaad u faahfaahisay anigana shakhsiyan waan u jeedaa cidii aan is indha tireen ama diini aysan xabisin inuu arkahayo dhabta iyo xaqiiqada wanaageeda
feerakadilaaciye@hotmail.com

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Khalif
(no login)

Re: Re: Iyaguba xaq bay leeyihiin

No score for this post
January 20 2003, 10:01 PM 

A/R/C
Dimoqradiyadu waa nadaam ka soo horjeeda shareecada diinta islaamka sababtoo ah waa doorashada dadkaa leh meesha diinteena muqadaska ah ilaah noo doortay habkaan u noolaanlahayn. Marka sidaa daraadeed ma haboona in aan isku maamulo Dimoqraadiyada waxa aynagala maqantahayna waa laba nin iyo laba naag oo isqaba.

Jawaab gaaban waxaa leeyahay (adoon uqalmin inloo jawaabo) midka labaxay feerdilaaciye kawaantow gafka diinta Islaamka iyo rasuulka ALE xataa hadaad diinkale haysatid.
Wabilaahi tawfiiq
Khalif

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Anonymous
(no login)

Re: Maxaad ka qabtaa in Somaliya lagu maamulo Demokrasiyad ( Democracy)

No score for this post
January 24 2003, 1:11 PM 

nidaamka dimoqraadigu kama hor imaanayo shariicada islaamka waayo islaamku waa diinta xoriyada iyo madaxbanaanida marka laga reebo qaabka ribada.
dimoqraadigu wuxuu ku dhisan waxyaahan,
1-warbaahin madaxbannaan.
2-qofka aadanaha ah oo awood uleh in uu xaqiisa helo.
3-dadka oo u siman wixii dheef iyo dhibaato soo foodsaara dalkooda.
4-madaaxda oo ay bulshadu soo doorato.
5-garsoor ama maxkamado ka madaxbannaan waaxda fulinta ee dawladda,taas oo suurto galisa in qofka masuul ah iyo kan rayadka caadiga ahi ay siman yihiin marka dambi lagu soo oogo.
dhamaan waxyaalahaasi waa laga helaa shariicada diinta islaamka waayo waxaa jira
nidaamka SHUURAA,oo ah in dadweynaha la weydiiyo qofka ku haboon in uu hogaamiye noqdo,waxaana nidaamka dhaqan gashay khulafaau raashidiinkii ABUU BAKR iyo CUMAR ibn KHADDAAB.
hadaba ma jiraa qof oran kara islaamku ma ogolo waxyaalahaas kor ku qorin?jawaabtu waa maya.
aayad quraanka ku jirta ayaa tiraahda,HAA DIHII BIDAACATUNAA RUDDAT ILEEYNAA,suuratu yuusuf.markaa dimocracyga waa sidaas oo kale oo wixii wanaagsan ku jira waxaa wanaagsan in aan qaadanno.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Anonymous
(no login)

Re: Re: Maxaad ka qabtaa in Somaliya lagu maamulo Demokrasiyad ( Democracy)

No score for this post
January 24 2003, 5:00 PM 

Illaahay ka cabso islaam iyo dimuquraadiyad isku meel ma galaan
Waagii hanti wadaaaga waxaa la dhihi jiray islaamkuu waafaqsanyahay hadana dimuquraadi baa la leeyahay

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
anon 1
(no login)

Re: Re: Re: Maxaad ka qabtaa in Somaliya lagu maamulo Demokrasiyad ( Democracy)

Score 1.0 (1 person)
January 26 2003, 7:51 AM 

iga gudoon salaan qiimo badan.
aa iyo aad ayaan kuugu mahadnaqayaa waanada waayo qofkii walaalkaa ah ee kuu damqanaya ayaa kugu sheega wanaaga.intaas ka dib waxaa haboon inaan dadka u sheegno wixii qalad ah iyo waxa ay runtu tahay taas waxaan uga jeedaa marka laga hadlayo democracyga waa in si aqoon leh looga doodo lana caddeeyo oo la qeexo topiga si loo qanciyo qofka aragtidiisu u janjeedho taageerista mabda'aas.
maaha sheekadu midabyada WHITE IYO BLACK waxii ka soo hadhayna waa qalad! i qanci,ii sheeg waxaad ku nacday democracy,ka dibna i waani oo ii tilmaam dhinaca kheeyrka iyo badbaadadu raacsan tahay if iyo aakhiro.
ma oran karo hebel waa qaldan yahay laakiin quluubta qofka aadanaha ah Ilaahey oo kaliya ayaa og.
waad mahadsan tahay marlabaad.

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Maxaad ka qabtaa in Somaliya lagu maamulo Demokrasiyad ( Democracy)
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2010 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.

DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.