DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID oo Si Wadajir Ah U Eedeeyey Xaaladda Qasan Ee Majeerteeniya.

January 7 2003 at 12:24 AM
No score for this post
  (no login)

 

Press-Release : Xisbiyada Kulimiye iyo Ucid oo si wadajir ah warsaxaafadeed ay soo saareen ku eedeeyey Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland siday u maaraynayso xaalada Qasan ee Majeerteeniya.

*******************************************************
Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, iyaga oo maanka ku haya nabadda iyo xasiloonida Somaliland ku caano-maashay, iyaga oo ka feejigan cadowga Somaliland ee diidan qaranimadeenna, iyaga oo arkaaya duruufaha siyaasadeed ee ku gedaaman Geeska Afrika, waxa ay si kulul u cambaaraynayaan malleeshiyada shisheeye ee ku soo xad-gudubtay dalkeenna, isla markaana ku dhex dagaalantay dalka gudihiisa.

Waxaanu aad uga xunahay sida fudud ee malleeshiyada shisheeye u soo gashay dalka, waxayna noogu muuqataa baylah iyo debac ka yimid xukuumadda Somaliland. Waxay ahayd in ay xukuumaddu waayo arag ka kordhisato weerarkii Laascaanood oo ay dejiso ciidanka qaranka xudduudka bari ee dalka. Waxaanu u aragnaa in labada kooxood ee ku hardamaya talada Majeerteeniya ay labaduba ka soo horjeedaan qaranimada Somaliland.

Sidaas darteed, waxa innagu waajib ah in colaada dhexdooda ah aynu ka gaabsano oo iska moosno si aanay saamayn innoogu yeelan. Haddii ay dhacdo in koox ka mid ah malleeshiyada ku dagaalamaya Garoowe ay dalkan Somaliland soo magan galaan, waa in sida caalamkuba u dhaqmo loo diyaargaroobaa, lana dejiyaa goob cayiman oo hubka lagaga dhigo. Tan iyo 1991, muddadii Somaliland la soo noqotay gobonimadeeda, weerarkii Laascaanood iyo tan maanta ayaa innoogu horreeya malleeshiyo shisheeye oo dalkeenna ku soo xad-guduba.

Waxay noogu muuqataa ifafaale siyaasadeed oo cusub, isla markaana khatarteeda leh oo innagu soo kordhay. Xukuumaddu weli ummadda ugama ay warramin xaaladdan cusub ee inala soo gudboonaatay iyo wixii tallaabo ah ee ay ka qaaday. Waxaanu leenahay waa in hoggaanka dalku ummadda uga warramaa xaaladdan soo korodhay.

Waxaanu uga digaynaa malleeshiyada isku haya Majeerteeniya ee ku soo xad-gudbay Somaliland inay si deg-deg ah uga baxaan dalkayaga. Waxaanu u aragnaa gef iyo gardarro aan la qaadan Karin ku soo xad-gudubka soo noqnoqday ee malleeshiyada Majeerteeniya kula kacayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa inay ummadda u iftiimiso soo noqnoqodka xad-gudubkan lagu hayo dalkan muddooyinkan dambe. Waxaa kale oo aanu soo jeedinayaa in xukuumaddu u talo badsato sidii looga hortegi lahaa gardarrada cadowga.

Shacbiga reer Somaliland waxaanu u soo jeedinaynaa in sidii horeba ay u ilaashan jireen nabadooda ay maantana sii adkayaan xasiloonida iyo horumarka ay gaadheen. Waa in aynu gacmaha is qabsanaa sidii aynu u ilaashan lahayn qaranimadeenna cadowgana meel uga soo wada jeedsan lahayn. Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo qoraalka labada xisbi soo wada saareen faahfaahin ka bixinayey ayaa carrabka ku dhuftay in Cabdillaahi Yuusuf oo ah gacan-ku-dhiiglaha horboodaaya maamul-goboleedka majeerteeniya, ee ka dhisan garoowe, uu ku andacoonayo in dawladda Somaliland ay caawinayso garabka Jaamac Cali Jaamac oo ay ciidamadiisa, oo uu hogaaminaayo General Cadde Muuse soo magan galeen Somaliland. Isaga oo taas ka jawaabaya waxa uu yidhi; “Haddii taasi jirto waa dhaawac siyaasadeed oo inna soo gaadhay, waxa ayna ahayd in aad looga fiirsado, in ay dawladda somaliland dhex cararto ama ukala hiiliso dagaal-oogayaasha (Warlords-ka) ku hardamaya gobolka bari ee maamulka majeerteeniya.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mr.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isaguna ku nuux-nuuxsaday in labada kooxood ee isku haya talada maamul goboleedka Garoowe ee Majeerteeniya aanu midina qirsanayn goonni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo in goboladda Sool iyo Sanaag bari ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed aanay ahayn in la kala dhoweysto, oo la soo kala xigsiisto, maadaama labaduba yihiin, kana tirsan yihiin cadawga asaliyaga ah ee ay leedahay qaranka jamhuuriyadda somaliland.

Mr. Siilaanyo, waxa uu xukuumadda u soo jeediyey in wixii ka baxsan maamulkeeda caadiga ah ay ka wada tashadaan xisbiyada Qaranka iyo hay'adaha kale ee Qaranka, sida golaha wakiiladda iyo golaha guurtida, isla markaana xukuumaddu ay soo diyaariso qoraal iyo war-gelin ay kaga faaloonayso, sida ay xukuumad ahaan ugu muuqato, sidii talaabo sharci ah, looga qaadi lahaa xad-gudub yadaa ka imanaya maleeshooyinka ku hardamaya, maamul-goboleedka majeerteeniya, waana in ay xukuumaddu usoo bandhigto, taladeeda golayaasha baarlamaanka, iyo axsaabta siyaasadda, si markaa wada jir talo laysku raacay, looga qaado, oo lagu soo afjaro, rabshadan soo noq-noqonaysa ee ka imanaysa dhulka ay ka jirto maamul-goboleedka goroowe, iyo waliba sidii loo soo dhamayn lahaa sheegashadda maamulka majeerteeniya, uu u sheeganayo qaybo ka mid ah goboladda somaliland, sida gobolka sool, iyo bariga gobolka sanaag.

Mahadsanidiin Dhamaantiin,
Waxaa Idiin Soo Gudbiyey Qoraalkan,
Dr Ibraahin Hussein,
Somalilander,
London, England, UK.



 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
mandhow
(no login)

Re: Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID oo Si Wadajir Ah U Eedeeyey Xaaladda Qasan Ee Majeerteeniya.

No score for this post
January 7 2003, 6:12 PM 

Runta hadaad shegeysid aad ledahay sool iyo sanag somaliland bey kamidtahay bal sku daya inaad keentan Riyaal lascanood. Taasi wa hadaad ruta shegeysin waaye, xataa madaxaweynihi hore somaliland skumadayin inu yimaado lascanood cabsi weeyn bu ka qabay inu isku dayo oo xata weligiis maoran wa mel kamida somaliland.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID oo Si Wadajir Ah U Eedeeyey Xaaladda Qasan Ee Majeerteeniya.
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.