DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Waxgarad

January 18 2003 at 2:05 PM
Average Score 2.0 (2 people)
Qaamuuska sanamyada casharka(1)  (no login)

 

January 16 2003 at 9:55 PM


qaamuuska sanamyada Cashirka Koobaad
Meesha: Qandahaar.. caasumada dawlada islaamka afghaanistaan .. Masjidka jaamica
Waqtiga:Ramadaan 1634 Hijrada
salaadii casar kadib Ardaydii ayuu ku wareegtay sheekhooda casharka bixiya..
sheekh gadh madow oo cumaamad cad qaba..
Wuxuu yiri sheekii: kitaabka QAAMUUSKA SANAMYADA ninkii qoray raximuhullaah wuxuu yiri alxamdu lillaah wasalaatu wasalaamu calaa muxamed..
BAABUL ALIFI.. alphabet(A)..(America)..
waxaa na soo gaaray in bada weyn gadaasheeda uu ahaa Sanam weyn oo la dhahi Ameraca..
Reer Ruum ayaa dhulkooda ka keenay.. oo geeyay dhulka cusub..
Adoomo ayeey Africa oga keeneen..
Farsamayaqaaniina Shiinaha ayeey oga keeneen..
aduunkoo dhana Aqoonyahano..
ilaa ay ka weynaatay.. illaahay ka soko ayaa lagu caabuday dhulka..
dadkuna waxay u caabudeen.. Cabsi iyo Damac..

waxaa na soo gaadhay in Hadii ay ruux u carooto ay meesheeda kaga tuuri jirtay Gantaalo dab ah oo gubaya
dalaga iyo taranka..
haday ruux ka raali ahaatana waxay ku shubi jirtay Maal khamri iyo macmacaanka aduun wax aanaan ka sheekayn karin..
Saas oo kale waxaa kamid ahaa dadka mid u caabuda jacayl iyo mid ku fitmoobid..
Taasin waa fitnada illaahay uu ku dhiminayo ciduu doono..
waxayna sheegeen Taariikhaystayaashu ayagoo ka soo xigtay dad soo gaaray Waqtigeedii inay lahayd sanamyo badan..
waxay ku beeri jirtay sanam qalbiga ruux kasta..
wuuna ka cabsan jiray ayadoon ogayn..wuuna rajayn jiray..
Taasina waxay ku dhacday ina dadka indhaha ka sixirtay..
waxayna u arkayeen si ka gadisan xaqiiqadeena..
indhohooda ayeey ku weynaatay..iyo waliba qalbiyadooda..
weyna ka haybaysan jireen..
waxay u malayn jireen inay wax walba ogtahay..wax walba maglayso..wax walba koobtay..
ilaa ay in badan oo dadka kamid ah caqiidaysteen inay arkayso ayagoo guryahooda jooga..
balaayadeeda ayaa caam noqotay..sharkeediina wuu weynaaday..ilaa aduunkii oo dhan uu isu dhiibay..
waxay mulkiday inta u dhaxaysa Qorax ka soo bax..iyo qorax u dhac.
muslimiintiina way la murugoodeen murugo weyn..
ilaa uu ilaahay ku manaystay umada imaamkii Mujadadka ahaa..Muwafagul muayad..
abuu cabdullaahi binu maxamed binu cawd binu laadin..
ilaahay ayaa gacantiisa ku baabi'iyay..
Meesh u ka soo baxay waxay ahay bilaadul afghaan..ilaa bariga Khuraasaan..
waxayna ahayd dhulkii Hijradiisa iyo jihaadkiisa..dadkeeda ayaa u gargaaray..wayna la safteen..
asalkiisa waxay ahayd Xadramawt..Wuxuuna dagay Madiina al munawarah..
wuu dhamaaday hadalkii ninkii qoray kitaabka Qaamuuska Sanamyada.

sheekhii ayaa yiri:
Haa.. America waxaa ku fitnoobay khalqi muslimiinta ka mid ah..Qaarna way diideen..
Laakiin cid si toos ah u hor istaagay majirin..ilaa uu Imaamkaas ka soo baxay..
dadka ayuu ugu yeeray dagaalkeeda..way la yeebeen..wayna eedeeyeen..
ma danaynin hadalkooda..koox ayaa u gargaartay..Hoyna waxaa siiyay afghaanka siduu sheegay qoraaga Qaamuuska sanamyada..
Wuxuu u diray sanamkii wiilal..geesinimo iyo waxgarad u saaxiib ah..
Ishii ayeey ka tureen..Sankiina waa ka gooyeen..iyadoo waliba ku dhex jirta ilaaladeedii..
wuu gaaday Imaamku..
Markaaseey Onkoday ooy qaylisay..markaaseey tuurtay gugaceedii..waxay gubtay doogii iyo diraacdii..
Xanaaqeediina waxay ku shubtay caalamka oo dhan..
gaysh diyaarisay..baabi'inaya wax kastoo wadada ka hor istaaga..
Aduunyadii oo dhan ayeey qabsatay..ooy buuxisay bad iyo bari..iyo cir..
way kari waysay Imaamka..
wuxuu yiri Sheekha: xaalada Dadku maalinkaas waxay u badnaayeen..
sida xaalada maalinkii Khaalid binu waliid uu burburiyay CUZAA..
waxay dheheen waan fiirinaynaa bal waxa ay sanamyadu yeelaan..
Waxay dheheen ( &#1604;&#1593;&#1604;&#1606;&#1575; &#1606;&#1578;&#1576;&#1593; &#1575;&#1604;&#1587;&#1581;&#1585;&#1577; &#1573;&#1606; &#1603;&#1575;&#1606;&#1608;&#1575; &#1607;&#1605; &#1575;&#1604;&#1594;&#1575;&#1604;&#1576;&#1610;&#1606; )
Markay waxba tari weyday way ku kufriyeen sanamyadii..
markay arkeen Awood yarideeda..ayuu buray sixirkeeda..
waba Sanamyadii qalbiyadooda ku beertay cabsida oo daadanaya..iska daba dhacaya..burburaya
Taasaa ugu waynayd wuxuu sameeyo Imaamka..inuu ka tirtiro qalbiyada dadk cabsiday u hayeen sanamyada
Wuxuu yiri sheekha: imaamku wuxuu akhriyay
(...&#1604;&#1602;&#1583; &#1603;&#1575;&#1606;&#1578; &#1604;&#1603;&#1605; &#1571;&#1587;&#1608;&#1577; &#1581;&#1587;&#1606;&#1577; &#1601;&#1610; &#1573;&#1576;&#1585;&#1575;&#1607;&#1610;&#1605; )
Markaasuu ku dayday Nabi ibraahiim calayhi salaam..
iyo sunadiisii sanamyo burburinta ahayd..
Sanamyadii ayuu burbur ka dhigay..
caalamka oo dhana wuu daawanayay..ayadoo kala daadanaysa..
markaasay dheheen ilaaladeedii:yaa saan ku sameeyay illaahyadanadii..
waxay dheheen wasiiradii iyo la taliyaashii:halkaas waxaa jooga wiil hadal hayay oo usaama la dhoho..
markaasay dheheen:dila ama guba..
Dusha ayeey kaga shubeen dab urusan oo afkiisa la moodo qirbad..
illaahay wuxuu oga dhigay qabaw iyo nabad galyo..waxba ma asiibin..
asna wuxuu bilaabay inuu dafo..dooxa kastan ku laayo..ilaa uu ka dhameeyay..
markaasay ku dhawaaqeen badbaado..badabaado..
laakiin Maanta CUZAA ma lihidin..
Taasina waa fadliga ilaahay ciduu doono ayuu siiyaa..

arday ayaa yiri:Sheekhow bilaadul afghaanka loo jeedo ma dhulkanagaa.?
Sheekhii ayaa yiri:Nacam..Qandahaar ayuu yimid..meeshan aan ku fadhiyo ayuu ku fariistay..
awoowgay wuxuu ii sheegay inuu arkay nin soo gaaray oo waliba dagaalka la galay buurahaas dhexdooda..wuxuu tilmaamay bariga..
arday ayaa yiri:sheekhoow noo sii kordhi qisada usaama iyo sanamyada..qoraaga Qaamuska sanamyada nagama dharginin qisada..
Sheekhii ayaa yiri:wuxuu ula jeeday qoraaga sanamyada iyo magacyadooda..
amaa hogaamiyayaasha geesiyaasha taariikhdooda waxaa ka helaysaa buugta taariikhda iyo siirada..
waxaan hayaa kutub ka sheekaynaysa sida (taariikhul qandahaar) oon ka iibsaday maktabada Kaabuul..
barri baan akhrin doonaa..inshaa allaah..
sidoo kale waxaa ka sheekeeyay qayb ka mid ah akhbaartiisii Mullah cabdul cadiim SAXIIBUL MAJAALIS oo dhintay 1501H..
noo keen majaalistii cabdulcadiim..wuuna daabacanyahay buugaas..wuxuu yaalaa maktabada qandahaar..
kutub kale oo imaamka ka sheekaynaysa ayaa jirta..waqtigeeda ayaan ayagana sheegi doonaa..
Wasalallaahu wasalim calaa muxamed..
sheekhiina wuu kacay anagan waan ka daba kacnay


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
Foos
(no login)

Maxay u taagantahay xisaabta ku dhex jirta sheekada aad qortay????

Score 5.0 (1 person)
January 23 2003, 11:38 AM 

walaal bal soo faah faahi waxa aad ula jeeddo qoraalka ka kooban xisaabta iyo xarfaha kale ee isku dhex jira ee aad ku dhex dartay qoraalkaaga.

Mahadsanid

Foos

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Waxgarad
(no login)

Re: Maxay u taagantahay xisaabta ku dhex jirta sheekada aad qortay????

Score 2.0 (1 person)
January 24 2003, 10:30 AM 

Walaal Carabi baan ku soo qoray laakiin Encoding ayaa saas ka dhiga
Mida koobaad waxay la mid tahay
( لعلنا نتبع السحرة إن كانوا هم الغالبين )
hadalkii fircoon dadkiisa dheheen "haday saaxiriinta guulaysto ayagaan raacaynaa"

mida labaad
(...لقد كانت لكم أسوة حسنة في إبراهيم )
illaahay markuu yiri nabi ibraahiin waxaa idiinku sugan ku dayasho fiican

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Waxgarad
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.