| ma igu caawin kartaan khibraddiinna???January 20 2003 at 11:56 AM Score 1.0 (1 person) | abdiqani (no login) |
| assalaamu calaykum, walaalahayga soomaaliyeedoow.
waxaan ahay inan dhalinyara ah oo kunool dalka dibaddiisa.
waxaan dhigtaa jaamacad ,waxaa igawareeriyay arrin aan ubaahanahay inaan talo kahelo,.
walaal....ha ila yaabina,waxaan is idhi waa meesha u dhow eed help kahelikarto forumkani.
waxaan iskuguri kunoolnahay gabar aan qaraabo nahay, isku da'na nahay..waxaan aad ujeclaystaa inaan lajoogo markasta hadalkeeda waan qaddariyaa,.aadbaan u ixtiraamaa.wax fiican haddaan meel ku arko iyadaan lajeclaadaa naftayda kahor..waxaa idhiba intaan kamaqanahay oo cadaab igu ah,.
taasi waa aniga ,.
iyada dhinaceeda waa sidookale waxay marar badan iisheegtaa inay jeceshahay inaan lajoogo oon wada sheekaysanno,waxay iimuujisaa inay iqaddariso,waxay idareensiisaa inay markasta waxaan kusuganahay danaynayso...marar badan waxay iigu cadhootaa inaan dhibaato iqabsatay aan ka qariyo,waxkasta oo iyada kusaabsan way iisheegtaa,.waxay igutidhaahdaa inay walaaladeed aniga iga jeceshahay.
haddaba walaalayaal soomaaliyeey gabadhaas miyaan jecelahay iyaduse miyay ijeceshahay mise waa walaalnimo iyo qaraabanimada waxan aansoo sheegayi?????.hadday ijeceshahayse seen ku ogaan karaa?
fadlan taladiinna isoosiiya,.waxaad igalasoo xidhiidhikartaan emailka ah abad107@hotmail.com
waan idinsugayaa walaalayaal.. |
| | Author | Reply | feerakadilaaciye (no login) | Re: ma igu caawin kartaan khibraddiinna???Score 2.0 (1 person) | January 20 2003, 1:35 PM |
gabadhaan waalaga yaabaa inay ku jeceshahay ama aad adiga jeceshahay laakiin suaalahan ayaa meesha ku jira : jeceylka aad u qabtaa ama aan iraahdo xiisaha kuu haya lajoogitaankeeda ma mid ku saabsan insaanimadeeda iyo wanaaga sheekawadaagiina ama waa mid ku saabsan jirkeeda sida ay dabeecada u uuntay ama waa isku jir
haday tan koowaad tahay waa xiiso ku saabsan qofka wanaagiisa ama la joogitaan wanaagiisa sida ay caadi u tahay xitaa laba qof oo dumara ama raga inay isa sheeka xiiseeyaan
tanlabaadna waxa ay wax ka sheegi kartaa uun quruxdeeda oo aad xiisaynayso oo taasi waa uun xiiso ku saabsan qofka ekaanshihiisa xaga korka waayo quruxi maba nagaado marka iyadaa quruxdeeda maadaama xiisaha ku jiro markay kula foolxumaato waad ka xiiso dhici marka sidaa daraadeed mecno badan ma sheegayso
tan sedexaad haday iskugu dhafantahay xaga quruxda iyo la joogis wanaageeda hadaba waad haysaa waa jeceelkiiye ha u dayma la aan.
feerakadilaaciye@hotmail.com |
| murt-dhaaris (no login) | Re: ma igu caawin kartaan khibraddiinna???Score 3.0 (1 person) | January 21 2003, 6:29 PM |
salaan iyo qadarin.
waxay iila muuqataa arrintu jecayl iyo dareen kalgacal waa haddii ay runtahay sida aad sheegtay lamase odhan karo haa waa jacayl iyo maya maaha jacayl sababta oo ah waxay ku xidhantahay hadba sida uu yahay xidhiidhka idinka dhexeeya labadiinna iyo inaad diyaar u tihiin inaad maalin maalmaha ka mid aad wada qaybsataan noloshiinna.midda kale,waxaad ka fahmay hadalkaaga in ay gabadha qaraabo tihiin waxaanan filayaa inaad qaraabada ula jeedo ina adeer ama ina abti ama habro wadaag(hooyooyinkiin ayaa walaalo ah).waxa kale oo ka dhadhansaday sharaxa inaadan weli ka wada hadlin arrintan oo ay taladiinnu ku koobantahay isku soo dhowaansho ka dhashay;kow;qaraabo ahaan,labo;guri aad wada degentihiin,iyo saddex;inniga oo midba mid kale fahma.
hadaba inniga oo qaraabo ah,qurbana ku nool waxaa laga yaabaa in uu dareenkani ka abuurmay baahi aad u qabtaan isku duubni iyo isweheshi iyo isgargaarsi walaaltinimo oo laga yaabo inaad ismoogaan u hirgelisaan.
waxaa kale oo dhici karta inay gadhabu dareensantahay inaad u baahantahay daryeel gaar ah maadaama aad tahay arday weli wadadii waxbarashada ku taagan sidaas owgeedna ay doonayso in aanad keligaa aahayn oo ay jiraan walaalo ku garab jooga.kuu lana diyaar ah hadba wixii kaa dhiman dhankaste.
hadal dhammaantiis,waxaan kugula talin lahaa inaad adigu naftaada si fiican ula tashato ka oo aad iyo aad uga baaraan dagto waxa uu yahay dareenkaaga ku wajahan gabadha.ka dibna qaraar gooso hana moogaanin inay tahay gayaan(maaha maxram)oo ay haboon tahay inaad ka fogaato wixii dhaqanxumo iyo meelka dhac ku ah diinteenna wanaagsan ee Islaamka.
qararin iyo nolol wacan.
walaalkaa;m-dh.
|
| ¨caa,isha (no login) | wanaaga ku dadaalScore 4.0 (1 person) | January 28 2003, 3:29 PM |
Walaal waxaan rajeynayaa labada dhanba wax wey jiraan
adiga iyo gabadha balse ha dagdagin u fiirsa si taxadar
ah wanaagana halkaaga ka wad hana ku xadgudbin jirkeeda
balse hadii uu noqdo rabitaanka kan raga iyo dumarka
ka dhaxeeyo u jiid dhanka guurka sida ugu dhaqsaha badan hana ka baqin dhaqaalo la,aan iyo waxyaalaha dadka sheegsheegaan alaah ayaa idiin hayo ruux dhaqaalo
la dhashay ma jiro saas ayaa labadiinaba idiin dhawarsanaan badan insha alaah.
| |
| | Current Topic - ma igu caawin kartaan khibraddiinna??? |
| |
|
|