|
KALSOONIDII HABLAHA SOOMAALIYEED AAWAY??January 23 2003 at 9:19 AM No score for this post | abdirahman (no login) |
| ASSALAAMU CALAYKUM,.
akhyaarta salaan qaali ah iga hantiya salaan kaddib walaalayaal soomaaliyeey,waxaan idin waydiinlahaa su'aasha ah xaggay kabaxday kalsoonidii hablaha soomaaliyeed?waxaan ugajeedaa hablaheenii qurxoonaa oo kuqanciwaayay quruxdoodii kanadoortay dhibaato iyo foolxumo iyo kalsoonidarri,..taasoo ah(INAY HABLHA ISTICMAALAAN CREAMYADA MAQAARKA LAGUCADDEEYO)haddaba kasakoow dhibka caafimaad ahaan iyo dhaqaala ahaanba ay leeyihiin creamyadaasi, xagga quruxda aanka eegnee soomaaliyee maxay idinlatahay in arrintaas ay habluhu sii wadaan iyo inay iskadaayaan ,?malagurabaa hablaha sidooda ragoow?habloow maxaa maanka idinka qaaday oo quruxdiina inta allah idinsiiyay ugu qanci waydee?diinta islaamkuse walaal maxay kaqabtaa arintan.??
sxbyaal walaalayaal intaas ayaan idiinsoo bandhigay waxaana jeclaan lahaa qofwalba inuu fikraddiisa soo dhiibto.
nabadgalyooo.assalaamu calaykum |
|
| Author | Reply |
Zeylici (no login) | Re: KALSOONIDII HABLAHA SOOMAALIYEED AAWAY??No score for this post | January 23 2003, 12:10 PM |
salaan iyo walaaltinimo.
runtii hablaha soomaaliyeed ma wada isticmaalaan dub-dooriyayaasha waana gaf inaan arrinta ka dhigno mid guud laakiin waa run inay qaarka ka mid ahi adeegsadaan suntan lagu tirtiro diirka sare ee jidhka(waxay gubtaa ama dhishaa dubka jidhka iyadoo u diidda inay unugyadu si caadi ah u gutaan hawshooda).
waa arrin qaldan mase aha mid u gaar ah soomaalida waayo waxaa jira dalal xataa ragu ay marsadaan suntan.waxaa fajiciso igu noqotay markii aan maalin maalmaha ka mid ah ka daawaday TV-ga niman dhalinyaro ah u dhashay dalka Zaire(DRG) oo dhammaantood la moodo inay ku dhexdhaceen dab holcanaaya ama biyo karaya.
waxay ilbax moodeen sidaas iyaga oo isdhaadhiciyay in jidhka cad lagu gaadho meel,kuma kalsoona naftooda waxayna adoomo cusub u noqdeen sharikadaha soo saara suntaas iyada ah.
mahad iyo qadarin |
|
sacdiyo (no login) | Re: Re: KALSOONIDII HABLAHA SOOMAALIYEED AAWAY??No score for this post | January 23 2003, 1:34 PM |
Walaal waad mahadsan tahay sida aad ugu digtay suntaa
laakiin mawada isticmaalno ee aan kala talino walaalaheena isticmaalo aan u sheegno qaasatan raga soo
qora in gabdhaha soomaaliyeed midibkooda ku qurux badan
yihiin waxaan rajeeynayaa in ay isku qanci doonaan. | |
|
| Current Topic - KALSOONIDII HABLAHA SOOMAALIYEED AAWAY?? |
|
|