DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Wareysi gaar ah oo Jamhuuriya la yeelatay Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland

January 23 2003 at 11:09 PM
No score for this post
  (no login)

Wareysi gaar ah oo Wargayska Jamhuuriya la yeelatay Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

*******************************************************
London (Jam)- Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa dhawaan booqasho ku yimid dalkan Ingiriiska, halkaasi oo uu kaga qaybgalayay shirweyne ayaa lahaayeen xisbiga UDUB faraciisa UK. Haddaba waxa u suurta gashay Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya ee London C/Xakiim Maxamed Sheekh inuu wareysi dhinacyo badan ah la yeeshay wasiirka. Wareysigaasina waxa uu dhacay sidan:-

S. Waa maxay u jeedadda socdaalkaagu?
J. Ugu horayntii waxaan u mahad celinaya wargeyska Jamhuuriya sida haqab la’aanta ah ee uu qurba jooga Somaliland uu warka u gaadhsiiyo, Madaama aan ka mid ahay bahda saxaafadda oo aan waliba ahay wasiirkii Warfaafinta. Aniga waxaan halkan ku imid Casuumada iiga timid jaaliyada UDUB ee UK oo shirweyne ku sameeysanayay, shirkaasi oo ujeddadiisu ahayd sidii UDUB uga anba-qaadi lahayd dalkan Ingiriiska, sida aad og-tihiin waakii ka dhacay magaalada Shefield, laakiinse kuma koobnayn arrimaha UDUB oo kaliya. Mar haddaan ahay wasiir hawlihii kale ee qaran kama tagayno, oo intii aan Shefeild aan joogay waxaan la kulmay dhamaan jaaliyadda Somaliland.

S. Marka Laga Rabo Jaaliyadda Cid kale Ma La kulantay?
J. Waxaan la kulmay Mr Barry oo ah ninka BBC-da u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe oo ah nin aad iyo aad u wanaagsan oo xidhiidh wacan la leh saxaafadda dalkeena Somaliland, oo aanu ka wada hadalnay arrimo dhawr oo ay ka mid tahay sidii ay BBC-du uga soo qaybgali lahayeen doorshooyinka fooda inagu soo haya iyaga oo aad uga cudur daartay in ayna si mug leh uga soo qayb gelin doorshooyinkii dawladaha Hoose ee in dhaafay. Balse ta madaxweynaha iyo Madaxweyne-xigeenka ee dhawaan dhici doonta in ay si balaadhan uga soo qayb galaan oo barmaamijyo toos ah ka soo tabiyaan sida ay doorashadu u dhacayso dalka somaliland gudihiisa. Taasi oo aanu isla garanay in wasaaradda Warfaafinta somaliland iyo BBCdu iskaashi sameeyaan.

S. Waxa jira eedaymo ay xisbiyadu u soo jeediyeen xisbiga UDUB ee talada dalka haya iminka ee dawladda ah, oo odhanaya in aad ku shubteen doorshooyinkii degaamadda ee dowladda hoose, maxaa ka jira arrintaasi?
J. Walaahi walaalo waxaan u arkaa in arintaasi tahay, nin daad qaaday xumbo cuskay, arrintaasina waa mid aan sal iyo raadtoona lahayn, arrintaasi waa arrin layaab leh oo ka weyn aqligaba, sababta oo ah umadda lama indho tiri karo, calaamkana lama indho tiri karo sida aynu ognahay doorshooyinkeena waxaa lagu tilmaamay doorshooyinkii ugu wanaagsanaa ee ka dhaca dunida sadexaad iyo africa gaar ahaanba, waxaa joogay goobjoogayaal calaami oo kakala socday hayado kala ah EU, US, Iyo kuwa kaloo fara badan, oo kala duwan, wuxuuna warkoodii gunaanadka ahaa ee ay ka soo saareen doorashaddii degaamaddu ay ahaayeen kuwa noqday in ay doorshadaasi u dhacday si xalaal oo xor ah, oo biyo kama dhibcaan ah, haddiise tartanka lagu kala badiyay waxa fiicnayd in la isku hibeeyo la isku haneeyo.

S. Intii ay doorshadu soctay xisbiga talada hadda haya ee dowladda ee UDUB hanjabaad iyo caago juglayn ayey isticmaamshay, taas oo ay ku soo eedeeyeen axsaabta mucaaridku, gaar waxa ay sheegeen in arrimaha noocaas oo kale ay ka dhaceen inta badan caasimadaha goboladda dalka, maxaa arrinkaa eeda ah ka jira?
J. Run ahaantii cida loo caga jugleeyay iyo cid gacan la maroojiyay habayaraate ma jirto, intii ay doorshadu soctay cid dhawaacantayna majirto, oo xataa wax iska horimaad ah maba dhicin, dhimashana iskaba daa iyada hadal haynteeda, taasina waxay ku tusaysaa sida suuban ee quruxda sharafnimadda leh ee ay doorashadu u dhacday.

S. Xisbiyadda Qaar waxay aaminsan yihiin in dawladda wadaag ah la dhiso inta la gaadhayo doorshooyinka madaxweynaha iyo xigeenkiisa iyaga oo cuskanaya in UDUB oo dawladda ahi dhexdhexaad aanay noqon karin maxay kuula muuqata?
J. Arrintaasi waxay u muuqataa riyo qaran, waxaynu ka hadlaynay distoor qaran, kaasi oo sheegaya in doorasho la qabto, anaguna hadaanu nahay UDUB diyaar ayaanu nahay maanta, awood meel ku urursan oo aanu u isticmaalaynaa doorashadda ma jirto waxaana na xakimaya xeer Ilaaliyaasha, sida aad ogtihiin hayadihii sharciga waa inoo dhisan yahay, annagu qayb ayuunu ka nahay qaybtaana waxa la yidhaahda fullinta(Executive = Xukuumadda). Hayadihii kale dawliga ah sida xeer dejinta (Legislative), amniga(Law-Enforcement),iyo xeer ilaalinta iyo garsoorkuba (Judiciary) way inoo joogan, arrintan meel kale kamaan maqal adiga ayuunba ka maqalay marka haday jirto waa arrin riwaayad ah.

S. Xisbiga UDUB tallada dalka isaga ayaa haya wax la yidhahadaa nabad moyee dhinaca hormarka iyo adeega bulshada waxba kamay qaban marka sidee ayay dadku idinku dooran karaan?
J. Anagu taariikh ayaanu leenahay koox (Team) baanu nahay rag badan oo naga tagayna way jiraan oo dhinaca kale jooga (mucaarid) anagu waxaanu haynaa khibradii iyo waayo aragnimadii nabad galyada kaalintii ugu muga laheyd ayaanu ka soo qaadanay yagleelideeda UDUB-ahaan, arintaana waan joogtaynanaa, teeda kale raga maanta jooga ee UDUB hormoodka ka ah ee madax waynuhu ka mid yahay wax weeye dadkii dhidibada u asaasay waxa maanta lagu fadhiyo gabi ahaan teedba marka laga eego dhinaca maamulka, lakiinse wax yaabo badan ayaa naga khaldan oo u bahan in la saxo, inkasta oo taasi jirto haddana meeshi ugu wanaagsanayd ayuu dalku marayaa waxaana ku faanaynaa diiwankayaga taariikheed ee xisbigan UDUB leeyahay, iyo annaga oo barnaamij siyaasadeed oo dhaqan-dhaqaale u hayna bulshaddeena oo aanu u soo bandhignay waana ta sababtay in aanu helno doorashooyinkii dowladaha hoose in ka badan 40% dadkii muwaadiniinta ahaa ee codeeyey.
Adeega bulshadda wax waanu ka qabanay laakiinse way jirtaa wax yaabo dhimani. Waxa kale oo aanu dhiirigalinay maalgaaliyaasha Somaliland ee dibadda ku nool iyo kuwa shisheeya ahiba in ay maalgashadaan dalka. Waxyaabahaas iyo kuwa kale oo badan ayaanu u aragnaa in ay dadku nagu dooran doonan annaga oo ku kalsoon shacbiga Somaliland.

S. Intii aad wasiirka warfaafinta ahayd maxaad ka qabtay wasaaradaas?
J. Runtii waxaan jeclaysan lahaa in aad i tidhaahdo maxaa ka dhiman wasaaradaada.
Wax badan ayaa naga dhiman, hawl maalmeedkeedu wuu socdaa, waxooga hormar ah waanu sameeynay, waxaanu had iyo jeer isku daynaa in aanu bulshada u adeegno sida aanu warka u gaadhsiin lahayn iyada oo daacadnimo iyo dhexdhexaadnimo ku jirto, taana waxaa daliil ka ah, mar ay asxaabtu ka hadlayeen daacadnimada saxaafadeena, gaar ahaan xisbiga Kulmiye waxay nooga markhaati kaceen in warbaahinta dawladdu tahay ta ugu daacadsan, balse saxaafada madaxbanaan way ka yare cadhoodeen. Maanta waxa la wadaa in la sameeyo ururka saxaafada madaxbanaan , taasina waxay ku timid rayi wadaag wax kale oo aanu wadnaa in sharcigii saxaafada la sameeyo si hadhaw loo helo idaacado, telefishano iyo wargayso intan ka badan. Arrintaasna waxaanu u gudbinay Barlamanka, si uu u dejiyo sharcigii lagu dhaqi lahaa una ansixiyo, dhinaca kale tababaro ayaanu bilownay oo ay ka mid tahay hab qaabeynta shaqada. Himilayaduna waxa weeye in la kordhiyo maskaxada dadka fara ku haya saxaafada, runtii wax badan way noo hadhsan yihiin, laakiinse waxaanu doonaynaa in aanu asaas adag oo wanaagsan dhisno, ka dibna maalinba maalinta ka danbaysa in aanu wax ku darno.

S. Dawaladu waxay leedahay radio iyo wargays marka qorshaha ma idinku jirtaa inaad sameeysaan Telifishan?
J. Waan ku talo jiraan in aanu sameyno telefishan u adeega bulshada, waxyaabaha ugu waaweyn ee qorshahayaga u horeeya ayaanu ka mid yahay.
Wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/llaahi Maxamed Ducaale waxa uu ugu danbaystii mahad celin balaadhan u soo jeediyay jaaliyadaha dibadda, isagoo ku booriyay kuna dhiirigaliyey in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalkooda hooyo isla markaana ay taageeraan oo xubno waxtar leh ka noqdaan xisbiga UDUB ee hada talada dalka haya. Haddaba inkastoo wasiirku sheegay in wasaarad ahaan ay dhexdhexaad yihiin haddana waxa socdaalkiisu muujinayaa sida masuuliyiinta qaranku ugu hawlan yihiin u ololeynta xisbiga ay ka tirsan yihiin ee UDUB.

Waxa dalkan Boqortooyada Ingiriiska hore shirar ku qabsaday ururada Asad iyo Hormood, iyo xisbiyada Kulmiye iyo Ucid. Xisbiga UDUB wuxuu noqday kii ugu danbeeyay ee shirweyne ku qabsada dalkan ingiriiska.

Jamhuuriya Newspaper - London - England - UK.



 

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Wareysi gaar ah oo Jamhuuriya la yeelatay Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.