DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

DIGNIIN. (Somalitalk).

January 27 2003 at 3:51 PM
No score for this post
MAHAD CADDE  (no login)

 
Assalamu aleikum,

Waxay ku socotaa ciddii web-kan ka masuulka ah,
Walaal waxaan u malaynayaa inay kudhibayso wixii
Islaamka/Somalinimadaba ceeb ku ah,
Xornimada hadalkuna waxay leedahay xuduud.
Waxaa jira waxyaalo halkaan dad is qarinayaa kusoo
bandhigaan iyagoo ku aflagaadaynaya Islaamka ama
qaarkood ka dhigaya (gay-chat) dadkoo dhan kawada
dhexeeya,
Hadaba haduu web/kani raali uga yahay dadka inaysan
hadal la xishoon, waxaan leeyahay waxyaabaha qarkood
dadka aan diinta lahayna kama raali noqdaan.
Rabbi hanaga dhigo kuwo xasilan kuna xasila garasho,
Wabillahi towfiiq.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
AuthorReply
SAMATAR
(no login)

waan ku raacsanahay walaalkay Mahad iyo inta la fikirka ahba

No score for this post
January 27 2003, 9:38 PM 

Walaal webmastarka waad ku mahadsan tihiin sidii aad ugu yeesheen ninkii Islaamka dhaleecaynayey ee aad uga hortagteen falalkiisii iyo afkaarihii gurracnaa ee uu watey.

Waxaanse ma labaad idinka codsanaynaa anoogo ah jaaliyadaha Somaliyeed ee dunida ku filiqsan in aan la idiinku soo gaban xoriyada fikirka waxa la yidhaahdo iyadoo diinteena sharafka leh iyo dhaqankeena suuban lagu wax yeelaynayo.

Websitekan sharafka leh oo ah kuwa ay bulshadayadu ku soo bandhigto araa'dooda iyagoo ku kala faa'iidaysanaya waxaanu jecelahay in aan lagu soo bandhigin Gay-chat iyo wax la mid ah oo dhaqankayaga iyo diintayada wa u dhimaya. Waxaan rajeynayaa walaalayaal (Webmasterka) aan arragtida xoriyada hadalka la idinku soo gabban doonin.

Waad Mahadsan tihiin
SAMATAR


 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
murti-dhaaris
(no login)

Re: DIGNIIN. (Somalitalk).

No score for this post
January 28 2003, 6:08 AM 

salaan iyo qadarin.
walaalaha gacanta ku haya somalitalk.com aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin hawsha wanaagsan ee aad haysaan,100% aniga gaar iga gudooma slaan gaar ah iyo qadarin.intaas ka dib,waa run in uu qofksata xor u yahay in uu soo bandhigo waxaa doonayo laakiin xoriyada halku maaha in ququuqda dadka kale lagu xad gudbo.qofka ra'yigiisa soo jeedinaya isaga adeegsaniya gole dadka ka dhexeeya waxaa haboon in uu qadariyo ama ilaaliyo anshaxa iyo edebta waayo xoriyadu maaha in qofka kale la caayo ama la aflagaadeeyo iyada oo loogu soo gabanayo freedom of speech iyo wax u eg!.
qoka sidaas sameeya waa qof xoriyada qalad ka fahmay.
qofka isaga ayey jirtaa in uu noloshiisa ku dhaqo waxa uu rabo laakiin ilama aha in uu soo geliyo qabyaalad iyo wax la mid ah sida ninka sheegtay magaca ogaadeen oo aan hubo weligii arag meel ogaadeen joogo,in uu ka mid yahayna hadalkeeda dhaaf.
ra'yi iyo aflagaado maaha in laysku laaqo,waa taas ujeedadaydu.
mahad iyo qadarin.

 
Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - DIGNIIN. (Somalitalk).
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.