DoodFuran: SomaliTalk.com
 


  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  

Maqaal : Sidee Lagu Xorreeyey Jamhuuriyadda Somaliland.

January 27 2003 at 9:42 PM
No score for this post
  (no login)



Sanad Guuradii 12aad Ee Kasoo Wareegtay Markii Laxoreeyey Jamhuuriyada Somaliland Oo Ay Gacanta Ku Qabteen Dalka Somaliland Ciidamadii Xaq-U-Dirirka Ahaa Ee SNM.


- Qaybtii 1-aad. -

*********************************


Bishan Janaayo 29-keeda ayay ku buuxdaa laba iyo toban guuradii kasoo wareegtay markii ay jamhuuriyada Somaliland gacanta ku qabteen ciidamadii xaq-u-dirirka ahaa ee SNM, taas guusha ahina waxay soo af-jartay sanado badan oo maamulkii haligmay ee Siyaad Barre uu gacan bir ah oo naxariis daran ku hayay goboladda iyo degaanada Jamhuuriyadda Somaliland.

Maalmahani waxa ay yihiin maalmo ka qaalisan maalmaha aynu ku tilmaano kuwa xorriyada ee aynu u dabaal degno, waana maalmo ka qiimo badan maalmo badan oo loo damaashaado, sababtoo ah may jirteen xorriyad aan u dabaal degnaa maalmahaas halganka la'aantood, waana maalmo ay geesiyaal badani dhiigoodii daahirka ahaa u hureen xornimadeena, Allah ha u naxariistee dhamaantood.

Hadaba dhamaadkii bishii Oktoobar ee sanadkii 1989kii ayay ahayd markii hoggaankii SNM uu ciidamadiisa u diyaariyay weerarkii kama danbaysta ahaa ee uu la gali lahaa ciidamadii dawlada ee gacanta ku hayay wixii hore loo odhan jiray gobolada waqooyi, si hadaba uu ururka SNM u helo kaalmo dhaqaale oo ku filan waxaa kaalmo lacageed laga dalbaday dadkii SNM taageeri jiray ee dalka dibadiisa ku noolaa, sidoo kale waxa uu hogaamiyii SNM Mudane Mujaahid Danjire Cabdiraxmaan Axmed Cali(Tuur) iyo madax kale oo la socotaa ay socdaalo ku kala bixiyeen shantii Xero ee Dulcad, Baliyalay, Rabaso, Abokor, iyo Darroor, waxaana dadkii xeryahaas ku noolaa uu Gudoomiyaha SNM u sheegay inuu ka codsanayo inay hal todobaad ay raashinkood oo lacag ah aad ugu deeqaan Ururka SNM, waxaana uu yidhi dalkiina inaad ku noqotaan u diyaar garooba, isaga oo balan qaaday inay dhakhso dalka u xorayn doonaan.

Taasina si diirran ayay dadkii xeryahaas ku noolaa usoo dhaweeyeen iyagoo faraxsan waxaana ay ay dadkaas qaxootiyada ku ahaa xeryahaasi ay todobaad kasta ugu taboruci jireen in le-eg raashinkood todobaadlaha ah oo loo lacag doolar ah loobadalay,codsigan gudoomiyahana si qubuul ah ayay ku gudoomeen, dadkii debada ku noolaana si weyn ayay uga soo jawaabeen Codsigii SNM waxaanay markiiba soo direen kumaankun kun oo milyanaad doolar ah dhaaftay.

Dhinacii diyaar garawga milatariga hadii aynu eegno waxaa uu abaanduulihii ciidamada SNM oo ahaa Mujaahid General Carab Ducaale ayaa magacaabay gudi dagaal oo ay kala ahaa laba sarkaal oo kala ahaa Mujaahid General Ibraahim Axmed Ismaaciil(ibraahim dheere) iyo Mujaahid General Cali Xuseen Cabdi ilaahay ha u naxariistee, waxaanay gudida hawshoodu ahayd inay soo diyaariyaan kaartadii ama istaraateejiyadii dagaalka iyo habkii dalka lagu xorayn lahaa.

Hadaba gudidaa dagaalka oo kaashanaysay saraakiil tiro badan oo SNM ka tirsanaa waxay soo dejiyeen habkii dalka lagu qaban lahaa kaasi oo uu isna ogolaaday Gudoomiyihii ururka SNM ee Mujaahid Mudane Daljire Cabdiraxman Axmed Cali(tuur), iyo gudigii fulinta ee dhexe ee jabhaddii SNM, waxa uu habkaasina isugu soo biyo shubtay qaabkan hoose.

1- Front-ka galbeed - Oo ah Boorama(Awdal), Saylac(Awdal), Baki(Awdal), Lughaya(Awdal), Iyo Gabiilay(Waqooyi Galbeed), Arabsiyo(Waqooyi Galbeed), Salaxlay(Waqooyi Galbeed), Baligubadle(Waqooyi Galbeed), Dararweyne(Waqooyi Galbeed), Cadaadlay(Waqooyi Galbeed)iyo Caasimadda Gobolka Hargeysa(Waqooyi Galbeed).

2- Front-ka Dhexe - Oo Ah Berbera(Saaxil), Burco(Toghdheer), Oodweyne(Togdheer), Buuhoodle(Togdheer) iyo sheekh (Saaxil).

3- Front-ka Bari - Oo Ah Caynabo(Sool), Laascaanood(Sool), Taleex(Sool), Xudun(Sool), Ceerigaabo(Sanaag), Ceelafweyn(Sanaag), Laasqorey(Sanaag), Garadag(Sanaag), Badhan(Sanaag), Iyo Dhahar(Sanaag).

Front-kan Bari waa kii ugu weynaa ee SNM Kadagaal gashay, waxaana ku beegnaa qaybtii 54-aad ee xoogii kali-taliyihii haligmay ee siyaad barre, waxaana watay ciidankan Sareeye Guuto Jaamac Green oo kasoo jeeday beesha sanaag bari(Warsengali), waxuuna saldhigoodu ahaa magaaladda goroowe ee gobolka nugaal.

Gudoonka Sare ee dagaalka Ciidamadda SNM, waxa ay isla meeldhigeen in saddexda front-ba mar lawada weeraro, waxaana loo qoondeeyey, ciidamo gaarayey 35000 oo askari, waxaana isku-dubaridkoodii qaatay muddo ah 9 bilood, si aay iyaga oo diyaar ah, isuna dheeli tiran ay usoo dhaqaaqaan, isla markaana, ay noqoto in lakala godaamiyo, ciidamadda kali-taliska, oo la suurto geliyo in ayna front-na front-ka kale u gurmanin, halkoodana lagu burburiyo.

Dagaalkiina sidan ayuu u dhacay:

Front-ka Galbeed:- Waxaa galbeedka magaalada Hargeysa iyo Caabdudla' la dhigay saddex guuto oo kala ahaa 4aad,5aad iyo guutada Sayid Xamse, waxaana loogu talo galay inay joojiyaan jidkana ka xidhaan ciidamada dawlada ee deganaa Boorama, Gabilay iyo nawaaxiga kale ee ku dhawaa sida Arabsiyo, isla markaana ay gacanta ku qabtaan dhamaan degaamadda gobolka Awdal ee Saylac, Baki Iyo Lughaya, waxaa kale oo loo xilsaaray in ay gacanta ku qabtaan xadka u dhaxeeya soomaalia iyo jabuuti, isla markaana ay xadka soo xidhaan, hubiyaana in ay ciidamadda dowladda ee ku sugan xadka soomaaliya la-leedahay jabuuti ee lowyacaddo ay burburiyaan, sidoo kale waxaa Jihada Bariga Hargeysa oo ah tuulada Dhubato la dhigay Ciidamo SNM oo kala ahaa Guutooyinka 3aad,10aad, iyo 12aad, waxaana loogu talo galay inay afka jabiyaan ciidamada dawlada ee joogay Hargeysa, Darar weyne iyo Cadadley marka ay isku dayaan inay dhinaca Berbera u gurmadaan.

Sidoo kale dhinaca front-ka dhexe ee gobolka saaxil waxaa Ciidan aan xoogganayn la dhigay meel u dhaxaysa sheekh iyo berbera iyo wadaamo-goys, oo katirsan Front-ka Dhexe, iyo waliba Urur miino dhigayaal ah oo loogu talo galay inay miineeyaan wadooyinka ay soo mari karaan ciidamada dawlada ee gurmadka ah, ee ka-imanaya si gurmad ah labada front ee bari iyo galbeed.

Dhinaca kalena ee front-ka dhexena, Guutooyinka 1aad, 2aad, 6aad, 7aad, iyo 8aad ayaa la dul dhigay inay Magaalada Burco gacanta ku qabtaan, Dhinaca front-ka bari, waxaa Ceerigaabo iyo Xeebaha Barigana ee xiis, maydh, iyo laasqorey waxaa beryahaasba loo abaabulayey in ay gacanta ku dhigaan Guutadii 9aad, iyadoo xeebaha galbeedna ee bulaxaar iyo nawaaxiga berbera oo ka tirsan gobolka saaxil iyo front-ka dhexe ay dul joogeen Ciidamadii Guutadii 99aad iyo 1 guuto ciidamadda bada ah(marines), oo lagu soo tababaray xeebabaha casab ee ereteriya.

Hadaba Ciidan weynihii loogu talo galay inay Berbera weeraraan oo ahaa Guutooyinka Koodbuur,6aad-A, 6aad- B, qaybo ka tirsan guutada 11aad iyo kuwo kale oo laga soo xulay guutooyinkii SNM ee kala duwanaa ayaa ahaa kuwo kasoo dhaqaaqay tuulada dabo-bahal oo dhinaca koonfur kaga beegan Laamida dheer ee Berbera iyo hargeysa iyo burco iskuxidha, waxaa kaloo iyaguna dhinac socday ciidankaas kuwo ka koobnaa guutooyinka 3aad, 10aad, 11aa, iyo 12aad oo loogu talogalay inay dhexda ka xidhaan degmada Dhubato si ay u hor istaagaan gurmadka Ciidanka Dawlada ee kasoo baxayay Hargeysa.

Waxay ahayd fiid cadceedu godka sii galaysay markii siidhiga loogu dhuftay Ciidankii SNM ee ku sugnaa degmadda Dabo-bahal, goobtaas oo mujaahidiintii SNM ay kusoo xoontay waxaa ka dhex muuqday saraakiil faro-badan oo SNM ka tirsan, waxaa goobtii laga akhriyay aayado quraan ah waxaana hadalkii qaatay General Mujaahid Carab Ducaale oo ahaa Abaanduulaha Ciidamada SNM waxaana uu goobtii ka sheegay in weerar la qaadayo isaga oo goobtii ka sheegay in maanta dagaalkii ugu dambeeyey ee dalka lagu xoreynayo la-qaadayo, laguna qaadayo ilaa galbeed ilaa bari, ilaa lughaya ilaa laasqorey, ilaa Awdal ilaa Sanaag, wuxuuna kaloo u sheegay in ay qaybtan uu la hadlayaa ay waajib-koodu tahay in ay Magaalada Berbera weerari doonaan, hawlgaliyaha dagaalkana waxa uu u magaacabay Mujaahid Gashaanle-Sare Ibrahim Dhegaweyne.

Hawlgalkan Xoraynta Gobolka Saaxil iyo magaalooyinkiisa BerBera, Sheekh iyo bula-Xaar, waxaa loogu magacdaray geesigii Mujaahid Aadan Saleebaan Ilaah ha unaxariistee.

Waxaa goobtii ka hadlay saraakiil faro-badan oo aynaan magacyadooda halkan kusoo koobi karin, waxaana halkaa uu Mujaahid Colonel dhagaweyne ciidankii ku amray inay caawa isu diyaariyaan weerar, xiligaasi waxaa uu ciidanka Jabhada SNM u ahaa mid ay mudo dheer sugayeen amarkaa in ay mar uun dhagahooda ku maqlaan, waxaana aad markiiba aad maqlaysay Alaahu-akabar iyo takbiir oo lagu soo dhaweeyay hadalkii saraakiisha goobta ka hadlay, oo ahaa in caawa loo dhaqaaqi doono dagaalkii kamadambasta ahaa ee xoreynta dalka.

Abaaro 9-kii fiidnimo ee habeenimo ayaa Ciidamadii SNM guuto waliba meeshii iyo front-kii ayku aadanayd ay u shiraaqaday, waagii markuu soo guduutay ayaa Ciidankii Jidgoynta degmadda Dhubato loogu talo galay uu cagta mariyay guuto 24aad ah oo ciidanka dawlada ah oo aan meesha laga filayn, isla markaana si kadis ah oo dhaqdhaqaaq mileteri ah uga soo baxday sheekh isla markaana doonaysay in ay berbera soo gaadho, markii halkaa cagta lagu mariyey guutadaa 24-aad ee ciidamaddii dowladda, ayaa wax yar ka dibna Ciidamadii SNM ee Berbera weerarka ugu dhaqaaqday ayaa cagta saray laamidii dheerayd ee xaga Berbera qabanaysay, dareenka jabhadu waxa u ahaa mid kacsan oo farxadi ay ka muuqato waxaanad maqlaysay shalaadka iyo gubaabada gabayadda ee ay ciidanku qaadayeen, iyada oo markii u horraysay ee baabuurta SNM ay laamida cagta saaraana aad maqlaysay qaar taliyayaasha jabhada ka mid ah oo ciidanka ku leh waar wixii garanayoow qulaacuudiyada akhriya! runtii waxay ahayd xamaasad layaab leh oo hordhac u ahayd guul balaadhan oo SNM iyo shacbigeedu ay muddo dheer rajaynayeen.

Ciidankaas Berbera weerarayay waxay kolba kusii hakanayeen dagaal aan cuslayn oo tuulooyinka Berbera ka sokeeya ay isaga hor imanayeen ciidanka dawlada, halkaasoo ciidamadii niyad jabsanaa ee daacada u ahaa kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre aad arkaysay iyagoo raxan raxan u dhimanaya, qaarna ay dhaawac la kici kari waayeen halka kuwo kalana ay isu dhiibayeen jabhadii SNM si maxaabiis ahaana, dhinaca kale Ciidamadii dhubato ayaa si xoog leh u burburiyay Ciidamo badan oo Hargeysa kasoo Gurmaday si ay u caawiyaan Ciidankii dawlada ee Berbera ee weerarka SNM uu ku socday, laakiin ciidamadaasi dib ayay Hargeysa ugu firxadeen waanay soo dhaafi kari waayeen ciidankaas Jidgoynta ahaa ee SNM oo haystay tikniko Culus, madaafiic, PM-yo, bee-beeyo, iyo taangiyo cusub oo markaa laga keenay kaydka weyn ee ciidammadda SNM ay ku lahaayeen kilinka 5-aad ee itoobiya, waxaa dagaalka hubka culus waday oo hogaaminayey Allah ha u naxariistee Mujaahid colonel Geelle iyo Mujaahid colonel Rujiye oo wali nool, sidoo kale ciidamadii jidgooyooyinka ahaa ee SNM ayaa mid waliba uu ku mintiday aagiisii loo xilsaaray.

Goor fiid ah ayaa Ciidankii SNM uu gaadhay difaacii koowaad ee Ciidanka Dawladii kali-taliska ee uu hogaaminayey dhiigyacabkii haligmay ee siyaad barre, kuwaas oo loogu talo-galay in ay ilaaliyaan xaruntii ugu muhiimsanayd ee ahayd isha taakulaynta ciidamadii dowladda oo ahayd magaaladda Berbera, waxaana ciidankaasi ku sugnaa meel la yidhaa Biyaha Berbera oo xaga galbeed magaaladaas kaga beegan, markiibana waxaa la jabiyay difaacaas Berbera laakiin may suurtoobin in Ciidankii SNM uu galo magaalada, goor fiid ah ayaa laga war helay in ciidankii jidgoynta Burco iyo Berbera dhexdooda yaalay in lasoo dhaafay taasina waxay keentay in Ciidan badan oo dawlada ah oo Gurmad ahi uu yimaado Berbera, markiiba weerar habeenimo ayaa Ciidankii SNM uu ku qaaday fadhiisimadii Ciidanka Dawlada oo ahaa Buur-yar oo xaga galbeed Berbera kasoo xigta, dagaalka habeenkaas oo ay ragii ka qayb galay u yaqaanaan dagaalkii(Dayaxa) waxaa halkaas lagu burburiyay ciidankii dawlada iyada oo ilaa maanta ay halkaas yaalaan qalfoofkii 45 taangiyadii iyo 68 beebe iyo tikniko kale, oo habeenkaas laga gubay ciidankii niyad jabsanaa ee u adeegayay kaligii taliyihii haligmay ee Siyaad Barre.

Markii Ciidankaas dawlada la jabiyay waxaa ciidankii SNM ay madaxa hore la galeen magaalada Berbera waxaanay isla habeenkaas gacanta ku dhigeen xeryihii ciidanka qaar ka mid ah sida xeradii Caanataynada la odhan jiray. waagii markuu Beryay ayaa dagaalkii sii laban laabmay waxaana ciidankii SNM uu qabsaday Madaarka Berbera oo ahaa halka laga-taakulayn jirey ciidamaddii dowladda ee godoonka ku ahaa front-ka galbeedka ee goboladda waqooyi Galbeed iyo Awdal ee dagaalka.

Waxaa kale oo ay qabsadeen dhinaca galbeed ee magaalada, hase yeshee qas iyo kala daadsanaan dhex gashay Ciidankii SNM ayaa keentay in ciidankii SNM uu dib u gurasho xeel dagaal ku yimaado tuulada sheekh Abdaal iyadoo isla markaasna gacanta ay SNM ku qabatay magaalada Cadaadlay oo ahayd xarun-kaydka ciidamadda dowladda ah oo loogu talo galay in laga taakuleeyo ciidamadda qaybta 26-aad ee goboladda waqooyi galbeed iyo Awdal, Iyo Saaxil, u difaacayey dhiig-yacabkii Haligmay ee Siyaad Barre, waxaana halkaa oo ah magaaladda cadaadlay loogu yimid Hub badan iyo gadiid badan oo dowladda kayd u ahaa halkaana laga helay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dib isu habeeyay Ciidamadii dawlada e Berbera ku sugnaa oo gurmad badana ka helay magaalooyinka Bariga sida Burco iyo laas-caanood ee gobolka Sool oo ahayd mid ka mid ah magaalooyinka front-ka bariga, laakiin aan weli laqaban, dagaal xumina uu kasocdo dhamaan degmooyinka gobolka ee caynabo, Xudun, iyo Taleex, waxaana si aad ah u difaacayey, dhamaan dhulkan gobolka Sool Ciidamaddii 54-aad ee dowladda, iyo ciidamo beelo ah, oo laga ururiyey beesha dhulbahante ee gobolka degan, waxaana ka dhacay dagaaladdii ugu qadhaadhaa ee xoreynta dalka somaliland.

Gabi-ahaan front-ka bari ee goboladda sanaag iyo sool, waxa ay ahaayeen meelihii dagaalku ugu kulul ka dhacay maadaama ay ciidamadda dowladda ee qaybta 54-aad ay ka dhinac dagaalamayeen ciidamo beeleed oo daacad u ah xukunkii dhiig-yacabkii Haligmay ee Siyaad Barre, kuwaas oo loo abaabulay in ay u dhintaan una xasuuqmaan dowladdii kali taliska ahayd ee uu hogaaminayey dhiig-yacabkii haligmay ee siyaad barre, iyada oo ay u muuqaday in jabhadaha beelahan laga dhaadhiciyey in ay u halgamayaan dowlad layidhaahdo daaroodiya iyo karaamadeedii, waxaana dagaaladdii ka dhacay front-ka bari oo aan qaybaha dambe ee qoraalkan idinku soo sheegi doono, uu ahaa dagaal aad u qadhaadh, isla markaana aana dhaawac badan lahayn, waxaanad moodaysay in qolona in ay isdhiibto ayna ku soo talo galin, dagaalkaas oo muddo bil ah si isdaba joog ah u socday waxa uu noqday mid si xun loogu jabiyey ciidamaddii dowladda soomaaliya ee qaybta 54-aad, iyo ciidamaddii jabhaddii beelaha daarood ee ka dhinac dagaalamayey ciidamaddii kaligii taliyihii dhiig-yacabka ahaa ee haligmay ee la-odhan jiray Jaale Afweyne, sidaana goboladda sool iyo sanaag waxa ay noqdeen kuwii ugu danbeeyey ee laxoreeyey ee ka tirsanaa degaamadda jamhuuriyadda Somaliland.

La Soco cadadka danbe

Mr Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
Jamhuuriya Newspaper,
London - England - UK.



 

Scoring disabled. You must be logged in to score posts.Respond to this message   
Current Topic - Maqaal : Sidee Lagu Xorreeyey Jamhuuriyadda Somaliland.
  << Previous Topic | Next Topic >>Back to Index  
Find more forums on Pan-AfricansCreate your own forum at Network54
 Copyright © 1999-2009 Network54. All rights reserved.   Terms of Use   Privacy Statement  
AFEEF: Dhamaan qoraalada halkan ku qoran waa aragtida dadweynaha kana kana tarjumimaayaan aragtida SomaliTalk. Waxaadna ogaataan in qofka kasta oo halkan qoraal kusoo qora si fudud loo ogaan karo computerka yo cinwaanka uu qoraalkaas kasoo qoray. Cilmiga casriga ahna uu taas suurtagal ka dhigayo.


DISCLAIMER: All opinions and comments appearing here are strictly those of the authors and do not necessarily reflect the opinions of somalitalk.com and its editors.