Bahda SomaliTalk waxay si ku meel gaar ah u joojiyeen qaybta Doodfuran sababtoo ah waxaa dhacday in maanta ay qayb aan qiyaaseyno in ay yihiin kuwii Nebiga caayey ay kusoo qoreen hadalo maskaxda aadamiga uusan qaadan karin ayagoo magaca somalitalk sheeganaya, qofkii soo qoray qoraalkaas oo markii uu qorayey fadhiyey compuretka lambarkiisu yahay 195.70.71.170
hadaba inta aan arintaas xalineyno waa la akhrinkaraa oo kaliya qaybta doodfuran laakiin wax laguma qorikaro.
Ha ogaado qofkii qoray hadalkii foosha xumaa asagoo iska dhigaya in uu ahaa somalitalk in aanaan sinaba u qaadanayn in magacanaga lagu xadgudbo waxaan mari doonaa sida uu qabo sharcu, waxaan la hadleynaa qofka leh ama markas fadhiyey computerka 195.70.71.170
Lambarkaas waa sida taarikada gawaarida oo hab sharciya ayaa lagu helikaraa, xataa hadii uu ka isticmaalay laybareeri oo uu isticmaalay Password, ama xataa meelaha Pubilc ah waxay leeyeyhiin camero duubeysa dadka soo gala goobahaas oo marka goobtii computerku yaalay sharciga la mariyo ayagaa qofkaas sii marindoona sharciga.
Haddii aad aragtid qoraal sheegayana SOMALITALK oo ku qoran doodfuran eeg dhanka midig ee ugu saraysa, ma kuqorantaahy [(Login doodfuran) Forum Owner] hadii sidaas aysan ku qorayn ma ahan mid kasoo baxay SOMALITALK.COM
Hadii qofkaasi awood u leeyahay isticmaalka magaca SOMALITALK 24ka saac ee soo socda hasoo qoro qoraal kale, waxaan halkaas ku tuseynaa in uusan awood u lahayn, 24saac ka dib ayaan isku deyeynaa in aan furo forumka haddii aan u aragno wanaag, hadii kale gebi ahaantiisaba waan xireynaa si qofka xumaanta faafinayaa uu u ogaado in aysan ahayn tan qoraalkaas qortay in aysan ahayn somalitalk.
Diinta Islaamka waxay ogoshahay xoriyatul qowlka laakiin ma ogola in loo gafo magac qofkale, sidaas darteedna SOMALITALK marnaba u dul qaadan mayaan in lagu xadgudbo diinta ISLAAMKA ayado weliba la adeegsanayo MAGACA SOMALITALK.COM taas weeye inta aan taarikadaas kor ku qoran raadineyno sabata ay sidaas u yeeshay in aan qaybtaan ka dhignay mid la akhrin karo oo keliya.
Fadlan inta sharafta leh ee qoraalada xorta isku dhaafsan jirey halkan noo dulqaata inta aan arinta xalineyno.
Mahadsanidin
Saxiixa dhanka midig ee sare ka eeg
(Login doodfuran)Forum Owner, intaas ayaa saxiix ah ee magac lagu saxiixo magac uma ahan maamulka forumka.
This message has been edited by doodfuran on Jan 30, 2003 6:26 PM
|
|