Golaha Fulintu wuxuu u taagan yahay ama u dhigmaa Madaxtooyada Dawladda Dahsoon ee Soomaaliya. Halkan waxaad tahay Mudane iyo Marwooyin Hoggaanka Soomaaliyeed ee Fulinaya rabitaanka dadka oo ay masalayaan Golaha Xeer Dejinta iyo Hoggaanka iyo Maamulka Gobalada. Haddoo adiga laguu doortay xilkaa adag ee Guddoonka Golaha Fulinta ama Madaxtooyada qaranka waxay ummaddu kaa filaysaa in aad u sheegto hanaanka xukunka iyo barnaamijyada ee dalka ku hoggaaminayso inta aad xilka hayso.